Maxay wax u baran waayeen? W/Q: Cabdulle Cabdikariim

Maxay wax u baran waayeen?

Waxaan is dul taagaya si kooban waalidka iyo ubadkooda dhibka kala heysta, gaar ahaan dadka qurbaha ku nool. Waxa jira is diiddooyin badan oo dadka intiisa badan aysan ku baraarugsaneyn, waxaase is weydiin mudan waajibna ay tahay in aad maanka ku heyso dhibka iyo xalka mar walba waxa soo horreeyo dhibka, sidaa darteed ka warrama halkii aad xal u raadin laheyd haddii aad xalkii aad dhinac marto, sow dhib dhib kale lagu daray ma aha?.

Waxa kale oo ma huraan ah in aan isla garanno illeyn gari labo kama wada qosliso ee waalidka iyo ubadkooda yaan gardarrada saarnaa mise dhaqankeenna ayaan ku qoddobnaa oo waxaan dhahnaa: Ri’ madoow gar leh arigeeduna gar leh. Arigu rida madoow ayuu moodaa bahal oo waa ka cararaa ridiina wixii arigu ka diday bay ka diddaayoo waa eryataa, mayee gar iyo gardarro ilmaha ayaa leh. Dooddeyda waxa ku adkeynayaa carruurtu inay wax baran waayaan xaq ayey u leeyihiin sababo badan oo aan la dareensaneyn awgeed.

Waalidka waxa uu xoog iyo xeeladba isugu geeyaa dharkooda, dheeftooda iyo dhogortooda qalinka iyo buuggooda (Tablets, laptops phone) bal qiyaas cunugga shan ilaa toddobo jirka ah sannad dugsiyeedkiisa waxa ku baxa qarashaad gaaraya dhowr iyo toban kun oo doolar ama ka badan. Haddaba, marka reerka ay u joogaan saddex ilaa toddobo carruur ah, hooyada iyo aabbaha daryeelkoodu waa tacab iyo daal aan dhammaad laheyn, haddii ubadkii dibjir ama damiin noqdana muraal jab ayaa usii dheer. Intaa waan isla fahannay saan filaayo.

Haddaba sartu halka ay ka qurunsan tahay aan farta ku fiiqo. Haddii aan ku hor maro carruurta waxa saaran culeys ka tan weyn oo aynan qaadi karin. Aan soo qaato saddex shey oo ay muhiim tahay in aad ogaato:

1. Deegaanka (Bey’ada) uu ku nool yahay oo ah dal iyo dad si kasta uga dhaqan iyo aragti duwan.

2. Iskuulka iyo dugsi qur’aanka oo macallinka wax baraya uu ajnabi yahay.

3. Filashada waalidkiisa.

Bal aan seddexdaa qodob mid mid isku dul taagno adiguna ila dhiraandhiri, waxa laga yaabaa in aan isku dhan ka aragno amaba aan labada dhinac ka kala joogno e.

A. Waxa uu indhaha ku kala qaaday, dad aan u ekeyn ku dhaqan aheyn, ileyn asagu kii guriga uu ku dhashay ayuu aqoon u leeyahay jugta u horreyso meeshaas ayey uga billaabataa waa carruur, balse, waxa uu dareemaya inuu si walbo uga geddisan yahay ummadda uu la nool yahay, su’aashu waxa ay tahay: waalidku ma ogyahay arrinka uu cuniggiisu ku galay jahawareerkaa? 99% waa maya, waa dood noo furan ee aan u dagno qodobka 2aad. maaddaama ay isku sidkan yihiin qodobbadaan saddexda ah.

B: Canugga yaa wax baraya yuu wax u bartaa, subaxnimada hore ayaa la jafay buunsho loo qasay (Cornflakes) waa lala orday albaabka la geeyay iskuulka yaa wado inta badan hooyadiis oo af ka taqaan dhowr kalmad ay suuqa uga adeegato, waxa ay ku dadaaleysaa in ay soo saarto ubad tayo leh oo ma rabto in ay jidka ay ayadu ku joogto uu maro.

Fasalkii ayuu galay madaddaalo iyo iska daba wareeg saacado badan ah ka dib wax la yiraa handouts (Casharro waraaq ku daabacan) ayaa loo qeybiyay ka dibna shaqo guri ayaa la soo siiyay (Homework)

Cunigii oo daallan ilaa 9:00am to 03:00 pm goob waxbarasho joogay ayey maamadii gacanta ka soo qabatay waana la oroday, dabadeedna xaafadda keeneysa waa cunto siineysaa ka dibna macalinkii dugsi quraanka loo geeyay 5 pm labo saac ka dib waa laga soo waday xaafadda la keenay inta cashada loo diyaarinaayo Tv ama game uu ku mashquulsan yahay, intaas waa joogto maalinle ah.

Shaqadii guriga caawin ayuu rabaa waalidka wax kuma dhaamo dhaqaale buuran ay macallin uga qabtaan ma awoodaan maxaa dhacaya markaas? Hadal waxaa looga billaabaa Homework ma ka shaqeysay meesha ha ii fadhi weynaanin waqtigii aad seexan laheyd baa la gaaraye?. Cunuga waa ku wareersan yahay meel uu u wado ma yaqaanno wax buu iska xarxarriiqayaa aan jirin.

