Meerto nololeedkii marwada 1aad ee Mareykanka {Melania Trump}W/D: Bashiir Cali Barre

Meerto nololeedkii marwada 1aad ee Mareykanka {Melania Trump}

Haweenayda dalka maraykanka ka ah marwada koobaad ee Melania Trump ayaa horey magaceedu u ahaa Melanija Knavs, waana islaan aan ahayn maraykan dhalad ah ee kasoo jeedda ama u dhalatay Jamhuuriyadda Shuuciga ah ee Islofeeniya {Slovenia}, waxaana wada dhalay hooyo lagu magacaabi jiray Amalija iyo aabbe asna la oran jiray Viktor Knavs.

26kii Abriil 1970kii ayey ku dhalatay magaalada Novomesto ee ku taalla koofurta bari ee dalkaas oo ah dhanka ay Slovenia xadka kala leedahay dalka Croatia, waxaa xusid mudan in xilliga ay Melania Trump dhalaneysay aysan jirin Slovenia iyo Croatia midkoodna, balse labaduba ay kamid ahaayeen Dalkii la oran jiray Yugoslavia kaasoo u qaysamay dalal badan oo ay kamid yihiin:- Slovenia, Croatia, Bosnia Herzegovina iyo Serbia.

Sannadkeedu markuu gaaray 18 ayey lugaha la gashay hiwaayadda Fashion-ka, waxayna waxyar kadib ayadoo aan wali 20 jirsan ka hawl gashay shirkad Arrimahaas ku shaqo leh oo xarunteedu tahay magaalada Milan ee dalka Talyaaniga, waxaa ugu sii xigay meelo kale oo qaaradda yurub ah sida Faransiiska oo ay isla hawshaas bandhig dhareedka ah kaga soo xammaalatay.

 Shaqooyinkaas liita{qaawanaashaha ah} ee ku sinnaa qaaradda yurub haba ugu badnaadeen Paris iyo Milan’e kadib ayey Melania lugta soo gelisay ciidda Maraykanka bishii Agoosto ee sannadkii 1996kii, waxaana safarkeeda ka gacansiiyay ganacsade Talyaani ah oo lagu magacaabo Paolo Zampolli oo kaashanayey garyaqaankeeda, waxayna ku guulaysteen Paolo iyo looyarku inay Melania markii ugu horreysay Mareykanka ku geeyaan Dal ku gal ku suntan Booqasho ganacsi.

Oktoobartii isla sannadkaas ayey heshay nuuca dal ku joog {Visa} ee Maraykanka looga yaqaan H-1B Visa, taasoo u saamaxaysay inay meesheeda ka shaqaysato isla markaana u ogolaanaysay inay dalka ka dhoofto kuna soo noqoto, walibana ay dalka keeni karto shaqsiyaad kale oo aan dhalasho doon ahayn ee shaqo doon ah.

 Markaa kadib waxay muddo sannad ku dhowaad ah dalkeeda ugu noq noqaneysay si is daba joog ah, illaa shan iyo lix jeer ayeyna u saffartay Slovenia, halka ay shaqadeeda Fashion-kana iska wadatay.

 ‘’Waxaa xusid mudan in bishii Nofoombar ee sannadkii hadda na dhaafay waa 2016kiiye ay wakaaladda wararka ee Associated Press ay qortay warbixin sheegaysa in Melanija Knavs 10kii xayeesiimood ee billowga u ahaa shaqadeeda Mareykanka gudihiisa ah ay ka xaraysatay nacfi dhan $20,056 {labaatan kun iyo konton iyo lix doollar}, kahor inta aanay ogolaansho sharci ah u helin degganaashaha dalka iyo kasii shaqaysiga aan waqti xaddidan lahayn’’.

 Ogolaanshaha degganaashaha ayaa Melania badbaadiyay maadaama Slovenia ay xilligaas Mareykanka ugu jirtay liiska dalalka aan dadkooda loo ogolayn inay hantaan H-1B Visa waqtigeedu sannad ka badan yahay sidaas darteedna aysan macquul u noqoteen Ina Knavs inay New York City kasii xammaalato, maxaa yeelay H-1B Visa-ha ay haysatay ayaa qarka u saarraa inuu dhoco.

