MOOTO BAJAAJ SIDA HA LOO DHAAMO W/Q: Cabdinaasir Xersi Iidle

10410094_914550745273317_2584228225272577639_n

MOOTO BAJAAJ SIDA HA LOO DHAAMO

Markaad marto Xiliyada Shaqada Maalin walba Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama gaar ahaan Isgoysyada muhiimka u ah isu socodka Dadka iyo Gaadiidka sida Isgoyska Shaqaalaha, KM4, KM5 (Zope) Via Laiberia, Afisione, Umplatorio Ceel-Gaab iyo Wadooyin kaleba waxaa khadyaan kala taagan Ciidamada Dowlada Hoose ee Xamar (Municipio) iyo Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka, Su’aashu waxay tahay maxay isku hayaan? Si aan u helo halka ay sartu ka qurunsan tahay ayaan waxaan Todobadkii la soo dhaafay oo dhan la sheekaysanayey qaar ka mid ah Dhalinta ku howlan Wadista Mootada Bajaaj-ka.
“Saaxiib, Waxaan ka mid ahay Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee Moqdisho ka Xamaasha, waxaan dhowaan ka imid Dalka Koofur Afrika, waxaan u dulqaadan waayey dhibaatada halkaas ku haysata Soomaali badan oo aan ka mid ahaa sababtoo ah, waxaan marar badan ka fakaday in la i qaarijiyo, anigoo halkaas ku waayey Saaxiibo dhowr oo aan aad isugu dhowayn” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Wadayasha Mootooyinka Bajaajka, waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri.
“ Waxaan bilaabay in aan Mooto Bajaaj ka ijaarto mid ka mid ah Shirkadaha Bajaajka, si aan u debero Nolosha Qoyskayga, waxaana Maalin walba ka bixiyaa Mootada aan wato 13-doolar, waxaan khadyaan ka taaganahay Ciidamada Dowlada dhamaantood waxaana ugu sii daran Ciidamada Booliiska iyo kuwa Dowlada Hoose ee Moqdisho sababtoo ah mid walba oo ka mid ah Ciidamada Dowlada ee ku istaajiya waxa uu ku waydiinaya waxaan jirin isagoo doonaya inaad Laaluush iyo wax la mid ah siiso”.
Wiilkaas Dhalinyarada ah ee ka yimid Koofur Afrika, waxa uu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey. “Hadaan ogaan lahaa in aan Ciidamadaydii kala kulmayo dhibaato intaa la eg, waxaan iska joogi lahaa halkii aan ka imd”.
Wade kale ka mid ah Dhalinyarada Bajaajka ayaan Subax ka raacay isgoyska KM4, anigoo balan ku lahaa Hodheelka Jaziira oo u dhow Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaan ogaa in halkaas lagu tago Hal Doolar laakiin Wadihii Mootada waxa uu igu wargeliyey wax yar ka dib markii uu dhaqaaqay in qiimuhu kor uga kacay Hal Doolar, la igana doonayo Laba Doolar, waxaan la soo boodey sababtu waa maxay? Intii aanu jawaabin ayuu Laamigii ka leexday oo afka saaray jid Cadde aada Xaafadda Buula Xuubeey waxa uuna bilaabay sheeko dheer waxaanu yiri.
“Saaxiib in mudo ahba nalooma ogolayn inaan tagno Garoonka Diyaaradaha waxaana nalaka xiray dhammaan Wadooyinka soo gala Garoonka Aadan Cadde tan Afisione, tan Madiina iyo tan lanbar Afar intaba lama ogola iney Bajaaj u dhowaato” Ninkaasi Dhalinyarada ah oo ii sheegay in uu ka yimid Dalka Sacuudi Caraabiya, waxa uu intaas ku daray. “ Waxaan ahay Canshuur bixiye Maalin walba waxaa layga qaadaa Hal Doolar, xitaa hadii aan jirado ama Mootadu iga halowdo waa layga rabaa, hadana la iima ogola inaan ka qaraabto Garoonka Diyaaradaha iyo Agagaarkiisa.