Ama waxaa dhaceysa in waalidku uu soo dul istaago uu yiraa keen damiinyahoow waxaan maad ka shaqeyn weyday duf ku baxe inta uu uga shaqeeyo uu leeyahay copy dheh ee dhaqso ka kac meesha.

Cunigii oo aan waxba ka fahmin hadda ogoow wixii waa loo saxay, balse, looma sharrixin illeyn waa in ammin la geliyo waaba la fududeystay, asagoo jawaab saxan wato ayuu la shir tegaa nasiibdarrose hal su’aal haddii la weydiiyo kama jawaabi karyo. Taas waxa ka sii daran macallimka wax u dhigaya iyo ardayda wax la barata xaalkooda oo aan qoraal lagu soo koobi karin.

Waa mid ardayda meesha joogo waxa ku badan arday waalidkoodu uu laheyn hamiga ay waalidka soomaalidu leeyihiin tani waa xaqiiq, waayo waalid walbo oo soomaaliyeed waxa uu jecel yahay inuu ubadkiisa heer ka gaaro culuunta maaddiga iyo midda diinta100% waa hubaal, balse bey’ada wax lagu baranayo iyo macallinka wax baraya waa xaalka odayga iyo habarta caddaanka waa dad ku soo barbaaray wax ku soo bartay manhajkaan fahansan ubadkooda uma baahno in ay macallin la raadiyaan hadba qofkii firaaqo leh ayaa guriga ku caawiya teeda kale waxa ay korshaan waa hal ama labo.

Dhanka kale ilmo ay hooyo kaliya waddo lagu soo qasbay in ay iskoolka keento haddii kale balaayo ay ka raaceyso ayaa fasalkii jooga. Macallinka xaaladda waa ka baxsan yahay mushaarkiisa iyo lafihiisa ayuu ka ilaashadaa kuma mashquulo, maalinka waalidka loo yeero si guud baa loo dul maraa.

T: Filashada waalidka:

Waalidka waxa uu sugayaa mutacallimka jidka ku soo jiro waxa uu rabo waa in carruurtii uu ku soo tiir iyo tacab beelay uu arko ayagoo koofiyada qalin jabinta tuurayo, balse wax yar ayaa riyadaas u rumoowdaa inta badan ma dhacdo oo waalidka gaar ahaan maamooyinka niyad jabkaas waa la nool yihiin korna uma sheegtaan dhibka ku dhacay kaaga daran ee musiibadu meesha ay ka asiibtay ma oga!.

Waayo cunugga lagu soo tiir iyo tacab beelay culeysyadaa isu biirsaday ayuu ku raran yahay loomana ogo si kale haddaan u dhigo waa dadkii aakhiro sabaanka la sheegayay oo la korinaayo eeg astaamahaan uu ku raran yahay subaxdii waxa la baraa asagoo suit xiran asalka aadanaha daanyeer buu ka yimi , iwm galabkii waxa la baraa Allah swt in uu abuuray waajibaad diini ay saaran yihiin laga rabo soon, salaad, saddaqo IWM. Cunugii oo isku karis ah kuma helo guriga nasiino iyo caqli kordhin, ma laha miis iyo kursi u gooni ah haba sheegin.

Cunuggaasi eed ma leeyahay?

Ma ahan in aan iska soo jarno waxbarasho waa lagu kari waayay sida ay aniga ila tahay waa in la helo tabo lagu furdaamiyo culeyska uu sido waayo carruurtu markii ay guriga joogaan dhaqan bay arkaan bannaankana mid kale  ayey ku arkaan, iskuulka mid kale dugsi qur’aankana mid kale. Bal adigu haddii aad xaaladdaas ku dhex jirto caqli kuu qeybsamo ayaad ku kala wadivkareysa, balse, cunuggaan ma laha marka yaa laga rabaa in uu ku baraarugo in dhibka uu mooso ma waalidka mase macallimiinta? Jawaabta waa sahlan tahay, maxaa yeelay, waalidka ayaa laga rabaa in ay la socdaan carruurtooda una sharraxaan waqti badanna geliyaan.

Tan ugu sii daran dadkeennu waa dad quluub ahaan iskugu xiran ficil ahaanna kala tagsan waxaa jira macallimiin Soomaali ah ayagana waxa ay carruurta wax baraan inta ay shaqo ka helayaan halkii uu u arki lahaa taniba shaqo in ay tahay uu ku xamaalan karo. Ugu danbeyn waxa na looga baahan yahay in aan garanno waxbarashada in la weeleeyo si loo helo cunug aan xambaarsaneyn fikir shisheeye/gaalnimo.

Ilmahu waxay kuu baahan yihiin inta ay yaryihiin, kol haddii uu lumo waxba kama qaban kartid qubxiga lagu soo shubo ka shub qofka uu wax ku qarsado in aad adigu noqoto falkeed gal qeylada iyo dagaalka ugu baddal hadal qaboow iyo hoga tusaaleyn, muhiimkaaga koowaad ha ahaado in aad caqliga ka koriso ee aadan caloosha ka korin kaas ayaa naftiisa anfici doona adna ku anfici doona, haddii Eebbe idmo e.

W/Q: Cabdulle Cabdikariim

Naga la soo xiriir:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

DUGUL Q.6AAD

DUGUL Q.5AAD

DUGUL 4AAD

DUGUL Q3AAD