 1998kii Bishii Sebteembar ayey Melania iyo Donald ku kulmeen xaflad ku magacawnayd Toddobaadka Fashion-ka laguna qabtay magaalada New York oo ah halka uu Trump ku leeyahay hantida xad dhaafka ah, laakiin Trump ayaa meesha u yimid ballan uu kula lahaa haweeney ay markaas saaxiibbo ahaayeen oo Celina Midelfart lagu magacaabo, ahaydna haweeneey Norwegian ah.

 Trump ayaa muddo sannad iyo dheeraad ah garoobbeynayey la kulan melanija kahor, waxayna islaantiisii Marla Maples ahayd kala tageen bishii Maajo 1997 laakiin furriinkoodu kama dhammaystirmin dhanka waaxaha garsoorka dalka illaa laga gaaray 8dii Juun ee 1999kii oo sharciga dalku uu bannaanka kala marsiiyay Marla Maples iyo saygeedii Donald John Trump.

Kulankaasina wuxuu noqday mid dhowr macne sameeyay balse sheekada caan baxday ayaa ah in is barashadoodii kadib ay Marwo Melania Trump ku gacan sayrtay inay Donald Trump guddoonsiiso lambarka moobilkeeda gacanta, markii dambe se waa lays fahmay waxyaalo lambar ka dhumuc weyn ayaana la wadaagay oo midba kan kale isaga sheegay.

Kulanka ayaa sameeyay laba dhacdo oo galay sooyaalka taariikheed ee Madaxweynaha 45aad ee Mareykanka Pres. Donald J.Trump, waxayna labada dhacdo kala ahaayeen :-

1)- Waxaa isku bartay oo markii koobaad isku arkey Donald Trump ka maanta xukuma waddanka sheegta inuu dunida ugu awood badan yahay iyo lammaantiisa nolosha Melania Trump,

2)-Waxaa kulanka Melanija iyo Donald dartii ku burburay xiriirkii jacayl ee ka ka dhexeeyay Celina Midelfart iyo Donald Trump, kaddib markii Celina oo ahayd 25 jir ganacsato ah oo dhowr waddan sida Mareykan & England xarumo ganacsi ku leh ay u adkeysan wayday, sida xishood li’ida ah ee gacaliyeheedu u danaynayo naagta ka dhallinta weyn ee bariga yurub uga timid shaqada ah, inay fagaare la dhooban yahay kastuumo iyo rajistiino aad qafiif u ah la marmarto si ay kis lacag ah u hesho!, halkaas ayaana Celina iyo Donald isugu dambaysay.

Melania Knavs iyo Donald Trump ayaa isla qaatay xiriir aan is fahan badan ku dhisnayn, melania ayaana ahayd mid ku jirta difaac aad u adag, kaas oo xoogaa kadib keenay inay Goombaarta reer Slovenia dhammaantiisba xiriirka u jarto donald-kii darteed uga haray lacagleeydii ka dhallinta yarayd ee Norwegian-ka ahayd, balse dhowr bilood kadib ayey dib isugu soo noqdeen ayagoo sina isku raba waxna isku diidan.

 Melania ayaa xoogaa kalsooni ihi soo gashay markii uu meel maray furriinkii saaxiibkeed iyo xaaskiisii hore ee Marla Maples,

 Waxaana Melania ay kalsoonidii kusii laba jibbaarantay kadib markii Donald Trump uu wareysi siiyay Barnaamij Howard Stern Show la oran jiray oo 1986dii illaa 2005tii ka bixi jiray Sirius XM Radio, wareysigaas ayuu kaga warramay noloshiisa gaarka ah oo islaanta Modelka ah ay kamid tahay iyo hankiisa siyaasadeed ee ku wajahan Aqalka cad ee America looga arrimiyo.

Horraantii Sannadkii 2000 ayey Melania shaashadaha kala soo muuqatay Trump oo u taagan loolanka xumnaha xisbiga Jamhuurigu ugu tartamayeen ciddii Republican-ka u matali lahayd doorashada weyn ee dalka, laakiin dad aad u yar ayaa fahansanaa waxa Trump iyo naagtaan joogga dheer ka dhexeeya, illaa laga gaaray 2004tii markaas oo Trump uu si toos ah warbaahinta la iska arko ula soo istaagay inay isku alkuman yihiin dhawaanna uu guursan doono.

 Sannadkii xigay ee 2001 ayey Melania heshay Green Card waxaana usoo caraftay inay Mareykan noqon doonto,hankeedii ahaa inay marwada Trump noqotana sare ayuu u kacay.

