Musharraxii Soo Shaqa tagay Q2AAD W/Q: Cabdullaahi C. Muuse (YamYam)

untitled

Musharraxii Soo Shaqa tagay Q2AAD W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

Safaradii Sugulle ee Yaman, Syria ilaa Ingiriiska

Waa xilli habeen ah, mayee habeen keliya maahee wa saqdii dhexe. Sugulle waxa uu ku jiifaa joodari dhex yaal qol mugdi uu dhan walba ka xigo. Qadaad qadaad buu u jiifa, indhihiisuna sida qof wax daawanaya bay sanqaaf mugdi ka sokeeyo ku fooganyihiin. Waa uu fakaraya oo fakarayaa… oo muxuu u fakari waayay sow biri nin socdaal qaarado la isaga gooshi doono geleya maaha. Waa hiirtii waaberi, waa maalin cusub.

Sugulle si walba waa uu u diyaarsanyahay oo toddobaad muddo ku dhow buu tabaabulshe ku jiray kaliya saaka waxaa uu sugayaa waa baabuurkii u qaadi lahaa magalaada Boosaaso. Waxa uu fadhiyaa meherad shaaha laga cabo, una dhow astaankii uu gaariga ka raaci lahaa. Dadku waxa kaliya oo ay ka sheekaynayaan waa dagaal lagu hoobtay oo shalay casar gaabkii magaalada ka dhacay “Labaatan baa laga dilay; afartanna waa laga dhaawacay; laba gaarinna waa laga qabsaday.” Waa maqane jooge, cidna la hadli maayo, labadiisa indhood waxa ay ku maqanyihiin oday hadalkaa kore yiri oo ka mid ahaa dadkii shalay dagaalka ku jiray.

Cabbaar yar kadib waxaa u yimid kariishbooygii oo ku wargaliyay in isaga kaliya la sugayo, isna waa uu raacay. Gaarigii waa uu dhaqaaqay, waxaa bilowday safar dheer, dherer kaliya maahee waxaa aad looga baqanayaa Burcada jidgooyada dhigata oo magacyo badan (Mooryaan, Dayday, Jirri) . Waa dad hungurigii iyo noloshii halkaas ay ka gashay. Haddii ay lacag ka waayaan darawalka waa dil. Ilaahay bari badan iyo sadaqo badan ugu danbayn waxa ay yimaadeen magaaladii Boosaaso.

Sugulle haddii uu gaarigiiba ka degay waxa uu afka saaray dhankaas iyo xeebta. Dad baa joogay makhaayado xeebta u dhow, wiil ka mid ahaa dadkaas meesha joogay buu uga warramay socdaalkiisa iyo waxa uu damacsanyahay iyo in la helayo wax dooni ah oo Yaman u socota iyo in kale. Wiilkii baa ku yiri “ War ninyahow waxaa tahay nin hoodo iyo ayaan badan, caawa bayna baxaysaa dooni dad wadda, ninka doonida lihina waa isaga halkaa fadhiyee lacagta un iska bixi.” Sugulle oo wajigiisa ay ka muuqato naruuro iyo naxariis badan ayaa ninkii loo tilmaamay u tagay dabadeedna lacagtii bixiyay. Waxay ku balameen galabta inuu halkaan iskeeno oo la bixi doono.

Doontii waxa ay ka shiraacatay xeebtii Boosaasood abbaare 11:30 habeennimo. Doonta waxaa saaran afar boqol oo ruux, carruur iyo haween bay u badanyihiin. Doonidii waxa ay muquuratay bad-wayntii. Naakhuuduhu waa nin bad-maax ah, oo dhaqan iyo hidde-ba u leh xirfadda naakhuude-nimo. Muddo labo saac markii ay ku jireen bad-wayn mugdi iyo mowjado badan; dabaylo iyo roobabna ay u dheeryihiin, nakhaaduhii waxaa ka luntay jihadii. Naakhuuduhu waxa uu isku dayayaa inuu dadka ka qariyo in jaahii iyo jihadiiba ka lumeen, waxa uu ka baqayaa haddii uu mushkiladda soo korodhay la wadaago rakaabka in carruurta iyo haweenku bakadaan dabadeedna dhibaato intaa ka wayn meesha ka dhacdo. Waaberigii waxa uu u sheegay rakaabkii in ay jihadii ay ka lumiyeen roobabkii iyo dabaylihii xalay. Dadkiina waxaa soo food saartay wal-wal iyo walbahaar. Hadda waa maalintii afaraad oo ay badda saaranyihiin. Kala bar wax ka bandanna dadkii waxa ay u dhinteen oon iyo gaajo. Dadku waxa ay cunayeen maryaha sida duruucda shiidka/baatiga ah iyo macawisaha jilicsan intay biyaha ku radiyaan. Maalinimadii shanaad xilli casar liiq ah bay soo gaareen xeebihii Yaman. Isla goortii ay soo gaareen xeebtii Yaman waxaa qab-qabtay askar goobta ku diyaarsanayd oo qaxootiga Soomaaliya ka soo qul-qulaya inuu xeradii Mukalla geeyo loogu tala galay si aysan waddanka gudaha ugu soo galin.

