Murti iyo Miid Q5AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

Qoraalkeena maanta ee Murti iyo Miid waxaan ku qaadaa dhigeeynaa, dib u dhaca bulshada soomaaliyeed iyo waxa ugu wacan. Waxaan nahay dad 100% muslim dunida oo dhan ma jirto waddan nala mid ah oo lagu sifeyn karo 100% dal islaam ah. marka aan ka soo tagno waayahaan danbo oo dad badan ay fidnoobeen hunguri iyo wixii u geeyay ba,  haddana sidaas ay tahay waxba kama badaleeyso inaan tiradda, inaan ahaano boqolkiiba boqol, waxaan sidaa u leeyahay kan hadda masiixiga sheeganayo haddaad ku tiraahdo gaal baad tahay, waad is dagaaleysaan.

Waxaan uga dan leeyahay waxaan nahay dad hal meel ka soo jeeda dhaqan, dhalyo, dhiig iyo dheecaanba, dad wadaaga,  dal, diin iyo diirba,maxaa ugu wacan inaan afar iyo labaatanka saacaddood is dilaan? is dhacaan? oo dhiigeena uu midba midka kale xalaashado.

 

Waxa ay ila tahay inaan nahay maqane jooge oo aan fikirin in yar oo waqtigeena ka mid ah, maxaa yeelay haddii aan fikireeyno hurdadaan dheer iyo qiyaaliga waan ka imaan laheyn. Mida kale ayaa waxa ay tahay waxa aan u baahanay hoggaan iyo hoggaamiye toosan. Hoggaan in la helaana waxaa ka horreyso in la helo hoggaamiye toosan, sidee hogaamiye toosan loo heli karaa?

Waa adag tahay in la helo hoggaamiye toosan waana halka boogta nooga taal, oo aan ka kabsan la’nahay tan qarnigii 19 aad. Waxaa nahay bulsho mugdi iyo mararoow ku nool, haddana aan is ogeyn, isla weyn oo qab been  ah dhexdooda isu muujiya,  balse markay shisheeyaha arkaan bisada ka itaal yar? Yaab iyo lama arag!

Waxaase wax lsla yaabo ah, in aynaan kala maarmin, oo har iyo habeen isku milanahay, haddana aynaan isku faraxsanayn oo midba midka kale cadow u arka ama lugooyadiisa ka shaqaynayso.oo waan isku dhax qasanay. Bulshadeenu waxay soo arkeen ineysan kala awood badneyn, qolona aan dalka laga rari karin, waxay soo arkeen shanta qaaradood sida looga noolyahay,  dadyoow kala diin ah oo kala diir ah, haddana isku duuban.

Waxay xog ogaal ka yihiin bulshadeenu inaynu nahay  dad  nasiib badan, oo maxaynu ku nahay, waxaan haysanaa wax aanay  aadamaha kale haysan balse aynaan ogeyn.

  1. Dad isku wada eg
  2. Dad isku Af ah
  3. Dad isku dhaqan ah
  4. Dad isku diin ah
  5. Dad isu xigaal ah
  6. Dal weyn oo ka badan
  7. Bad weyn oo ka badan
  8. Xoolaha ugu badan adduunka
  9. Dhul beereed ka badan
  10. Macdan ka badan oo Afrika oodhan ku filan.

 

Dalna intaas ma wada haysto, ogid oo ogi ee waan kugu celcelinayaa si aad u dareento waxaad haysato uguna  fekerto sidaad uga faa’iidaysan lahayd.Mar kale aan is weydiino, maxaa inaga  gedman? Haa waxaynaan haynin  dad aqoon iyo aqool wanaagsan isugu dara bulshada oo ku jiheeya  sidii nolosha loo maareyn lahaa, sidaan waxeena waxtarkiisa uga faa’iidaysan lahayn.

Waa tii aan hore kuugu sheegan, hannaan siyaasadeed oo hufan iyo hoggaamiye wanaagsan, ayaa jahawareerka waxaa looga gudbi karaa! in hoggaan iyo hoggaamiye la helo waa lagama maarmaan. Xoolaha haddii aysan Qowsaar ama Dhoobi fiican oo meesha naqa iyo doogga la raadiyo uusan raacin oo ilaalin, xoolahaas waa ruqdaan waxna laguma dheefo aan magac ka aheyn, xoolaan leeyahay aan ka aheyn. Waxaan ujeedka uga socdaa waxaan u baahanay QOWSAAR wanaagsan oo naqa, doogga iyo biyaha noo sahansha noona horseeda, soomaali maanta uma baahno  mid dantiisa  gaar ah ku fushada iyo mid  dan shisheeya wada.

Garaadku haddaanu shaqaynin  waa la gumoobaa,  aan tusaale fudud ku siiyo halka talo xumadu naga hayso,  waxaa da’aya  roob baaxad leh, ciddina uma diyaar garoowdo oo meel lagu kaydiyo biyaha roobka lama sameysto, iska daaye wuxuu reebaa  dadkiisa iyo fatahaada  webiyada iyo dooxyadu  hoog iyo khasaare xoog leh.

 

Kii shalay  biyuhu sidaa u galeen  laba bilood kaddib wuxuu u dhintaa oon iyo haraad! Miyaanay ahayn dhana uma roona si loo dheefsadona ma yaqaan si looga dhaaraantona ma yaqaan.

Dadka  daadkii qaaday garan waayey meel ay ku kaydsadaan oo ay kaga faa’iideystaan, haddana u geeriyooday  biyo la’aan maxaan ku tilmaami karnaa, dad talo xumo iyo tigaad xumo isku darsaday.

Nin beeri u baxdo oo beertiisa ka gurtey, Galleey, Sareen ama qammadi, Digir, Sisin, Haruur  ama masago,waanbe iwm, ayaad arkaysaa isagoo baasto laga keenay  talyaaniga  karsanaya, tiisa kuma qanacsana oo waa usoo ureysa wuxuuna u arkaa  wax aan loo baahneyn.

Nin badda ugu dheer Afrika leh ayaa  malaay qasadeysan maya masas qasacadeysan looga keena bannaanka.

Nin  xoolihiisa nool lagu qiyaasay inta u dhaxeysa  12 Malyuun ilaa 15 Malyuun ayaa caano la qasacadeeyey looga keena bannaanka oo garan waayey  marka xoolaha kuu irmaan yihiin wixii cabitaanka ka hara kaydso.

Intaan iyo in ka badan ayaan haysanaa oo aan la helin cidii maareyn lahayd, kolkaad waxaaga isku filneysiiso ayaa horumar lagu tilmaami karaa, haddiise aad maalin walba  tuugsato waxaad tahay  dad maskax ahaan iyo maan ahaanba ka liita dadka kale.

Ma sharaf baad u aragtaa? In islaan caddaan ah oo kaneesad joogtaa sawirkaaga wax kuugu weydiiso dad  waxay falayaan ay ka mid tahay inay jirkooda ka ganacsadaan oo kuwaasi kuugu deeqaan waxay halkaas ka heleen!

Ma sharaf baad u aragtaa? Intaasoo hanti ah adigoo haysta in lagugu tilmaamo sabool iyo dad  waxmagarato ah aan waxba qabsan kareyn!

Ma sharaf bay kuu tahay  inaad noqoto tuke cambaar leh oo ku tilmaaman, Abaar, Colaad, Aqoondarro, Saboolnimo iwm.Waxaan ku soo xirayaa qoraalka Maansada Farriin guud.

  • Farriin waxaan u dirayaa
  • Kuwa faraha badanoo
  • Fuuqsadey dadweynaha
  • Fursad iney  abuuraan
  • Ficilna ay sameeyaan!
  • Fatahaadda webbiyadda
  • Abaar lagu fidnoobiyo
  • Colaadahaan firkeen jaray
  • Walaal kala fogaadiyo
  • Fadqaliyo wixii dhacay
  • Fikir ineey u keenaan.
  • Farriin waxaan u dirayaa
  • Kuwa fuushan faraske
  • Ku fadhiya kursiga guud
  • In foos u keenaan
  • Bulshadaan fir go’ayse
  • Fad haddaanu soo curan
  • La fidigi haraadkiyo
  • Gaajadan fatiiga ah.
  • Farriin waxaan u dirayaa
  • Shacabkaan fayoobida
  • La qaaday  fahamkii
  • Fidnaduu u buun tuma
  • Faanka iyo beentiyo
  • Fataa dhug lagu dhaqo.
  • Dib ineey u fiirshaan
  • Faa’iidiyo qasaaraha
  • Farajac bal laga helay.
  • Fariin waxaan u diraya
  • Culummada fityootiyo
  • Fasireysa diintiyo
  • Faralkiyo sunnaha jira
  • Dib iney u fiirshaan
  • Halistiyo faraajica.
  • Farriin waxaan u dirayaa
  • Idilkii facaa tuug
  • Midka faalka beenta ah
  • Dadka faraqa haystee
  • Ku fasira jihaadkiyo
  • Fashilkiyo dagaallada.
  • Farriin waxaan u diraya
  • Buro fool ku taaliyo
  • Foqorkiyo damiinka
  • Faanaaya beente
  • Fool madoow siyaasiga
  • Fududa xalkeenoo
  • Fatxigeenu maandhow
  • Aduunbaa fogeeyee
  • Filashada xumeeye
  • Fariistaan ku leeyahay
  • Intaan fuudku idin gubin.

W/Q: Cabdul Cabdukariin(Ugaaska)

SHEEKOOYIN