Jamhuuriyadda Midowga Tanzaniya, waxay ka mid tahay waddammada ku teedsan badweynta Hindiya, gaar ahaan xagga bari bartamhiisa ee qaaradda Afrika. Tanzaniya, waqooyi waxaa ka xiga Kenya iyo Uganda, Congo, Burundi iyo Rwanda waxa ay ka xigaan galbeedka, halka Malawi, Mozambique iyo Zambiya ay ka jiraan dhanka koofur, barigana waxaa ka xiga Badweynta Hindiya. Asalka erayga Tanzaniya, wuxuu ka yimid Tanganyika iyo Zanzibar oo ahaa labo waddan magacyadoodii oo la isku geeyey, waxaana la dhihi jiray Jamhuuriyadda Tanganyika iyo Jamhuuriyadda Zanzibar, laakin kolkii dambe dabaayaqadii qarnigii 20-aad ayey midoobeen, kuna heshiyeeen iney la baxaan halmagac, oo ay ku mideysan yihiin, lagana qaato dal kasta xarfaha uu magaciisi hore ka koobnaa, qeyb ka mid ah. Tanganyika waxey ka kooban tahay labo eray oo Sawaaxili ah, ka lana ah; tanga oo micneheedu yahay “ku maaxid” iyo nyika oo la macna ah “la ma degaan”, markii la isku dhajiyana ay noqonayaan “ku maaxidda dhulkii la ma degaan ka ahaa”. Zanzibar, iyaduna waxey ka timid labo eray oo ka la ah “zengi” oo ah magac ay labaxaan dadkii deegaannadaas loogu yimid, macnaheeduna yahay “Madow” iyo “Bar” oo luuqadda carabiga ka timid, macnaheeduna yahay “Xeeb” taas oo ka dhigeysa micnaha erayga Zanzibar “Xeebtii dadkii madoobaa”. Zanzibar waxaa soo maray maamullo ka la duwan, laga soo billaabo maamulkii cusmaaniyiinta, xukunkii Portuqiiska, ka dibna reer Bur Saciid, oo ah qoys xukunkoodu Cummaan illaa Zanzibar ka tallinayey mar. Zanzibar, waqtigii ugu badnaa, waxaa ka talinayey boqortooyadii Suldaan Barkhash, Laakiin, wixii ka dambeeyay 1884 shirkii Baarlin, ee Afrika lagu qeybsaday, waxaa saameeyey heshiiskaas, oo dowladdihii waaweynaa ku qeybsadeen Afrika, waxaana dhulkii Barkhash ka talinayey isku qabsaday Ingiriiska iyo Jarmalka, ilaa ugu dambeyntii 1886-dii ay ku heshiyeen, Suldaankana laga saxiixay heshiis u oggolaanaya in Ingiriiska ay waqooyiga maamulaan, halka Jarmalka ay koofurta maamulaan. Tangyika iyo Zanzibar waxey labaduba xornimada ka qaateen gumeystihii rer Yurub 1961 iyo 1963, waxeyna midoobeen 1964, iyagoo ku midoobay iney noqdaan hal waddan, oo la yiraahdo Tanzaniya. Midowgii Tangayika iyo Zanzibar waxaa horseeday laba xisbi oo ka soo ka la jeeday labadii dhinac ee midowga sameystay, una soo halgamay xornimada uu dal waliba gaaray. Tangayika waxaa ka socday xisbi la yiraahdo,Tanganyika African National Union (TANU) iyo Afro-Shirazi Party (ASP) oo ka socday dhanka Zanzibar. Labadii xisbi, ee ka la hoggaaminayey labadii waddan ee midoobey, iyaguna waxey ku midoobeen 1977-dii hal xisbi, oo loo bixiyey Chama Cha Mapinduzi (CCM), xisbigii kacaanka, is la markiibana ku guuleystay hoggaanka dalkii oo mideysan, in kastoo madaxweynihii markaas xisbigaas ka yimid, uu ahaa hoggaamiyaha xisbigii ka hoggaaminayey dhanka Tangayika, Julius Nyerere. Laga soo billaabo midowgii labada xisbi 1977 –dii iyo doorashadii madaxweyne Nyerere, doorasho kasta oo la qabto waxaa ku guuleysan jiray illaa hadda xisbigii ka yimid labada xisbi ee midoobay (CCM), kaasoo ku guuleystay dhammaan doorashooyinkii la qabtay 1995, 2000, 2005, 2010 iyo 2015, taas oo ka dhigeysa CCM xisbiga ugu xukunka dheer Afrika iyo adduunyada kaleba. Tanzaniya nidaamkeeda dowladeed, waa nidaam madaxweyne, in kastoo dalku uu leeyahay Hay’ado kale, oo aan addunyada badi ka jirin kaas oo ah Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen iyo Raisul wasaare, ujeedaduna ay tahay qancis iyo maandaba dalku weyn yahay, dadkuna badan yahay, ay u muuqato qancin siyaasaddeed. 