Sugulle haddiiba uu muddo labo bilood ah ku sugnaa xeradii Mukalla, waxa uu u kicitamay halkaas iyo Cadan. Sugulle waxa uu Cadan ka helay shaqo macallinnimo. Waa bare Afka Ingiriiska ka dhiga dugsiyada sare. Haddii uu muddo labo sano ah joogay Caddan, xoogey kayd ahna u arurey waxa uu isku sii daayay magaalo madaxdii Syria ee Dimishiq. Markii u tagay Dimishiq noloshii waa ay ku adkaatay, wax shaqo ah ma uu hayo, koobka shaaha ah shilin uu leeyahay kama bixiyee shaxaad buu ku caabba, hooyga iyo hungurigana waxa uu ka helaa oo uu dulsaar ku yahay reero ay qaraabo fog yihiin. Waa uu seexadaa oo soo toosaa, wakhti uma xisaabsana, maalmuhu waa isaga dhex yaacsanyihiin oo jimcaha waxaa ugu xiga jimce kale inta udhaxaysana ma uu garto gooray dhaafeen, jumcahaasna ma uu garteenee salaaddaa la tukado iyo khudbaddaa un buu ku gartaa.

Sugulle hawsha ugu way ee uu hayo maalinwaynta oo dhan waa inuu xilliga barqadii tago makhaayad nin carab ahi leeyahay oo la yiraahdo Nayruus. Waa makhaayad wayn oo wayn waxa ay leedahay barando aad u wayn waxaa isugu yimaada dadyow kala duwan, baryahaanse Soomaalidii kaliya bay ciriir ku tahay. Goobta cidda joogta waa rag un. Goobtaan waxaa lagu falanqeeya laguna lafa guraa arrimo dhoof ku saabsan. Saddex waddan un bay inta badan ka sheekaystaan, waa Ingiriiska, Canada iyo Maraykanka. Mid kastoo ka mid ahi waxa uu u xayd-xaydanyahay xoog ama xeelad hadba kii u fudud inuu ku tago dalal kaas midkood.

Koox koox bay u fadhiyaan, waa ay buuqayaan oo ala’laasayaan, iyaga se waxa ay la tahay inay si caadi ah u sheegaysanayaan. Tiro dhowr jeer ah baa boolisku meesha ku soo leexday iyagoo u qaba meesha inuu shil ka dhacay, markastana nin makhaayadda lehi waxa uu ku qancinyay inay dadkaan sidaas un bay sheekaystaan. “ Hebel baasaboor bug ah buu ku galay Ingiriiska.” “ Waxaa laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Frankfurt oo diyaaraduu saarnaa baa taraansit ku ahayd, Alla nasiib xumaa wuxu.” “Anuu xalay ila soo hadloo sharcigii waynaa bil kadib buu qaadanayaa, sanadka cusubna waxa uu ka xaysanayaa reer koodii oo xeryaha Kenya ku jira.” Intaas waa hadallo goos goos ah oo laga dhex maqli karo buuqa iyo hugunka halkaas ka baxaya.

Waa meerto maalmaha adduunkuye, maamulka Alloo jira mar way ku silciyaan marna way ku saacidaaye. Sugulle maanta waa xidigga kaliya ee ifaya, waxaa usoo baxay layn Ingiriis-ka ah oo gabar abtigii dhalay baa u dacwootay. waxa uu fadhiyaa barandadii wayneed ee makhaayadda. Waa lagu hareeraysan yahay sida ruux bukoo quraan lagu akhrinyo. Su’aalo ciidda iyo camaarkaa ka badan baa la cabsiinayaa. “ Yaa kuu dacwooday?” “ Goormaa baxaysa oo dalku-galkii ma kuu soo baxay?” “ Gabadha ma la qabaa kuu dacwootay?” Haddii waayadii hore aamusnaan jiray, qofka hadlayana uu indhaha ka fiirsan jiray, maanta waa uu hadlayaa, haa waa uu hadlayaa oo kaftamayaa, mar waa uu qoslayaa oo duryaamayaa. Nin baa kula kaftamay “ War heedhe Sugulle illaa ninyahow fool baa kaa maqan , Alla ogee maanta ka hor ma arag. Maasha la yiri: Af daboolan dahab.” Waxa uu gacanta bidix ku haystaa koob casiir ah oo dhammaad ku dhow, intii u danbaysay buu sii fiiqsanayaa.