 22kii Jannaayo 2005tii ayaa guurka Melania Knavs & Donald Trump wuxuu ka dhacay Gobolka Florida gaar ahaan magaalada Palm Beach lagu magacaabo, Melania Trump ayaa xiratay habeenkaa dhar qiimihiisu yahay $200,000 oo uu sameeyay John Galliano waxaana arooskooda kasoo qayb galay aqyaar caan ah oo ay kamid yihiin madaxweyne hore Bill Clinton iyo xaaskiisa Senator Hillary Clinton, waxaana martida madadaalinayey Fannaanka Billy Joel oo goobta ka qaaday heeso ay kamid tahay heestiisa caan baxday ee Just the Way You Are, arooskii Trump-yada ayaa noqday mid ay warbaahintu aad iyo aad u hadal hayso waxaa shaki la gelinayey inay isku waari doonaan maadaama Donald Trump looga bartay furriinka dumarka.

20/03/2006 ayaa reer Trump waxaa u dhashay Barron William Trump, magaca dhexe waxaa u doortay hooyadi halka kan horena uu aabbihii u dooray.

Wiilkan hadda sii caga-cageynaya sannadkii 11aad ayaa aad u jecel cayaarta Golf-ka oo uu markasta la dheelo aabbihii oo ciyaartaas xariif ku ahaa yaraantiisii, waxaana la sheegay inuu Barron William uu afka dalka Slovenia ee Slovene-ka aad ugu hadlo.

Melania Trump oo ah marwo ololaha odaygeedu ku noqday madaxweynaha Mareykanka ka ciyaartay door hooseeya, ayaa bishii Nofeembar ee sannadkii 2015ka la weydiiyay Ololaha ninkeedu ugu jiro inuu dalka madaxweyne ka noqdo, waxayna si kooban u tiri ‘waan ku kalsoonahay asaga maxaa yeelay waxaan aqaana wuxuu qaban doono iyo wuxuu America u qaban karo, wuxuu jecel yahay dadka Mareykanka wuxuuna doonayaa inuu caawiyo iyaga’.

 

 18kii luulyo ee sannadkii tagey ayey Melania Trump isku imaatinkii koobaad ee xisbiga Jamhuuriga hadal ka jeedisay, laakiin hadalka marwada ayaa laga dhex aqoonsaday tuducyo ku jiray hadalkii Michelle Obama 2008dii ay ka jeedisay kulan kan lamid ahaa oo xisbiga dimuqraadiga ay lahaayeen kahor intaan Barak Obama loo dooran inuu Mareykanka madaxweyne ka noqdo.

 Markii wax laga weydiiyay xiriirka ka dhexeeya khudbaddeeda iyo tii 8 sano kahor ay Michelle ka jeedisay Xisbiga Dimuquraadiga ayey si indha caddays ah u sheegtay inay khudbadaan ayadu soo qoratay balse ay heshay caawin aan sidaa u badnayn, laba maalmood kadibna haweenayda la yiraahdo Meredith McIver oo reer Trump u qaabilsanayd dhinaca khudbado diyaarinta ayaa qaadatay mas’uuliyadda qaladka, waxayna raalligelin ka dhiibtay isku qaldidda labada khudbadood.

Gunaanad Taariikheed

Louisa Adams oo England u dhalatay ayaa noqotay Marwadii koobaad ee ayadoon Mareykan u dhalan noqota marwada 1aad ee Mareykanka sannadkii 1825kii, waxayna xaaskiisa ahayd Madaxweynihii 6aad ee dalka Mareykanka John Quincy Adams oo asna ahaa wiil uu dhalay madaxweynihii 2aad dalkaas Mr John Adams.

 Melania Trump ayaa noqotay marwo koobaaddii labaad ee ayadoo aan Mareykan u dhalan noqota marwada koobaad ee dalka Mareykanka 191 sano kadib, Melania ayaa kaga duwan Louisa inay kasoo jeeddo waddan aanay Mareykanka af-wadaag{isku luqad} ahayn iyo inaysan wax ehel ah ku lahayn Mareykanka wiilkeeda kahor, halka Louisa aabbeheed uu xilal kasoo qabtay dalka imaatinkeedii kahor.

 

W/D: Bashiir Cali Barre

Barrebashiir2014@hotmail.com

SHEEKOOYIN