Murti iyo Miid Q7AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

 

 

                 Nin doonaaba ha hadlee hooyadu waa lama huraan. “AUN carey ciise” 

                                                            Hooyada iyo wanaageeda

Qoraalkeenna maanta ee murti iyo miid waxaan uga hadleynaa,HOOYO  waa halboowlaha,macalinka nolosha iyo wax walba oo qiimo badan oo hooyo lagu masaali karo.Rasuulka CSW nin saxaabiya ayaa weydiiyay Rasuulkii Allow yaa dad iigu xaq badan? Kolkaas ayaa Rasuulka CSW  ugu jawaabay Hooyo, ilaa iyo saddax jeer ayuu ku celiyay oo mar walba loogu jawaabayay hooyo mar afaraaadkii ayuu Rasuulka CSW yiri Aabbo.waa xadiith saxiix ah.

Waxaa kaloo jiray nin hooyaadii dhowr jeer asagoo xanbaarsan oo dusha ku sida geeyay xajka oo xajisiiyay ilaa iyo toddoba mar, ee yiri hooyadeey waajibkeeda waa gutay. waxaa lagu yiri gudasho warkeed dhaaf hal mar oo aad garraarka ay kugu sido aad ka fakan gaartay uma qalanto. Halkaas waxaa ku cad in hooyada xaqeeda aan marnaba la gudi karin, Illaaheey (swt) waxaa uu noo sheegay in hooyadajanadda lugageeda taallo.

Waxaana macaaanka hooyo dareemi kara ruuxaan waligiis arkin ee ku soo koray hooyo la’aan. Marka aad AGOONIMO aad ku soo kortay iyo marka aad RAJAYNIMO ku soo korto waxaa xanuun badan ruuxa RAJANIMADA ku soo koray, Aabbaha wa udub dhaxaadka tiirka qoyska balse la waayo oo tii rabi u timaado carruurtaas uu ka tagay, lagama yaabo iney kala faquuqmaan is nacaan midba meel ku dhaco ayagoo is jecel ayey wada koraan, laakiin haddii hooyo tii rabi u timaado, ugu horreyn carruurta waxa ay noqdaan hal haado iyo hal heybiyo, si kasta uu aabbo wanaagsan uu u yahay, haddana ma kaafin karo baahida waalidnimo ay ubadkiisa u qabaan, halka hooyadu ay dhaxda  u xirato.

Waxaa jira hooyooyin badan oo ayagoo da’yar uu aabbihii tii rabi u timid dibna aan u guursan oo xataa in la dumaalo ka dhaartay, halka dhanka kale ayadoo wali tacsidii ay taalo uu aroos galo ama xaas kale uu lahaa u hoydo, habeenka ay carruurtu u bilaabato nolol mugdiya hooyo la’aan iyo aabbihii oo nool aan la joogin.

 

QISO XANUUN BADAN:

 Waxaa dhacday hadda ka hor  qiso xanuun badan oo hooyo soo martay waxa ay aheyd ugub aan wali curan hooyadeed aabbaheed waxa ay geeriyoodeen ayadoo yar waxaa soo korisay eedadeed oo hooyo iyo aabbo u noqotay, wax waqtigu is guraba waxa ay calaf isku yeesheen nin la oran jiray Barakoow, Barakoow waxa uu ahaa maamulaha Wasaaradda Waxbarashada. Waxa uu waxbarashadiisii ku soo qaatay dalka gudihiisa iyo dibaddaba, dabeecad ahaan waxa uu ahaa nin aad u dagan naxariis badan ardayda iyo macalimiinta aad ayey u jeclaayeen xiligii uu barraha ka ahaa dugsiga sare, waxaa lagu naaneysi jiray macalin juuqlaawe. 

Arooskii Barakoow waxa uu ahaa Arooskii ugu qiimaha badnaa ee qarniga waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf faro badan oo isu jiray shaqaalo dawladeed arday macalimiin culumaa’udiin dhammaan xubbaha bulshada, waxaa loo dhigay aroos aan wali la arag farxad iyo reynreybta labada dhinacba Barakoow oo ahaa nin waxbarasho waqtigiisa galiyay oo aan waligiis guursan iyo gabaan oo iyadana mudo guur u joog aheyd oo 30 kii ku socota, war yaan idinku daalin arooskii waa la guuriyay barakoow iyo Batuulo waxa ay iskaga mid ahaayeen koriinshahooda aaBbe iyo hooyo fursad uma helin waxaa soo koriyay waalidiin kale oo dhaxda u xirtay calaf iyo nasiib ayaase isku keenay.Isla markiiba waxa ay qaaday uur xannaano iyo baxnaan sagaal bilood ka dib waxa ay dhashay wiil. Wiilkaas waxaa loogu magac daray awoowgii.

 

Lasoco qeybaha danbe

SHEEKOOYIN