MUCJISADII UGU DAMBEEYSAY Alustaad Ahmed Deedat Q.2aad W/Q Ahmed Hayow

Waxyaabaha iska daba dhaco (coincidence) waxaa lagu sheegaa inay jirto awood sababta sidaas inay iskaga daba dhacaan, markaan fiirino Mucjisada ku jirta xarfaha Alle uu ku dhaartay oo ah 14 xaraf, kuwaasoo qaar ay kali kali yihiin qaarna ay ka badan yihiin, waxay ku jiraan xarahaas Alle uu ku dhaartay laga soo billaabo Suuradda 2aad Albaqara ilaa Suurada 68aad Suuratu Nuun, waxaad arkeeysaa inay kala yihiin (Alif Laam Miim) (Alif Laam Raa) (Alif Laam Miim Raa) (Xaa Miim) (Xaa Miim Ceyn Siin Qaaf) (Dhaa Siin Miim) (Dhaa Siin) (Alif Laam Miim Saad) (Kaaf Haya Ceyn Saad) (Yaa Siin) (Dhaa Haa) (Saad) (Qaaf) iyo (Nuun) waa 14 nuuc oo qaarkood soo laalaabtay, inta soo laalaabatay marka leyskudaro waa 19, kuwaasoo kala ah (Alif Laam Miim) oo 6 Suuradood ka billaabmaan, (Xaa Miim) oo 6 Suuradood ka billaabmaan, marka laga reebo Suurada 42aad oo ah (Xaa Miim Ceyn Siin Qaaf) iyo 5 (Alif Laam Raa) marka laga reebo Suurada 13aad oo ah (Alif Laam Raa) iyo 2 (Dhaa Siin Miim) marka laga reebo Suurada 27aad (Dhaa Siin) intaa waa (6+6+5+2= 19) Suuradood.

Suuradda 50aad (Qaaf) iyo Suuradda 42aad (Xaa Miim Ceyn Siin Qaaf) oo laga wada helo xarafka Qaafka, mucjisada ku jirta waxay tahay labada Suuradood waxaa mid walba ku jira 57 Qaaf, markaad isku dartana waa 114 Qaaf, waxaa lala yaaban yahay Nabi Muxamed (c.s.w.s) oo aan haysan calculator iyo computer siduu uga ilaaliyay Suuratu Qaaf inay 57 Qaaf ka bato, waayoo markaad fiiriso Aayaadaha 12aad,13aad iyo 14aad waxay leeyihiin,12aad: “waxaa hortood beeniyay Qoomu Nuux, Asxaabu Rasi iyo Thamuud” 13aad: “Reer Caad Fircown iyo Walaalihi Luud” 14aad: “Asxaabul Eyka iyo Qoomu Tubac way beeniyeen Rusushi” Aayada 13aad Qoowmu Luud waxaa laga dhigay walaalihi Luud, waayo haddii Qaafkaas lagu daro wuxuu ku noqonaa 58aad umana qeybsamo 19, su’aashu waxay tahay yaa ku yiri Nabi Muxamed (c.s.w.s) ka ilaali Qaafka oo ha dhihin Qowmu Luud ee ka dhig Walaalihi Luud, tiriya meeqa qaaf ayaa ku jira Suuradda 42aad iyo 50aad.

Waxaan soo aragnay labada Suuradood 42.(Xaa Miim, Ceyn Siin Qaaf) iyo Suurada 50. (Qaaf) oo labadaba Xarafka Qaaf ku wada dhamaada iyo inta Qaaf ee ku jirta inay u qeybsameen 19 (divisible by nineteen) iyo mucjisada ku jirta Aayadda 13aad ee Suuratu (Qaaf) haddana aan fiirino Suurada 38aad (Saad) anagoo soo qaadaneyna Suuradaha kale ee xarafka Saad uu ku jiro, kuwaasoo kala ah Suurada 7aad (Alif Laam Miim Saad) iyo Suuradda 19aad (Kaaf Haya Ceyn Saad) waa Suuradaha 7aad, 19aad iyo 38aad.

Suuradaa 7aad waxaa ku jira 98 Saad, Suuradda 19aad waxaa ku jira 26 Saad, Suuradda 38aad waxaa ku jira 28 Saad, markaad isku darto waa 98+26+28=152 Saad, haddaba 19×8 waa imisa? Inta Saad ee ku jirta ma u qeybsamaan 19? Waa sax inay u qeybsamaan.

Markuu Alle (s.w) leeyahay la imaada Quraan la mid ah, ma aheyn inaan qofku iska hadli karin ee waxay tahay yaa namber ku saleyn kara wuxuu qoraayo, taasoo ay chapterdiisu nambar isku mid ah u qeybsami karaan!? Waa maya majiro qof ibnu Aadan ah oo qori kara buug u qeybsama 7 ama 8 iwm.

