Maxaa keena yaraanshaha biyaha labada webi ee Jubba iyo Shabelle?

5512_10208143897891266_3286904772881565167_n

Maxaa keena yaraanshaha biyaha labada webi ee Jubba iyo Shabelle?

 

Biyo yarida Joogtada ah ee qaybo badan oo kamida dhulka Soomaaliya waxay noqotay dhibaato aan dhamaad lahayn. Dalku wuxuu ku yaalaa dhul oomane ah oo ay biyo la aan baahsani ka jirto, dadka ku noolna ay aad u kala firirsanyihiin. Baahida biyaha ee bulshada ku nool Soomaaliya waxay had iyo jeer ku daboolaan biyo ay ka soo saartaan ilaha biyaha, dogashada biyaha roobka, ceelasha dhow iyo kuwa aadka u qotada dheerba. Khayraadka biyaha sare ee Soomaaliya waxay ku badanyihiin dhulka ku teedsan labada webbi ee Juba iyo Shabelle oo ka soo alkuma wadanka Itoobiya iyagoo dhex mara koofurta Soomaaliya ilaa ay ku darmadaan Badwaynta Hindiya. Laakiin nasiib darro, inta lagu guda jiray dagaaladi sokeeye ee bilowgii shagaashanaadka, shabakadaha cimilada la socda iyo saldhigyada laga kormeero kororka biyaha webbiga, ayaa gabi ahaanba bur buray, taasoo horseeday in ay meesha ka baxaan shabakahadahaas. Intaa waxaa sii dheer, shabakahada qaabilsan qaybinta biyaha, iyo waraabka ee jiray xiligii burburka kahor ayaa iyaguna noqday kuwa aanan shaqayn ama gebi ahaanba burburay.

Mugga guud ee biyaha dhex mara webbiga Jubba waxay aad uga badanyhiin kuwa webbiga Shabeelle. Tusaale ahaan, Celceliska sanadlaha ah ee biyo socodka webbiga Jubba ee degmada Luuq qiyaastii wuxuu u dhaxeeya 100-340 m³/s, oo u dhiganta xaddiga sannadkii 3.15-10.7 bilyan oo mitir oo saddex jibbaaran (BCM). Dhanka Kale, Biyo scodka webbiga Shabeelle ee Belet-weyne isna qiyaastii wuxuui u dhaxaeeyaa 50-150 m³/s, oo u dhiganta 1.58-4.73 BCM sanadkiiba. Inkastoo webbbiga Shabelle uu leeyahayay biyo qabtinad aad u wayn (108,295 km2) markii loo fiirsho kan Juba (64,000 km2), hadana biya socodka Jubba wuxuu sdeex jibar ka badanyahay kan Shabelle. Sababtuna waa roobabka sanadlaha ah ee ka da’a qaybta sare ee galka Jubba ee dhanka Itoobiya ayaa aad uga badan kan Shabeelle. Waxaa intaa dheer, biyomareenada ama toggoga ku yaal halka uu ka soo bilaawdo webbiga Jubba waxay ku yaalaan dhul dhagaxdiisu aad u adagtahay oo aysan biyu awoodin in ay dhulka si sahlan u galaan, halka dhagaxda hoos jiifta webbiga Shabelle ay yihiin kuwa jilicasan oo u sahlan biyuhu in ay dhulka galaan. Waxa kaloo xiiso leh in la ogaado in biyaha labada webbi ay sii yaraanayaan markii la aado dhanka Badwaynta Hindiya.

Celceliska sanadlaha ah ee la diiwaan galiyay ee biyo socodka webiga Jubba ee Luuq intii u dhaxaysay 1963 ilaa 1990 iyo biya socodka webbiga Shabeelle ee Beled-weyne, waa 186 m3/s iyo 81 m3/s, siidey u kala horeeyaan. Sidoo kale celceliska sanadlaha ah ee biyaha dhex mara webbiga Jubba ee Jamaame iyo Shabeelle ee Awdhiigle, oo labuduba ku yaal xaga hoose ee biyo fariisadka Jubba iyo Shabelle, waa 168 m3/s iyo 45 m3/s, siday u kala horreeyaan. Hoos u dhaca biyo socdodka waxay cadaynaysaa in labda webbi aysan biyo kaalmo ah ka helin biyaha dhulka hoose jiifa ee qaybta dhulka oomanaha ee dhaca dhanka Soomaaliya ee galka labada webbi. Yaraaanshaa biyo socodka wuxuu kaloo tilmaami karaa in leexsashada joogtada ah ee biyaha webbiga ee loo isticmaalo waraabka inta lagu guda jiro xiliga biyo yirada webbiga, ayaa waxay ka badatay biya socodka mara dhulka dushiisa iyo hoostiisaba ee qayb ka noqon lahaa labada webbi. Intaa waxaa sii dheere, uumi-baxa sanadlaha ah (1500-2000 mm) ee galka Juba iyo Shabeelle aad ayuu u sareeyaa , sidaa darted , hoos u dhaca ku yimaada biyo socodka ee qaybta hoose ee galka Jubba iyo Shabelle wxaa sidoo kale qayb wayn ka qaata uumi-baxaas sareeya. Waxaa Xusid Mudan in iyadoo ay tirada roobka dalkeennu aad u yar yahay ayaa haddana in ka badan 95% ay biyaha roobka ee ka da’a dalkeennu dib ugu noqdaan/uumi-baxaan hawada kuleylka dartiis. Waxaa sidoo kale keeni kara yaraansha Biyaha Labada Webbi, in biyo socodka webbiyada ay hoos u galaan jenbiyada webbiga ama dhulka hoostiisa iyagoo qayb ka noqda biyaha jiifa dhulka hoostiisa.

