Musharraxii soo shaqa tagay W/Q: Cabdullaahi (YamYam)

untitled

Musharraxii soo shaqa tagay iyo waayihiisii nololeed

Tuuladii Rays-dheer:

Sugulle waxa uu dhasahay nuskii danbe ee qarnigii 20aad. Waxa uuna ku dhashay Rays-dheer. Rays-dheer waa tuulo aad u yar oo reerahoodu degijireen, walow ay aad u yarayd haddana waxa ay ahayd mid aad u camiran markii la barbardhigo tuulooyinkii iyada ku hareeraysnaa. Waxa ay lahayd dugsi qur’aan. Iskuul lagama aqoon. Carruuruhu quraan kaliya bay baran jireen, goortii ay dhammeeyaan baa loo dhigi jiray magaaloyinka u dhow si ay iskuul u galaan . Dhaq dhaqaaqa dhaqaale ee tuulada ka jira mid saa u buuran ma ahayn. Tuulada taladeedu waxa ay ka go’daa dhowr oday iyo Macallin Cali. Cali waa macalinka tuulada sidoo kale waa uu kitaabo ka mariyaa mawlac ku yaal tuulada. Waa buuni diinta Islaamka ku xeeldheer  aqoon wanaagsana u leh. Reer Rays-dheer iyo tuulo u dhow reero degi jiray baa intaa islayn jiray, loona kala maaro waayey. Dhul daaqsimeed bay fidnadu ka kacday, haddase farihii waa ay ka baxday. Labaataneeyo sano bay dirirtu socotaa. Wixii waan-waan nabadeed ah iyo mag kala qaadasho ah ama hurin colaadeed iyo ciidan abaabulid ah odayashaa horbooda. Alla-bariyada iyo roobdoonta na macallin Cali baa hormuud ka ahaa.

Masjidkii bakhaarka noqday:

Sugulle waxa uu waynyahay carruur shan ka kooban, saddex wiil iyo gabar. Aabbihiis waxaa la yiraahdaa Salaad Samatar. Salaad waa oday maalqabeen ah, waxa uuna ku jiraa saddexda nin ee tuulada  ganacsiga keena. Bartamaha magaalada waxaa uu ku leeyahay Salaad bakhaar aad u wayn . Dhisamaha uu bakhaarku yahay iminka markii hore loogu ma talo galin inuu bakhaar noqdo. Oo Maxaa loogu talo galay dee? Waxaa loogu talagalay inuu noqdo masjidkii ugu horeeyay ee tuuladu yeelato. Oo waa ayo cidda baas oo baydkii ilaahay bakhaarka ka dhigtay caro ha ku dhacdee?

Waxa ay ahayd xilli barqo ah Salaadna uu joogay gurigiisa markii uu u soo galay wiil yara oo uu dhalay oo markaas meheradaha tuulada ka soo noqday, wiilkii yaraa waxa uu aabbihii u sheegay inuu meheraddii “ Ina qoobdheere” ku soo arkay adeer Baaruud. Baaruud waa Salaad ina adeerkii rumaad. Baaruud waxaa uu degganyahay isagu miyi, halkaas oo ay u deggan yihiin saddex reerood. Baaruud waxa uu dhalay 26 caruur ah, waa sideed iyo toban wiil iyo sideed gabdhood. Baaruud waa oday aad iyo aad u geel badan, kadimo geela ayuu leeyahay. Baruud mar waa oday nabad-doon ah marna waa colaad-doon,waa dagaalyahan aan boqol nin biyo u kabban, waa nin magaciisu gaaray meel uu qudhiisu tagin. Waxa ay ahayd dhowr gu’ ka hor markii uu guluf ku ekeeyay geelleey degaankoodii ka soo hayaamay. Baaruud waxa ka feer dagaallamayay markaas toban wiil oo uu dhalay. gulufkaas waxa ay kusoo dhaceen geel aad u farabadan, taasoo ka dhigaysa geela Baaruud kala bar wax ka badan inuu yahay xaaraan iyo wax dhac iyo boob lagu keenay. Baaruud iyo inta la ayniga ah waxa ay aaminsanyihiin kuna dhaqmaan qaaciido ab ka soo gaar ah “ Xalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuuma xuma”

