“Murugadooda Reer Yurub” Maansadii 7aad ee silsiladda MIDNIMO

Untitled

Maansada Murugadooda Reer Yurub

 

Waa maansadii 7AAD, oo ka mid ah silsiladda MIDNIMO. Maansadu waxay si gaar ah u daba socotaa maansooyinka ka horreeyay oo ay curiyeen Saciid MuuseCabdiraxiin H. Galayr iyo Bashiir M. Xersi oo ba silsiladda daah furay. Maansadu waxay sii xoojineysaa iftiiminta muhimadda MIDNIMADA, waxayna tiri;

 

Maansada Murugadooda Reer Yurub

 

Miimleeyda maansada

Maalmahaan ma faaqidin

Mana gelin ummuurteen

Mana curinin waayahan

Ma mireynin tixaha gabay

Mana muujin geeraan.

 

Inkastoon Marleey dumar

Marwo sheegan aan ahay

Maansadiyo guurow

Miisaamo weligeey

Ragbaa mucallinkeedaa

Dib haddaan u milicsado

Suugaanta meel sare

Maahmaaho guuniyo

Halxiraalayaal mudan

Milge iyo culaysna leh

Mar haddaanan marineyn

Meeqaamkii Shuuriye (1)

Mucda hadalka geyneyn

Macnihii Abwaan hore

Kuwa maanta joogee

Magacsame Bashiiriyo (2)

Makaankii Galayriyo (3)

Masalkii Ustaadkiyo

Murti wade Saciidiyo (4)

Ragga muhandisiinta ah

Miinleeyda noo furey

Midnimada magac dhabay.

Ragga Meerisyada culus

Galayrbaa mudnaantii

Meeriyoo makaansaday

Anna waa markeeygoo

Marti kama ahaanine

Aan macneeyo saan rabo

Aan maaxdo sida laas

Aan magaabo sida geel

 U onkodo sidii mayey

Aan magoole sida geed

Mahad Eebbe furay iyo

Mataan aan go’ayn iyo

Meer meerto weeyaan

Marba waa mid gooniya

Waa farac mugweynoo

Maangalahe iga maqal

Maaddo kalana hooyoo

Maamuuris weeyaan

Hibo Mowle bixiyiyo

Waa Eebbe mahaddiis

Milyan goor Allaa mudan.

 

Mar haddaan is idhi mari

Godal qaaday maankii

Aamusnaa muddada badan

Mirtii dhexe intaan kacay

Ujeeddada u meel dayay

Fahmay oo macaansaday

Maqsidkana u dhaadhacay

Midnimada miliilicay

Maareyey dhawr jeer

Hadba marin ka joogsadey

Marna lagama maarmaan

Ila noqotey miidaam

Madal lama huraaneed

Marna moos cirkaa jira

Gudcur maaradowda ah

Midig geli god lay yiri

Anna maagay dhawr jeer

Marjacii Silsiladdiyo

Intaas meel markeedii

Oo muuqda weeyaan.

 

Mid kaleeto hooyoo

Maqsadkii Silsiladdani

Dadku inuu mir qura yahay

Magaca iyo diintiyo

Muuqa iyo aragtida

Muran lagama keenine

Inay kala masoobeen

Kala maahsan yihiin

Heesaha ku mariseen.

 

Dad mariilay waa hore

Mayday oon waxbaba maqal

Oo marin habaaboo

Masiibadu haleeshoo

Mashaqooyin galabsaday

Lagu maato dunidoo

Maalin weyn is weerarey

Malcamaddii diintiyo

Mawlaciyo Masaajiid

Madaafiicda oloshiyo

Miino ku xirey baas

Dhiig lagula mayrtoo

Middi loo adeegsaday

Madaxiyo gacmaha jaray

Maatiyo carruurtoo

Mooryaan adeegsaday

Mixnaduhu hareeyeen

Keey madax u doortaan

Maamule ka yeeshaan

Keey maal u dhiibtaan

Keey aammin maagaan

Mumin keey u haysteen

Ummadduu madluunshee

Weli macangag mooyee

Maamule haggaagsani

Mayaylkooda qabanoo

Maamuusin sharaftood.

 

Maansadani baaqiyo

Maareyn xalkoodiyo

Maslaxadda naftoodiyo

Mideyntooda weeyan

Manfacdooda weeyaan

Iyo Muruga Reer Yurub

Afrikada madoow iyo

Waa Mareykan malaggiis.

