Nabad ku sii dheelmo! W/Q: Farax Sh. Cabdirisaaq

Gabaygaan magaciisa waxa la yiraahdaa: “Nabad kusii dheelmo”. Waxa curisay Farax Sh. Cabdirisaaq (Drs Zedra), waa gabay kooban oo sagoon u ah guga dhammaanaya ee 2022, isla markaana soo dhaweyn u ah guga dhalan doona ee 2023. Waayaha dunidu way socdaan, dadkuna sooyaalbeey qorayaan, haddaba bahda LAASHIN oo isku duuban waxay idin leedahay; sannad san Eebbe ha innooga dhigo. Gabayga nabad kusii dheelamana wuxuu leeyahay:

  • Sanadyahaw dhamaataye maxaad, dhaaxa nala joogtay
  • Wakhtigiyo dharaaraha tegoow, maalmo lagu dhaato
  • Iyo dheef waxaad soo tarteen, uumiyuhu dhaadye
  • Keli maad dhaqaaqine bartaa, dhawr horaa maraye
  • Bal gugaa na dhaafoow baxdaye, nabad kusii dheelmo.
  • Dhaqso kaa billaabmiyo midkaa, maanta dhalanaaya
  • Isna soo dhawayn iyo amaan, waan u dhigayaaye
  • Bal dhiteeya maansadu kolbay, dhugasho doontaaye.
  • Sannad aan dhibaatiyo lahayn, dhiifta laga maago
  • Sannad aan dhantaal iyo qallooc, dhidibka waydaaran
  • Sannad aan dhaliil iyo xumaan, dheegga laga saarin
  • Sannad aan dhaqaaluhu yaraan, maalna dhali waayin
  • Sannad aan dhufays iyo dagaal, laysla dhinac joogin.
  • Sannad aan dhunkaal iyo qadhaadh, dhuunta lagu qoynin
  • Sannad aan dharkayn iyo qanbool, dhuuni laga raadin
  • Dhimashiyo midaan laguu ogayn, dhiigga shalaqleeya
  • Bala soo dhawaaqdiyo midaan, hawli dhabanaynin
  • Dheg xumooyin gaariyo midaan, dhaawac lagu haynin.
  • Sannad dhaqasho loo wada socdoo, nabaddu dheeraato
  • Dhereg badan midkii lagu hubeen, cidina dhay waayin
  • Noloshoo dhalaashiyo midkii, farax la dhaanteeyo
  • Dhul qabooje laamaha dhirtiyo, ubaxa doog dhaafsha
  • Oo dhamaysa waad noo ahaan, dhabiyo xeeshaaye
  • Rabbigay ha kaa dhigo mid uu, dharabku maasheeyo.

W/C: Farax Sh. Cabdirisaaq (Zedra)

 

SHEEKOOYIN