Musharraxii Soo Shaqa tagay Q3AAD W/Q: Cabdullaahi (YamYam)

 

untitledMusharraxii Soo Shaqa tagay iyo waayihiisii nololeed

Sugulle oo balwaddi baabi’isay

Sidii xaafaddiisa looga eryay waxa uu guda galay nolol rajo beel ah. Waxa uu si tartiib-tartiib ah u bilaabay balwaddii. Hal xabbo sigaara buu ku bilaabay. Xabbadaas sigaar ka ah waa uu qarsadaa, markuu cabbana waa uu qoomameeya. Dhowr saac markuu joogaba xiisihii xaraaraddaa ku xooggeysta haddana xabbad kaluu shitaa. Mudduu saas ku jiray. Waayadan dabne se xabbad sigaar xaraaradda kama jabiso, dhowr xabuu nus saac wax ka yar ku cabbaa. Haddii markii hore ay taksiilayaasha saaxiibo ahaayeen hadda isma yaqaanaan. Asxaabtiisii waa uu badalay, haa cajaladda dhanka kaluu u rogay. Habeennadaan waxa uu u hoydaa guri duul ba’ay ay joogaan. Waa rag iyo haween, qol wayn bay deggenyihiin, waa ay is dhex seexdaan waxba uma kala qarsoona, waxna ma kala laha. Dharka, khamriga, xishiis-ka iyo irbadaha daroogada waa ay wadagaan. Maalintii oo dhan waa ay hurdaan, hurdo lama oran karee sidii maydkii bay meel yaalaan. Makhribkii bay magaalada u soo baxaan, waaberigiina waa ay soo hoydaan. Sugulle maalin kasta cashar hor luu bartaa. “ Tani sarkhrad badan ma le, oo taas baa ka wanaagsan. Irbaddaan xididdada yar yar baa la isaga duraa. Kamrigaas baa ugu sarkhrad badan walow uu qaali yahay” intaas waxa ku tiri gabar dhalo khamri ah gacanta ku haysatay oo meel u dhow fadhiday.

Sugulle waa uu is adkaynayay dhowr isbuuc oo uu la joogay saaxiibadiis. “ Dhadhami war hal mar kabbo ilaahay nin raguu kaa dhigaye.” “ Sigaar un baad intaa afka ku haysaa. Dhoorre Alla maxaad khashiin tahay war hoo irbaddaan hal mar xididka ka qaado.” Intaas iyo in la mid ah bay ku yiraahdaan har iyo habeenba. Saaka waa markii ugu horraysay uu oo dhalo khamri ah gacanta ku qabto. Saaxiibadii oo meel aan ka fogayn fadhiya baa ku soo wada jeeda,waxa ay leeyihiin “Dee furoo cab.” “ Alla! Alla! Waa uu furay, war kabbo dee, haa hadduu kabbanayaa u dhawee afka. Kabbay kabbay kabbay….. Aaa aar waa uu kas oo celiyay afka. Kan muxuu ahaa waxaba sun buu u qabaayee.” Mar dhaladuu furaa marna waa uu xiraa; mar afkuu u dhaweeya haddana kala soo noqdaa. Indhuu isku qabsaday oo haddana kala furay, mar buu kabaday haddana mar labaad u celiyay, dhaladii buu afka saaray oo qur-quriyay . “ Hogaa! Hogaa! War ka qabta… war ka qabta… Alla beerkiisuu ma tagi doonaa kani!”

Sugulle waxa uu cagta saaray waddo mugdi iyo musaabiir badan. Awal hadduu sigaar cabbi jiray hadda xashiish kuu cunaa. Khamri cabbidiisii waa ay badatay oo saaxiibadii buu faro dheer yahay. Waa “ Laga barayba laga badi.” Isagu ma gatee tay soo gataan buu la cabbaa, xashiish kana waa uu la cunaa marna ka xadaa. Dhowr dhaluu maalintii cabbaa. Waxa uu noqday kharash soconaya. Waa ay karheen oo naceen. Dhowr jeer oo ay guriga ka eryeen toban bari kaddib waa uu soo noqday. Iyagoo maqan ama hurda buu guriga yimaadaa oo waxa xashiish, khamri iyo daroogo taal aruursadaa. Iyaguna magaaladay ka baadi goobaan, isna waa uu iska ilaaliya. Markuu soconayo dhinacyadauu jeedaaliyaa, horay iyo gadaal buu iska fiiriyaa. Hadday arkaan way eryadaan, isna caguhuu wax ka dayaa.