29-kii oktoobar 2015, ayey ka dhaqan gashay Tanzaniya doorashii 5-aad illaa iyo markii la dhaqan galiyey nidaamka xisbiyada badan iyo midowgii labada waddan, waxaana doorashadii ku guuleystay madaxweyne John Pombe Joseph Magufuli, oo noqday xubin Baarlamaan 1995, wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha 1995 illaa 2000, wasiirkii shaqada iyo shaqaalaha 2000 illaa 2006, wasiirkii dhulka iyo guriyeynta 2006 illaa 2008, wasiirkii xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga 2008 ilaa 2010, mar kale wasiirkii shaqada iyo shaqaalaha 2010 illaa 2015 dowladdii madaxweynihii xilka ka dagay ee Jakaya Kikwete. Madaxweynaha cusub ee ay doorteen reer Tanzaniya, wuxuu durbadiiba la yimid hab dhaqan aan looga baran madaxda Afrika, noqotayna hadal haynta ugu badan maalmahaan dambe baraha bulshada iyo shucuubta Afrika, gaar ahaan dadkii doortay Madaxweyne Magufuli. Madaxweyne Magufuli in kastoo waxyaabo badan, oo taabayanayey dareenka dadka reer Tanzaaniya uu tartanka iyo ololaha ku galay, haddana, dhaqammadiisa billowga ah, ayaa ka dhigaya, inuu noqon karo nin wax badan ka badalan madaxdii ka horreeysay iyo kuwii soo maray ama wali maamul qaaradda Afrika. Mudane Magufuli markii guddiga doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen maalmo ka dib inuu ku guuleystay madaxtinimada dalka, waxaa la diyaariyey casho sharaf ay isugu imaanayaan dhammaan madaxda qaranka iyo xaflad loo sameynayo furintaanka golaha baarlamaanka. Magufuli wuxuu codsaday, in loo keeno miinsaaniyadda ku baxeysa cashada iyo xafladda loo sameynayo golaha shacabka. Waxaa loo keenay madaxweynaha qorshaha cashada iyo xafladda in loo qoondeeyey 300-milyan oo lacagta Tanzaniya ah iney ku baxeyso, wuxuuna ku soo koobey cashadii iyo xafladdii in loo qoondeeyo 25 milyan, inta soo hartayna wuxuu amray in isbitaalada loogu iibiyo sariiro, go’oyaal iyo joodariyaal weliba iyagoon ogeyn in si kadis ah loogu geeyo, waxaana halkaas ka dhashay in isbitaalladu helaan 300 oo sariir iyo joodariyaashooda iyo 600 oo go’. 21-kii Nofembar waxaa la qorsheeyey in 50 xubnood oo ka socda dowladda Tanzaniya ay booqasho ku tagaan waddammada barwaaqo sooranta la isku yiraahdo (Common Wealth Countries), arrintaas markii madaxweynaha loo sheegay wuxuu ku soo koobay liiska dadkii safarka ku qornaa 4 xubnood, taas oo dowladda u bad baadisay 600-milyan oo uga bixi lahayd Tikit, Hotel iyo tamashlaynta xubahan tirade badan. Madaxweynuhu wuxuu soo saaray, in safarrada la yareyn doono, haddii laga fursan waayana ciddii ay madaxtooyadu oggolaato ay bixindoonto. Wuxuu kaloo madaxweynuhu mamnuucay, inaan Business kalaas iyo faasti laga raaci karin diyaaradaha marka laga yimaado madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo Raisul wasaaraha. Waxaa la amray, in tababbarada iyo siminaarada aan lagu qaban karin hoteellada waawey, ee qaaliga