NABADDA IYO NUSUUSTA DIINTA| W/Q: Sh. Cabdullaahi M. Xuseen

NABADDA IYO NUSUUSTA DIINTA| W/Q: Sh. Cabdullaahi M. Xuseen

Nabad gelyadu waa naruuro aysan ka ahaan karin nolosha Aadanaha iyo naflaha dhammaantood, sidaa darteed ayey diinta Islaamku xoogga saartaa adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta nolosha bani-aadmiga wuxuuna Islaamku arrinta nabad-galyada ku daray daruuriyadka shanta ah ee ay shareecada Islaamku ay u qasdiday. xaqnimada arrintaasina waa mid uu xaqiiqo u arki karo qof kasta oo u dhabba gala nusuusta diinta ee nabadgalyada ku saabsan. Xaggan hoose kala soco qayb nusuusta diinta ka mid ah oo nabadda bari taaraysa:

  1. Ilaaheey magacyadiisa waxaa ka mid ah:

السلام

Oo nabad galyo ah.

2. Marka aan isa salaamayno waxaa nala faray inaan isku salaanno:

السلام عليكم

“Nabad galyo dushiinna ha ahaato”.

3. Rasuulka scw marka aan ku sallinayno waxaa nala faray inaan niraahno:

صلي الله عليه وسلم

Oo ah: “nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaato.

4. Salaama naqsiga salaadda walba waxaa na lan faray inaan sidaan dhahno:

.السلام عليكم ورحمة الله

Oo ah: “Nabad galyo dushiinna ha ahaato iyo raxmadda Alle”.

5. Salaadaha markaan ka baxno waxaa nala faray inaan niraahno:

.اللهم انت السلام ومنك السلام

Oo ah: “Ilaahow adaa nabad ah xaggaada ayeyna nabaddu ka timaaddaa”.

6.  Waa astaantii iyo ducadii uu Rabbi u gartay ambiyada iyo mursaliinta:

   .وَسَلَامٌ عَلَى الْمُرْسَلِينَ

 “Nabad galyo Mursaliinta dushooda ha ahaato”.

{ سَلَام عَلَى نُوح فِي الْعَالَمِينَ }

“Nabadgalyo dushiisa ha ahaayo Nabi Nuux”.

.سَلامٌ عَلَى إِبْرَاهِيمَ

“Nabadgalyo dushiisa ha ahaato Nabi Ibraahiim”.

.سَلَامٌ عَلَى مُوسَى وَهَارُونَ

“Nabadgalyo dushooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun”.

 .سَلامٌ عَلَى إِلْ يَاسِينَ

“Nabadgalyo Ilyaas dushiisa ha ahaato”.

( وَسَلامٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا )

“Nabadgalyo dushiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalinta uu dhimanayo iyo maalinta la soo saari doono isaga oo nool”.

.وَالسّلامُ عَلىَّ يَومَ وُلِدتُ وَيَومَ أَمُوتُ وَيَومَ أُبعَثُ حَيّاً

“Nabadgalyo dushayda ha ahaato maalinta lay dhalay iyo maalinta aan dhimanayo iyo maalinta lay soo saari doono aniga oo nool”

قِيلَ يَا نُوحُ اهْبِطْ بِسَلَامٍ مِنَّا وَبَرَكَاتٍ عَلَيْكَ ﴿٤٨ هود

“Waxaa lagu yiri Nuunoow ku hoobo oo ku dag adigoo ku sugan nabad galyo iyo barakooyin xaganaga ka ahaatay”.

7. Nabaddu waa waxa ugu horreeyo ee ay Malaa’iktu ugu bishaarayso dadka Jannada galaya:

 – وَسِيقَ الَّذِينَ اتَّقَوْا رَبَّهُمْ إِلَى الْجَنَّةِ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوهَا وَفُتِحَتْ أَبْوَابُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا سَلَامٌ عَلَيْكُمْ طِبْتُمْ فَادْخُلُوهَا خَالِدِينَ.

“Waxaa loo kaxeeyay kuwii dhowrsaday ee Rabbigood ka baqay Jannada…oo markay yimaadeen waxaa loo furay albaabbadeeda waxayna Malaa’iktii Jannada qaabbilsaneyd ku tiri:  Nabad galyo dushiinna ha ahaato waad wanaagsanaateen ee gala Jannada idinka oo ku waaraya”.

-” لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا إِلَّا قِيلًا سَلَامًا سَلَامًا”

“Jannada dhexdeeda ku maqli maayaan hadal aan qiimo laheyn iyo mid dembi ah ilaa inay isa salaamayaan mooyee oo ay is oranayaan Nabad Nabad”.

.وَتَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَام

“Salaantoodu waa Nabad”.

يَقُولُونَ سَلَامٌ عَلَيْكُمُ ادْخُلُوا الْجَنَّةَ بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ

“Malaa’igtii ayaa ku oranaysa nabad galyo dushiinna ha ahaato ku gala Jannada wanaaggii aad soo samayseen darteed”.

.ادْخُلُوهَا بِسَلَامٍ آمِنِينَ

“Nabad ku gala Jannada idinkoo kuwo la Nabad galiyay ah”.

.سَلَامٌ عَلَيْكُمْ بِمَا صَبَرْتُمْ فَنِعْمَ عُقْبَى الدَّارِ

“Nabad dushiinna ha ahaato samirkiinna dartii, Alle janno ku wanaagsanaa daar lagu dambeeyo”.

.وَنَادَوْا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَنْ سَلَامٌ عَلَيْكُمْ

“Waxay u dhawaaqayaan jannada asxaabteeda iyagoo leh: nabad ha idiin sugnaato”.

8. Nabad galyada waa halhayska Rususha iyo dadka wanaagsan marka ay dhib kala kulmaan Jaahiliinta iyo Gaalada ah iyo munaafiqiinta is qariya:

.قَالَ سَلَامٌ عَلَيْكَ سَأَسْتَغْفِرُ لَكَ رَبِّي إِنَّهُ كَانَ بِي حَفِيًّا

” Nabi Ibraahim (CS) wuxuu yiri: Nabad galyo dushaada ahaato Aabbe, waxaan dambi dhaaf kaaga dalbi doonaa Rabbigeey”.

وَعِبَادُ الرَّحْمَنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْناً وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَاماً.

“Adoomada Alle waa kuma dhulka ugu soconaya si dhib yar, marka ay jaahiliintu la murmaanna yiraahda: nabadeey”.

.سَلَامٌ عَلَيْكُمْ لَا نَبْتَغِي الْجَاهِلِينَ

“Nabad ha idiin sugnaato ma dalabno doodda jaahiliinta e”.

8. Sidoo kale nabaddu waa halhayskii Ambiyada marka ay la kulmaan Malaa’ikta iyo Mu’miniinta ama dad ayan heybtooda garanaynin:

.وَلَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُنَا إِبْرَاهِيمَ بِالْبُشْرَىٰ قَالُوا سَلَامًا

“Dhab ahaantii Malaa’iktii aan u dirnay way u tageen Nabi Ibraahiim waxayna ku yiraahdeen; nabadgalyo dushaada ha ahaato”.

وَلَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُنَا إِبْرَاهِيمَ بِالْبُشْرَىٰ قَالُوا سَلَامًا قَالَ سَلَامٌ

“Dhabtii Malaa’iktii aan u dirnay Nabi Ibraahim waxay ula tageen bishaaro waxayna ku yiraahdeen: Nabad dushaada ha ahaato”.

.إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا قَالَ إِنَّا مِنْكُمْ وَجِلُونَ

“Xus waqti ay Malaa’iktii u soo gashay Nabi Ibraahim oo ay ku yiraahdeen: Nabad isna uu ku yiri; waan idin ka cabsannay”.

.إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا قَالَ سَلَامٌ قَوْمٌ مُنْكَرُونَ 

“Xus waqti ay u soo galeen Malaa’iktu Nabi Ibraahim ee ay dhaheen: Nabad isna uu yiri: Nabad Qoomyahow aanan garanaynin”.

.وَإِذَا جَاءَكَ الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِآيَاتِنَا فَقُلْ سَلَامٌ عَلَيْكُمْ

“Haddii ay kuu yimaadaan kuwa rumaynaya aayadahayaga waxaad ku tiraahdaa: Nabad galyo dushiinna ha ahaato”.

.فَاصْفَحْ عَنْهُمْ وَقُلْ سَلَامٌ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ

“Iska cafi oo ku dheh: Nabad galyo, mar dambe ayey ogaan doonaane”.

9. Nabagelyadu waa dariiqa kuwa hanuunka raaca:

.قَدْ جِئْنَاكَ بِآيَةٍ مِنْ رَبِّكَ وَالسَّلَامُ عَلَىٰ مَنِ اتَّبَعَ الْهُدَىٰ

“Waxaan kuula nimid Fircoonow aayad xagga Rabbigaa ka timid, waxayna nabad gelyo dushiisa ahaatay qofkii hanuunka Eebbe raaca”.

.قُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ وَسَلَامٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ الَّذِينَ اصْطَفَىٰ

“Waxaad ku tiraahdaa: Ilaaheey baa mahad leh nabadgelyana waxay u sugnaatay addoomadiisa uu doortay”.

.سَلَامٌ هِيَ حَتَّىٰ مَطْلَعِ الْفَجْرِ

“Nabadgalyo ayaa ku dhex sugnaatay habeenka laylatul Qaddarka tan iyo inta waagu ka baryaayo”.

10. Islaamku nabadda kama tagin xitaa xilliyada dagaalada iyo Jihaadka:

وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللّهِ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ  

“Haddii ay kuu soo bandhigaan nabad ka aqbal oo Ilaaheey talo saaro isagaa ah mid wax maqla oo cilmi badane”.

وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَسَلَّطَهُمْ عَلَيْكُمْ فَلَقَاتَلُوكُمْ فَإِنِ اعْتَزَلُوكُمْ فَلَمْ يُقَاتِلُوكُمْ وَأَلْقَوْا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ فَمَا جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيلًا. 

“Haddii Alle doono gaalada wuu idinku sallidi lahaa markaasaleey idin la diriri lahaayeen ee haddii ay idinka dheeraadaan oo aysan idin la dagaalin oo ay nabad gelyo idiinku baaqaan markaas Alle idiin ma yeelin jid aad kula dagaallantaan”.

.وَلَا تَقُولُوا لِمَنْ أَلْقَىٰ إِلَيْكُمُ السَّلَامَ لَسْتَ مُؤْمِنًا

“Ha dhihina qofkii idiinku baaqa nabad Mu’min ma tihid”.

وَقَاتِلُواْ فِي سَبِيلِ اللّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلاَ تَعْتَدُواْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبِّ الْمُعْتَدِينَ (190) وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ ثَقِفْتُمُوهُمْ وَأَخْرِجُوهُم مِّنْ حَيْثُ اخرجوكم. 

“Kula dagaallama jidka Alle kuwa idin la dagaallamaya oo kaliya hana xadgudbina waayo Ilaaheey ma jecla kuwa xadgudbaya, ku dila kuwaas idinla dagaallamaya meel kasta oo aad ka heshaan oo ka saara halkii ay idinka saareen”.

Sida aan ku arkayno nusuusta qur’aanka ee nabadda ku saabsan waxaan shaki ku jirin in Alle uu meel sare dhigay adkaynta nabadgelyada uuna u qasday ilaalinteeda. Axaaddiista ku soo aroortayna lama tirin karo waxaase tusaale ahaan ugu soo koobayaa dhowrkan Xadiis ee kala ah:

وعَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو -رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا -عَنْ النَّبِيِّ -صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ -قَالَ: ” الْمُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ الْمُسْلِمُونَ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ، وَالْمُهَاجِرُ مَنْ هَجَرَ مَا نَهَى اللَّهُ عَنْهُ”

“Abdullahi ibnu Cumar rc waxa laga wariyay inuu yiri: Rasuulka scw wuxuu yiri: Muslim waxaa ah midka ay muslimiintu ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa, muhaajirna waxaa ah; midka ka haajira wixii Alle ka reebay”.

– عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه و سلم قال : المسلم من سلم الناس من لسانه ويده والمؤمن من أمنه الناس على دمائهم وأموالهم

“Abuu Hureyra Alle ha ka raalli noqdee waxaa laga wariyay inuu yiri: Rasuulku scw wuxuu yiri: Muslim waxaa ah midka ay dadku ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa, mu’minna waxaa ah; midka dadka u nabad galiya dhiiggooda iyo maalkooda”.

-وعن فضالة بن عبيد قال قال رسول الله صلى الله عليه و سلم : في حجة الوداع الا أخبركم بالمؤمن من أمنه الناس على أموالهم وأنفسهم والمسلم من سلم الناس من لسانه ويده والمجاهد من جاهد نفسه في طاعة الله والمهاجر من هجر الخطايا والذنوب

“Fudaala bin Cubeyd waxaa laga wariyay inuu yiri: Rasuulku scw wuxuu yiri: xajkii sagootinta, ma idiin sheegaa mu’minku waa midka dadka u nabad geliya maalkooda iyo naftooda, muslimna waxaa ah; midka ay dadku ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa, mujaahidna waa midka naftiisa kula jihaada daacadda Alle”.

W/Q: Sh. Cabdullaahi M. Xuseen

SHEEKOOYIN