MIRIAM MAKEBA; ‘MAMA AFRIKA’ Cabdinaasir Xiddig

MIRIAM MAKEBA; MAMA AFRIKA

“Gabdhaheennu waa hooyooyinka soo socda ee bulshadeenna, waana la-gama-maarmaan in aan ku dadaalno wanaajintooda”

“Waxaan ilaashaday dhaqankayga, qofnimadayda iyo muusiggayga, markaas baan noqday astaanta iyo tusaalaha afrikaannimada”

“Waxaan u hadlaa dadkayga (madawga), waa in aanu halganka sii wadnaa, maxaa yeelay, waxaan ognahay in aan xaqa ku taagannahay…… Beentu ma dabooli karto runta……. Anagu, waan faraxsannahay, waa ciyaarnaa, waan heesnaa, maxaa yeelay, marmarka qaar waa in aad qososhaa intii aad ooyi lahayd!” Miriam Makeba, waraysi 1968-dii.

Miriam Makeba, Hoobalad, Abwaanad, halgamaayad iyo qof waqtigeeda ku bixisay: u doodidda xaquuqda dadka madaw ee ay ka dhalatay.

Mama Makeba, waxay ku dhalatay magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika gu’gii 1932-dii, waxayna ku geeriyootay sanadkii 2008-dii dalka Talyaaniga.

Waxyaabaha ay la gaarka ahayd maama Miriam, waxaa ka mid ahaa, in ay ku heesi jirtay afaf kala duwan sida; Ingiriiska, Xhosa-ha, Sotho iyo Zulu-ga, taasi oo u fududaysay in ay hanato quluubta dadyaw badan oo ku kala nool dunida dacalladeeda iyo dalkeeda hooyo ee South Africa.

Miriam, waxay taageerayaasheedu ku xusuustaan heesaheedii kala jaadka ahaa ee isugu jiray: daljirnimada, caashaqa iyo dhaqanka, waxaa kaloo lagu xusuustaa codkarnimadeedii iyo geesinimadeedii ay mar kasta uga soo horjeesan jirtay maamulkii xagjirka ahaa ee caddaankii ku amartaaglayn jiray dalka Koonfur Afrika iyo waliba, ku faaniddeedii qofnimadeeda, taas oo dhaxalsiisay in uu maamulkii caddaanku dalkeeda hooyo  ka eryo, ayna debedjoog ahaato in ka badan 30 sano.

Miriam, waxay u soo joogtay dharaaro xambaarsanaa murugo, ciil iyo waliba kuwa astaan u ahaa guul iyo gobannimo. Waxay u joogtay dadkeeda oo la xasuuqayo, la addoonsanayo, la xirxirayo, lana sinnayn dadka kale ee ka midabka iyo muuqaalka duwan. Waxaase kale oo jiray maalmo farxad ku suntanaa, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen: gobonnimo qaadashadii Muzambiig iyo Zimbabwe. Waxay ka heestay oo ay qoobab-ka-ciyaar farxadeed ka muujisay debbaaldegyadii madaxbanaannida labadaas dal.

Wuxuu waqtigeedu ku simay: Robert Mugabe oo 1979-kii Boqortooyada ingiriiska ka faramaroojiyay dalkii la dhihi jiray Roodhiisiya, kadibna ugu wanqalay Zimbabwe. Waxay ku ildoogsatay: Samora Mechal oo 1975-tii Boortaqiiska ku gagabiyay Muzambiig, ka gadaalna, ku dhawaaqay Jamhuuriyadda aan naqaanno maanta, ha ka reebin oo waxay laabta kaga faraxday geesigii reer Koonfur Afrika: Cris Hani iyo  jabhaddiisii (uMkhonto we Sizwe) oo qarbudaad iyo dagaallo ku naafaynaya nidaamkii midabtakoorka dalkeeda ka talin jiray, dhacdooyinkaas oo caddaankii laangaabka ahaa ku noqday jab iyo naasabeel.

Ugu dambayntiina, waxay la damaashaaday dadkeeda oo u heesaya, guushii uu ururka ANC ka soo hooyay: doorashadii 1994-tii ka dhacday dalka Koonfur Afrika, laguna doortay Nelson Mandela oo noqday: madaxweynihii ugu horreeyay oo kaa soo jeeda dadka Afrikaanka ah, doorashadaas oo soo afjartay maamulkii caddaanka ee midabtakoorka ku dhisnaa.

Miriam Makeba, waa mid ka mid ah dadka la soo xusuusto maalmaha la xusayo ama loo debbaaldegayo madaxbanaannida iyo sinnaanta, waana qof ku xardhan, kuna xardhanaandoonta qalbiyada dadka reer Koonfur Afrika, gaar ahaan qoomiyadaha dhibbanaha u noqday nidaamkii ku dhisnaa faquuqa iyo kala soocidda dadka, sidoo kale, bulshooyinka qaaradda Afrika iyo guud ahaan dunida aamisan isnaaniyadda iyo isxaank

W/Q: Cabdinaasir Xiddig

Xigasho: barta YouTubeka Miriam Makeba Official, barta internetka miriam Makeba iyo Wikipedia.

SHEEKOOYIN