Sannado badan buu ingiriiska joogay, oo dhanna uusan u dhaafin. hadda cag ma dhigo. Yurub buu sida marawaxaddii ugu dhex wareegaa, oo muxuu ugu dhex wareegi waayay soo nin shaqo haya maaha. Haa shaquu hayaa oo qolyuu daroogada la gadaa. Waddamada yurub ku yaal miduun tagin ma jiro. Kuwo Soomaalidu aysan joogin haddii ay joogtana aysan ku badnayn buu cagaha soo mariyay. Portugal iyo Spain waa uu kasoo warramay. Yurub maagaalo magaaluu u kala yaqaan. Xuduudahoodu intay isku jiraa iyo meelaha sida fudud looga galo balaayuu ku qabaa. Waddan walba danbi buu kaga jiraa. In la xiro bishii dhowr jeer ceebtiisa maahee waa caadadiisa.

Gu’yaal iyo gu’yaal badan oo uu sarkhaan iyo sakaraad ahaa saakaa loogu qaata. Oo maxaa saaka iska badalay? Dee waa isagii xaloo dhan fakarayay oo marba qorshe dajinayay “Ninyahow horta nin wayn baad noqotay, saan talo maaha toban sano baad sarkhaansanayd. Waa inaan isbadal aan innaba caadi ahayn sameeyaa.” “ Maalinkii dhawayd horta muxuu i yiri odaygii dhakhtark ahaa? Beerkaaga dhaawac baa ku yaal haddii aadan joojin khamri cabista badan dhowr sano sii noolaan maysid aa!!.” “ Tolow carruurtii aan dhalay iyo hooyadood ma noolyihiin? Maa aqaan toban sano maba aragee maxaan ka garan dee.” “ Berri waa inaan tagaa goobihii Soomaalidu isugu imaan jirtay. Sax waa inaan tagaa. “ Dhammaan maan-dooriyaha wax sheegta waa inaan faraha ka qaadaa oo aan mar danbe agtiisa marin.” Intaas iyo in kaloo badan waxa ay ka mid yihiin hadalladii uu xaloo dhan naftiisa ku waaninayay.

Sugulle oo war murugo leh maqlay

Saaka waa uu jarmaaday, waxa uu u socdaa goobihii Soomaalidu u badnayd. Waydiimo uu ogyahay in la waydiin doono buu warcelintoodii sii diyaarsanayaa. Waa uu luudayaa ilayn nin socon karaya maahee. Oo side buu u socon karaa saakaba irabaddii isku muusoo dhufanee. Waa uu qabatimay daroogada saakase waa uu is diidsiinaya. Waxa uu soo jiitamo oo hadba meel soo istaago ugu danbayn meharadihii Soomaalidu dhoobnaan jirtay buu soo dhex istaagay. Cidduu garto iyo cid garata waa uu ka waayay meesha. Dadkani waxa ay waddanka soo galeen tobankii sanno ee uu adduunka ka maqnaa, aakhirana uu ka sokeeyay. Waxa meel aan fogayn uga muuqday nin uu garanayo. U dhaqaaq dhankiisii oo u sii dhawaa ugu danbaynna waa uu hor istaagay. “ Waryaahee dhalada nooga bannee aan kaa daawannee, war muxuu ahaa axadkaan naa-naabaan.” “ Hayaay! War waa Sugulle. Allay lehe waa in istaagga lagu salaamo war bal laabta igali, oo haddana igali.” “ War kabal-yeeriyow waar bal ninyow koob shaahoo dheer la soo carar ninkaan caajis baa ka muuqdee wahabku haka kacee.” Intuu shaaha cabayay waxaa u yimid dhowr nin oo kale oo uu bar garanayo.