Waxa uu fiirinyaa dhisme in cabbaar ah u jira oo shan dabakh ka kooban , waa halka ay safaaradda Ingiriis-ku ka ga taal magaalada Dimishiq, waxa u muuqday calankii Ingiriis-ka oo babanaya, waa uu dhoola caddeeyay oo adduunyo kaluu ka fakaraya, qalfooftiisu makhaayaadda Nayruus bay joogtaa, qalbigiisuna waddooyinkii London buu dhex mushaaxayaa. Raggii la fadhiyay qaar waa ay yaaban yihiin, qaarna dulqaadkii baa ka dhammaadayoo waxa ay lee yihiin “ War maa nala hadashid oo waydiimaha no oga war-celisid.” Dhankoodii buu u soo jeestay isagoo aad moodid ruux soo salalay. Waxa uu ku yii “ Haa haa… war nimanyahow aan idiin warramo, gabar abtigay dhalay oo Shan-karoon la yiraahdo hadde waa shan! Labo iyo saddex toonna maaha baa ii dacwootay, dacwadiina waa laga aqbalay. Bil kadib dal-ku-galkii bay ii dalabtay, isna soo heshay, aniguna birri baan tagidkii raadsanayaa. Bisha lixdeedana waan baxaya, magaalada Rome ee Italy baan taraansit ku sii ahay. Midi wataa. Waxaa kuu soo haray soo maaha gabadha ma la qabaa? War nimanyahow gabadha lama qabo kow dhaha, dee anaa doonaya inaan isku meeleeyo markaan baryo joogo meesha waxna ii baxaan.” Sugulle maalintaas isagaa qaba ragga shaaxooda iyo sharaabkooda. Waa xeer jira oo hadba ninkii wakhtiga iyo waayuhu saacidaan baa ragga ka farxiya. sidoo kale waxa uu niyoonayaa “ Safar salaama” iyo in ilaahay ka nabad galiyo isha aadanaha aan libinta isu ogolayn iyo “ Hiqda” asxaabtii ay waayaha aduunku ka hiiliyeen.

Toddobaad kadib sugulle waxa uu yimid London, waxaa si qiimo iyo qaayo le u soo dhawaysay ina abtidii Shan-karoon. Dhowr bilood ka dib waa ay is guursdeen ina abtidii. Sugulle waxa uu raadinayaa muddo sanad ah shaqo xafiiseed, dhowr arji oo uu qortay waa loo qalbi qaboojiyay “Annagaa kula soo xiriiri donna.” Baa lagu yiri. Illa iyo hadda cid la soo xiriitay ma jidho, asna waa uu quustay. Waxa uu ku tashaday inuu muruqiisa maalo. Gaari ay gabadhu leedahay buu ku shaqo bilaay. Taksiile weeye sugulle hadda. Waxa uu aad u jecel yahay dadka Caddaan ka ah inuu qaado, Soomaalida markuu qaado waa ay isku harraadaan “ Lacagta wax iga dhin.” “ Hadda lacag ma wato birri baan isku kaa siinayaa.” “ War ii istaaji gaariga ninkaas baan salaamayaaye, maxaad isaga dhigtaa inaad kaligaa magaalada gaari ka wadatid.” Hadalladaas iyo kuwo la halmaala Soomaalida un bay isugu yimaadaan. Boqolaal Soomaali ah buu dayn ku leeyahay, isiiya hadduu yiraahdana “ Bishu ha dhamaato iyo aakhiru miishaar baa lagu jiraa kama daayaan.”