Si Kastaba Ha ahaatee, Biyo-yarida dabiiciga ah ee ka jirta Dalkeena waa arrin la xiriirta cimilada iyo gobolka uu ku yaal. Hayeeshe biya-yarida ka dhalata sababo la xiriira kuwa aanan dabiici aheyn sida tirada sii-kordheysa ee dadka, si qaldan u isticmaalidda kheyraadka biyaha, qorsha-xumida horumarinta biyaha iyo qarash la’aanta dhinaca maalgelintii loo baahnnaa ayaa intaba ah kuwa Qayb ka qaata biyaha sii yaraanaya ee webbiyadeena. Dhanka kale, Tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Somalia sanadii 1991, Carrada ama ciida dhex ceegaagan webbiyadeenu waa sii badanaysay taasoo qayb ka qaadata in xadiga biyaha uu qaadi karo webbigu uu yaraado islamarkaana soo dadajisa in biyuhu guraan ama si aada u yaraadaan. Xiliga hada lagu jiro oo ah xiliga Jiilaalka waxaa yaraaday roobabka ka da’a Dhanka Itoobiya ee biyo-qabatinada Juba iyo Shabeelle taasoo qaybta ugu wayn ka qaadatay yaraanshaha biyaha dhexmara labada webbi ee dhanka Soomaaliya. Laakin waxaa hubaal ah in dhanka itoobiya ee webiyada wax iska badaleen waayoo abaar kasta oo dhacda webbiyadeenu sidan uma guri jirin. Waxaa iyana xusuid mudan in la tilmaamo, jaridda xad-dhaafka ah ee dhirta iyo xaalufinta dhulka waxay dhaliyeen in keymuhu yaraadaan iyo in uu sii bato dhulka lama-degaanka ah ee dalka ka jira.

Gebogebadii, biyaha waraabka ee koonfurta soomaaliya waxay ka yimaadaan webbiyada Jubba iyo Shabeelle kuwaasoo ka soo farcama buuraleyda sare ee Itoobiya. Laakiin, dhibka haatan jira ayaa ah in dhanka galka Jubba iyo Shabelle ee Itoobiya laga dhisayo biyo xireeno u jeedkoodu yahay in la kordhiyo helitaanka biyaha waraabka si loogu isticmaalaha beerashada suufka. Waqtigan xaadirka ah, waxaa jira mashaariic waraabineed aan badneen oo laga hirgeliyay qaybo ka mid ah dhanka Itoobiya ee galka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhaqaaqyo qorshaysan oo ay damacsantahay dawladda Itoobiya si ay u dhisaan biyo-xireenno ku shaqeeya korontada oo laga dhiso hareeraha webbiyada Jubba iyo Shabeelle si loo helo awood koronto. Laakiin, waxaanan shaki ku jirin in qorshahan ay wadato dowlada Itoobiya uu dhimi doono biya helida qaybta hoose ee galka Jubba iyo Shabbele (ee koonfurta iyo bartamaha soomaaliya). Sidaa darteed, waa laga maarmaan ah in la helo habab iyo farsamooyin dhiira gelinaya in dowladaha Soomaliya iyo Itoobiya ay gaaraan heshiis looga gol leeyahay maamulida kheyraadka biyaha ee galka Jubba iyo Shabeelle guud ahaan.

 

WQ/ Abdulkadir Moallim Abdi Gure (Shakir)

La taliye dhinaca cilimiga Haydaroolajiyada iyo kheyraadka bBiyaha.

engshaakir@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.