Maxaan Paris ka baran karnaa???

Maxaan Paris ka baran karnaa???

servlet.ImageServer

Dhacdooyin waaweyn oo dilal, qaraxyo iyo argagixin isugu jiray baa gilgilay magaalada madaxda dalka Faransiiska ee Paris, waxaa xannibmay dhammaan isu socodkii, ganacsigii iyo dhaqaalihii dalku lahaa. Dhimashadu waxay kor u dhaaftay sida warbaahintu xaqiijisay illaa 130 qof, dhaawacuna ilaa 200 boqol buu gaaray. Sida caadada ah aadanuhu dhib kasta wax buu ka bartaa, haddaba, annaga Soomaali ahaan maxaanu ka baran karnaa wixii halkaa ka dhacay??

Doorka saxaafadda markuu dhib dhaco

Sida aad dhamaantiin muuqaal baahiyayaasha ka aragteen ma aanay jirin saxaafad soo bandhigtay muuqaallo dadka cabsi galin karay sida mayd kala go’an, dhiig fash leh, qof naftu dhibayso, iwm. Warbaahintii ka soo warramaysay waxay ku gaabsatay oo kaliya in argagaxiso weerar soo qaatay ay dad shacab ah gumaaday. Saxaafaddu waxay la safatay ciidankii nabadda sugayay oo maanay sheegin daldalooladii ciidankaasu lahaa sida maxaa looga hortagii waayay?? Aaway sirdoonkii hawshaan lahaa?? Inta aad hawshaan ku jirtaan yaa damaanad qaadaya shacabka kale oo aaad wax gaarsiin doontaan illeen xabbad la ganay qof walbay ku dhici kartaaye.

Saxaafaddu ma aysan buunbuunin, waxayna cambaareyn iyo ceebayn la dabataagnaayee, nimankii dhibka geeystay, halka kuwa dhankeeda waa Soomaalida ahe, warka soo tebiya aad mararka qaarkood moodeyso inay xayeysiis dheeraad ah u samaynayaa, kooxaha dhagarqabayaasha ah, iyagoo aad codkooda ka dhadhansanayso, iney liidayaan, badhaqjebinayaan ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada amnigaba.

Saxaafaddu waa seef laba afle ah, annaguse aan inteenna badan dhanka xun u adeegsanno- marka dhib dhaco isla markiiba waxaa la soo sawiraa mayd kala go’an, dhiig qubanaya iyo muuqaallo nafta argagax iyo cabsi ku abuuraya. Haddaba, maxaa innaga hortaagan innagoo soo gudbinayna wixii dhacay inaan dhawrno damiirka iyo indhaha shacabka oo aan maalin walba loo soo tabin wax naftooda cabsi galiya?? Maxaa saxaafadda ka hortaagan si dhibku u yaraado inaysan buun-buunin dhibta dhacday oo ay qolyaha amniga la saftaan si loo soo afjaro si deg dega?? Markaa sidaa leeyahay kama aan wado yaan qolyaha sirdoonka iyo amniga lala xisaabtamin ee waa waqti hala siiyo xaaladdan ay hadda ku xalliyaan.

Amniga dalka

Warbaahinteennu mar alle iyo markuu weerar dhaco ama hoteel la weeraro waxay wararkooda ku bilaabaan amnigii dalka oo aad u xumaaday, waxay eed aan kala har lahayn dusha uga tuuraan sirdoonka iyo qolyaha amniga, mase oga ee waxay bixinayaan xog kale oo u sahlaysa kuwa qalqalka wada inay hawshooda sii laba jibbaaraan. Weerar hoteel lagu qaaday ama meel la weeraray amniga iyo xasiloonidda wadanka waxba uma dhibi karaan ee qalqal un bay keeni karaan. Su’aasha aan is waydiiyo mar walba waxay tahay- saxaafaddeennu ma dad kalay u shaqaysaa waa ayada har iyo habeen dhiillo colaadeed iyo baqdinta bulshada ka shaqaysee?? Mase aqoon iyo waddaniyad ayaa intaan ka ah??

Markaan sidaa leeyahay, tusaale yar bal aan ku siiyo, haddii saaxiibkaa iyo nin kale dagaal dhex maro, oo laysu gacanqaaddo oo aad tiraahdo, war hebelloow ninku waa xoogweyn yahay, waa kaas ku legday si xun baad u taagantahay, maxaa kuu geeyey, maantaad gacan gashay, waa hiilo aad ka hiilisay jaalkaagii una hiilisay ninkii duulaanka iyo weerarka ku ahaa.

Waxaa ka dhigan taas, Saxafiiyoow, Shacabka iyo ciidanku waa saaxiibkaaga, waa dadkaaga , kooxaha dhagarqayaashuna waa cadowgaaga, waa inay kuu kala soocnaadaan, midka aad u hiilineyso iyo midka aad ka hiilineyso.

Gebegabada qoraalkaygan kooban waxaan doonayaa inaan ku soo gunaanado aan cashar ka qaadanno dhacdooyinka waaweyn ee dunidan ka dhaca kuna dabaqno mehnaddeenna saxafannimo si aan u noqonno dad bulshada u adeega ee aanan u taagneyn kala firdhinta bulshadan ayadu la ildaran dhibaatada dawlad la’aanta ah ee qayrkeed ka reebay. Haddaanan sidaa samayn karin ugu yaraan aan ahaanno kuwa aan waxba u dhibin oo afkooda ka xirta oo laga nabad galo. Ummaddaada haddaadan waxtari karin ha dhibaateyn saxafiyow!!

Nabaddu waa hadba sida aad maankaaga u sheegto dadkana u sheegto ma jiri karto nabad la doc-doceeyo oo waari karta, qaabka aad wax u soo gudbinaysaan saxafiyow ha ahaado mid dadka iyo danta dadka u adeegaya haddaadan ahaan karin shartaada halaga nabad galo.

 

Maxamed Xaaji Xasan

 

SHEEKOOYIN