Marar Badan waxa uu jabiyay sharciga waddada, dhowr jeer waxa uu galay shil uu khalad kiisa isagu lahaa. Boolisku tiro labo jeer ah waa ay u digeen. Mar saddexaad haddii uu galana waxa ay u sheegeen inay kala noqon doonaan ruqsadda gaari wadidda. Isna haye iyo hawraasan buu yiraahdaa mar walba. Xilli galab ah isagoo deg-degsan gaarigana xoog ula xawaaraynaya ayuu ku dhuftay carruur iskuul ka soo baxday. Mid yaroo lix jira buu lugta bidix digada iyo dambaska ka dhigay. Waaw… waaw… waaw­-dii anbalaasta iyo gaawaridii booliska intuu ku bakaday dhan uu u socdo iyo dhan uu ka yimidna garan waayay buu gaarigii tukaan laga adeeganayay oo aan ka fogayn goobtii shilkii hore ka dhacay la galay. Booliskii oo awalba u soo socda baa sii dafay. Sal-dhiggii booliskii goortii la geeyay oo in la waraysto la maagay Waa uu khalkhalay oo isku dhexyaacay, hadalkiisu hakad male. Waxaa lagu xukumay sanad xarig ah iyo xoogaa lacag ah.

Qolka uu ku xiran yahay maalintii afar jeer baa loogu soo gala, saddex jeer cunnaa loo keena, marna dhakhtar qaabilsan dadka xanuunada dhimirka qaba baa u yimaado. Kun iyo kow jeer waxa uu usheegay inuusan waalnayn oo uu isaga ka caafimaad badan yahay dhowr jeer inuu gacan u qaaddo buu ku sigtay, mar walba shaqaalahaa ka soo gaara. Dhakhtarkuna lacag buu ku qaatooyoo, mar walba oo ay waydiiyaan qolyaha meesha haysta xaaladda Sugulle waxa uu yiraahdaa “ Saakuu u darnaa intuu meesha joogay.” “ Kasii darid mooyee kasoo rayn male.” Muddo sanad ah haddii uu xirnaa, xaaladdiisa caafimaadna ay qiimeeyeen waa ay iska soo daayeen.

Waxa ay soo siiyeen warqad caddaynaysa inuu miyir-qabo. Subax iyo galab walba si loogu hayay waad waalantahay, hadda oo uu banaanka joogo waxa uu ku suganyahay xaalad waali iyo miyir qab u dhaxaysa. Faruhuu taag-taagayaa oo waa uu is lahadlayaa waxa uu leeyahay “ Ma waalni haa ma waalni, dadka haloo sheego. Booliskaa og inaanan waalnayn.”

Shan-karoon waxaa u jooga shan caruur ah, waa ay shaqayn jirtay oo carruurteeda iyadaa u qaraaban jirtay. Waxa ay u shaqan jirtay shirkad. Shaqadeedu waxa ay ahayd xisaabiye. Hadda shaqadii ma ay hayso oo waa laga joojiyey. Sababo la xiriira dhowr jeer oo soo daahitaan looga digay, waxaa ugu darsamay inaysan toddobaad cagaha dhigin goobtii shaqada. Haa waa run ma aysan tagin toddobaad oo gar bay u lahayd. Maalmahaa waxaa isugu darsamay ciidan la’aan iyo cudur carruurta mid kood ku dhacay.

Waa ay wacday goobtii shaqada dhowr jeer balse wax jxin-jixa looma muujin. Ugu danbaynna shaqadii waa laga eryay. Hadda waa guri joog oo carruurteeda dhanna uma dhaafto. Iyada iyo sugulle afar iyo labaaatanka saac waa ay is haystaan. “ Orod shaqa tag guriga ha dhex taagnaanninee.” “ Lacagta ay dawladdu siiso caruurta nagu ma filnee, orod oo naf is gali, oo bal dhaq-dhaqaaq samee fadhiga wax kuu gu imaan mayaane.” Iintaasi waa hadallo dhagaha sugulle ay soo tufeen maalin walba mar iyo marar badan baa lagu dhahaa. Dhowr jeer gacan buu u qaaday iyaduna booliskaan wacayaa iyo waa danbe gurigaan u soo hoyan maysid bay wacad ku martaa. Saaka gurgii sugulle waxaa hor dhooban gawaaridii booliska. Waxaa u yeeray shan-karoon, oo maxay ugu yeeri wayday soo gacan kama uusan jabin la qaadku. Alla! Ma shan-karoontiisii buu gacan ka jabiyay sharaftu haka haaddee. Waliba gacan kaliya maahee dhaawacyo kale baa u dheer. Boolisku waxa uu u sheegay inuu calaladiisa soo aruursado waa danbana aan lagu arag gurigaan agtiisa iyo agaariisa.

La soco qaybaha dambe.

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse ( YamYam)

Email: Abdulahiyamyam@gmail.com

22-Nov-2016

Gaalkacyo-Soomaaliya

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.