“ War xagee jirijirtay?” “ Waryaa Sugulle war dee timihii goormay kaa bideen? Waa wareey! War iligba kugu ma yaale.” Mid meesha fadhiyay oo indha gor-gor lahaa baa waydiimahaa sidii warankii wadanaha uga wab siiyay. Isna warcelintu waa u diyaar. “ War ninmanyahow la idiin warran. Horta waxa aan ku maqnaa Sucuudiga tobankii sanoo danbe , oo waan ka shaqayn jiray, kow dhaha. Bidaartaa iisoo hartay. Dee adeerayaal nin raggaa bidaar le, dee ordaya soo kaxeeya islaan bidaar le. Ilkahaagii aawaye baad leedihiin. Allow nimaan Sacuudi arag!! War meesha waxaa ka baxa bahal timir la yiraahdoo macaan oo miid ah, anna waligayba oon kale afkayga ma saarin, oo macaankii baa ilkiha eber iga dhigay. Ilko iyo tima un baad fiirinaysaane, adeerayaal sanad walba waan xajin jiray, cumradu iyadu xisaab male. Shanta salaadood masjidka nabiga NNKH baan ku tukan jiray. Dee intee jeer baan ka adimay. “ Bal ii warran warfaayow adigaan daris ahayne, waagii na isugu kaaya danbysay.” “ War Sugullow warku waa intaa haysid, oo dee waa iyadii xaaskaagii iyo saddexdii yaryaraa shilka gaari ku dhintay. Gabadhii curadda ahaydna waa iyadii ninka Afrikaan ka ah guursatay. Dabadeed kala tageen. Hadda laba adoon oo mad-madow ooyar yara baa u jooga. Istaaqfurulaah adoomo maahee waa caruurtii aad awoowga u ahayd. Gabadhii kalana waa iyadii waalatay markay shilkii carruurta iyo hooyadood ma qashay. Oo iminka dadka xanuunada dhimirka qaba meel lagu hayo bay ku jirta.”

Sugulle waa musharax madaxwayne

Sugulle waa baas oo balo wataa u baryay, talo-na farahiisa waa ka baxday. Carruur mahayo; caafimaad ma hayo; ceeryaamo murugeed baa calan ulushay. “ Ingiriiska waa inaan isaga tagaa, waddankii waa inaan u noqdaa. Oo maxaa waddankii iiga horeeya?” “ Waa inaan waddankii shaqo u raadsado. Haa waa inaan caqli keenaa.” “ Horta magaca Soomaaliya oo aan ku dhawaaqo goormaa iigu danbaysay. Soomaaliya… Soomaaliya… Soomaaliya.. yaah!! War dee magacu see yahay. Balaayooy!.” Xoogaa lacag ah waa uu haystaa. Ma badna se. lacagtiisii tumasho iyo tamash laa u dhammeeyay. “ Waddanka doorashaa ka dhici doonta mar dhow soo maaha? Haa. Waa inaan musharrax iska dhigaa oo tolka iyo hay’adaha shisheeye jaf-jaftaa, hadhowna waji kale la soo baxaa. Haaheey! Haddaan tubtii toosnayd cagta ku hayaa.”

Odayaashii reer Qurac ay isla ahaayeen oo London joogay u warran. Iyaguna waxa ay u sheegeen inay hiil iyo hoo-ba la garab istaagi doonaan. “ Haddaan reer qurac nahay waligayo madaxwayne-nimo umaan tartatamin, maanta aqoonyahkeennii dhiig is galiyay.” “ Ina Masjid bi’iye baa musharrax ah soo maaha?” “ Us war us Alle afka ku goo. Ina Masjid bi’iye ku ye. Adeer naanaystaa maanta wixii ka danbeeya yaan lagu oran musharraxa. Dadka hanaga didinina billa calayk.” Intaasi Waa qayb ka mid ah hadalladii reer Qurac.

