Murti iyo Miid W/Q: Cabdul Cabdukariim ( Ugaaska)

Ubadka wanaagsan

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa gabar yar oo todobo jir ah, oo dhax joogta, beerta ay ilmuhu ku ciyaaraan. waxa ay  soo qabsatay labo xabo oo TUFAAX ah, kaddib ayaa waxaa u yimid hooyadeed oo aad u faraxsan oo dhoolla cadeeyneysa, waxa ayna  naxariis iyo kalgacal ku jiro u weydiisatay gabarteeda in hal xabbo oo tufaaxa ay siiso.

Gabartii yareyd isla markiiba, waxa ay dhinac ka goosatay xabbad tufaax ah. Hooyadii  ayaa la yaabtey falka gabadheedu samaysay iyadoo dareen galay  haddane  uma muujin gabarteeda, waxay si degan u weydiisay maxaa dhacay?   ayaa gabartii yareyd, haddana xabbadii kale goosatay, hooyadii ayaa la amakaagtey siday gabartu wax u wado, ileeyn lamana hadal  jawaab walbana waxay ku bixisay fal u muuqanaya  diidmo iyo ineysan waxba u ogoleyn,  ayadoo la yaaban falka gabarteeda ay ku dhaqaaqday, balse aan u muujin wax xanaaq ah iyo sida ay uga xuntahay toona . Cabbaar markii ay sugtay aya gabartii yareyd u soo taagtay, hooyadeed mid ka mid ah, labadii tufaax ay goo goosatay, ayadoo leh hooyo kan ayaa macaan labadooda ee kan kale waa dhanaan, waxaan rabay kan macaan inaan ku siiyo maadaamada aad hooyadeey aan ifka u jeclahay tahay.

Hooyadu kama fileyn gabadheeda  garashadaa fog iyo aragtida qotada dheer,  ilmaa dhabanadeeda qoysay,  waxayna niyada ka tiri, naftani male xumaa, haddana quus dhawaa, gabarteydu waxay ii sahminaysay wax wanaagsan anna waxaan u mooday inay i qadineyso oo ii quuri weyday,  maasha la yiri: Hubsiimo halbaa la siistaa.

Ha degdegin

Haddaba aqristoow ,waligaa ha ku dagdagin inaad kaligaa go’aan iska qaadato, ugu yaraan sug inta uu qofku asaga uu jawaabta iskiis u soo bxiyo, maxaa yeelay dagdagta iyo dhaqso go’aan gaaridda, waxey sababtaa in aad xukunto xukun aan wanaagsanayn. Waxa aad indhahaaga ku aragto iyo waxa aad dhegahaaga ku maqasho xitaa markiiba go’aan haka qaadan ee waxaa keenay  isku day inaad ogaato.

Ninbaa wuxuu soo galay gurigiisa  markaasuu wuxuu maqlay  xaaskiisa  oo  wiilkeedu weydiinayo hooyo adduunka yaad ugu jeceshahay markaasay tiri: ” Qof baan ugu jecelahay” Markaasuu yiri qofkaasi waa kee? Hooyadii ayaa tiri waa  qof aan jeclahay,  wiilkii ayaa ku celiyey ma aabbe  ayaad ugu jeceshahay, markaasay ugu warcelisay maya.

Ninkii ayaa xanaaqay oo ciil bestiis noqday, wiilkii ayaa si degan u weydiiyey  waayo  qofkaasi markaasay tiri hooyo waa Adiga! Ninkii ayaa qosol is celin waayey,  gabadhii iyo wiilkiina  uga sheekeeyey inuu tuhun  been ah galay  balse uu farxay in qofka laga jecel yahay uu yahay  wiilkiisa uu isaguba jecelyahay.

Malaha wanaagsan

Malahaaga wanaaji, qofnaba haw tuhmin qof xun inuu yahay. haddaad aragto qof  hawshiisa ku foogan oo had iyo  goor  dantiisa u heelan, shaqadiisa jecel, qoyskiisa jecel, haw   qaadan qof  baqaya ama doqoniimo ka dhigtey  inuusan dan laawe noqone  ee waa nin hawlkar ah oo waxaaney dani ugu jirin ka dheeraaday.

Cidna ha liidin

Wiil dhallinyaro ah  ayaa had iyo gooraale markuu dugsiga ka baxo wuxuu u ordi jirey gurigooda oo magaalada ka baxsanaa,  dhallinyarada kale waxay u maleyn jireen fuley ama mid ka baqanaya  dadka kale oo gooni daaq ah,  balse  arrinkiisu sidaa waa ka duwanaa wuxuu ahaa, nin waalidkiis oo labadooduba indho la’ yihiin caawiya, marka hadduu hawshiisii waxbarasho dhammeystay wuxuu u ordi jirey daryeelka waalidkiis,  maalintii dambe ayaa loo dhaba galay, waxaana  la ogaaday hawsha culus oo hayo,  maalintaas ayaa ardadii iyo  dadkii kale ee  arrinki maqlay  iyaguna  garab istaageen oo caawiyeen, wuxuuna ku galabsaday wanaagga uu falay in isagana  wanaag loo falo.

Wax baxso

Qof haddaad aragto gacan furan oo wax walba oo naftiisa ku wanaagsan haddana is dhaafiya ee dadka kale u hura,  haw qaadan inuu dabaal iyo doqon la sirsiran karo yahay ama nin xoolo ku dheel ah  waa qof jecel inuu  dhibaatada dadka la qaybsado oo dareen wanaagsan.

