Nabsi iyo Nacab rageed Q2AAD W/Q:Shukri Calasoow

Faadumo waa cabursan tahay ciil daraadiis cunaha ayaa kala go’ay,madaxeeda waxaa ku hirdamaya is diidooyin, waxa iska soo daba dhacaya, xasuuso, weydiimo iyo arrima badan oo wareer galshay, qofkii si dhab ah u fiirsha waxa uu ka dareemaya caro  aad u badan iyo ciil is biirsaday, waayo  foolkeeda uruursan iyo iyo indhaha guduudka noqday ee aad u malayso in ilmo ku taagantahay.

Waa dhab waa ciishoontahay, waxa hayana umal gubaya uurkeeda oo ku saabsan wixii soo maray, waxa ay dahniga iska leedahay haa, haa alleylehe maalintani waa tii aad sugaysay Nabsi ma baaqdo baa la yiri ee waa soo daahaa, haa way iyo caku maanta waa maalintaan aarsan lahaa, waa maalintaan Faarax bari lahaa qofka aan ahay dibna u xasuusin lahaa waxii uu igu falay, haddana waa qof gobonnimo u dhalatee, marka ay eegto ama muuqiisa aragto ayay u digiigixataa oo damqata,  waayo waxaa u muuqda in uusan ahayn maanta mid ka aargudashadiisu wax u tarayso, wiirsigiisa iyo waxyeelladiisuna waa uun mayd garaac ee maaha maanta maalintay ka aarsan lahayd, talanka iyo lafagurka arrinka faarax ayaa la fogaaday. Balse Faadumo waa gob waligeedba qof ka liita lama dagaalin kumana tiigsa qof soo mutayna wax ay awoodo kama hagran.

Intaas ka dib wax ay ka baxday qolkii ay ku wada hadlaayeen wax ayna gashay qolkeedi, durtadiibana waxa  talefanka ku wacday ilmaheedi guriga ka maqnaa ee shaqada iyo waxbarshada jiray si ay u ogeysiiso in aabbahood joogo soona laabtay wax ayna ka codsatay in aysan waxba weydiin ee sugaan waxa uu asagu u sheego, waxa   kale oo ay u sheegtay inuu xanuunsan yahay oo dhawr cudur oo kala duwan laga helay iyadoo rabta iney soo dabcaan oo ugu yaraan ay ka yareyaan weydiimaha uu san warcelin ay ku qancaan u hayn, Faadumo waa hooyooyinka aaminsan in ilmaha iyo waalidka la kala qariyo oo xataa aabbaha ku jiro markastana loo dhexeeyo si aan loo kahan haddii mararka qaar gefaf ka dhacaan ilmaha ama si qalloocan wax u arkaan.

Waxa ay u sheegtay inuu aabbahood soo guuray uuna joogi doono wiilkeeda ilmaha u weynaa oo yaaban ayaa weydiiyey “hooyo adigu maku qanacsan tahay inuu nala joogo? Waxa ay tiri “haa sababtoo ah waa noo baahan yahay asagoo naxsan ayuu weydiiyey (is he dying? aabbe ma dhiman rabaa waxa ay tiri maya! Waxa uu haddana ku soo celiyey  he has cancer? Waxa ay tiri maya waxaa ka soo booday wiilki neef walwalkiina waa ka yaraaday waayehee maxaa haaya? Faadumo ayaa markaas  u sheegtay, hooyo dhawr cudur oo iyaga laftoodu dhib badan ayaa ku kulmay, oo hadda waxaa haya,  Dhiigkar, Macaan, Dhiigxayroow(cholesterol) waxa ay u raacisay waa cuduro dadka da’diisa ah ee dunidan Jooga in badan oo ka mid ah ay la nool yihiin, Ilhaan oo ah gabadha ugu yar saddexda waaweyn ayaa tiri  “ma markuu xanuunsaday ayuu na soo xasuustay? Faadumo ayaa si qabow u tiri “hadalkaaga naxariisi kama muuqato aamus yar ka dib waa ka yeeleen soo jeedintii hooyadood  sadexdoodi si wadajir ah.

Ilhaan aad ayey u jecleyd aabbeheed waxa ay ahayd qofka kaliya ee hoos kala xiriiri jiray lana socodsiin jiray xaaladda guriga iyo sida ay yihiin illaa maalin ay ku baleemeen iney is arkaan iyadoo ay tahay dhalashadeeda uuna ka balanqaadey inuu la qaadanaayo wuxuu Fariida u sheegay inuu maanta baxaayo oo uu aadayo magaalada ay ka soo guureen oo uu Farasmagaalaha(Center) kula balansan yahay gabdhiisa Ilhaan.

Arrinkan waa soo dhaweysay Fariida iyadoo leh anaga markastaad nala joogtaa ee iyada waqti sii anigaa kuwaan maanta kaa qabanaaya oo ay ka wado ilmaha uu iskuulka ka doono maalin kasta aad ayuu u farxay waana uga mahad celiyey sida ay ula dareemeyso culeyska uga yimaada dhinaca carruurtiisa kale ayadoo aan dhibsan una muuqata in ay ku qanacsan tahay.

