Mogadishu iyo xiriiradeedii Diblomaasiyadeed iyo Ganacsi W/Q; Prof Yaxye Sheekh Caamir

 

 

739864_1069231713118561_8441392874041641739_o

 

 

 

 

 

Mogadishu iyo xiriiradeedii Diblomaasiyadeed iyo Ganacsi.

Mogadishu waxa ay xiriir Diplomacy la leheed Maamulada kale,Fiiri marqaati buuga L’Italia Nel Banadir bogga 376aad warqadda Suldaanka Sensibaar ee Cali Bin Saciid u soo qoray lmaamka Xamar 27-kil Muxaram 1308-Hijriya isagoo leh; “Imaam Maxamadow waxaan helay warqaddii aad ii soo qortay, waana fahmay waxaana kugula talinayaa in aad diido Talyaaniga, wax ma qabtaan, xasiloonina ma keeni ka-raan, waxaan kugula talinaa inaad Ingiriiska xiriir la yeelato waa iga talo go’aanka Xamarse adinkaa iska leh.”

Mase fiirisay Kitaabka uu qoray Ibnu Batuuta ee (Bitaxfatu Al Nidaar) Bogga 189aad ee uu uga hadlayo booqashadii Xamar uu ku yimid 1237 – Hijriya owna la kulmay imaamka Soomaaliga ah ee Xamar Xukumayay lana dhihi jiray, Imaam Abuukar Sheekh Caamir. Dhinaca kale qaaliga Xamar lama magacaabi jirin ee si demoqaraadi ah ayaa dadku u doora jireen qofkii caadilnimo lagu tuhmayo. fiiri marqaati buuga Baqiyatul Aamaal bogga 57aad shirkii lagu qabtay meesha la yiraah (Mal Malle) oo aheyd halka maanta masjidka Arbaca Rukun ka dhisan yahay, qarnigii 8aad ee Miilaadiyada, 1200-Sano ka hor,halkaa oo si xor ahna loogu doortay xaakimka Xamar.

Qaaliyaashii ku caan baxay caddaaladda waxaa ka mid ahaa Sheekh Abuubakar Faqru Diin oo geeriyooday sanadkii 1117. isla Baqiyatul Aamaal fiiri bogga 91aad xiriirka lmaamyada Xamar ay la lahaayeen Boqorkii Min gu Luu ee Shiinaha sanadihii 1402-1425-kii iyo waliba booqashadii Shingi Hu, uu ku yimid Xamar bogga 91aad mar kale ka fiiri booqashadii Fasko Degaama bad mareenkii Boortaqiisku Xamar ku yimid 1499, bogga 90 aad, booqashadii Maarka Boolo ku yimiday Xamar sanadkii 1292, 700-sano ka hor, bogga 31aad booqashadii bad mareenkii Faransiiska ahaa Carlo Guellian uu ku yimid warsheekh 1846, kaddibina Muqdisho iyo Baraawe 1848 isagoo yiri Muqdisho iyo Baraawe tirada dadka ku noolaa waa is la ekaayeen oo min 5000 oo qof ayeey ahaayeen. Ma’ogtahay in Xamar uu lahaa Lacag u gaar ah intii u dhaxeysay 1300-1700, xataa mararka qaar Xamar waxaa ka socotay oo sarif loo helayay lacagtii Ming iyo Shing ee boqortooyadii Shinaha.

Shiinuhu waxa ay keeni jireen xamar dharka xariirta ah iyagoo ku baddalanay Faanta maroodiga iyo badeecooyin kale.(( waxaan tagay oo aan indhaheeyga ku arkay warshada xariirta ee galbeedka caasimadda shiinaha ,waxaa darbiga ku sawirnaa taariikhda ganacsiga xariirta ,ee Hindiya ,khaliijka iyo Somalia –somalia waxaa xariirtaa la geey jiray 7 magaalo laga soo bilaabo Zaylac illaa baraawe)).

Haddii abkoow yaasheen xariir labisan jireen annagu maanta waxaan la bisanaa Huu dhaay( who dead) haddaan runta iska sheego tusaale anigaaba 2 bil ka hor 2 shaati oo huu dhaay ah ayaan Via Rome uga gatay 6$ .

10358886_1069231456451920_6703234414944351576_nGanacsatadeenii shalay xariir ayeey noo keeni jireen maantana! Dadkii shalay weey iibsan jireen annagu ma gadan karnaa? Khaliijkii aan Zakada siin jirnay ayaan hadda tuugsanaa fiiri sawirka 1aad ee A-D Dariq Al xabiib uu leeyahay aabbaheey ayaa ii aqriyay qoraal 150 sanno ka hor ahaa oo culumada soomaalidu ay ka codsanayaa ( iftoodeen) in Zakada ay bixinayaan soomaalidu ugu deeqaan walaalahooda carbeed ee dega Jaziiratul carab. Taajir Kuwaiti ah ayaa ku yiri wiilkiisa ,haddii ayna somaliya jiri la heeyn aniga iyo carruurteeydu gaajo ayaan u dhiman laheeyn, Subag sadaqo iyo beecba aan uga soo helo Soomaaliya ayaan tangga ku soo qaadi jiray oo aan carruurta ku kori jiray

Maanta waddamadii shiinaha , jaziiratul carab iyo Kuwait inteey marayaan? Annaga yaa na inkaaray? Ganacsigeenu intuu marayaa fiiri sawirka 2aad irida laga gali jiray dekadii hore ee mugadishu dhinaca sekonda liido.

739864_1069231713118561_8441392874041641739_o

 

 

 

 

 

 

 

Fiiri sawirka 3aad
10355002_1069231806451885_4516684958879441119_n

Kawaankii malaayga ee hore sida maanta uu yahay?,yaa kula qurxoon?

 

 

 

Fiiri sawirka 4aad taaladii dal jirka dahsoon iyo ex- baarlamaan oo jardiin u ah taalada.

1497011_1069232006451865_9112030685198346345_n

 

 

 

 

 

 

 

Fiiri sawirka 5aad villa Somalia oo dhul waasac ah oo loo reebay ku dhaxtaal.

10406493_1069232963118436_2640219359313803133_n

 

 

 

 

 

 

Maantana cariiri dhuleed ayaan galinay…..Mogadishu ma yeelan kartaa xiriir diblomasiyadeed iyo ganacsi ay isku horumariso magaala ahaan,xoriyad iyo demoqaraadiyad ay u siman yihiin daka degan. Xariir malagu ciidi doonaa,carab zaka ma sii doonaa? Si magaaladu u horuu marto maxaa loo baahan yahay???

W/Q; Prof Yaxye  Sheekh Caamir

 

 

SHEEKOOYIN