“Mooshin Midnimo” Maansadii 4AAD ee Silsiladda “MIDNIMO”

Untitled

Maansadii (Mooshin Midnimo)

Maansadan waxaa la yiraa (MOOSHIN MIDNIMO) waxayna ka mid tahay silsiladda MIDNIMO, waana tii 4aad.
Aniga oo aan diiddaneyn MIDNIMADA ayaan Mooshin ka keenay, qaabka ay dadku u fahamsan yihiin iyo sida ay tahay inay u kala duwan tahay.

Maansadu waxay daba socotaa maansooyin ka horeeyay oo ay lahaayeen Saciid Muuse, Cabdiraxiin H. Galayr iyo Bashiir M. Xersi oo ba silsiladda furay. Maansaduwaxay sii xoojineysaa iftiiminta daldaloollada jira, waxayna tiri;

 

Maansadii (Mooshin Midnimo)

 

Adduun maalin galab iyo
Maqrib fiid habeen iyo
Gudcur soo madoow iyo
Mayaay soo da’aayiyo
Abaar lagu macluuliyo
Colaad lagu martaa iyo
Nabad lagu mushaaxiyo
Macmiilkeedu badanaa.

 

Adduun maamul howleed
Musruuf aanan kaa harin
Iyo marasho joogta ah
Masjidkoo lagaa rabo
Iyo maqal la soofshiyo
Madadaalo iyo hees
Mashquulkeedu badanaa

In macaamil jire yahay
Sinnaan looga maarmeyn

Dantu meel ku gaar tahay
Marinkeedna sabir yahay
In cadaalad malab tahay
Eexdana ka mudan tahay
In midnimo macaan tahay
Galayr(1) uu ka marag yahay

Anna mara ka qaadiyo
Inaan miskaha gaaraan
Miinkaba u mariyaa
Maansada la furayoo
Laye waa mataaneyn
Midnimay ka walax tahay
Waa mala awaalkii
Madaxdii horreetiyo
Maqaawiirti curiyeen

Midse iga dad waydiin;
Midnimooy maxaa tahay?.
Mecnahaa muxuu yahay?.
Dadka moow dhexeeysaa?
Mase kooxo mudan iyo
Dad mihiibayaa jira?
Magacaaga garannaye
Midabkaagu waa sima?.

 

Afartaa macneeyaye
Soomaaloo midowdaa
Maxaa looga jeedaa?
Ma in laba mataaniyo
Kan u muuqanaayiyo
Laba maqan la keenaa
Miyaa loola jeedaa?.

 

Mise waa ilaa muluq
Iyo oday maqaawira
Maskax lagu makaanshoo
Mabda’ wada wadaagaa?.

 

Mid yaroo dardaarana

Aan kuu hor mariyee
Midnimada ma diiddani
Mana ihi mucaarade
Waxaan muujinaayaa
Madmadoowga soo galay
Iyo mooshin aan wado.

 

Ilaa sabanki MAAMDEEQ
Aan maallo loo yiri
Ummad wada maqsuudoo
Maslax wada wadaagoo
Weli mid ahba maan arag!

 

Waxaa marag madoonta ah
Abwaankii mudnaayoow
Ila milicso sheekada
Mid mid iila soco oo
Micnuhu yuu ku baal marin

Kuwa magici doorshoo
Orommada ku milanoo
Naga maqan ayaa jira.


Kuwa Tuutsi magangalay
Ama Jaad ka midahoo
Dadku moogyahaa jira
Maxay saa u yeeleen?.


Waa su’aal muhiimehe
Malaheygi iga hoo;
Mambar loo sinnaadiyo
Manfacoon wadaagniyo
Milgo ruuxu leeyahay
Iyo sharaf maqaamkeed
Ayaa leyska mudan yahay
Meeshaad ka weydana
Inaad madan ahaatiyo
Inaad muuqa qarisaa
Labadaa mid weeyaan.

 

Afartaa macneeyaye
Abwaankii mudnaayoow
Aan madagta saaqiyo
Ku dul miiqo xaabada
Holocana aan muujee
Mid mid iila soco oo
Murtidu yay ku baal marin.

