Murti iyo Miid Q2AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

Aallada casriga

Faa’iidooyinka iyo qasaaradda aalladdaha casriga waa kuwa is bar baryaal waayo? Waxa uu fududeeyay, bulshada oo dhan walba ah. Isla markaana waxaa dhinac ordaaya dhibaatooyinka uu u geystay bulshada, oo ah mid aan laga soo waaqsan doonin.

Aan soo qaaddano, tusaalle yar oo kooban, kala dhantaalka qoyska yar iyo weyn, waxaad arkeysaa dad is dhalay, isla dhashay, isku dhaxay oo wada socda, haddana aan qofna qofka kale war u heyn xaaladiisa iyo waxa uu sugan yahay, ruux walba dowlad gooniya uu isaga hoggaamiyo ayuu dhax maquurayaa, haddii aan is weydiino dadkii wadaa socday makii ay hoygooda tagaan, ruux kasta oo ka mid ah waxaa uu dhinac iskula buusayaa, muraayad uu ku qanacsan yahay rogrogisteeda. Haddaba halkaas waxaa ku lumay, xiriirkii qoyska, jaceylkii, wanaagii, wada noolaashihii, iyo taariiqdii qoyska.

Si kastaba arrintu ha ahaatee taas waa dhibka ugu yar, ma ogtahay dhibaatooyinka kale uu leeyahay, waxaa ka mid ah, waa waardiye kula socda , waxaa laga ogaan karaa dhaqdhaqaaga ciddaad la hadasho, waqtiga saacadda, taas waxaa ka sii darran adiga waa lagu maamulaa waxaad tahay qandaraasle haddaad biilka gunnada dhiibi weyso waa lagaa goosanaa, haddii aan is ag dhigno yaa badan qasaaraha uu noo geysto iyo faa’iidada aan ka helno waxaa hubaal in haddii qasaaru badneyn ay isla egyihiin.

Waxaa aan sidaa u leeyahay nollosha bin’aadamka waxaa ugu muhiimsan caafimaadka, oo aadan deeq, deyn, doollar iyo dahab aadan ku soo heleynin. Aalladaha casrigaa Smartphones, Laptops iyo wax wax walbo oo la dhugto waxa ay leeyihiin shucaac iftiin ah, kaas oo wax yeeleyn kara indhahaaga taas waa mid, tan labaad, waa balwad nooc waali ah, oo mar haddaad dhax gasho wax walba oo aad qabsan laheyd kaa hor istaagaaya, dadka qaar uusan caqliga u kala harin waxa ay ka qaadaan in ay si sahlan u dhaleceeyaan ,xantaan, dood iyo buuq iyo margiyo taag, sababtoo haddii aad ruuxaa is hor taagan tihiin awood iyo karti uma laha inuu kula doodo, ama hortaada in yar uu ka yiraahdo. Laakiin hadda waxaa u sahlaya muraayada gadaashiisa ayuu joogaa maba garaneysid nin iyo naag waxa uu yahay. Tani waxay sababtay dad aan isku ayni ahayn isku kufna ahayn inuu wax isugu daraan Aalladahan cusub “ Dood xumeeyo  netkoow maxaad duul isku keentay”

Wax wallba wax baa ka sii darran waagii hore cullumada waxa ay ahaayeen looga daydo wax walba oo diinta iyo dhaqanka suuban ku saabsan, haddane waxaad u yeeranee waddaado iney quraan kuu aqriyaan,ugu horeyn marka ay salka dhulka dhigaan, horay waxa ay kaa weydiinayaan. Haa camuu internetkaa igu yar wifi ga ii sheeg inta Smartphone nooca ugu danbeeyo soo baxsado, tusbaxii lagu wardin jirray daaqada ayuu ka baxay maba arkeysid, bahal yaroo kalkuleter u eg oo aad faraanti moodo ayaa la riix riixayaa, isla quraankiina  Ipadka ayuu kaaga aqrinaya,  waxaana  hadhoow eedaamaya  telefoonkiisa,   Yaab iyo lama arag.Hadda ka hor waxaa dhacday wiil yar oo ilaa shan jir ah asaga hooyadii waxaa dhax maray sheekadaan;

Wiilka: Hooyo isbaarooleey waaye meeshaan naga leexi.
Hooyo: Maandhow shib iga dheh waa waddaado cimaamadahooda ma u jeedid.
Wiilka: Ayagaa ugu daran hooyo gadaal noo celli
Hooyo: maxaa dhacay maandhoow ma cullumada?
Wiilka: Hooyo mooryaantaa la qaatay, bacda iyo beesada u daran kuwaan naftaada ay aayad u soo daliishanaayaan ay ku banneystaan.

 

Hooyadii oo naxsan ayaa ka war heshay dhinac u leexo, wiilkii  ayaa inta soo booday kuye hooyo ma kuu sheeginoo, madax adeygaaga war iga aamus ballaayo kula war badnaataye. Si xaal yahayba waa dunni sirgaxan oo ay saqiiradii warr amayaan, waxa lagu sugaayee seegseega nagu riday soomaaliyeey maan garan.Aan u soo dhaadhaco waxaa jira dunida horumartay, waxa ay leeyihiin dowlad maamul sharci iyo kala danbeyn. Waxaa jira hey’ado u gooniya oo daba gala, oo aan shaqo kale laheyn sidaas ay tahayna waa la jabsadaa oo virus ayaa lagu deeyaa ayagana daawadii ayey la dabo joogaan iyo sidii looga hortagi lahaa haddaan soomaali nahay CIDI NOOMA MAQNO CEELNA NOONA QODNA. Wax kale iska daaye, hey’adihii ammaanka iyo kuwii FAYO DHOWRKA aan la maareeyn oo illaa iyo hadda been iyo barabagaando la isku maaweelinaa. 

Horumarka hawlbaa ka horeysa

Horumarku maaha  daaro dhaadheer iyo dhismayaal, Horumarku waa bulsho diyaarsan oo ku hawlan danteeda, bulsho dadkeedu u taagan yahay inay dalkooda wanaagiisa ka shaqeeya, qof weliba waxaa deeqa  caddaalad iyo sinnaan, haddaba  bal naftaada ka bilow caddaaladda,  qoyskaaga gaadhsii,  deriskaaga la wadaag, Jaalkaaga bar,  caddaalad haddii aynu helno waxaynu gaartey guusha bilowgeeda.

Waxaa ina deeqa Soomaalinimo,  Soomaalinimadu waa inaad ii ogolaato inaan noolaado adna aan kuu ogolaado inaan noolaato aynu ku wada noolano walaalnimo iyo wadajir, ogoow cadowga aniga i dilaa adiga ku dayn maayo.

Waxaynu nahay  dad wax badan wadaaga,  haddii awoowgaa magac kale leeyahay awoowgeyna magac kale, hadda ogoow waxaa jira magac aynu ku mideysanahay oo ah Soomaali oo kaas miyaanu ina midayn karin oo aynaan ku ahaan karin walaalo Soomaaliyeed oo is jecel.Gebagebo iyo gunaanad,   waxaan ku soo Afjarayaa: 

  • Walaalo is neceb waa xoola yareeyaan waana  xabaalo badiyaan
  • Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan
  • Iskaashi karti baa laga helaa, is gergersi guuulbaa lagu gaara
  • Midnimo waxaad ku weydo miliqsanaan kuma helaysid
  • Sedbursi iyo kala sarreyni  waa Soomaali jabkeeda
  • Colka walaalkaa waa adiga cadowgaaga
  • Cayr hadduu walaalkaa u dhinto cuudkaagu cudud kuu noqon maayo

W/Q: Cabdul Cabdulkariim 

SHEEKOOYIN