MAXAA MAYDKA LOO AMAANAA?! WQ/Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

MAXAA MAYDKA LOO AMAANAA?!

Waligaa ma aragtay Mayd inta dhintay Ceebtiisa la sheegayo? jawaabta in ay  u badantahay maya ayaan filayaa waana wax ka caadi ah waayadan dambe Dunida in Qof marka uu dhinto mudnaan uusan Nolosha ku mutaysan la huwisiiyo ama loo saariyo.

Dunidii hore ma ahayn sidaa, Qof walba marka uu dhintana waxaa soo daahiri jiray ama soo ban bixi jiray Xumaan iyo Wanaag waxa uu ku lahaa Dunida, sidaas ayaana marka Qabriga loo wado lagu sheegi jiray waxa uu yahay,  tusaala yar haddaan soo qaato waxaa jiray Xadiis ka hadlaya in Maalin Rasuulkeena csw la soo ag marshay Laba Mayd ah oo mid walba marka meesha la marinayay Dadku ay tilmaamayeen xumaantiisa iyo wanaagiisa Rasuulkuna uu lahaa way u ahaatay micnaha qof walba tilmaanta la huwiyo ayuu yeelanayaa, marka qof dhintay oo amaan uusan dunida ku lahayn la huwiyo wax ay usoo kordhinayso ma jirrto.

Xumaan iyo wanaag qofka waxa uu leeyahayba Nolosha Dunida ayaa lagu kala gartaa, qof walbana dhaqankiisa ayaa lagu xukmiyaa, balse, waxaa su’aal ka taagantahay Dadku mar walba xukminta dhabta ah ma xukmiyaan, micnaha waxa qofku ka mudan yahay ma siiyaan xiliga uu ugu baahida badan yahay?

Jawaabtaas aniga aan ku hor maro, waxaana leeyahay waa iska xaalka dunida qof walbana Nolosha dunida waxa uu u qalmo kuma helo, marka Qabriga la geeyana isla saacaddahaas kooban wuxuu Dadka ka helaa wax uusan ka helin xiligii uu ugu baahida badnaa ee nolosha,  ha ahaato amaan ama Xoolo la dul dhigo Maydkiisa iyo siyaabo kalaba.

Hadaba aniga oo ka duulayo Cinwaanka Qoraalkeena ee ah maxaa Maydka loo amaanaa? ayaan rabay in aan sadex Qiso oo kala duwan hadana aan soo koobayo aan ku qaadaa dhigo halkan, aniga oo idin ku tusaya sadexdan qiso Su’aasha aan jawaabteeda ku hor maray ee kor ku xusan.

1 Soomaalia waxay ahayd Dal dhisan oo dadka markaa ku noolaa ay sharaf iyo xilkisnimo wax walba oo wanaag ahaa oo markaa la gaarayna mudnaanteeda ay lahaayeen dadkii markaa noolaa, hadana inkastoo ay tahay  dhaxal la iska dhaxlo  waxaa mudan in la wada xuso xumaan iyo wanaag dadkaa wixii ay lahaayeen.

Marka wax lagu qiimeeyo xaaladda aan maanta ku jirno waxay mar walba u badantahay in aan dhanka xumaanta wax ka eegno oo Dadkeena iyo Dalkeena aan wada liidno, eeddana aan wada saarno Dadkii naga horeeyay, hadaba taas ma tahay mid mudan in sidaa la yeelo? Dadkaase ma yihiin kuwa mudan eedda iyo xumaanta aan maant u tirinayno in ay ka mas’uul yihiin wax walba oo maanta nagu dhacaya.

Sida caadiga iska ah qof walba waqti ayuu ku leeyahya maaraynta noloshiisa dunida, sida uu markaa ugu noolaadana Macaan iyo Qaraar isaga ayaa dhadhansha, dhaxalka dambe uu reebayana waa mid isaga xil ka saaran Macaan iyo Qaraar, taasna waa mid uu u madax banaan yahay qasabna ma ahan in uu ka tago dhaxal wacan ama xun ama dhaxal oo dhanba.

Hadaba Dalka Soomaalia xaaladda uu hadda ku sugan yahay ma ahan mid lagu amaani karo, hadana mararka qaar waxaad arkaysaa in amaan meel ay ka timid aan la aqoon lagala dul dhacayo iyada oo la leeyahay sidaas ayaan ahaan jirnay, ma Injirey ayaa na gumaysan jirtay mise sanka dhuudhi? ama wax barasho lacag la’aan ah dalkii ugu horeeyay ee hirgalsho Africa ayaan ahaan jirnay, waxaas oo amaan ah marka lagala dul dhacayo Dalkan mala is waydiiyay maanta xaaladda lagu sugan yahay?

Soomaali dadkeeda haddii ay ahaayeen kuwa wanaag jecel ama wanaaga iska dhexla maanta xaaladda lagu sugan yahay mala gaari lahaa?  jawaabta yar ee aan meeshaas ka bixinaya ayaa ah  “maya” maxaa yeelay, dhaxl wanaagsan iskagama tagin dadkeeni waqtigaas joogay, wxiii ay nagu abaabsheen ama nooga tageena wuxuu noqday waxa maanta aan dhex joogno sida la rabo ha lagu tilmaamo, marka meeshaas waxaan ka  dhihi lahaa Maydka maxaa loo amaanaa?

Soomaalia waa hore ayay dhimatay, wanaaga iyo amaanta lala dul joogana xilli ay mudnayd ayaa jira ee xilligan ma ahan, marka maanta Soomaaliyada dhimatay amaan ma u qalantaa? Halkaas ayaan qodobka koowaad uga baxay.

2 wuxuu ahaa Nin aan aqaano aadna u wanaagsanaa Maskiina iska ahaa, iskana tabar darnaa, waxa aduunka uu ugu jeclaana waxay ahayd in uu baahida Ilmihiisa iyo asigaba ay ku jireen uu Xal u helo, haddda ninkaas aan tilmaamayo Walaalihiisa la dhashay waxay ku socdaan Baabuurta ugu dambaysa Dunida, Gurya Qurux badana waa kasoo toosaan subax walba, galbihiina waxay ka shaahaan meelaha ugu qaalisan  Magaalada.

Wuxuu ahaa walaalkood ka wayn, aad ayuu u jeclaa Walaalhiis ayaguna nacayb xun uma qabin, balse waxay ahaayeen kuwa mar walba is tusiya heerka Noloshiisa iyo kooda in uusan isku qalmin, mararka qaar wax waa u tuuri jireen, balse, ma ahayn waxaas wax ku filan isaga iyo Qoyskiiba, wuxuu is qarshaba kana meer meersado walaalhiis in uu wax waydiisto, maalintii dambe toos ayuu ugu sheegay in Ilmaha dabka ka dansan yahay xaalkuna uusan wanaagsanayn isaguna uu xanuunsanayo xanuunka uu xanuunsanayo waa xanuun Gaajo umase sheegin iyaga, midda qoyskiisa ayaa kala wayneed.

Waxaa dhacday in  hadalo uu ka naxo uusana ka mudnayn ay qaarkood kula hadlaan, xitaa kuwa kale oo la qaraabo ahaa ilma adeerna la ahaa  ay sidoo kale ugu jiir xumeeyeen, wuxuu Ninkaas noqday Nin dadkiisa aan ka helin naxarista iyo wixii Qaraabonimo uu xaq ugu lahaa, mar walbana wuxuu ahaa mid aan ku dhex lahaan jirin wax amaan ah Qoyska uu markaa ka dhashay Duruufaha nololeed ee haysta awgood.

Waa yaab Qofka shaqsiyaddiisa ama waxa uu yaahay mararka qaar waxaa badala Duruufaha noloshiisa, dabcan dhab ma ahan middaa, balse, waxaan ula jeedaa sida Dadka qaar ay aaminsan yihiin, hadii aad tahay qof wanaag u dhashay balse xaga dhaqaalaha aan heer fiican ka joogin, markaa dadku waxay kugu nisbayn karaan in aad tahay qof aan mudnaan lahayn hadda wanaagaaga iyo wixii aad u dhalatay waxaa markaa wax kama jiraan ka dhigay Duruufaha dhaqaale ee markaa ku haysta, balse, dhabta Nolosha marka laga hadlayo sidaa maahan, Qof walba wixii uu ahaa wuu ahaanaya macna masoo kordhinayso xaaaladaha adag ama wanaagsan ee Noloshu kuula timaado.

Aan ku laabto sheekada Ninkii isaga ahaa ee Maskiinka dhaqaala darrada iyo Duruufa Caafimaad lasoo darseen, maalintii dambe ayay naftu qabatay, Suuqa waa Bakaaraha, Dad aan Qaraabadiisa ahayn dhexdooda ayay Naftu ku dhex qabatay, inta aysan ka bixin ayuu  erayadan ku qoolay “dhaqaala  darro ayaa shaqsiyaddii aan ku lahaa dadkayga badashay, waxaan noqday Qofka aad maanta aragtaan, balse, waxaan idiin sheegayaa marka aan dhinto in amaan la ila dul taagnaan doono, maantana amaantaas maalin aan ka mudanahay ma jirto,  waxaa taas iisii dheer maanta in aan Gaajo u dhimanayo oo saacan aan idinla hadlayo waxa u sababta ah in aan sii Naf baxo in ay tahay Gaajo, midna iga qora, waxaa jiri doonto in maalinta Tacsidayda ay noqoto ilaa usbuuc lagu cuno Hilib iyo Bariis aan maanta la’ahay Cid iiga baahi badana aysan jirin maanta,waxa maanta la ii quuri waayayna aan yeelan doono Barri markaad I xabaashaan, aniga oo wax Ixsaan ah aan uga hayn, idinkana ka digtaanaada in aad kula dhaqantaan sidaas dadkiina, Qof walba waxa uu yahay ha lagu sifeeyo xumaan iyo wanaag iyada oo aan loo eegayn Duruufaha noloshiisa”.

Sidii ayuu ku naf baxay, dadkii markii ay isugu yimaadeen Xabaashisa ayaa lala kala baxay in la dhaho Hebel wuu wanaagsanaa, Ninkii wax ku lahaa anaga ayaa u diyaar ah in aan bixino dayntiisa, Tacsidiisa iyo Fiddowgiisa waxay socon doonaan Todobaad, qof walbana waa kusoo dhawaan karaa, dadkii markaa joogay goobta oo qaarkood Marqaati ka ahaa Dardaarankiisa ayaa markii Maydka la xabaalay kadib ku yiri walaalihiis “Hebel xaqii uu idinka mudnaa ma aydaan siin, Gaajo ayuu u dhintay, idinkana waxaa ku baaqaysaan in todobaad la hilbayn doono, amaanta aad maanta dul dhigteena Duniduu ku mudnaa, hadda wixii uu shaqaystay ayuu helayaa ee maxaa u amaani wayseen xiligii uu idinka mudnaa?maanta uu mayd yahay maxaad u amaanaysaan? maxaase u baahi tiri wayseen inta uu gaajada u dhiman?” waa su’aal kale oo aan kusoo gunaanadayo Qodobka maxaa maydka loo amaanaa? waxaana u guda galayaa qodobka sadexaad.

3 Ninkan ma ahan Soomaali waa Kenyan, wuxuu ahaa Beeraley, waxaa si lama filaan ah ugu dhacay Xanuun uu muddo la jiifay isbitaal, 4 sano ayay qaadatay in uu xanuunkaa la galo isbitaalka kenyaata, dadkiisa sida ay maalin walba usoo booqan jireen waa lagu daalay ilaa markii dombe uu waayay wax u yimaada xitaa xaaskiisa marka laga reebo Gabar uu dhalay oo dul taagnaan jirtay oo iyadu sidii ay u dul taagnayd malaintii dambe iyada oo is leh bal xaafadda tag ee kasoo laabo dhexda Mooto ku kala jartay.

Dalka kenya sida badan Dadku waa kuwa la dhibtooda bixinta Qarashaadka iskoolka iyo daawooyinka isbitaalada, sidaa darteed maadaama Ninkan uu afar sano ku jiray isbitaalka waxaa batay qarashkii isbitaalka qof ka bixisana wuu waayay.

Nasiib wanaag iyada oo laga quustay noloshiisa ayuu si lama filaan ah u caafimaaday, balse, waxaa dhib ka qabsaday qaabkii uu isbitaalka uga bixi lahaa maadaama qarash badan lagu soo dallacday isaguna uusan bixin Karin.

Wuxuu ahaa Nin caqli badan, wuxuu go’aansday in uu isitcmaalo Caqli cajiib ah, wuxuu la heshiiyay dhaqtarkii daweenayay wuxuuna ku yiri “ditoore waad ku mahadsantahay sida aad iila soo tacaasheen muddadan fog naftaydana aad u bad baadiseen aakhirkii, hadana waxaan jeclaystay maadama xalku nagu adkaaday, idinkana aad doonaysaan Biilkii daawadiina, anigana aan doonayo in aan Dunida dib ugu laabto oo dhaqdo Xoolahayga iyo beertayda, hadana meel aan wax ka keeno ma garan karo, balse waxaan ku leeyahya dadkeena qof baahan ama qofka nolosha ka mudan wax ma siiyaan, ee waxay wax siiyaan Qofka  dhinto ayaga oo xoolo badan  u qala, qarash badana ku bixiya sidii loo asturi lahaa Maydkiisa Duugis fiicana uu u heli lahaa”.

Dhaqtarkii ayaa inta yaabay ku yiri “waa maxay qorshahaaga iyo waxa aad damacsantahay?

Si dagan ayuu ugu jawaabay markaas ayuu ku yiri “waxaan doonayaa in aad hesho Lacagta aad igu dawaysay, anigana aan ku tusiyo in dadkeena aysan qiimo ka lahayn agtooda Qof Nool ilaa qof dhinto mooyee, marka waxaan rabaa maadama la I dayacay, dadkaygina ay I wada naceen in aad dhahdo Hebel waa dhintay, ilaa la baxsho lacagta isbitaalkana cid maydkiisa arki karayso ma jirto lamana qaadi karo, haddii kale maydkiisa isbitaalka ayaa la wareegaya oo Ardada Jaamacadaha ayaa ku bar baranayso.

Lacagta markaa lagu soo dalacday isbitaalka waxay ahayd lacag dhan 6 milyan oo u dhiganto markaas 65kun oo Doolar, wuxuu ku daray hal milyan oo kale oo uu gaarsiiyay lacagtii ilaa 7 milyan halkas milyana wuxuu ku shegay in uu isagu sahay ka dhiganayo oo uu wax ku bilaabanayo .

Fikirkii lama xumaan dhaqtarka aad ayuuna ugu riyaaqay maadama ay tahay jaanis dib loogu heli karo lacagta isbitaalka uga baxday Ninkan maskiinka ah, waxaana dhacday in la war galiyay Qaraabadii uu lahaa Ninkan loona sheegay in uu dhintay lana doonayo in ay qaataan meedkooda, balse, shardi looga dhigay in ay baxshaan Biilka isbitaalka, sidii ayay ku ogolaadeen kuna aqbaleen in ay baxshaan Biilka isbitaalka, maalinta ay maydkooda qaaadan doonaana waa soo sheegaynaa ayay dhaheen.

Wax aan dhamayn usbuuc ayay ku baxsheen lacagtii isbtiaalka 7 da milyan ahayd, waxayna dhahen oo codsadeen in la tuso maydka, isla markiiba abaabul hora loo qorsheeyay ayuu ahaa, hebelkii inta la dhex galshay Firinjeer ayaa sanka iyo dhagaha laga glashay Suuf la yiri waa kanaa arka, sidii markii ay ku arkeen oo xoogaa ku dul ooyeen ayay dhaheen Maalin hebel ayaan qaadanaynaa inta ka sokoaysa noo sii haya.

Haye ayaa la yiri, kadib waxaa la gaaray maalintii la qaadan lahaa maydka ayaga oo isi soo diyaarshay, hebelna subaxaas inta si fiican u quraacday ayuu isku diyaarshay in uu dhex galo Santuuqa, maadama tuulada loo qaadayo aysan ka fogayn isla magaalada Nairobi safarkuna uu yahya mid ka yar 30 daqiiqo.

Sidii ayaa dhacday laguna qaaday ninkii, markii Xaafadda la tagaynay waxaa meesha ku diyaarsanaa wixii la cuni lahaa oo markaaba cunidda lagu bilaabay, sadex Dibi waa lagu qalay meesha, waxaa kaloo lasoo diyaarshay Nin sheekhooda ahaa oo markaa meesha Dadka ku wacdinayay iyo Nin kale oo markaa qaabilsanaa amaanta hebelka dhintay oo kaliya, iyo Dad gaaray ilaa 400 Qof oo meesha isugu yimid, si hebel loo sagootiyo Godka meesha looga qodayna waxay ahayd beertiisa xageeda.

Sida caadada u ah Dadka Kenya, maydka inta aan la duugin Santuuqa ayaa laga feedayaa oo wajigiisa ayuu qof walba taaabanayaa maca salaama ahaan, intii qudbaddii aamaanta socotay ayuu hebelkii dhintay inta Santuuqa kasoo baxay soo dul istaagay Goobtii lagu amaanayay, isla markiiba meesha waxaa ka dhacay buuq iyo kala carar sababay in Dadka qaar ay is dhaawacaan.

Hebelkii dhintay isla markiiba Makarfoonka ayuu qabsaday isaga oo oronaya amaanta aad maanta I huwiseen ma lihi, wax badan oo la igu sheegayna ma ihi, waxaan ahaa Maskiin idin ku dhex nool oo beeraley iska ah, intaas ayaan xanunsanaa, waad iga kala tagteen xitaa xaaskayga iyo caruurtayda qaar, dhamaantiin waad ku mahadsantihiin sida dhimashadayda aad ugu dabaal dagteen, Hilibka iyo qarashka aad bixiseena waad ku mahadsnatihiin, aniga ma dhiman waa noolahay waa Ikanaa, isla aniga ayaana ka dambeeyay in aan dhimasho isku sheego, maxaa yeelay waxaa la waayay Qof iga bixisa biilka isbitaalka.

Waad ku mahadsantihiin sida aad dhimashadayda ugu gurmateen noloshaydana uga kala cararteen, haddaan ogaan lahaa in dhimashada wax la idin kaga helayo mar hore ayaan is dhinsiin lahaa, haddase waan ogaaday in kiina idinku dhex nool uusan qiimo lahayn, kan dhintana maalma kooban uu malaayiin uusan ixsaan idinkaga hayn aad ku dul farraqaysaan.

Mararka qaar wax lagu heli waayo Nolosha in lagu helo dhimashada ayaa dhacda waana tanoo kale, waligey kuma riyoon 7 milyan in aan helayo aniga oo Nool, maantana aniga oo dhimasho isku sheegay ayaan idinka helay, kaaga daranee amaanta qaar aad igu sheegayseen ma lahayn mana u dhalan, wax badan oo aanan suubin oo wanaag ahna waad ii tirinayseen, hadab, aniga ayaa ka marqaati ah in Maydka ka mudnaan badan yahay Noolaha markaas idinku dhex nool.

Maydka maxaa loo amaanaa waa idin su’aalay? waxaan filayaa jawaabtaas in aad ii heshaan waa idinku adagtahay ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday, hadaba inaga oo Aadane ahaan u hadlayno waxaanu ka wada simannahay waayadan in Maydka la amaano, Maskiinka Baahida haysana Muran iyo Murugo la dhaxalsiiyo.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN