MUDNAAN-SIIN W/Q.XUSEEN M.CABDULLE (WADAAD) huswadad@hotmail.com

MUDNAAN-SIIN

W/Q. Xuseen M.Cabdulle (WADAAD)

huswadad@hotmail.com

Noole kastaahiba, noloshu waxa ay ka rabtaa halgan iyo dedaal badan, si uu u xaqiijiyo jiraalkiisa. Waxa ugu horreeyo oo uu qofku legden-ka la galaa nolosha iyo la dirirka waxyaabaha salka u ah oo suuragelin kara in uu noolaado.

Noolaha, aan ka hadlaayo maahan naflay oo dhan ee waa midka Insaanka ah oo leh caqli uu wax ku garto, ugana duwan yahay noolaha kale oo dhan.

Aadanaha aan ka hadlaayo, dhammaantood iyada oo aan la kala reebin waxa ay haystaan waqti mid ah 24 saac, kaas laftiisa mugna loo qaybiyo 8 mar kalena loo qaybiyo 3. Qaybintaas, natiijadeedu waa uun labadaas 8 ama 3.

Waxa lagu kala hormarayna waa uun mudnaan-siinta xisaabahaas.

Erayga Mudnaan-siin, waa eray lammaan oo asalku ahaa laba eray oo la isku qabtay oo yeelanayo micno mid ah mugga la mideeyo. Minii la kala rarana yeelanayo laba micno oo kala gaar ah.

Dadku, qaar waxa ay jecel yihiin in la siiyo Mansab (Xil), qaarna Maal (Hanti) balse waxaa jira kuwa aanay u dhadhamayn labadaba. Hadda ogow, inta badan waxa loo kala kudaayo oo badi loo wada xusul duubayo waa labadaas. Midka saddexaad waxa raba inta sharafta iyo wanaagga jecel.

Haddii, aad rabto sharaf, cisi iyo karaamo ha u kudin labadaasba. Waxa mudan in aad adiga xoogga saarto waxa kaa mudan mudnaan-siinta. Ka bilow in aad waqtiga siiso mudnaantiisa, waalidka iyo awlaadda siiso mudnaantooda. Oodda dhacmeedna u kala gurto sida ay u kala korayso.

Haddii aad garan wayso hawlaha, dadka iyo adeeggaba sida ay u kala mudan yihiin noloshaadu aayo ma yeelanayso.

Abwaan M.I.Warsame Rabbi ha u naxariistee ayaa hore u diiday labadaas aan kor ku xusnay. Waxa uuna ku yiri maansadiisi dheerayd ee Wariye sidan:

Derejoy Wid lagu yiri

Wid widaanwid lagu yiri

Walahaana kugu raran

Hantiyayna kuma waco

Woohowna kuma dhaho

Wed haddaanad celinayn

Nin ku sheegtay waarayn

Maxaan kuu warsanayaa.

SHEEKOOYIN