MEYDAD KALA MAQAAM AH!! W/Q Cismaan M. “ Guuleed weykan”

12512464_917358955051669_3635666798619299767_n

MEYDAD KALA MAQAAM AH!!

 

Saddex habeen ka hor ayay aheyd, markii aan si kadis ah ula kulmay dhacdo si aad ah iiga yaabisay, marna iga fajacisay, marna iiga nixisay, mar kalana iga qiireeysiisay anigoo dhex mushaaxaya faras magaalaha magaalada Birmingham ee ah caasimadda labaad ee dalka Britain.Dhacdadu ma aheyn mid aan hore ugula kulmay dalka ingiriiska inkastoo aan sanado badan ku noolaa.

Saacaddu waxay ku beegneyd xilliga shaqada dadka intiisa badan ka soo rawaxaan ee ah inta u dhaxeysa 5-6PM (galabnimo) Waxaa nasoo hormaray saddex gaari oo xawli aan u badan ku socda oo is eryanaya, mid ka mid ah baabuurta is eryaneysay wuxuu ahaa gaari Booliis inkastoo uusan laheyn midabkii lagu yiqiinay gawaarida ciidamada ilaalada nabadgalyada, wuxuuna u ekaa baabuurta gaarka loo leeyahay (private) ka ah oo mararka qaarkood dharcadku kaxeystaan.

Mudo 10 daqiiqa ah ka dib waxaan soo hor maray Boolis jidkii xiray, iyo mid ka mid ah labadii gaari ee uu baabuurka boolisku eryanayay oo jidka dhexdiisa yaalla , miraayadda xaga darawalka ku beegana ay rasaas ka dhex baxday taasoo aad markiiba fahmeysey in gaariga aan si caadi ah loo joojin markaad eegtid qaabka uu wadada u dhex yaalay, ee awood iyo farsamo ciidan lagu joojiyey taasoo ka dhigan in gaariga iyo wadihiisaba la toogtey.

Meesha oo dhan waxaa ku gadaamnaa ama ku wareegsanaa ciidamada nabadgelyada meel u jirta gaariga ilaa 4-5 talaabo, waxaa yaalay meydkii wadaha gaariga xabbadaha lala dhacay. Waxaa markaas ii suurta gashay inaan ku soo sawiro taleefankeygii gacanta sida uu muuqaalka goobtu ahaa.Dadkii ku xoonsanaa ee arkayay sida wax u dhaceen , waxay ii sheegeen in labada gaari ee la eryanayay ahaayeen BURCAD HUBEYSAN, kan xabbaduhu ku dhaceen ee meesha yaalay darawalkiisu maahee, kii kalana baxsaday, qofka meydka ahna ee dhulka yaalay , uu ahaa burcad hubeysan , taasoo kaliftay in boolisku toogtaan kadib markii uu adeegsaday hubkii uu watay.

Haddaba aqriste, haddii aan usoo daadago dulucda qormadan iyo sawirka la socda ee aan anigu qaadey, ayaa waxay tahay arin saameyn igu yeeshay ilaa maalintaas aan indhaheyga ku arkay raadkii wxii meesha ka dhacay, taasoo ah in markiiba ay booliisku astureen meydkii ugu horeyntiiba, iyagoo laamiga dhexdiisa ku gunaanaday ugana dhisay teendho yar oo ay ku asturaan meydka, si ay u siiyaan xushmada iyo xuquuqda uu leeyahay qofka meydka ahi. Waxaa sidoo kale, markiiba goobta yimid gawaarida gurmadka degdega ah, kuwaas oo malaha u yimid inay xaqiijiyaan inuu dhintay ama inay meydka meesha ka qaadaan.ama labadaba. Goobtiina waxaa markiiba lagu wareejiyay xargo iyo calaamadaha saxmadda baabuurta kala yareysa.

Waxaan galay xusuus dheer,anigoo weli goobtii taagan eegayana sida quruxda badan ee meydkii qofka la toogtay loo asturay, waxaan dib iigu soo burqaday xusuuso badan oo qaarkood asxaabta FACEBOOK soo post gareeyeen ama soo share gareeyeen, ama WEBSITE-yada Soomaaliyeed soo bandhigeen iyo guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed mid dowliya iyo mid gaar loo leeyahayba, kuwaasoo mararka qaarkood lagu soo bandhigo sawiro meydad soomaaliyeed oo danbi laga galayo ama lagu xad gudbayo xurmaddii ay lahaayeen xitaa noloshooda ka dib iyaga oo meyd ah.

Waxay in badan indhaheygu qabteen, meydad carruur, haween, dad shacab ah, kuwa dambiilayaal ah, oo intaba, ka BINI’AADAM ahaan iyo ka ISLAAM ahaanba xaq u lahaa in meydkooda la asturo, isla markaasna la xushmeeyo dadkii ay ka dhasheen gaar ahaan iyo guud ahaanba inta aan rabin in indhahooda qabtaan ama arkaan qof meyd ah oo googo’an ama ruqruqay oo uu qarax ka dhigay HILBO SHIIDAN.

Waxaa mararka qaar dhacda in ay soo bandhigaan sawiradaas argagaxa leh dad iyagu markaas sheeganaya mas’uuliyiin dowladeed, ama suxufiyiin, arrimaha naxdinta leh ayaa ka mid ah, xitaa warbaahinta Qaranku inay soo bandhigto, ay fullinayaan falalka xukunnada toogashada ah, marka la tooganayo dad dambi galay iyo kuwa aan gelinba oo aysan jirin meel adduunka dadka lagu hor toogto, iyagoo geed ku xirxiran oo rafaad iyo bah dilaad ka muuqato, diinta islaamkuna waxay qabtaa “ Neefka haddii la qalayo in aan mindida agtiisa lagu soofeyn lana tusin, si raaxo lehna iyadoo afeysan loogu birreeyo maxaad ka fileysaa dadna sidee loola dhaqmayaa ilaahay karaameeyey.

Anigoo ku maqan xusuustii iyo ka fakarkii habdhaqanka dadka soomaaliyeed qaarkood kula dhaqmaan MEYDKA , isla markaana daawanaya meydka horteyda yiilay oo aan xitaa in yar oo jirkiisa ka mid ahi muuqan , ayaa nalagu amray inaan goobta isaga tagno.Laga soo bilaabo maalintaas ilaa iyo hadadan, waxaan isku dayayaa iinaan jawaab u helo su’aalahan:

1- Maxaa keeni kara inay kala mudnaadaan meydkii aan arkayay ee horteyda yaalay, iyo meydadka ay soo bandhigaan MAS’UULIYIIN IYO SUXUFIYIIN – KU- SHEEGYADA SOOMAALIYEED?

2- Door intee la’eg ayay ka qaadan karaan shacabka soomaaliyeed inay iska diidaan ama ka hortagaan dhaqanka foosha xun ee lagula dhaqmo MEYDADKA SOOMAALIYEED ee ku dhinta QARAXYADA ama si kale LOO DILO?

Jawaabta waxaan ka sugayaa aqristayaasha………….

 

W/Q Cismaan M. “ Guuleed weykan”

Barta Facebook ee Guuleed weynkan

SHEEKOOYIN