“MOHATAYE ALLOW” Maansadii 11AAD ee Silsiladda MIDNIMO

Untitled

Maansada; MOHATAYE ALLOW

Waa maanso ka mid ah silisladda MIDNIMO ahna maansadii 12AAD ee silsiladda. Waxay sii xoojinayso aragtida MIDNIMADA ee ku jirtay qaar ka mid ah maansooyinkii hore,waxayna ku billaabatay sidan;

Maansada; MOHATAYE ALLOW

 

Mudanaha tibaaxee

Miinleyda curiyee

Midnimuugu yeeriyo

Dhammaan muhindisiintii

Maskaxdooda shiilee

Muxibbada riyaaqa leh

Heesaha u mariyiyo

Inta madasha joogtaay

Marka hore salaan guud

Dabadeed an mariyee

Tix macaanle iga hoo

Maqalkana i deymiya

Haddii ay MIDNIMADII

Muddo loo hamuun qabay

Maskax waayo arag tiri;

Ma huraan dadkeygoow

Suugaanta magaca leh

Madhaxsiga tilmaamaha

MAANDEEQ ey leedahay

Magacyada kun dhaafka ah

Eyra maalisteedoon

Midig qura ku hiignoo

An magaaw niraa oon

Moorada horteediyo

Maraay Qodaxle hoostii

Midba jeer qur quriyoo

Ilaa muluqya waayeel

Isu soo maraanoo

Lagu kala maqneyn bey

Maskaxdeydu hibatee

Ilaahoow u meel mari.

 

Marka xiga U jeeddada

Maansadu ey leedahay

Kama maarmi kareysee

Mahmaah baa waxey tiri:

“Mindi aan af leyn iyo

Madax aan xabaal jirin

Midna lagama quustee”

In kastooy murmeenoo

Mudda kala fogaayeen

Misne midabka sare iyo

Mad-habtiyo diintiyo

Mandiqiyo lisaankiyo

Luqaddii mid tahay wali

Magacuna Waryaa iyo

Maryooleey u qeybsamo

Tusaalaha muhiimkee

Cid mar qura haleeshayo

Aaney dunida soo marin

Miyuu calafka mooyee

Madaxuba aqbalayaa

Moosas iney ahaadaan

Ama magac qabiil iyo

Maxaabiis nin leeyahay?.

 

Mar haddeey jawaabtii

Maya, tahay sideedaba

Danta lagama maarmee

Inaan magaca dhoowrnaa

Miyeey nala gudbooneyn?.

 

An soo meero hadalkee

Duco iyo maslaxa guud

Ma huraanki shacabkee

Musbaaxdiisi waayadan

An la marin kabriidkee

Jinka maamulaayoow

Aduunyada min geesiyo

Ilaa gees la soo maro

Macruufka ka ahaayoow

Bal malee u jeeddada

Laguu maagay waagiye

Dawarsiga ad mooddeen

Inuu kaba macaan yahay

Mulkiyadda ad leedahay.

 

Rabbi mahaddi weeyoo

Haddii maanta aad tiri

Tubtu marin habaawgii

Masalladii qaldoontana

Mudanaha abwaankiyo

Muftigiyo Shiiqiyo

Aqoonyahanka miidda ah

Ayaa marin halkeedee

Marwadiyo caruurtoo

Isla wada mushaaxeey

Manna kaaga dhowrtaye.

MOHATAYE ALLOW sii

Midnimada iyo kheyrkaba.

 

Aamiin.

 

Curiye;

 

W/Q: Cali Maxamad Maxamuud

alimaxamed1@hotmail.com

SHEEKOOYIN