Bal fiiriya mujisadan yaabka leh ee Suuradda 19aad, mid mid aan u soo qaadano xarfaha ku jira iyo tiradooda (Kaaf=137) (Ha=168) (Ya=345) (Ceyn=122) (Saad=26), markaad isku wada darto waa 798 (19×42) waa Suuradda 19aad oo xarfihi ay ka bilaabantay uu Rabbi ku dhaartay inta ku jirta Suuradda ay u qeybsameen 19, Allaahu Akbar.

Ustaad Axmed Deedat (R.A) wuxuu ka cudurdaartay Suuradda 7aad Aayadda 69aad kalmad u qoran (Basdhatan) oo ah (Ba, Saad, Dha, Ta) oo Saadka waxaa dul saaran (Siin) kalmaddaas waxay Quraanka kaga jirtaa laba suuradood, mid waa 2aad Aayadda 247aad oo ay (Siin) ku tahay iyo Suuradda 7aad Aayadda 69aad oo ay ku tahay Saad uu Siin dulsaaran yahay, taas oo ah in labadaba loo akhrin karo, balse uu Ustaadku Saad ka dhigtay haddii kale ay noqonaayaan 151 Saad, waloow ay mucjiso tahay waxa Saadka iyo Siinka leysu dul saaray lafteeda oo aan siin kaliya looga dhigin sidi Suuratul Baqara.

Ustaad Axmed Deedat (R.A) wuxuu keenay inuu Lambarka 19aad yahay Lambar ku oodan Kitaabka Alle (pounded above) oo ah inuu ku saleeysan yahay ama ku miisaaman yahay, taasoo ay adagtahay inuu qof insaan ahi qoro buug lambar ku saleysan oo inta (the) ee ku jirtaa ay 19 uqeybsanto inta chapter uu yahay ay 19 u qeybsanto oo inta (he and she) oo ku jirtaa chapter ama ka badan oo leysku daray ay 19 u qeybsanto.

Fiiri inta cadeyn uu keenay Ustaadka.

1.Bisinka waa 19 xaraf (19×1)

2. Quraanka waa 114 Suuradood (19×6)

3.Shanta Aayadood ee ugu horeeyay ee soo degtay waa 19 eray ama kalmadood (19×1) iyo 76 xarfood (19×4).

4.Suuratu Calaq waa suuradda 19aad marka hoos laga soo xisaabiyo oo laga soo billaabo Suuradda 114, 113, 112, 111, ilaa 96 oo ah tan 19aad.

5. Shanta Aayadood ee ugu soo horeeysay waxaa ku soo darsamay 14 aayadood ilaa maalinti Afaraad oo isku ah 19 aayadood oo ay ugu dambeeyso aayada (korkeeda waxaa ahaaday 19) waxa ugu dambeeya uu yahay 19.

6. Xuruufaha afka Carabiga waa 28 xaraf min Alif ilaa ya, sidaas ay tahay 14 ayuu Alle ku dhaartay oo kala ah (Alif, Xa, Ra, Siin, Saad, Dha,Ceyn, Qaaf, Kaaf, Laam, Miim, Nuun,Ha, Ya) 14kaas oo ka billowda 29 Suuradood oo u sameysan 14 qaab oo kala ah:-

a) Alif Laam Miin, oo ka billaabma Suuradaha

2aad. Baqara

3aad. Aala Cimraan

29aad. Cankabuut

30aad. Gulibat Ruum

31aad. Luqmaan

32aad. Sajadah.

b) Alif Laam Raa, oo ka billaabma Suuradaha

10aad. Yunus

11aad. Huud

12aad. Yusuf

14aad. Ibrahim

15aad. Al Xajar

c) Xaa Miim, oo ka billaabma Suuradaha

40aad. Gaafir

41aad. Fusilat

43aad. Azukhruf

44aad. Adukhaan

45aad. Aljathiya

46aad. Al axqaaf.

d) Dhaa Siin Miim, oo ka billaabma Suuradaha

26aad. Al Shucaraa

28aad. Al Qasas

19kan Suuradood waa kuwa hal jeer ka badan uu Alle ku dhaartay.

e) Alif Laam Raa, Suuradda

13aad. Al Racdi

f) Xaa Miim Ceyn Siin Qaaf

42aad. Ashuuraa

g) Alif Laam Miim Saad

7aad. Al Acraaf

h) Kaaf Ha Ya Ceyn Saad

19aad. Maryam

i) Saad

38aad. Saad

j) Dhaa Siin

27aad. Anamal

k) Dhaa Haa

20aad. Dhaa Haa

l) Yaa Siin

36aad. Yaasiin

m) Qaaf

50aad. Qaaf

n) Nuun

68aad. Nuun.

 

Min (a-n) waa 14 hab ee loo isticmaalay xaruufaha dhaarta.