Waxaa la sameeyay gudi dhaqaale uruurinta qaabilsan. Waxa ay u badan yihiin dhallinyaro aqoonyahanno ah. Hool wayn bay isugu keeneen hal-doorkii reer Qurac. Wadaad iyo waranle; aqoonyahan iyo ganacsade looma kala maqna madasha. “ Tol waa tolane.” Halkii baa qaaraan la isku qoray yar iyo waynba; rag iyo dumarba. Soomaalidii kale ee London joogtayna iyagan hanti baa laga doonay. Oo see? Kumanaan soomaalidii ka mid ah baa hool loogu yeeray. Wadaad reer Qurac ah baa hawsha agaasimkeeda wata. Mawduuca laga hadlayo caawa waa abaaro waddankii ku dhuftay iyo dugsiyo qaybo waddankii ka mid laga dhisayo. Dadku haka qayb qaataan buu yiri “ Unaxariista kuwa dhulka jooga sammada ha la idin kaga naxariistee” intaas buu ku cel-celinayaa wadaadkii. Dadkii qiiro iyo qarracan baa ka muuqda. “ War igu qor intaas aniga” “War anna intaas in le’eg igu qor.” Islaanta kaliyoo siliska dahabka ah intay luqunteeda kasoo furto oranaysa, war iigu dar sadaqada ilaahay igama reebee iyo gabadhaha faraantiyadooda siibaya yaab baa ku dilaya.

Sugulle lacag xoog le buu kala tagay London. Dubai jaaliyaddii joogtay wax bay isugu dar-dareen iyaguna. Nairobi buu yimid. Nairobi iyada lacag ka uu rajeyn mayo ee isagaa laacag laga rabaa. Waxa uu kireeyay hotel, waxaa la sameeyay qado, sidoo waxa la martiqaaday qaybihi Soomaalida. Maalintaas waxa la cunay bahal qado ah oo kala qaadan gabigeeduba. Halkaas waxa uu uga dhawaaqay musharrax-nimadiisii. Waxa uu warqad ka akhriyay khudbad dadka quluubtooda gilgishay. Dhallinyaradu xaggiisa waa ay isku ciriiriyeen “ Hoo sawir nugu dhufo aniga iyo musharraxa.” “ Musharrax ninkani waa gudoomiyihii rugta ganacsiga Soomaalida, sawir inuu kula galo buu doonayaa.” “ war mushrraxa waa uu daalanyahay, hawlo badanna waa sugayaane mashquulka ka daaya.” Intii uu Nairobi joogay waxa uu la kulmay qaar ka mid ah hay’adaha ummuuraha Soomaaliya waalaaqoo daba gadiya. Isaga waa la haggaya oo rag qaraabadiisa ah oo siyaasadda Soomaaliya aan waligood lug kala bixi baa warqado u qora. “Sugulle markii aad la kulantid islaanta haysata hay’addaas laba mawduuc kala hadal?” “ Oo maxay yihiin labadaasi. Alla maxay ilma adeertay ila shaqaynayaan.” Waxa aad kala hadashaa “Qoondada haweenka ee dhanka siyaasadda iyo dhibaatada gudniinka fircooniga ah.” Sidoo kale ha ilaawin ereyada “ Gender balance iyo power sharing.” Inaad ku celcelisid.