Nin Oday ahaa oo la dhihi jirey Xaaji Maxamed ayaa dhaqan u lahaa  marka habeenkii la soo hoyaado gurigiisa  ee xoolaha la liso inuusan waxba cunin isaga iyo ubadkiisa ilaa  laga gaaro salaadda cishe,  isagoo ka baqaya intaas in marti u timaado oo hadhoow ku hungoowdo ama iyagoo dhergay  marti gaajeysan u timaad oo ay hambadii ka hartey siiyaan caanaha  ama markaas kaddib dheri loo dhardhaaro ama loo loogo. wuxuu bidhaamin jirey martida  isagoo iska dhawraya inuu qof socota ahi ku qado gurigiisa,  waa habdhaqankii wanaagsanaa ee bulshadeena.

Maantana deriskaaga oo gaajo u dhimanaya  ayaa cuntada la daadiyaa,  Agoon aan awoodin waxay qabsadaan oo  agtaada ku gaajoonaya ayaad ubadkaagu markay dhergaan baahida ku caayaan, dad indho la’ ama  laxaadla adigoo og ayaad  siisaa  waxaaga mid  xoog weyn oo weliba xoolo haysta adiga oo ammaan iyo faan kaga doonaya.Hadyad baad u geysaa mid dheregsan adigoo la dhaafaya mid gaajeysan oo ay waxtar u tahay

Cidna ha coleysan

Aqristoow in badan waxaa dhacda inaad qof coleysato markaad aragto inuu kaa aragti duwan yahay ama  qaabkaad wax u aragto si ka duwan u arko, kala aragti duwanaanta maaha  ugub ee waa arrin curad ah,  hadda eeg aniga iyo adiga isuma ekin, isku dhererna ma nihin ,  kama xanaaqeysid midaas,  oo maxaad uga xanaaqaysaa inaan kala garasho duwanaano, kalana aragti duwanaano, Yaab!!  

Ogoow waxaad jeceshahay macaanka, aniguna waxaan jecelahay dhanaanka,  dharka waxaad jeceshahay  caddaanka aniguna waxaan jecelahay madoowga, waxaad jeceshahay ammaanta,  aniguna waxaan jecelahay dhaliisha, aan kuu soo gaabiyo  waxaad jeceshahay  ciyaaraha  aniguna waxaan jecelahay  daawashada filimada,  maynagaaba isku mid ah, Maya ma nihin, intaas midna iguma necbid sax, haddaba haygu nicin inaan kaaga aragti duwanaado dhinacyo badan oo hannaanka nolosha ah, siyaasadda arrimaha bulshada iwm.

 

Maansada  dardaaran.

 

  • Hadii duul habaawsani
  • Duco ay sameystaan
  • Danyartiyo miskiinki
  • Lagu xiro duleedkiyo
  • Dayrkiyo bannaanada
  • Iyaguna duraanti
  • Habaar ay ku daayaan
  • Iyagoon dareemeyn
  • Uurkuna daban yahay.
  • Danbigaa ayaa galay?
  • Waa dakanno mugweynoo
  • Indhaha laga dabooshee
  • Caadadda dadkeenaa
  • Kii quraacda dayan karaa
  • Qaddo loogu darraya
  • Damqashadda xasuustaa
  • Dadka iyo dalkeeygoow
  • Jirku illa dubaaxddaa.

 

  • Docda kale haddaan dayo
  • Caku dowlad xummadeen
  • Damiirkooda suu yahay
  • Danno gaara mooyee
  • Danta guud ma eegaan
  • Kuli dabato weeyaan
  • iyo Dooxatiyo bahal
  • Darandoorsha mooye
  • Daadihiya may baran
  • Deji oo liq mooyee
  • Danyartaa u kaalme
  • Dugsi geeya may baran
  • Kala daadshe mooye
  • Isku duuba may baran
  • Waa su’aal da’weeynoo
  • Danqineysa boogtee
  • Danbiga ayaa galay?
  • Yaa diidan nabaddoo?
  • Gaajaddu  dileeysaa?
  • Yaa u duuban maantoo
  • Loo durbaaano tumayaa?
  • Dadka iyo dalkeeygoow
  • Damqashadda xanuunkaa
  • Jirku wey damqanayaa.
  • Kama daallo haddaloo
  • Kuwa dagalka joogiyo
  •  dibadaha dar joogaba
  • Aan dardaaran siiyee.

 

  • Daqarradii shalaytiyo
  • Dalanbaabigii hore
  • Dadku waa ka daalaye
  • Ka daayaanu leenahay
  • Dulmigiyo wixii dhacay
  • Diiftiyo xanuunkaan
  • Ka daawooba leeyahay
  • Kuwa dabinka dhigayiyo
  • Soomaali diidkaan
  • Naga daaya  leeyahay.

 

  • Dal awood dhaqaaliyo
  • Gobonnimo ku deexdo
  • Qaran dayr biroo adag
  • Dadkiisuna difaacaan
  • Aynu dowlad gaarnee
  • Dadkaygoo midnimo guud
  • Danta wadajirkeediyo
  • Isku duubni weligiin
  • Ku dedaala doorkiin

W/Q: Cabdul Cabdukariim ( Ugaaska)

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.