Baaruud hadda da’diisu waa 80 jir, waa uu tabaryareeyay araggiina marba marka kasii danbaysa waa uu soo daciifayay, waxa uu hubsaday inuu yahay gabbal sii dhacaya. Baaruud waxa uu go’aan saday inta cimrigiisa ka dhiman inuu cibaadada daa’imo, wehelna uu ka dhigto tusbaxa iyo ubbadiisa weesada ah. Sidoo kale waxa uu go’aan ku gaaray inuu geeliisa sakada ka bixiyo sannadkaan iyo sannadaha soo socdaba, waxa kale oo uu goostay inuu masaajidkii ugu horreeyay ka dhiso Rays-dheer. Masjid dhisidda aad bay usoo dhaweeyeen dadkii tuulada degganaa. Intaas waxii ka danbeeyay Baaruud waxa uu ku noqday xaafadihii miyi, go’aankii uu qaatayna waxa uu u sheegay wiilashiisii, walow ay soo dhaweeyeen dhammaan go’aankii aabbahooda haddana qaar baa ku gacan saraysay masjid dhisadda. Isjiijiid badan kaddib odaygii waxa uu geelii kasoo soocay boqol neef si loogu bilaabo dhisadda masjidkii u balanqaaday.

Baaruud iyo saddex wiil oo uu dhalay waxa ay geelii keeneen tuuladii nasiib wanaag tuulada waxaa joogay baryahaas qolooyin xoolaha gadata dabadeedna lacag qaaliya ku sii gata. Labo maalmood kaddib oday Baaruud waxaa laga gatay sagaashan ka mid ah geeliisii, sidoo kale dhismihii masjidka waxaa la bilaabay asbuuc ka dib. Markii hore waxaa la taagay daarwayn, dabadeed waxaa loo yeelay mixraamkii, toban daaqadood iyo afar albaab. Goobta laga dhisay masjidka waa bartamaha magaalada waa goob dadkoo dhan u siman, waa meel meherado badani ku yaalaan waana goobtii ku haboonayd in laga dhiso masjid. Hawshii masjidka oo si habsami li’iya u socota, kaliyana ay dhimantahay in dad/saanqaaf la saaro lana cagdhigo, ayaa tuulada waxaa yimid shiikhul baladkii oo baryahaas ka maqnaa tuulada, wadaadkii waxaa loo sheegay in masjidkaan uu dhisayo ninkii Baaruud ahaa. Ma Baaruud baa dhisaya?! Wadaadkii waxa uu u tagay Baaruud si uu uga waraysto masjidka iyo hawlihiisa. Is waraysi kaddib wadaadkii waxa uu waydiiyay Baaruud halka uu ka keenay xoolaha uu masjidka ku dhisayo ? Baaruud waxaa uu sheegay shiikhul baladkii in geeliisii qaar uu gaday, wadaadkii oo la kaftamaya Baaruud waxa uu yiri “ War geelu soo kii aad xabbadda ku soo xero galisay maaha? Haa. Intaas kaddib wadaadkii waxa uu u sheegay Baaruud in xoolahaas aan laga dhisi karin masjid iyo inuu halkaa ku joojiyo dhisadda masjidka. Baaruud waxa uu joojiyay masjidkii, aqalka intii dhisnaydna waxa uu ku wareejiyay ina adeerkii Salaad, isagiina waxa uu isaga noqday baadiyihiisii. Salaad dhismihii waxa uu ka dhigtay bakhaar aad u wayn oo uu u labaxay “Baahi bi’iye”. dadku oo aad uga xumaaday joojinta masjidka, waxa ay carada kula dhici jireen Salaad Samatar. Waxa ay ku oran jireen “ Masjid baad bakhaar ka dhigtay, balaayo iyo baas baa kugu dhici doonta.” Waayadii danbana waxaa salad naanays u noqotay “ Masjid bi’iye”, magacaas oo uu aad uga xanaaqi jiray markuu maqlo,waxa uuna wacad ku mari jiray qofkii ugu yeera magacaas inuusan waa danbe wax ka gadayn. Si kasta oo uu u diido naanaystaa waa ay u hir gashay, dadkuna magaciisii runta ahaa waaba ay illaaween, haddaad maantoo dhan ku haysid war Salaad samatar yaa arkay. Cidina juuq kuu dhihi mayso, dadka waawayni waa laga yaabaa inay ku dhahaan war “Masjid bi’iye” halkaas buu bakhaar ku haystaa.