“ Taasu Cadaalad ma ahan” ayuu ku soo idleeyey hadalkii uu ii bilabay markan ka soo tegaynay Isgoyska KM4.
Mid kale oo da’aada 50-ka gaaray ayaan Maalin Barqadii kula kulmay Xaafada Waaberi isagoo Geed harsanya, Salaan ka dib waxaan waydiiyey waxa uu u shaqa tegi la’ yahay? Isla markiiba waxa uu kor u taagay Bulleeto ama Boono, waxaanu yiri. “Boonadaas waxaan soo goostay saacad ka hor, hal qof weli ma qaadin, mana ihi dadka Canshuurta la dhuunto, fiiri Taariikhda waxaan hor mariyey 5 (shan) Maalin Canshuurtood, hadana ma shaqaysan karo Maanta sababtoo ah Wadooyinka muhiimka ah oo dhan waa ay xiran yihiin, Mootaduna waa Ijaar, Milkiilihiina wax walba haday dhacaan igama yeelayo, marka si aan yeelo ma aqaan, mana aqaan cid aan u dacwoodo” .
“Lacagta nalaka qaado marka aan suuqa ka maqan nahay, si kastaba aan ku maqnaanee, waxaan u arkaa mid baad ah, sababtoo ah waxaan ahay nin wax badan og, waxaan joogi jirey Magaalada waxaan la mid nahay Haweenka iyo Ragga Caanaha iyo Qoryaha keena maalin walba Magaalada, waxay Haweenkaas iyo Raggaas Canshuurtu ku waajibtaa marka ay Suuqa Badeeco keeendsdaaan oo kaliya ee hadii ay Maqnaadaan lagama doonayo,” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Waadayaasha Mootooyink Bajaajka oo aan kula kulmay Degmada Xamar Wayne.
Ninkaasi oo ii sheegey in uu Mootada gatay markii Bajaaj-laydu Suuqa ka saareen Taxi-yadii Magaalada, ayaa intaaa ku daray. “Waxaan garan la’ahay waxa aan uga duwan nahay Dadka caadiga ah ee Maalin walba Badeecada Suuqa keensada, waxaan codsan lahaa in Maaalintii an shaqaysanayno oo kaliya nalaka qaado Canshuurta Dowlada, ma nihin dad wax diidan”.
Ninkasi odayga ah waxaa uu gebagebadii yiri iasagoo aad moodo iney caro ka muuqato “waxaan is-waydiin mudan, waxa lagu qabto Lacagta nalaka qaado Maalin walba , Qiyaastii waxaan nahay Sedax Kun oo Mooto, waxaan bixinaa lacag xoog leh, Wadooyin Wanagsanna ma haysano, hadana abaal-keenu waxa uu noday in qori cabaysan sanka nalaka geliyo iyo ixtiraam la’aan”.
Si kastaba, waxay sameeyeen Wadayaasha Mootooyinka Bajaaj-ku Maalintii Sabtida Shaqo joojin, waxa ayna Ashtako ka ahaayeen dhibatooyin ay sheegeen in lagu hayo, sida:- Handadaada iyo caga-juglaynta ay kala kulmaan qaar ka mid ah Ciidamada Dowlada, Lacagaha laga qaado Maalmaha aanay shaqayn, in loo diido Garoonka Diyaaradaha iyo in aan wax muuqda lagu qaban Lacagaha laga qaado. Waxaa qaabiley Taliayaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Magaalada Muqdisho Cali Xirsi Barre (Cali-Gaab), waxa uu sheegay in aanu waxba ka qaban Karin dhibaatooyinka ay sheeganayaan oo dhan, laakiin waxa uu balan qaaday in uu u gudbin doono cabashadan cidda ay khusayso, lana arki doonee halka ay ku dhamaato.

W/Q: Cabdinaasir Xersi Iidle
Tel. 00252-615503978.
E-mail. Nasirx1@gmail.com

SHEEKOOYIN