Maxaa loogu Gafaa kuwaan Gayin? W/Q: Cabdalla Weli

11219015_919682931418888_4974596606334226586_n

Maxaa loogu Gafaa kuwaan Gayin?

Gumaystayaashii Soomaaliya soo maray ee Talyaaniga iyo Ingiriiska  ka hor dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen dad reer guuraa ah oo diinta Islaamka barta caruurtoodana bara waxaana ay aad u qiimayn jireen oo meel wayn kaga yaallay in ay ilaaliyaan  culimada oo hormuud u ahaa ayna dhici jirin in uu qof ka daba hadlo. Waxa ayna ka baran jireen Qur’anka, kutubta Diiniga ah, iyo hab-dhaqankooda suubban ee ku salaysan ku dhaqmidda diinta islaamka .

Gumaystihii markii uu yimid dadkii Soomaaliyeed ee ka hor yimid waxaa wada hoggaaminayay Culimada waxaana tusaale kuugu filan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sheekh Bashiir,  Sheekh Xasan Barsane, Sheekh Daa’uud, IQB  Raggan ayaa waxay ahaayeen dad  Diinta aad u yaqaanay laguna karaamayn jiray dadkana ku hoggaamin jiray.

Qoraalkaygu farriinta uu xanbaarsanyahay waxay ku socataa dad maalmahan danbe caadaystay in afkoodu uu ku soo noqnoqdo Culimada oo wixii ay yiraahdaanba intay makarafoonno ka daba qaataan hadallo aan loo meel dayin dadka u sheegaya iyagoo culimada ka dhigaya niman khaldan, dadka noocaas ah waxaa hor kacaya dad sheeganaya aqoonyahanno  waddanka dibaddiisa ka yimid iyagoo wata afkaar kala duwan.
Waxaa iyana jira dhallinyaro ay da’dooda u dhaxayso 20—35 jir  oo intay meherado iskugu yimaadaan maantoo dhan ka sheekaysanaya Culimada, oo ku tilmaamaya kuwa dantooda uun Diinta ka fiirsada, ogow dhallinyaradaas culimada  ay wax ka sheegayaan waa kuwii baray aqoonta yar ee ay ku dhaleecaynayaan oo ay isugu haystaan in ay ka aqoon badan yihiin.

Culimadu waxa ay leeyihiin xurmo gaar ah oo aysan lahayn  dadka kale  Nabiguna SCW wuxuu yiri  (العلماء ورثة الأنبياء  ) (Culimadu waa dhaxalka Nabiyada) Xaddiiskaas waxaa laga dhadhansan karaa in aysan jirin cid culimada lala meel dhigi karo iska daa in wax laga sheegee.

Culimadu inagama mudna aflagaado cay iyo wax aanay  gayin, qofkii ku dhiirada arintan waa qof ku talo galay gaf uu ka galo Diinteenna suuban  taas oo ah arrin aan sahlanayn dhibkeedana leh adduun iyo aakhiro.

Haddaba walaal Way jiri karaan dad Culimada ka tirsan in ay khaldamaan ama dad aan Culimo ahayn ay sheegtaan Culimo sababta oo ah ma khaldame waa Allaah, iyadoo khaladkaas laga faa’iidaysanaayo ma ahan in magaca Culimada la dhaleeceeyo ee arrintaas ha loo dhugyeesho.

Abdalla wali

Awliyoo21@gmail.com

SHEEKOOYIN