NABAAD GUURIN W/Q; Anab Diriye

Canab

NABAAD GUURIN   
Waa maxay nabaad guur? Nabaad guur waa; Goob geedo leh, oo la
gooyo ama abaari gurto. Geeduhu caadi ahaan waxay nolol u yihiin noolaha dhammaan, oo ay ku hoos nool yihiin duurjoogta iyo dab joogtuba, una ah calaf iyo harba, waxaana u badan oo ku hoos nool duurjoogta  oo ugaarta ah.

Ugaartaas geedaha waa u hooy, ay habeenkii seexdaan, maalintiina ku nastaan, qaarkood waa u gabbaad ay kaga dhuuntaan cadowgooda illeyn ayagaaba is cunee. Kuwo god bay ka hoos qotaan, si ay roobka, qorraxda iyo dhaxanta uga galaan. Xayawaanka dabjoodta ah waa loo soo daaq geeyaa, maadama uu quudkoodu yahay cawska, meelba meeshay ka dhir badan tahay waa ka roob badan tahay sida laga wada ogyahay, marka haddii la jaro geedahaas manaafacaadka badan, waxaa dhacayso in ugaartii meesha ka baxdo, raadsatana meel ay nafteeda ku badbaadsato.

Xayawaankii dad cunka ahaana wuxuu qatar ku yahay inuu tuulooyinka ama magaalada yimaado, dadkana halis geliyo.

Dhibaatada kale waxa weeye in deegaankaas ugaar la’aan ku dhacdo, dhul aan ugaar lahaynna waxaan u malaynaa in taariikhdiisu iska koobnaan tahay, arrinkaas oo dhan wuxuu iskugu soo biyo shubanaa xaalufin.

Nabaad guur iyo xaalufin waa laba erey oo hal wax ka turjumaaya.
Xaalufintu kuma dhicin dhirtii oo ka keliya, ee waxay saamaysay dadka oo dabjoogta ka mid ah. Illaa dagaalladii na ragaadiyey dhaceen intaas waa la dhimanaayey dhimasho macno darro ah, waa laga qaxaayey waddanka oo waddamo kale baan galnay meeshay doonaanba ha ku yaalliine, waxay sidaas ahataba haddana, tahriib baa yimid marka haddii waddanka laga wada cararo oo dad ku filan la waayo waa xaalufaa nabad guur weyn baana ku dhacaaya, waayo dadka iyo guryaha carada dhar bay u yihiin, waayo meeshaas haddaysan guri ku oollin ama geed la harsado lahayn dadna degenayn waxaa qasab noqonaysa in ciiddu biddo, oo dabayshu qaaddo ama dhulku isku furmo oo uu noqdo mid iska haawanaaya lana garan waayo dabayshu meeshay ka timid iyo meeshay ku socoto.

Waa iga dardaaran yaan geedaha si macno darro ah loo jarin, si ugaartu inoogu jooto, xoolaha kalana daaqsin fiican u helaan.

 

Anab Diriye

anabdiriye48@hotmail.com

SHEEKOOYIN