 

Intaas waan maquunshee

Mid kaleyto hooyoo

Miir miirta hadalkiyo

Murtidiyo wax dheefkeed

Muudsada bal waatane

Miilankiyo ujeedkiyo

Miraheeda dhuuxoo

Kala miira maankoo

Maraxsada xigteedoo

Manfacsada tarkeedoo

Maldahiyo sarbeebtiyo

Dhugo meeriskeedoo

Manhajkeeda raacoo

Muudmuudso miidoo

Garo meesha aan rabo

Mugdi yaanu kaa gelin

Yaaney moodis kaa noqon.

 

Rabbi baa Mulkiile ah

Maamula adduunyada

Midka baahan quudshoo

Caafiya mariilkoo

Saaxiya majnuunkana

Maalgaliya qaniyagoo

Midka midigtu marantahay

Saboolkaan midnaba hayn

Isagaa masruufoo

Mawlaa miciin u ah

Wuxuu maalin kuu dhigin

Maalin kuma macaashtaan

Haddaad maagtid doon doon

Magac raadis baa tahay

Nin masayrsan baa tahay

Oo maqane jooga ah

Midigtuba ma taanteed

Bidixdeey ku meelmari

Oo kalama maarmaan

Qofkii meelu go’an tahay

Oo lixaadku maran yahay

Yaa marqaati iiga ah

Adigoo maryaha xiran

Oo murduqani waa ceeb

Maanlaawe iyo tuug

Waa meheraddoodii

Waana lagugu maadtaa

Hebel waa madoobaa

Mara muusan qabin beey

Kuu marshaan bannaannada.

 

Mar haddaanu shacab jirin

Dadweynuhu mashxaradeyn

Madaxweyne waligiis

Madaxtooyo kama talin

Micnuhu wuxuu yahay

Shacab li’i nin madax raba

Ma dhirtuu u taliniyo

Mawaashigiyo xoolaha

Illeen maba awoodee.

 

Macne kale wuxuu yahay

Marwadana ninkeediyo

Maqal sawjka lagu yiri

Aabbaha masruufkiyo

Reerka maamulkiisaa

Looga dhigay musuul sare

Haddaan marinka noloshiyo

Maareynta loo jirin

Sida laba mataana ah

Midigta iyo bidixdeed

Reerku magac ma yeesheen

Mooro kuma nagaadeen

Mugdi lagama saareen

Makri lagama waayeen.

 

Macne kale wuxuu yahay

Haddaan mayey subxeediyo

Miiraale ku onkodin

Mahiigaan biyaha dhigin

Dhirtu miro ma bixiyaan

Manka iyo magool ma leh

Cawska iyo maartiyo

Mayradiyo garagaro

Meelaha ma buuxsheen

Mayleeyda Geeliyo

Maadhiin lo’aadiyo

Miidda iyo dhaydiyo

Gaax lagama maaleen

Subag lagama miireen.

 

Waxba yaan maquurane

Meermeerin goonyaha

Runta maro masaarnee

Maldahaadda aan dhigo

Micnaheeda aan galo

Maqsidkiyo ujeeddadu

Waa midnimee ma ogtahay

Waa is maamulkeenniyo

Cadawgoon maquunino

Madal loo dhan yahayoo

Maamuus qurxoonoo

Garta madowgu noo furin

Oon Mareykan noo xirin

Muhashadeeda weeyaan

Ummad midab hallawdo

Doorsoomay maankii

Maareynteeda weeyaan

Isku duubni baa mudan

Kala marin habaaw iyo

Ogaaw kala maqnaashuhu

Waa meel ka dhacayaga

Ummad yahay middaa garo

Maankaaga ku adkee

Midnima leh guuliyo

Magacaan gureyn abid

Soomaalaay middaas garo.

Dhammaad.

Hodan Sh. Cumar

Hodan2015@autlook.com

 

(1) Abwaan Faarax Shuuriye, oo ahaa Abwaankii calanka u siday suugaanta Soomaalida siiba tan gobollada dhexe illaa Bari.

(2) Bashiir M. Xersi, oo curiyey maansada MIDNIMO, ee billow u ahayd silsiladdan MIDNIMO.

(3) Cabdiraxiin H. Galayr, oo curiyey silsiladda 3aad ee maansada oo la yiraa; “MIDNIMAA LEH MAAMUUS”.

(4)Saciid Muus, oo curiyey maansada 2aad ee silsiladda MIDNIMO, oo la yiraa; (Leyska dhiib Mareykan) 

SHEEKOOYIN