Murug iyo maan kala jeeda W/Q; Abdiqadir Mursal Warsame

quotescover-JPG-18

Murug iyo maan kala jeeda 

 

Maalmo adag oo la soo maray.

Dagaalo sokeeyo, qabqabale qarandiid ah, culimaa’u diin adeegsanaya, siyaasi shaati shisheeye huwan, adeege garbo badan leh, koox diimeedyo sheeganaya in ay diin wadaan, shiisheeye mudo ku taamayey dalka,oo fursad la siiyey, waxaa la soo taabtay xarunta dalka oo aan cidana hawaysan, ilaa xornimadii dalka, intaa oo dalku dhibana waxa horseed u ahaa garmaqaate sandareero wado, waxa billowday qaraxyo fara badan, oo aan horrey loo aqoon, waxa dhacay isku dayo badan oo ay hoggaanka u hayaan danayste aan danguud wadin, maalmuhu waa wareegto, dhiilladu waa gelinba meel, guushu waa ceeb,guuldaradu waa farax,dulmigu waa dareenka siyaasigga,waxaa la sameeyey wax dowlad loogu yeeray ku meel gaar ah.

Waxaa soomaalida la dhex dhigay colaad qoto dheer leh, waxa mugdi la kale dhex dhigay labada walaalaha ah,waxa loo qeybiyey qaybo yaryar oo xaduud leh,waa maalmo iyo habeen fekerku badan yahay,ilmadu qubanayso, hooyooyin badan baa la gablamiyey ,dad badan oo qiimo leh baa ku waynay,cadowgeenu waa gaaray dantii uu lahaa, dalka waxa la keenay ciidamo danaysta dabadda ka riixayo,waqtigu waa dheer yahay, dadku waa rajo ku nool, madaxdu waa dhiig quudato,guushu waxay saarantahay geed aan dheerayn, kii ka soo dejin lahaa waa laga qariyeyey.

Qorigu waa dhacayaa, waxa dhimanaya wiil soomaaliyeed, kan ridaya waa soomaali, kan dabadda ka riixaya waa soomaali, waxa karashka bixinaya waa cadowga ummadda soomaaliyeed, waxa ku dhimanaya halyeey iyo wiil beri difaaci lahaa dalka, murugadu waa mid ku maran qof kasta oo soomaali ah, laakiin nasiibdaro waxa boor ku qarinaye hoggaan hullaaban maangaaban iyo maal murun ku jiro, xaaladu waa ALLOW ur u bixi.

Waxaa tahriibay dhallinyaro fara badan, waxa naftooda ku waayey boqolol, waxa qaxay aqoonyahan fara badan,waxa hantidiisii ku wayey ganacsade dalka meel ugu yaalay,waxa naftooda ku wayey culimo ka hortagayeyey dulmiga socday ,boqol ayaa xabsiyada ku jira,calamadu waa argagixiso iyo burcad badeed.

Warbaahinta :

 

Warka aad maqlayso waa dhiilo,warka tabaniya waa wiil jilbaysan oo aan garayn xaga wax u socdaan,waxa u leeyahay dagaal baa dhex maray waa dad walaalo ah,kuwa heshiin waayey waa soomaali wax ma garato ah,sawirka uu bixinayo waa qarax dhacay iyo doonyo tahriib oo degay,hooyo ku waday wiilkeedii oo ilmadu gabax leedahay,abaaro dhib weyn ku haya deegaan,maanto xoolihii ka dhammaadeen oo gaajo iyo haraad u dhimanaya,hanjabaad ka soo yeertay maamul, maamul kale raba in uu wareero,garcadaa dagaal ku baaqaya,siyaasi kale qaybin iyo sadburisi doonaya,beesha calaamka oo dhexdhexaadin aan dhab ahayn wada,garasho harka labadiisa gelin ah.

Waxa dhacay dulmi fara badan,kaas oo cid walba saameeyey,waxa la dhacay hanti badan oo masaakin lahayd,waxa lagu xad gudbay dadka qaar,waxa lagu sheegay in dad qaar bar yahay,waa guul daro iyo sumcada soomaalida hoos u dhacday,waxa la dugsaday shisheeye xumaanteena radanaya.

Mudo ka dib:

 

Dhib badan ka dib waxa lagu balamay in dalka laga saaro dulmi horay loo sameyey,waxa la isku raacay in dhibka la soo afjaro,in kastoo cida saxiixday dhab ka ahayn,hadana waxa la filayey in guushu gacanta soo gashay nasiibdaro,xaladu waxay noqotay halkii aan cir ka filayey baa ceeryamo timi,tahriibto waa sii badatay,qoraxu waa labo jibaar may,maamul xumadu waa jug jug meeshada joog,gumeystuhu waa sii xoogsaday,rajadii waa yaratay,qabyaladu waa geed har wayn,dagaalada sokeeye waa midiyaha isku soo faysta,cadowgu waa sommali,sokeeyuhu waa shisheeyeye,kheyraadkii waa la qatay, kan ku taageeraya waa soomaali, kan uu ka xadayo waa walalkiis oo baahan,

Maanta iyo maan kale jeeda iyo murugada:

 

Waxaan maanta isku hayna waa cid aan dulmino, halka aan dulmiga ka samaynayno waa dhulka hooyo, cida la dulminaya waa soomaali kula siman,guusha aad la cararayso waa mid aad cadow la galayso, waxad kala cararaysaa waa walaalka oo gacanta kuu haadinaya,waxad hoos u sii dhigaysa waa meeqankii aad lahayd,kan aad u dacwanaysa waa cadowgaaga,waxa gubnay guri soomaaliyeed.

Murugada taal iyo maanka kala jeeda waa guuldarada ina haysta,waxa abaaro saamaysay dad badan oo soomaaliyeed,kuwas oo harad u dhimanaya,waxa isku haysana,waa sagaaradu waa cabtaa iyo ma cabto,waxa magan u nahay midi dhiig leh,garashadu waa gaban tahay,hogaanku waa xarig lama sitaan.

Waxa xabsi cadaalad daro ugu jira boqolol qeymo leh,waxa bada ku dhimanaya,halbeegii ummadda,waxa qaraxa lagu dilayaa,waa halyey hiil waayey ,waxbarasho la,aanta iyo caafimaad xumadu waa iskama warhayso,xaaladu waa murugo soomaaliyeed iyo maan kala jeeda,kuwo dhiban iyo kuwo ka sii jeeda.

Siyaasiyiinta waa duul hoosta ka xun, aad dushana hanada moodayso, oo harag shabeel huwan, ayaa qodaya haadan eh.gabaygii abwaan soomaaliyed.

Waxa soomaaliya deeqa midnimo,wadajir,walaalnimo iyo aragti mid ah,xornimo waa loo dhinta ee looma dhasho.Soomaalay: sir gaalo iyo indho quraanyo midna lama fahmo.

 

 

W/Q; Abdiqadir Mursal Warsame

Arday: abadiqadir20@gmail.com

SHEEKOOYIN