 

7. Suuratu Qaaf oo ah tan 50aad iyo Xaa Miim Ceyn Siin Qaaf oo ah suuradda 42 oo erayada lagu dhaartay ay Qaaf ugu dambeeyso, marka la xisaabiyo inta Qaaf ee ku jirta labada suuradood waa 114 Qaaf oo ah (19×6).midda kale Rabbi s.w. reer Nabi Luud oo inta badan Qoomu Luud lagu dhahaayay ayaa Aayada 13aad ee suurada Qaaf lagu yiri Ikhwaanu Luudhin oo lama dhihin Qoomu Luudhin si aanu Qaafkaas 115 ugu noqon

8.Xuruufaha dhaarta ah ee Saadku ugu dambeeyo suuradaha 7aad Alif Laam miim Saad, 19aad Kaaf Ha Ya Cetn Saad iyo 38aad Saad haddii aad isku wada darto inta Saad ee ku jirta waa 152 oo ah (19×8).laakiin Aayada 69aad ee Suuradda 7aad Alacraaf ayuu Sheekh Axmed Deedat (R.A) ka cudur daartay ayadoo kalmadda ah (Basdhatan) ay kutubta qaarkood u qoraan Saad uu dul saaran yahay Siin, qaarna ay u qoraan sidda Suuratu Baqara aayada 247aad oo ay Siin ku tahay.

9.Suuradda 19aad Maryama, oo ka bilaabata shanta Xaraf ee dhaarta ah (Kaaf Ha Ya Ceyn Saad) shantaa xaraf inta suuradda uga jirta haddii leysku daro oo ah

Kaaf-137

Ha.   -168

Ya    -345

Ceyn-122

Saad- 026

Oo ah 798 (19×42).

10.marka leysku daro 14ka xaraf ee Rabbi ku dhaartay iyo 14ka qaab ay u kala baxaan (min a ilaa n) oo lagu daro 29ka Suuradood waa 14+14+29=57 (19×3).

11. Waxaa 114ta Suuradood Bisin ka billaabmaan 113 Suuradood, waxaan Bisin laheyn Suuradda 9aad Towba ama Braa, 113 Bisin uma qeybsamaan 19, Rabbi wuxuu laba Bisin u yeelay Suuratu 27aad Namal aayadda 30aad, Bisinkaas oo 114 ku noqonaaya.

Mucjisada ku jirta ayaa ah Bisinka Towba oo ah 9aad ka maqan waxaa la geliyay Suuradda 19aad marka Towba laga soo bilaabo oo ah Al Namal (9, 10, 11, 12, 13, 14, 15, 16, 17, 18, 19, 20, 21, 22, 23, 24, 25, 26, 27aad).

 

12.Suuradaha ay ku jiraan (Alif Laam Miin) oo dhan haddii aan xisaabino inta Alif iyo Laam iyo Miim ee ku jira kadibna aan isku darno bal fiiriya siddey noqdaan

 

Sura.          Alif.     Laam.     Miim

Baqara.    4592.    3204.      2195.

Cimraan   2578.    1885.      1251.

Acraaf.     2572.     1523.      1165.

Aracdi.        625.       479.        260.

Ankabut.     784.       554.        347.

Ruum.          545.      396.        318.

Luqman.      348.      298.        177.

Sajada.         268.      154.        158.

———————————-

Total         12312.    8493.      5871

 

12312+8493+5871= 26676 (19×1404).

Siddeedaas suuradood waa lixda Alif Laam Miim iyo Suuradaha Alif Laam Miim Raa iyo Alif Laam Miim Saad oo laga soo qaatay inta Alfi Laam Miim ee ku jirta.

 

Weli baaris badan ayaa Kitaabka ku jirta oo u baahan in la sameeyo una furan qof kasta oo Islaam ah inuu ka qeyb qaato, si loo caddeeyo inuu Kitaabka Alle yahay Mucjiso la soo siiyay Nabigeena Muxamed (c.s.w.s).

Qiyaasta uu qof ku qori karo Buug Lambar ku saleysan waa 1÷ 626,000,000,000,000,000,000 Septillions taasoo halki Septillion uu yahay kun Trillion, halki Trilliona uu yahay kun Billion, halki Billiona uu yahay kun Mallion.

Waxaad qiyaastaa inaanwy awoodaas keeni karin Dadka oo dhan haddii ay kulmaan oo isku dayaan inay hal suurad kaliya qoraan, Rabbi wuxuu yiri (Annagaa soo dejinay Quraanka, Annagaana xafidaneyna) islaamkana wuxuu ku yiri Kitaabkaa idiinku filan wax walba, oo ah waa wax walba.

Inaan haysano caqiidada ugu saxsan inta caqiidood ee caalamka taala iyo inuu aamino qofka Muslimka ah, ayuu xataa ugu tala galay walaalkeen Ustaad Axmed Deedat Rabbi ajar iyo xasanaad haka siiyo dadaalkiisi, Annagana hanaga dhigo kuwi ku daysada oo sidiisa oo kale u iftiimiya Diintooda suuban Aamiin

 

by Ahmed Hayow  Ramadaan 1436.

 

 

SHEEKOOYIN