Rays-dheer oo cidla noqotay

Muddo ka dib tuuladii Rays-dheer waxa ka dhacay abaaro ba’an iyo colaado is daba joog ah, dadkii tuuladuna marba marka ka sii danbaysa waa ay sii yaraanayeen, waxa ay u guurayeen magaalooyinkii u dhawaa, tobaneeyo sano oo dadku ku sii qulqulayay magaalooyinka, colaaduna soo laalaabanaysay tuuladii waxaa kusoo haray dhowr qoys oo ay ku jiraan reer “Masjid bi’iye”. Waa xilli barqo ah, Salaad Samatar waxa uu dhex fadhiyaa bakhaarkiisii, waxa uu labadiisa gacmood ku hayaa dhafoorada. Waxa uu la yaaban yahay tuuladii dad iyo duunyaba camirnaan jirtay sida looga yaacay, waxa uu u qaadan la’yahay sida bakhaarkiisii la is dab tubnaan jiray ee saddexda qof gadi jirtay masiibadu ugu habsatay. Waa maalinkii labaad oo aan tummun sonkor ah xitaa laga gadan. Waxaa xasuustiisa kusoo laa laabanaya maalin uu laba nin oo midi doonayay kiish gelleey ah midka kalana uu doonayay haaf sonkor ah uu eryay, kaddib markii ay ugu yeereen naanaystii uu ka xanaaqi jiray ee “Masjid bi’iye”.

Waxa uu fiirinayaa dhowr kiish oo bariis ah oo in muddo ah meel ku tiirsanaa, waxaa uu ku cel-celinayaa “Magacaa rabtaan iigu yeeroo, kaalaya mar un wax iga gata.”   “Magacaa rabtaan iigu yeeroo kaalaya mar un wax iga gata.” Intaas isagoo ku cel-celinaya waxaa u soo gashay xaaskiisii Dhudi, waxay ku tiri “ Xaaji maanta waa adigaan isla hadlayee maxaa ku helay” intuu sidii waxa hurdo kasoo salalay madaxa kor usoo qaaday yiri “Mayee is la hadli mayee xoogaa un baa yara fakarayay” gabbalkii maalintaas waa uu dhacay isagoo waxba laga gadan, waa uuna iska carraabay, intii uu waddada sii socday marna madaxiisa kor u muusan qaadin hoos un buu fiirinayaa, waa uu fakaryaa oo madaxuu ruxayaa mar mar, waxa uu soo xasuusanayaa maalmo wacnaa oo ganacsigiisa soo maray; maalmo gaari raashin iyo badeecooyin kale ku raranyihiin galab gaabkii magaalada intuu soo galo la oran jiray “Gaarigaas waxa uu u yimid Masjid bi’iye oo biri baa rarka laga dajinayaa. Habeenka ka horeeya subaxa rarka la dajinayo xaafadda Masjid bi’iye waxa ay ahaan jirtay sida meel Alla bari ka jiro dadku waa dhoobnaan jireen. Dadku waa mid le “ Aniga laba kiishoo bariis ah meel ii sii dhig” “Anigana lacagtaan qadimayaaye loor bur ah meel ii gu tiri yaan la iga dhammaysanee.” Waa xaal aduune caawase xaafada waxa uu u yimid isagoo maanta hal shay xitaa laga gor-gorin. Fiidkii markii ay ahayd buu u yeeray curadkiisii Sugulle iyo xaaskiisii Dhudi waxa uu uga waramay xaalka tuulada iyo suuq xumada ka jirta, iyo in dhowr qoys maahee tuulada laga wada guuray. Waxa kale oo uu u sheegay in ay isbuuc kaddib ay raaci doonaan gaari caano kasoo qaadi jiray tuulo yaroo ka shishaysay oo ay ku gaari doonaan magaalada u soo xigta magaalooyinka dabadeedna ay u sii gudbidoonaan magaalada Xamar halkaas oo ay degi doonaan. Sidii balantu ahayd isbuuc ka dib bay ka dhaqaajiyeen tuuladoodii ay sanadaha badan ku noolaayeen waxay ayna tageen meel magaalo ah oo ay ka bixi jireen gawaarida Xamar aadda.

