Muqdisho maxay galabsatay?! W/D: Cabdixafiid Maxamad Xersi

13483378_1876056875954990_420526971486668208_o

Muqdisho maxay galabsatay?!

 

Muqdisho waa caasimadda dalka. Waxa Konfur ka xiga badweynta Hindiya, bari Shabellaha Dhexe, waqooyi iyo galbeed Shabellaha Hoose. Muqdisho waxa ay caan ku tahay waxa kaa mid ah: dhanka dhismooyinka waxa ku yaalla: Madaxtooyadii qaranka, inta badan xarumaha wasaradaha, masaajidyo qadiimi ah sida: Masjidka Arbaca Rukun, Marwaas, Isbahaysiga Islaamka IWM. Dhanka meelaha taariiqiga ah: taallada Sayidka, Dhagax tuur, Xaawo taako, Daljirka Dahsoon IWM.

Dhanka suuqyada: suuqa Weyn ee Bakarao, suuq Bacaad, suuqa Xoolaha, ee Waxara Cadde, Bacadlihii Xamarweyne, suuqa Cali Garweyne, suuqi Ansalooti IWM.

Dhanka isgoosyada: isgoyska km0, km4, km5, labada ex control, isgoyska Siinay, isgoyska Sanca, isgoyska Foloranca, isgoyska Bar Ubax, isgoyska Cali kamiin, isgoyska fagax, isgoyska Towfiiq, isgoyska Ifka Xalan.

Muqdisho waxa ay ka mid noqotay magaaloyinka Africa ugu bilicsan, ammaan badan, ugu ganacsi fiican xilligii dawladdu ay jirtay, 25sano ee u dambeeyey, waxay soo martay Muqdisho murugo iyo xanuun badan. Muqdisho waa hooyada magalooyinka dalka.

Wixii soo maray inta badan waxay ka la sinned magaaloyinka dalka. Muddo dheer ka dib, dalka waxa ka hanaqaday maamul goboleedyo ugu danbeynti is ku badalay dowlad goboleed. Muqisho inta magaalooyinka kale ay yelanayeen maamullada, waxaa ka sii socday dirirtii u dhaxeysay malleeshiyo beeleedyadii, middi mooryaan diimeedyadii, ka dib Muqidhso waxay saldhig u noqotay dowlado ku mel gaar ah, oo aan tabar maamul iyo mid ciidan aan haysan.

Dhanka kale, Muqdisho waxa ay sii wadday hormarka ay ku tallaabsanayso dhanka dhaqaalaha, sida dhisidda shirkado isgarsiin, shirkado soo dajiya nuucyada rashinka, agabyada dhismaha, dharka, maacuunta, dhismaha hotello cusub.

Hotelada ugu waaweyn ee Xamar ku yaalla waxa ka mid ah: JAZIIRA, SYL, CITYPALACE, NASA HABLOOD one iyo two, SAXAFI, AFRIIK, RAMAADAN, DIPLOMATIC, SAFAARI, BEACH VIEW, INDIAN OCION, WEHLIYE, SIYAAD, SAYID, MAKA AL MUKARAMA iyo kuwa kale.

Dhanka kale, waxa Muqdisho ku soo batay meelaha bulshadu ay ku nastaan sida; Liido (xeebta), Beerta Nabadda, Pizza House iyo kuwa kale. Waxa kaloo Muqdisho ku soo badanaya maqaayadaha sida: Fatxi km5, Fatxi km4, Badar, Kaarmeel Istanbuul iyo kuwa kale.

Dhanka ammaan Muqdisho waxa ay leedahay 18saldhig boliis 17degmo, halka kan kalana uu ku yaallo suuqa Bakaaraha. Degmo walbaa waxay leedahay Gudoomiye Degmo, ku xigennadiisa iyo guddoomiye waxed. Waxa kaloo Muqdisho ka howlgala inteeda badan isgoosyada waaweyn ciidammo ka ka la tirsan Boliis iyo NISA.

Aan u soo daadego dulucda qormada, Muqdisho oo dhan kasta ka soo hormaraysa maxaa diiddan, in ammaankeda ay gasho hal gacan? Yaa ka dambeeya xasuuqa/dabargoynta reer Muqdisha? Yaa beegsnaya hotellada waaweyn, ee aan ku faanno? Yaaa beegsanaya indhaha bulshada? Yaa beegsanaya madaxda dalka? Yaa beegsanaya hooyooyinka nadaafadda ka shaqenaya? Yaa beegsnaya ardayda wax baranaysa? Yaa beegsnaya goobaha bulshadu u soo nasiina tagaan? Yaa… Yaa.. Yaa….Yaa….?.

Weydimaahn run ahaantii, ani waan u wayay wax jawaab ah. Muqdisho oo saakay leh 17xarun, ee laga maamulo degmooyinka gobolka, wax kasta ee degmada hoostagta ay leedahay xarun loogu adeego bulshada, xarun caafimad, oo hooyada loogu adeego, iyado bulshada ay dhisanayan laamiyadii ku burburay dagaladii sokeya, cidda doonaysa, in ay dib u celshaa, oo ku hayaan cabsi iyo cabburin anigu garan waayey, marka isweydiini ma xumee; Muqdisho maxay galabsatay?.

Muqdisho waa makaan gobeed

Maanku qofkoow bukaase moog!

Cuute Shirib-maal

W/D: Cabdixafiid Maxamad Xersi

SHEEKOOYIN