Murti iyo Miid Q8AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

Murti iyo Miid Q8AAD 

Arooskii Barakoow, waxa uu ahaa arooskii ugu qiimaha badnaa ee qarniga waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf faro badan, oo isugu jiray shaqaalo dawladeed arday macalimiin culummaa’udiin dhammaan qaybaha bulshada,waxaa loo dhigay aroos aan wali la arag farxad iyo reynreynta labada dhinacba, Damaashaad iyo diyaafad, cunto nooc walbaba, Ciyaaro, heeso,buraanbur iyo heelo, habeenkaa dagaanka waxaa laga dareemayay farxad aan la qiyaasi karin yar iyo weyn.

Maadaama labada qof ay ahaayeen labo qofood oo aad loo ixtiraamo, waxaa taas ka sii darnaa qarashkii habeenkaa ku baxay arooska iyo aroosada waxaa dhiibay oo duudka u ritay, odayaasha xaafadda oo xil weyn iska saaray, Barakoowna waxaa loo sheegay in ay guteen waajib saarnaa uuna  ka wal wal la’aado.

Si kastaba arrinku ha ahaadee Barakoow oo ahaa nin waxbarasho waqtigiisa galiyay oo aan waligiis guursan iyo Batuulo oo iyadana muddo guur u joog aheyd oo 30 kii ku sii socota,waxaa habeenkaa u bilawday nolol cusub.

War yaan idinku daalin arooskii waa la guuriyay, Halkii loogu talo galay iney dagaan.

Barakoow iyo Batuulo waxa ay iskaga mid ahaayeen koriinshahooda aabbe iyo hooyo fursad uma helin waxaa soo koriyay waalidiin kale oo dhaxda u xirtay calaf iyo nasiib ayaase isku keenay. Ninboow nasiibkiis ma loo nacaayee Nuur calaa nuur. Labada dhinacba waxaa u bilawday nolol cusub oo ku dhisan: XUSHMO, QADARIN, TIX GALIN, XAQ DHOWR,KALSOONI IS AAMIN waxaa la wada ogsoon yahay, in aas aaska ama dhiddibada qoyska haddii uu waayo arrimaha kor aan ku xusay iyo qaar kaloo la mid ah, horay u socodka geediga hayaanka reerka waa wiiqmaa, isla markaana waxaa bilawda burbur soo foodsaara iyo is eedeyn waxa uuna u gudbaa qeybta labaad ee loo yaqaan SADDAXEEYE kol haddii saddaxeeye yimaado reerkaas waa u dhammaatay,  waxaaba looga hortagaa labada ruux ee is qaba oo isku sabra. Maxaa yeelay waxaan nahay bini’aadam gaf nagama dhammaado, ma gafe waa ILLAAHEEY swt mar walba waxaad maanka ku heysaa adiga oo iskula muuqda inaad saxan tahay inaadan aad saxneyn inaad ogaato aad ayey kugu adag tahay, in aad adigu tahay ruuxa qaldan, sababtoo ah waxaa kugu xariira naf iyo sheydaan oo u baahan inaad la dagaasho har iyo haben fursad ma qasaariyaan labadaba laakiin adiga ayaa lagaa rabaa inaad hor istaagto, 

Barakoow iyo Batuulo waxa ay noqdeen labo ruux oo ku dayasho mudan hab dhaqan wanaaggooda, ilaa dhallinyarada xaafadda ay ku duceystaan Illaahoow sidii Barakoow iyo Batuulo naga yeel, waxa halheys u ahaa macaane iyo macaanto wax dhaafsiisan lagama maqli jirin, ama dad ha joogo ama suuq ha dhax socdaan erayada kalgacalka iyo naxariista ku dheehan tahay waxey u aheyd dabeecad cid walba oo maqasho waa ay ku farxi jirtay.

Muddo kaddib waxa ay qaaday uur xannaano iyo baxnaan sagaal billood ka dib waxa ay dhashay wiil. Wiilkaas waxaa loogu magac daray awoowgii Raage. Muddo labo sano iyo bar kaddib, waxa ay dhul ka iibsadeen xaafad kale oo aad uga fog tii ay ku noolaayeen kuna soo barbaareen oo saqiir iyo kabiir laga yaqaanay, waxa ay ka noqdeen marti inkastoo aysan dhibaato kala kulmin, haddana waxa ay waayee farxadii iyo salaantii asxaabta iyo ehelka taasoo ku kaliftay  iney maalin joog u aadaan xaafaddoodii hore ay ka soo guureen, taas oo sida boqorada looga soo dhaweyn jiray wax waqtiga is guraba,  waa adduun iyo xaaladiis, waxaa xanuunsaday Barakoow muddo kaddibna waa uu u geeriyooday, oo kama soo kicin.

Ooyin iyo baroor diiq maalmo kaddib waxaa isku soo haray,Hooyo batuulo iyo wiilkeedii raage,  waxaana u bilawday nolol cusub oo aad u qalafsan, waayo waxaa meesha ka baxay ninkii u soo shaqeyn jiray, maanta waa cidla ciirsi laay, cidna uma maqna ceelna uma qodna wax yar oo dawladda ay u garatay oo xaqiisa ahaa oo aan saa u buurneyn, talo ayaa faro ka baxday, waxa ay fikirto hadba dhinac ka fiiriso meel loo dhaqaaqo ma leh, waxaa la soo darsay murugo aan miisaankeeda yareyn.

Hooyo batuulo waxa ay go’aaansatay in aysan cidna baryin ayna dhaxda u xirato sidii ay ku maareyn laheyd nolosha ayada wiilkeeda Illaaheeyna ay talo saarato. Geeridii ninkeeda waxaa ka soo wareegatay mudo, intaasna waxaa ku gaaf wareegaayay rag rabay in ay guursadaan markii asaayda laga rido, waana ay ku gacan seyrtay dhammaantood qaar ka mid ah waxey usoo mareen in ay dumar kale u soo diraan si ay jawaab kale uga helaan balse dhag uma dhigin howsheeda ayey ka wadatay waxaana l agaaray waqtigii asaay laga ridi lahaa, oo mudadii waa u dhammaatay, bun iyo canbuulo ayaa meesha lagu cunay waana loogu duceeyay odaygeedii Barakoow in qabriga Allah u waasiciyo. Ruux walbana waxa uu ku laabtay gurigii uu ka yimid waxaa isku soo haray ayada iyo wiilkeeda.

Lasoco qeybaha danbe

W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

SHEEKOOYIN