Sugulle iyo waayihiisii Muqdisho

Waa rubucii danbe ee qarnigii 20aad, Goobta ay yimaadeen waa magaalo, haa waa magaalo oo tuuladoodii waxyaabo aysan ku arki jirin bay halkaan ugu yimaadeen. Haddii markii ay tuuladooda joogeen bishii hal mar ay gaari arki jireen halkaan gaarigu wado walbuu yaacayaa; haddii habeenkii ay faynuus shidan jireen markii naaftada la waayo ama liifadu dhammaatana gurigu mugdi ahaan jiray, xaafaddaan ay joogaan habeen walba waxbaa ka ifa meel laamiyeeriga wax yar un ka sokaysa – nal baa la yiraahdaa baa lagu yiri-. Reer Masjid bi’iye haddiiba ay magaaladii joogeen muddo laba isbuuc ah, waxa ay u diyaar garoobeen inay safarkooda sii wataan ilaa ay halkii yoolkoodu ahaa. Xilligu waa subax hore waxa ayna taagan yihiin astaankii gawaarida Xamar u bixi jirtay. Gaariga ay raacayaan waa “Siisow”, dadka inta badan dumar iyo ragba kor baa la koraa. Hadda waxaa kor u hadlaya darawalkii waxa uu leeyahay “ Halla soo fuulo gaariga waa la baxayaaye.” Dadkii waxa ay bilaabeen inay ka soo kacaan meheradihii ay shaaha ku cabayeen, gaarigii bayna wada fuuleen. Waxa u bilowday safar dheer, waxa ay u socdaan magaalo uu ku riyoodo qof walba oo Soomaali ah inuu dego ama mar un uu tago, haddii uusan degitaanka awoodinna inuu mar un tago. Habeenno iyo maalmo ay jidka ku jireen ugu danbays waxa ay tageen magaaladii Muqdisho.

Reer Masjid bi’iye si wanaagsan bay u fahmeen magaaladii, carruurtiina waxbarasho baa la geeyay. Waxa ay maalmuhu is daba maraan; habeenaduna is dhaaf-dhaafaan; biluhuna is eryadaan; sannaduhuna ay sanka isku hayaan; ninkii Sugulle ahaa maanta waa nin isku filan. Dhanka waxbarashada ilaa heer jaamacadeed buu ka gaaray, shaqo waanaagsan waa uu haystaa, oo waxa uu u shaqeeyaa wasaaradda beeraha. Waa isaga cidda reerka biisha hadda, oo odaygii Salaad Samatar ah dhowr sano ka hor buu madaxa laabay. Sugulle waxa uu ku jiraa maamihiisa ugu wacnaa nolosha. Balse waxa ay yiraahdaan “Si jirta siima jirto” , oo isbaddal inuu dhaco waa qaaciidooyinka ay ku dhisantahay noloshu. Sanadku waa 1990, magaalada Muqdisho iyo dhammaan waddanka waxaa laga dareemayaa xasilooni darro. Waxaa sii liicaya nidaamkii dawliga ahaa ee waddanka ka jiray. Sugulle laba bilood miishaar ma qaadan, oo miyaa la waayay wax shaqaalaha la siiyo? Mayee lama waayinee dhexda lagu kala goostay miishaarkii shaqaalaha. Sanad kaddib waxaa afka ciidda darsatay dawladdii uu u shaqayn jiray Sugulle, waddankiina waxaa uu noqday dawlad la’aan, fawdo iyo dagaalo sokeeye oo markaa bilowday. Sugulle oo subax hor fadhiya gurigiisii xabbaduna si aan innaba caadi ahayn ay magaalada uga dhacayso waxaa u yimid Faarax oo ay daris ahaayeen muddo dheer. Faarax waxa uu ku yiri “ Waxa aan doonayaa maanta inaan magaalada isaga qaxo, oo inta xabbadu joogsanayso aan bal tuulooyinka carruurta u saaro, adigu miyaadan xabbada ka baxayn?” Sugulle oo aad uga fakaraya xaaladda uu waddanku ku jiro iyo meesha uu u sii socda ayaa jaalihiisii ugu warceliyay “ Ninyahow saad wax mooday maaha, saansaanka magaaladaan ka muuqda ma wanaagsana, haddii kollayba aad qaxaysid waxa aad aadaa gobolada ay dadkiinu degaan. Tan kale anigu waxa aan doonaya inaan waddanka gabigiisaba isaga qaxo, oo halkaas Yaman iyo dhul carbeed baan afka saaraya, hadde nabad gelyo iyo nooli gulantee.”

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse ( YamYam)

Email: Abdulahiyamyam@gmail.com

22-Nov-2016

Gaalkacyo-Soomaaliya

SHEEKOOYIN