ah, iyadoo ay bannaan yihiin hoolalkii wasaaradaha. Maalintii xigtay wuxuu madaxweynuhu subax aroorta hore ku kallahay si kadis ah wasaaradda maaliyadda iyadoon la shaacin, wuxuuna halkaas ugu tagay 4 qof oo iyaguna ahaa cuuryaan, wuxuuna qortay magacyada dadkii ka maqnaa shaqada, ee ay xafiisyadoodu faaruqa ahaayeen, wuxuuna amray, in mushaarkooda bishaan si gooni ah loo canshuuro. Madaxweynuhu wuxuu kaloo booqday isbitaalka dowladda, halkaas oo ay ka maqanaayeen dhammaan maamulkii, dadkii bukaanka ahaana ay sugayaan cid u qidmeyneysaana aaney jirin, isla markii madaxweynuhu wuxuu codsaday, in dadku aadaan isbitaallada gaarka loo leeyahay lacagtana laga bixiyo qasnadda dowladda, wuxuu shaqada ka cayriyey guddoomiyihii isbitaalka iyo guddigii caafimaadka, wuxuuna meeshii ku magacaabay guddoomiye cusub, isagoo u sheegay inuu seddex beri ku hagaajiyo alaabta isbitaalka ka halleysay, kuwaas oo ay lacagtii lagu sameyn lahaa musuqmaasuqeen guddigii caafimaadka iyo maamulkii hore. Madaxweynaha meelihii uu sida kadis ka ah ku booqday waxaa ka mid ahaa dakadda weyn ee Dara-salam Port, halkaas oo uu iyadana ugu tagay xamuul aan xad lahayn oo markii la qiyaasay canshuurtoodii noqotay 30 milyan oo dollar oo laga dajinayey dakadda, laakiin, aaan dowladda u canshuurneyn oo ay dad gaar ah jeebkooda ku dhacaysay lacagtaas. Arrintii ugu dambeysay ee aad loo la yaabay waxey ahayd, inuu mamnuucay in loo dabaal dago maalinta xorriyada ee dalka, isagoo ku hal qabsaday “dadkeenna oo daacuuun iyo mallaariyo u dhimanaya, waa inagu ceeb, inaan dabbaaldagno, oo aan faraxno, qarashna is ka qasaarino!” wuxuuna ku badalay maalintaas in la nadiifiyo waddanka. Madaxweynuhu markii uu socday furintaanka baarlamaanka oo ka dhacayey magaalada Dodoma oo u jirta 600 KM magaalada Dara-salaam, wuxuu ku tagay safar dhulka ah, isagoo heli karay inuu qaato diyaaraad yar. Waxa ugu yar ee aan qormadaan isugu howlay ayaa ah, inaan iftiimiyo sida arxandarada, liidashada iyo damiir la’aantu ku dheehantahay ee ay madaxda dalkeenu ugu tagri falaan hantida yar ee ummadda ka dhaxeysa, sida ay safarada ugu kala hormaraan, sida marka masuul xilyar loo magacaabo la isugu howlo sidii xaflado iyo digasho loogu maamuusi lahaa. Malaga yaaba iney yiraahdaan madaxdeenu waanka baaqanay shirkaas sababtoo ah qarashka nooga baxaya ka qayb galkiisa iyo waxa inaga soo galayaa islama eka? Malaga yaaba in laa baajiyo maalmaaha loo dabaal dago sida 1-da luulyo, maalinta calanka IWM, qarashkii halkaas ku bixilahaana loo weeciyo isbitaalada iyo meelaha dad weynaha loogu adeego. Aqriste waxaan ku xasuusinayaa shirkii Soomaalida loogu qabtay dalka Ingriiska bishii shanaad ee sanadkii 2013 ka, madaxdii Soomaalida ee halkaas martida ku ahayd Hotelkii aay dagganaayeen muddo afar beri ah in lagu soo dallacay lacag gaareysan 76,000 kun oo doollar, halkaas oo ay saxaafaddii Ingriiska qaar ka mid ah tageen Hotelkii ayna ku dacwoodeen in aysan u qalmin dad aan waxba wadan in canshuurtii shacabka Ingriiska intaas ka isticmaalaan muddoo yar.
Maxaan ka baran karnaa Madaxweynaha Tanzaniya ee La doortay?
Mohamed Ahmed Ali Royal Business & ICT Researcher Mogadisho-Somalia Mohamedmidnimo@gmail.com Skype Royalmidnimo