Subaxdii danbe waxa uu u soo duulay Muqdisho. Garoonka diyaaradaha saan innaba caadi ahayn baa loogu soo dhaweeyay. Magaalada waxaa ku yaal boorar uu sawirkiisu ku dhaganyahay. Sawirka hoostiisa waxaa ku qoran “ Ku dooro musharrax Sugulle Salaad Samatar – Nabad, caddaalad iyo horumar . Waxaa loo sii galbiyay hotel loogu tala galay. Waxa uu leeyahay ilaalo u gaar ah oo ku hareeraysan, goor walba iyo goob kasta. Mobile-kiisa ma uu qabto ee waa loo qabtaa “ Mudane lambar baa kusoo wacaye, fursad aad kula hadashid ma haysaa?” Cunnada inta uusan cunin waa laga dhadhamiyaa. “ Cadawgu waa badan yahay” bay ku andacoodaan kuwa cunnada dhadhamiya. maanta waxa uu la balansanyahay 10:00 barqanimo odayaasha beeshiisa sidoo kale 11:00am waxa ay balansanyihiin dhallinyarada jaamacaddaha kasoo baxday ee waddanka jooga. Kulankii hore hadduu bilowdayba, cabbaarna la is waraytsay waa uu hadlay “Adeerayaalow ninka ragga libintiisa in la siiyo baa wanaagsan. Barigii dhawayd oo ay baragahii ku yiil Rays-dheer nagu qasadeen kuwii xumaayo reer Qansax ahaa, deedna aan islaynay. Waxa aan ahaa ninkii sida fiinta London dhexdeeda ugu qayliyay, oo tolka qaaraankii rasaasta lagu gadi lahaa ka soo aruuriyay.” Oday is hayn waayay baa yiri “ Alla muxuu wiil-hoog yahay, walle xinniyaa gubaya kan.” “ War Sugulle, odaygii aabbahaa ahaa marka aanu ka sheekasanayno waxa aanu oran jirnay waa mas abur dhalay, balse maantay noo caddaatay inuu yahay mas mas dhalay.”

Saacad kadib waxa uu la kulmay dhallintii jaamacaddaha. waxa ay iska waraysteen xaaladda wadanku marayo iyo dhibaayinka haysta. Khudbad dheer oo uu u jeediyay waxaa ka mid ahaa “Waxa aan idiin balanqadayaa haddii aan ku guulaysto madaxtinimad dalka in qof walba oo idin ka mid ah uu helayo shaqo ku habboon.” “ Waddankayaga waxa dib u dhigay waa qabyaalad iyo nin jeclaysi. Qabiilka iyo qurunka waanu ka gudbaynaa. War soo saa maaha.” Haa waa saa.. haa waa saa… sacab baa xigay dhac… dhac… dhac… dhac. Maalintii doorashada la qaban lahaa markii ay ka dhimantahay laba bari, ayuu si dhuumasho ah Muqdisho uga duulay. Lacagta uu haysto ilaahay un baa xisaabteeda yaqaan. Malaayiin iyo malaayiin doolar baa akoonada ugu jira waxa ay ka soo galeen olo’lihii doorashada. Inta badan ganacsato ciddiisa ah baa bixisay. Goortii uu jaran jarada diyaaradda fuulayay waxa uu ku celcelinayay “ War maxay odayadii lahaayeen maalinkii dhawayd- Mas mas dhalay baa tahay aa!! Yaahuu war kuwaas ma i habaarayeen.” “Lacagtaan ugu horayn waa inaan isaga daaweeyaa kansarkii beerka la iiga sheegay.”

“Soomaaliyay ku leeyihiin madaxwayne ka noqo, haddaan beerka ka xanuusanahaye, ma waxay rabaan inaan dhiigar iyo sonkor u dhinto.” Markii ay reer Qurac maqleen inuu ninkii baxsaday lacag raadisna uu ahaa. Waxa ay bilaabeen inay Alla bariyo dhigaan lagu habaarayo Sugulle. “Allow cuqubo ku rid” “ Allow fartuu qaadaba jabi. Allow xoolaha dadow ka mataji.” “Ilaahayow inta cudur dunida taal kuwada rid.” Waxaa wacay maalin nin gacan-yare u ahaan jiray waaguu musharraxa ahaa waxa uu yiri “ War tolkaa yar iyo wayba waa ay ku soo habaareen, cuqubaana kugu soo socota.” Sugulle oo qoslaya waxa uu yir “ War toban sanaa cuqubo i haysatay, oo beerkaygaan matagi jiray mar mar. Cuqubadii igu dhici lahayd waa ay ii soo hormartay. Haddana maalmahaygii baan ku jiraa.”

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse ( YamYam)

Email: Abdulahiyamyam@gmail.com

22-Nov-2016

Gaalkacyo-Soomaaliya

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.