 

Ruux madluunsan baa yiri
Muumin khaalisaan ahay
Muslin daacadaan ahay
Muunad gaara maan lihi
Mad-hab gaara maan lihi
Midab gaara maan lihi
Minan gaara maan lihi
Waxaan ahay maguuraan
Meel kale laheynoo
Mabacoon la jibin karin
Xaqiisiina maqan yahay.

 

Wuxuu yiri mudaacigu
Aan kuu macneeyee
Meerisyada ha baalmarin
Sadar sadar u muudsoo
Yaan macaanku kaa lumin.


Maalmihi gumeysiga
Yaa maali jirayeey
Iyo melagi tuuryada
Kii mariid fallaarliyo
Maqar lagu dagaaliyo
Kuu tumay masaartoo
Muruqiisi kuu huray
Kula mida ayaan ahay.

 

Wuxuu yiri mudaacigu
Qof aad midab takoortoo
Magac kula wadaagoo
Aad siisid madaxiyo
Majihiyo calooshoo
Mudka geela laga cuno
Inta mayraq gaartiyo
Kuriskii macaanaa
Midna aad u diiddoo
Kula mida ayaan ahay.

 

Mid kalaa wuxuu yiri;
Nin maqaalin haystoo
Mowjado badweyniyo
Ka jillaabta maanyoo
Mallaaygii uu keenaa
Aad maraxsaneysoo
Kuu maqan ayaan ahay.

 

Wuxuu yiri mudaacigu;
Mid maqaarka kuu tola
Ama madaxa kuu jara
Maacuunta gurigiyo
Middi iyo ableey iyo
Mudac iyo maxaar iyo
Inta miis la saartee
Macdan laga sameeyaa

Masnaceedi baan ahay.

 

Wuxuu yiri mudaacigu;
Ma midiidin baan ahay?
Maqaar saar miyaan ahay?
Mid la soo helaan ahay!
Miisaan culeyskana

Mandad maan aheeynoo
Moohaar miyaan ahay
Ma muhaajir baan ahay
Soo marin habaaboo
Ka mamnuuca guurkiyo
Meherkiyo nikaaxaba
Mise mowlahaa yiri
Yaan muufa lala cunin
Maqaam sare la gaarsiin?.

 

Mid kalaa wuxuu yiri;
Haddii aan misow jirin
Magta kula mid maan ihi
Marti kula fadhiistiyoo
Masallaha gelaayoo
Marxabbeeya maan ihi.


Murtidii abwaankii
Wanka macasha ii qabo
Adiga gowrac ii mari
Dhiiggana aan muudsado
Halkaa eey mareeysaa
Middidaan ku goorriyay
Maqaarkaan ka bixiyiyo
Majeheey ku leedahay
Ma saasaa midnimadii
Mabda’eedi laga dhigay?.

 

Intaa waad magaawdee
Adduun midab takooriyo
Farac lagu mashquuliyo
Tiro leysku moosaa
Waa horeey ka maageen
Madoowgiyo caddaankii
Ayaa waxay maraayaan
Yaa calanka midabka leh
Cirka yaa ka mudi kara?
Yaa maqaarka xoolaha
Marya nooga dhigi kara?
Yaa horomar muuqdiyo
Dalka meel u rari kara?
Yaa mihindis aaliyo
Mootar noo sameyn kara?
Yaa maanyo gudeheed
Markab noo marsiin kara?
Yaa miidda ceeriin
Mooge nooga heli kara?

Macallin Muuse(2) wuxuu yiri;
Inta ummad maryooleey
Ka muraal dillaacdoo
Diyaasbaro dan moodeen
Maxaa laga maleystaa?.

 

Majin dhooqo waa tii
Marba mid la qaadee
Abwaankii mudnaayoow
Mabdi’ii madnimadaa
Noo muuqan waydee
Sharcigeedi maaree!

Dhammaad.

(1) Cabdiraxiin H. Galayr oo curiyey maansadii 3aad ee silsiladda oo magaceedu ahaa; “Midnimaa leh Maamuus

(2) Saciid Muuse “Ustaadka” oo curiyey maansadii 2aad ee silsiladda, oo magaceedu ahaa; “Leyska dhiib Mareykan

 

Curiye;

Ahmed Hayow

SHEEKOOYIN