Maxaa hoos u dhigay hanka dhallinyarada Soomaaliyeed? W/Q: Ramla Gobdoon

Ramla

Maxaa hoos u dhigay hanka dhallinyarada Soomaaliyeed?

 

Si loo xalliyo, dhibaatooyinka faraha badan, ee dalka ka dhacay, welina ka jira, waa lama huraan, in la helo; dhallinyaro wax baratay, oo dhinac walbo ka dhisan. Dalka waxaa ka jiro goobo badan, oo wax lagu barto, in kastoo waxbarashada dalka eysan eheyn mid billaash ah, haddane, waxaa jiro dhallinyaro badan, oo ey u suurtagashay, iney wax dhigtaan. Ma ahan kuligood, balse, badankood. Dhallinyarada ka soo carartay dalka, ee dibadda ku nool, wey ka xaalad fududyihiin kuwa dalka ku haray, oo ayaga ma heli karaan, wax ey ku marmarsiyoodaan, si eysan wax u baran ama u yeelan mustaqbal sarreeya.

In kastoo dadka badi ey ka deyriyaan nolosha qurbaha, haddana, qofkii dadaala, isla markaana ey ka go’an tahay, in uu meel ka soo baxo, waa karaa. Arrinta la yaabka igu dhalisay, cinwaankana u ah qormadeyda, jawaabtana u baahan ayaa ah, waxa dhalliyarada qurbaha ku nool u diiday, in ey la tartamaan qolyaha dhulalkan u dhashay ama u soo qaxay, maadaama ey helayaan xuquuq isku mid ah?

Si kale, u dheh; maxay tahay sababta ka hortaagan, in ay wax ka bartaan dalalkan ay u soo qexeen, halka la helayo dadyow kale, oo ay isku mar soo galeen, oo heer aqooneed, oo fiican gaaray? Ogow, dalalkan badi, waxbarashadu waa bilaash, haddana, midda aan garan waysanahay, ayaa ah, waxa dhallinteenna u diiddan, in ay waxbartaan?.

Aniga iyo dhallinyaro kaloo badan, ayaa waxaan la kulannay, qolo ka soo qalin jebisay, jaamacad ku taalla dalkan aan ku noolahay, waxey noo sheegeen waxyaabo kala duwan, oo la baran karo, ka dib ayey na weydiiyeen, waxa aan rabno inaan noqonno, oo aan ku shaqeysanno mustaqbalka dhow, inta badan dhallinyaradi waxey doorteen shaqooyin fudud, oo gacanta lagu sameeyo, una baahneyn in jaamacad loo galo.

Anoo la yaabban ayaan weydiiyay, sababta ey u dooran waayeen in jaamacad ey aadaan. Jawaabtoodu waxey u badneyd, dhibsasho ey dhibsanayaan, sanadaha dhowrka ah, ee jaamacadda la dhiganaayo!

Mid saaxiibkey ah, oo aan isku koox eheyn, ayaa wuxuu doortay inuu barto “Cilmu-nafsiga”, markaas waxaa u yimid mid ka mid ah, qolyihii aan la kulannay asoo leh “In aad farsamo baraneyso ayaan mooday, balse, hankaagu wuu sarreeyaa”.

Hadalkaas wax la yaab ah naguma yeelan, sababtoo ah waxaa batay, tirada inta rabto iney noqoto, Taksi/Bas wade, farsama yaqaan, kuwo ka shaqeeya nadaafadda, qolyaha caawiya dadka gaboobay iyo xirfado kale, oo aan darajo weyn laheyn, balse, nolol iyo lagu soo saaro biil.

Waxaa la dhahaa, “Dal waxaa dhisa ama dumiya dhallinyaradiisa”, haddii kuwa dalka jooga eysan heleyn waxbarasho ballaaran, kuwii dibadda yimid, oo heli kara wax walboo suurtagala, misna billaash ah, uu hankooda hooseeyo, sidee dalka loo dhisaa, oo jahliga looga baxaa?!

 

W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN