Maxaad naga soo doontay! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Maxaad naga soo doontay!

Eva waa macallimaddeyda, ma ahan qof isla weyn mana ahan sida dadka qaar ee ay caddaannimadu madax martay, waa macallimad kalsan oo laab furan. Wax badan ayey la kaftantaa ardaydeeda, anigase si gaar ah ayaan doodda u wadaagnaa, malaha ardayda ila dhigata dugsigeeda ayaan ugu af- aqoonsanahay. Ardayda ay wax barto waxay isugu jiraan dad ka soo kala jeedaan ilaa 4-qaaradood. Haddii aan tilmaamay afar-qaaradood, waddamaduna waa ay tiro badan yihiin, balse, aniga iyo wiil kale ayaa soomaali ah. Bulshada aan waddankooda ku noolahay ee Iswiidhanna (Sweden) macallimadda kaliya ayaa naga la joogta.

Dugsigu waa uu qeyba badan yahay, balse, markaan waxay nala gashay inaan doodno, dooddana aan ku salaeyno, qof walba waddanka ay ka soo jeeddo dhaqaalihiiha keydka ah ee haddii loo koba illado la soo saari karo si loogu noolaado, bulshadana loogu adeego.

Dooddii ayaa la guda-galay, qof walba waxay ka hadashay wixii ay waddankeeda ku tuhmeysay oo keyd maaliyadeed ah dedan iyo daalacan labadaba. Sida caadada ahba macallimaddii ayaa doodda iyo xog-warranka billoowday, isla markaana waxay ammaan iyo abla-ableyn ugu dhaqaaqday waddankeeda. Been kama aysan sheegin oo runta ayey ku tiiqtiiqsatay. Kolka ay kheyraadka waddankeeda ka sheekeynaysay aadbeey ugu riyaaqsaneyd, annaguna waan u jiibineynay, maadaaa aan ognahay inaysan been ku lammaanin. Macallimaddii, waxay tiri: dalka Iswiidhan (Sweden) kheraadkiisa guud waa labo wax. Labadaas oo kala ah:

  1. BIRTA: Dalkeygu wuxuu leeyahay bir, waxaana laga helaa ama laga qodaa hal magaalo oo kaliya ee dalka oo idil lagama helo. Magaalada birta laga qodo gobalka ay ka tirsan tahay, ma jirto magaalo kale oo la wadaagta waddanka intiisa kale iskaba daaye. Sidaas ayey tiri: Eva.

  2. GEEDAHA: Geeduhu waa kheyraadka labaad ee waddanka Iswiidhan (Sweden) uu leeyahay. Waddanku gebigiisaba waa keyn iyo howd. Magaalooyinka gudahoodu xitaa waa keyn jiq ah. Ma ahan geedo iskood u baxay ee 95% waa geedo la abuuray. Geedka ugu badan ee waddanka ka baxa waa geedka loo yaqaanno showri ama geed alwaax. Soomaaliya waa uu ka baxyaa, balse, kuma badano oo waa dhif iyo naadir. Soomaaliya wuxuu si xad-dhaaf ah uga baxyaa magaala xeebeedka Cadale, meelo kalena kuma arag, waase laga yaabaa inuu ku yaallo. Geedkaan Iswiidhisku waxay ku qabaan leg iyo laguug ( malyan iyo bilyan) ka badan oo dheef ah. Geedka oo sidiisa ah ayey waddamada adduunka u dhoofiyaan. Inta ay qoraan ayey asiga oo alwaax ah debadda u dhoofiyaan. Mararka qaarna inta ay farsameeyaan ayey daaro ka dhistaan. Ha illoobin wax kasta oo guri dhexdiisa lagu sharroxona waa isla geedkaas. Sida: sariir, miis, kursi, armaajo iwm. Dhanka kale, waxay ka soo saaraan qalinka iyo warqadaha lagu qoro IKK.

Labadaas wax markii ay si wacan noogu bidhaamisay ayey tiri: ”Xasan waddankaaga nooga warran muxuu kheyraad leeyahay?

Waa macallimad ilbax ah aadna u kala taqaanna, dadyowga carra’edeg iyo sida ay u kala kheyraad badan-yihiin. Waxay danjire waddankeeda uga soo noqotay waddamo badan oo afrika ah. Waxaa dhinacyadeyda fadhiya arday ka kala yimid waddamada: Suuriya, Ciraaq, Elatiriya, Itoobiya, Turki, Naayjeeriya, Hangari, Koroweeshiya, Iiraan, Bangaladheesh, Hindiya iyo Jili. Ma ogi sababta ay iigu billaawday doodda, waxaanse dib dambe ka fahmay inay ujeed fog ka laheyd, isla markaana ay ogeyd in waddanka Soomaaliya uu waddamadaas dhammaantood uu ka kheyraad badan-yahay. Waxaan iri: soomaaliya kheyraadkeeda lama soo koobi karo, balse, dhowr meelood ayaan ka soo qaadanayaa.

  1. Dhul-beereedka
  2. Xoolaha nool
  3. Badda
  4. Wobiga
  5. geedaha
  6. Dhul-beereedka:

Nolosha soomaalidu inteeda badan waxay ku tiirsan tahay beerashada dhulka iyo tacabka. Dhulka soomaaliyeed 90% waa dhul dalag kala duwan lagu beeran karo. Dhulka qallalan, kana fog labada wobi, waxa baxa dalag aan tiro lahyen una badan, meseggo, diir iyo ganleey, balse, dhulka labada wobi ay maraan ayaa ah kan ugu badan ee soomaalidu ay beertaan. Beeraha soomaaliya ugu wax soo saarka badani waxay ku yaallaan dhul beeraadka labada wobi ee Shabeelle iyo Jubba. Bedka beeraha Soomaaliyana waxaa lagu qiyaasaa: 63.8 millon kektar (hecters) waxaana beerista ku habboon siddeed meelood oo qiyaastaas ka mid ah taas oo ah: (1/8) ama 8 million hektar. Waxaase la beeraa in yar oo aad u kooban. Labada dhexdooda waxaa beerashada ku habboon qiyaasta guud: (7,5 millon hektar). Inkasta oo aan si weyn loo beerin dhulka ku habboon beerashada, haddana beeruhu waxay Soomaaliya ka yihiin: hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanku uu leeyahay ama laga soo saaro. Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, intooda badan waxaa lagula dheefsadaa waddanka gudihiisa, qaybta kalena waxaa loo dhoofiyaa waddamada adduunka. Halkaas oo laga helo lacag adag iyo dhaqaale.

  • Xoolaha nool: Xoolaha soomaaliya waa isha labaad ee ay ku tiirsan-tahay nolosha bulshada soomaaliyeed, waxaana laga helaa dheef kala duwan, sida: caano, cad/hilib, subag, magaar iyo in inta la iibsado agab kale lagu beddesho. Soomaalida xooluhu waxay u yihiin il-dhaqaale oo aad u muhiim ah, waddnakana waxay ka dhigyaan xoolaha noolka ahi kan ugu horreeya waddamada carra’edeg. Lacagta adag ama qalaad ee waddanka soo gasha waxaa (90%) boqolkiiba sagaashan laga helaa xoolaha nool. Taas oo ah kheyraad lagama maarmaan u ah soomaalida.

  • BADDA: Baddu waxay ka mid tahay; kheyraadka ugu qiimaha badan ee ay soomaalidu leedahay. Dhererka badda soomaaliya waa: 3333 km taas oo soomaaliya ka dhigeysa waddanka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda madow. Seddaxda badood ee carra’edeg ugu waaweyn ee kala ah: badda baasafiigga oo ah: tan koobaad ee ugu biyo-badan. Badda atlaantigga oo ah: tan labaad. Badda Indiyaan ooshiyaan oo ah tan heerka seddaxaad ayaa soomaalida qeybta ugu dheer Eebbe uga beeray. Badda soomaaliya waxay dabooli kartaa dhammaan baahiyaha dadeed ee waddanka, haddii maareyn iyo maamul dhab ah loo helo.

  • WOBIGA: Labada wobi ee soomaaliya waxay leeyihiin dheef aad u tirobadan sida; waraabka xoolaha, dadka iyo beeraha, sidoo kale, waxa ay leeyhihiin dheefo tiro badan.

  • GEEDAHA: Geedaha soomaaliya lama beero, sida kuwa iswiidhan, iskaba daaye goor walba waa la jaraa oo mar dhuxul laga shido, mar beer laga falo iyo marar kale oo si kale loo gooyaba si xad-dhaaf ah ayaa loo jaraa. Waxaa ku socota xaalufin aan loo aabayeelin, haddana kama ba’aan oo Eebbe ayaa ugu gargaaray soomaalida. Deegaha waa la shitaa oo noolaha kale oo ay xooluhu ugu horreeyaan ayaa ku dheefsada, isla markaana soomaalidu geedaha si dadban iyo si toos ahba waxay ugu mid yihiin kheyraadkooda dabiiciga ah.

Marka aan halkaa marinayo ayey macallinku waa ay taagneyd ee ay fadhiisatay, isla markaana waxay tiri: mar kale ma kusoo celin kartaa? Haah! Ayaan ku iri: sidii oo kale ayaanna u dulmaray. Kolkii aan dhammeeyay ayey i waydiisay: inta kale ha ii dambeyso ee beeraha aad sheegtay ee baaxadda intaas la eg leh oo haddana laba wobi oo aad u waaweyn leh, imisa jeer ayey baxaan sannadkii? Waxaan ku iri: sida caadiga ah; laba xilli ayey baxaan. Labadaas xilli oo kala ah: gu, iyo deyr. Waxay tiri: labadaas xilli maxaa ka baxa? Waxaan ku warceliyay inta nuuc raashimeed ee aadanuhu cuno. Waxay hadda isii waydiisay; qudaarka iyo miraha kale (fruit an veg) ma ka baxaan? Haah! Ayaan ku iri. Ologga iyo iidaanka maanta laga cuno waddankaan Iswiidhan 98% soomaaliya waa ay ka baxaay ayaan ku aftideysay. Waxay kol kale i waydiisay: hilib xoolaad, mid badeed, mid wobina ma heysatiin? Haah! Ayaan ku iri: weliba iyaga oo aan qaboojiye soo gelin oo aan bacrimis aheyn.

Waxay mar kale i waydiisay; ma taqaan dheefta sida joogtada ah uga baxda Iswiidhan? Waxaan ugu jawaabay: maya! Waxay tiri: dalagga sida tooska ah uga baxa Iswiidhan waa laba wax oo kaliya. Ku waas oo kala ah:

  1. Qamadi ama sareen.

  2. Baradho ama bataati.

    Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayey tiri: dalag kale oo waa ka baxaa waddanka, balse, labadaas ayaa joogto ka ah. Waxay i waydiisay ma taqaan meeqo jeer oo ay baxaan sannadkii? Waxaan ugu jawaabay: maya! Waxay tiri: sannadkiiba, waxay baxaan: 4-mar. Taas oo ah: inay 3-dii bilba ay mar soo go’aan. Horena waxaan kuugu sheegay: inaan leenahay hal magaalo oo birta laga qodo iyo geedo waddanka oo idil ka baxa, dhaqaalaha waddankuna uu labadaas ku tiirsan-yahay.

In cabbaar ah ayey aamusneyd, kolkii ay soo baraarugtay ayeyse tiri: maxaad naga soo doontay? Waxaan iri: oo maxaad ula jeeddaa? Waxay tiri: adiga oo waddankaagu uu intaas oo kheyraad dabiici ah leeyahay, ayna usii dheertahay cimillo heer dhexe ah oo aan haba yaraatee baraf laheyn, sidoo kalena aan qaboow aheyn marka laga reebo bilaha qaar, weliba xilliga deyrta ah, balse, heer kulka waddanku uu si guud u yahay mi raaxo leh, haddana sheeganaya inaad islaam tahay oo aad Ilaaheey aaminsan-tahay! Ammey dheeri kugu tahay in aad annaga noo soo tuugsi tagto. Sababtaas ayaan kuu iri: maxaad naga soo doontay?!

Maalintaas dooddi iyo waaya-warrankii wuxuu kusoo idlaaday aniga iyo Eva. Ardayda intoodii kalena, waxay ahaayeen daawadayaal. Ilaa iyo hadda kolka aan kaftanno ama si uun ay arrini noogu timaado waxay tiraahdaa: ”dheeraad ayaad ku tahay Iswiidhan”. Ushu aniga ayey igu dhacdaa, balse, soomaalida oo idil ayey xadefeysaa. Habkeedu waa kaftan dulucduse waa dhab!

Weli ma aanan helin warcelin aan ugu qiilsammeyn karo joogitaankeyga! Tan oo kale hore ma kuugu dhacday? Haddii ay warcelintaadu haah! Tahay maxaad isku furatay?

Haddii ay jirto qof looga adkaaday dood waa uun aniga!

  • ”Dhulka Eebbe nagu simmay
  • Qorrax maaha saan kulul
• Baraf samada kama da’o
• Suluf maaha cimiladu
• Waa mid udug u saaxiba
• Waa sahay Ilaaheey
• Kaligeen na siiyeeee
• Ha saluugin waligaa
• Midnimana u sabab noqo.”
”Dhacdo-dhab ah”.
W/Q: Xasan C. Calasow Shiribmaal

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.