Murti iyo Miid QA3AD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

Waxaa hubaal ah, in maqaalkaan dad badan ay ka igu raaci  doonaan kuwana ay dhibsan doonaan, maxaa yeelay, Dalkeenii maanta Dad iyo Duunyo,uma dhaqno, waxaa ku dhuftay abaar oo xaalufisay dhan walbo, kaaga darane waxaa la socda cudduro sida shuban biyoodka, IWM. Waxaa hubaal ah oo aan wada ognahay in haddii ay dadka is garabsadaan, sidaan laga roonaa lahaa! Gacmo wadajir bay wax ku gooyn karaan, murti kalena waxay leedahay,  Haddey midigtu keli tahay, Tahan kuuma goysoo, Tusna laguma qaaddo.

Dhibaatadda maanta lala wada qeyliyay ma aha mid toddobaadkii la soo dhaafay billaabatay,  teed iyo dowladdi hore ee madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud uu hoggaaminayay, waa ay jirtey Abaarta iyo dhibka hadda yaal, taas oo aan iyana ognahay in gurmad iyo orod dheer kaddib in wax la gaarsiiyay illaa iyo haddana wax aruurin iyo orod iyo gurmadku uu socdo. Balse waa uun jug jug meeshaadda joog!

Waxaa iga su’aal ah oo iga maajiyay, maxaa naga qaldan ma naf go’aysa oon dartii oo loo wada jeedo, dadbaa NGO ka dhigtay oo doonaya in ay wax ka helaan, waxaa wax lala yaabo ah, qof baa intuu baxay inuu sawiro iyo video ka soo duubo si uu baraha bulshada ugu sharaxdo, waa dhaqan xumo iyo ku digasho sida aan anigu u arko ” Mulac carruuri dileyso nina waa ku cayaayir ninna waa ku qur gooyo”

Taas waxaa ka sii daran ka soo billaw ololihii doorashada,hardanka iyo musuqmaasuqa, waxaa ku baxay mallaayiin doollar oo ay cid walba ogtahay,waxaa si is daba joog ah, loo dhiganayay xafladdo gudaha dalka iyo dibadda oo oo loogu magac darray TAAGEERADA HEBEL xilligaas abaaruhu bilaw ayey ahaayeen, waxaan aami sanahay haddii qeyb ka mid ah loo yaboohi Lahaa walaalaha soomaaliyeed in la badbaadin karay, inkastoo qadarta aan la cellin karrin balse dadaalku waa inoo furnaa. 

  • Ninka dibiga qalayee
  • Dibjirkii ka qadiyee
  • Kan dibirey casuumoow
  • Duco kuuma soo hoyan

Waxaan maqli jirey  Soomaalidu nin quraac haystay qado ugu dartaa, mid qatana  qaajey ku dishaa  waa dhaba!Waxaa la doortay aqalka sare iyo aqalka hoose xafladdihii waa ay sii labo laabmeen oo looma kalla harin HALAGII IYO DHIBKII DHACAY yar iyo weyn.Waxaa la doortay Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare waxa ay mareen jidkii furnaa waa loo tumay waana laga shiday Saarkii xafladdaha. Waxaana ku baxay qarash caqliga salliimka uusan aqbali karin ay ku adag tahay inuu laqo.

Hada waxaa fooda inagu soo haayo Xafladihii wasiiradda iyo ku xigeenaddooda, oo iyagana aan fillayo in laga tumi doono Saarka. SALLANKA SIDAAN U KORAY SAAR BAA I HAYOO MA DAGINEE.

Xaqdarradaan oo ah mid soo jirreen ah oo aan caaddo iyo dhaqan ka dhiganay,
Macnaha dowladnimadda ayaan qallad ka fahan sanahay.

  • Dowladnimadu ma aha,  Anigaa gotey anigaana goosaartey
  • Dowladnimadu ma ah, Anigaa gadhay anigaana gedistay
  • Dowladnimadu ma aha, Ciddaydaa madax ah anigaana ku casuuman
  • Dowladnimadu ma aha, in aad u adeegto shisheeye, oo dalkaaga shakaasho
  • Dowladnimadu ma aha, in shacabka la xasuuqo, la xaduuro iyo lana xakaariyo
  • Dowladnimadu ma aha, in hantida dadweynaha qaado oo qasriyo ku dhiso
  • Dowladnimaduma aha,  garsoorku u adeego koox gooniya kuwa kalena lagu gudbo

Dowlad waa tii daryeesha dadkeeda iyo dalka. Dowlad waa tii dadku ammaankooda sugta. Dowlad waatii xor ka ah nin jecleysi. Dowlad waa tii dalka xudduudihiisa illaashata. Dowlad waa tii dadka ay ku hirtaan. Dowlad waa tii jaalkeeda la xisaabtanta.

Horta waa in aan is weydiino labo su’aallood, waa maxay Dowlld? Yeyse dan ugu jirtaa ma dadweynaha mase madaxda? Jawaabtu waa sahal waxa ay dan ugu jirtaa cid walba. Intaa haddii aan jawaab u helno waxaa laga yaabaa inaan haddana iska indha tirno! Oo maxaa u sabab ah inaan iska indha tirno? Iyadana waa sahal jawaabta wax kalla ma aha, waa mr Qabiil oo dabadda ka riixaayo dano Shisheeye.

QIIRO BEELLEEDKA iyo QILAAFKA

8 febraayo 2017 oo aheyd maallintii M/W Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la doortay waxaa isla kacay shacabka soomaaliyeed meel walba ha joogaan, haddaba aqristr waxaa jiray laab la kaca iyo qiiradda waa lagu kala aragti duwanaa, dadka dabaaldagayay oo labo nuuc ahaa. Dadka dagaanka muqdisho oo si daacad ah u soo dhaweeyay iyo gobollada qaar, qiiradii iyo sawaxankii is qabsaday iyo farxad waxaa soo if baxay oo aan waqti dheer qaadan, dad qabiileysan oo ay ka mid yihiin kuwo baraha bulshada caanka ka a, oo qoloba dhinac u qiirootey, kana helay mashruuc dadka lagu kala geeyn karo,  waa dad ceebaynta qof walba u taagan, waa dad habdhaqan ay u tahay xuma sheega iyo Fadeexeynta  Dowlad walba oo timaad iyo kuwa  marka dowladda caaya markay arkaan nin ay isku beel yihiina ammaana oo Qaranimo ku sheega. Waxaa jira kooxo dhibco ku helay Aflagaadada dowladihii hore,  laguna naaneysey waddaniyiin, Maanta markay dowladda Cusub dhaliileena oo halkii uga miiseena la yiri Qaran dumis.

  • Garashadu haddaaney shaqayn  Gobonimadaa guurta
  • Garsoor haddaadan noqon Gar  eexe ayaad naqdaa
  • Godob haddaadan ka dhawrsan Guluf baa ku hursan
  • Gandi ha noqon dhiiga Gacalkiisa ku nool.

W/Q: Cabdul Cabdulkariim(Ugaaska)

SHEEKOOYIN