Moogganaanta Masiibooyinka W/Q:Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha)

Moogganaanta Masiibooyinka

Soomaalidu waa dad u bisil hoggaan ku haga tubta toosan waana dad ay fududdahay in lagu jaheeyo dhabbe qumman lana hoggaamiyo. taas waxan u sababeyn karnaa haddii la yiraahdo “Masjid baa la dhisayaa ee wax ha lagu darsado”, ama “qof baa xanuusan ee hala caawiyo” iyo waxyaabaha la hal maala ee wax loogu taro dadka dhibaateysan, dal iyo dibad waa ay ka qeyb galaan loomana kala haro.

Umuurahaas oo idil kolkaad raad-raac ku sameyso waa ay yartahay kaalinta ay dowladdeennu ka cayaarto iyo maamul-goboleedyada laftirkooda, waxa badan oo waliba aad u badan dadka qeyla dhaaminaya ee dadaalka bixinaya, ee warbaahinta intey yimaadaan ka leh “Yaa lacag ku yaboohaya”, ee har iyo habeen arrimaha ceynkaas ah ku hoowlani waa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dal iyo dibadba. Uma baahnin gacan shisheeye iyo gargaar ku sheeggooda ay ku soo beegaan xilliyada aaranka iyo barwaaqada, innaga ayaa isku filan laakiin dariiqii loo mari lahaa ayaa innaga maqan. waxan ku talinayaa in loo kaco sidii loo badbaadin lahaa dadka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.

Gobol kasta maamul baa ka jira, innagoo og in uusan waxqabadkoodu dhammeystirreyn ayaanu wax ka sugnaa, sidaa maaha, dowladi waa dadkeeda, kolka ay bulshadu soo karuuraan waxay heli karaan ayey maamulkuna ku dari karaan intii karaankooda ah , musuqba ha iska jiree. shan kun oo qof oo ruux kasta uu sanadkiiba $24 doollar bixiyo lagama waaynayo gobol dhan oo ay ugu yaraan ku noolyihiin 50 kun. ujeedkeygu waxa weeye in uu qofku bixiyo bil kasta qarash 2 dollar ah,  lacagtaasi wadarteedu waxay noqoneysaa haddii sanad loo xisaabiyo $120,000. Bal qiyaas kolka intaas oo beeso ah laga helo 18-ka gobol ee dalkeenna hooyo imisa ayey noqoneysaa?  Waa lacag caga-cageyneysa ilaa $2,160,000.

Dadka caanka ah ee isugu jira culimada, siyaasiyiinta damiirka leh, hal-abuurrada iyo dhammaan inta bulshada dhexdooda magaca iyo maamuuska ku leh ee baraha bulshada isticmaasha, qofka ugu yar waxa  uu saaxiib la yahay 5,000 oo ruux, dadkaas sida weyn loogu xeranyahay ee dadkeennu qiimeeyaan, waxyaabaha ay soo dhigaanna laga aragti dhiibto wey ka badanyihiin 500 oo haldoorro lagu tilmaamo. haddaba haddii si togan ay u fekeraan, maskaxdoodana ay tuujiyaan oo ay u guntadaan sidii lacag loogu yaboohi lahaa dadka dhibaateysan waxay sanad gudihii ku uruurin karaan lacag ka badan $1,000,000 .

Qurba-joogta kolka aynu eegno, Soomaalida ku nool qaaradaha adduunka ee kuwa Afrika joogana laga reebo, iyagana qiyaasta la hayaa waa in ka badan 1,188,416 ruux. Waxay isugu jiraan carruur, dhallinyaro iyo dad da’ ah. Kuwa shaqeysta ee awoodi kara in ay bil kasta ka qeyb-qaataan barnaamijyada taakuleynta, waxay door muhiim ah ka qaadan karaan arrintaa iyada ah iyagoo ku yaboohi kara lacag ka badan inta laga helo Soomaalida gudaha joogta. 

Afrika goobaha ugu badan ee ay dadkeennu joogaan ee maanta la xusi karaa waa Koonfur Afrika iyo dalka Kenya, waa dad kor u dhaafaya 2,525,572 qof. Kuwa ugu badan waxa ay qaxooti ku yihiin waddanka aynu jaarka nahay ee Kenya, laakiin dalka Koonfur Afrika soomaalida joogta oo ku dhaw 140,000 waxay halkaas ku leeyihiin gacansiyo kala duwan. Iyaga laftoodu kaalin bey ka geysan karaan gargaarka dadka ay abaartu Saameysay.

Waxa caadooyinkeenna ka mid ah ceebna aan inala aheyn, in haba yaraatee aanan ka fekerin waxa soo socda ama iman kara. Waxan ku mashquulsannahay oo aynu ku foorarnaa waa dhacdooyinkii hore Laakiin kolka ay dhibtu ina haleesho ayeynu baraarugnaa oo aynu baroor, cabaad iyo qeylo-dhaan isku darnaa. Imisa sano ayaanu sidaas ahaaneynaa? Oo aan ku jireynaa marxaladdaas iyada ah? Arrimaha aan ka dhawaajiyey waxay u baahanyihiin dad lagu kalsoonyahay oo u istaaga, dal kasta oo ay Soomaaliyi joogtana ka sameeya sanduuq loogu talo galay abaaraha iyo masiibooyinka kale.

 

Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha)

Boorama, Awdal, Soomaaliya

SHEEKOOYIN