Faarax wax yar ka dib ayuu dhaqaaqay una sheegay xilliga uu ku soo aadan yahay iyo meesha ay iskugu imaanayaan Ilhaana xaggii balanta ayey soo aaday balse nasiibdaro markey shan iyo toban daqiiqo uun u jiro halkii balantu ahayd ayaa Faarax taleefan u soo dhacay, hadduu eegay waabba nomberkii gurigiisa, waa qabtay waxaase markiiba la taabsiiyey war naxdin oo  waxaa loo sheegay in Fariido xanuunsan tahay naqasku ku xirmay dhulkana ku dhacaday iyadoo ku qaylineysa igu yeera qolada gargaarka deg deg ah.

Intaas ka dib Faarax waa naxay wuxuunna  dhakhso ugu laabtay gurigii  muddo markuu sii socdo ayuu xasuustay inuusan Ilhaan ku wargalin Ilhaan oo intey timid fadhiday muddo nus saac ka badan ayaa taleefanka u soo dhacay waa aabeheed wuxuu hadalki ku bilaabay“ Gabadhaydiiyey  raali iga naqo ma kuu iman karo oo dib ayaan u laabtay waxaa xanuunsatay Fariido oo hadda loo qaaday cisbitaalka halkaas baan ka gaarayaa iyadoo ka xun ayey taleefanka dhigtay maalintaas ka dibna salaan wax ka badan isma dhaafsan Ilhaan iyo aabbeheed.

Markey taleefanki dhigtay Faadumo waxa ay soo aaday dhinaca jikada si ay casho u sameyso waxa ay dariishada ka aragtay Faarax iyo afarti yaryareed oo jardiinka ku cayaaraya aadna u faraxsan qeylinaaya oo aan hadalka kala sugeyn niyada ayey ka tiri fiicnaan leheedaa in aan saas u ilaabi karo.

Faadumo waxa ay karisay cunto ay ku fara yareysatay oo  isu dheelitiran, markii ay dhammeysay cunto karrintiina waxaa ka dib yimid carruurtii roorooneyd ee maqnaa, durtaba lays bariidi, laysna gacanqaad, isna gaadada gashay, waa dad waaweyn oo haatan dhan walba ka koray, hubaal Faarax Laxaw Aabbenimo iyo boholyoowba waa ku jiraa haatan, haddana weji gabax iyo sarriig badan ayuu dareemayaa wuxuu falay.

Faarax la kulan dhammaan carruurtii, balse sheeko badan ma jirin Faarax dhinaciisa calooshuu iska cunaa oo waxaa uu leeyahay wax walba oo dhaca, wax walba oo ay iga aamminsan yihiin, anigaa ayaa u sabab ah ayaga waa saxan yihiin waa in aan aqbalaa oo raali ku noqdaa wax walba oo dhinacooda iiga yimaada oo aan ku dadaalo sidaan mar kale kalsoonidooda ku hanan lahaay Faarax ayaa isku dhaarsaday kaligiis.

Waxaa la gaaray xilligii cashada waa la soo wada fariistay waxa ay Faadumo keentay cunto aad u macaan oo carruurto ka heleen, balse, Faarax iyo Faadumo aan wax dhadhan ah u lahayn qof walba goonidiisa hoosta iskala hadlayaa Faarax waxaa xanuun baabi’iye u noqday ilmihiisi yaryaraa oo aad moodo cajalad la daaray oo raba in ay la socodsiiyaan wax alla iyo wixii dhacay inta uu maqnaa iyagoo aan hadalka kala sugeyn asaguna uu si aad ah ugu dhageysanaayo asagoo u qeybinaaya hadalka oo uu marba qof siinaayo inuu hadlo, markii cashadii la cunay ayey Faadumo gabadheeda idil ka codsatay in ay qol yar oo geeska ah aabeheed u hagaajiso alaabta taalna qolkeeda keento gabadhii sidii bey yeeshay.

Faarax qolkiisa ayuu  iska seexday hurdase ma jirin oo niyada ayuu iska haaramaayaa Faadumo dhankeeda waa la mid wax hurdaa ma ladin waxaad moodaa in ay joogto maalmihii uu tagaayey xasuusta ayaa xabad xabad ugu soo xaadireen waxi dhacaayey oo dhan waxaase ciilka weyn ee haya uu yahay iney sugeysey maalin ay ka aarsan doonto nabsiguna asaga ka soo bixi doono waxey xasuusatey heestaan oo ay si Aad ah u qaadi jirtay xiligaas:

  • Naruuradii kalgaclkiyo
  • halkaad nacas wareentay
  • Nabaraa ku yaalee
  • Niyadii jacaylkee
  • labadeena taagneyd
  • Nin baad dhaxal u siisee
  • Haa illowdee haa illoobimaa .

 

  • Nasiibkaagi aragtayee
  • Anna naawilkeygiyo
  • Waxaan sugi naq roobaad
  • Haa Illowdee Haa illoobimaa .

 

  • Sidi ubixi nuurtayee
  • Noloshana ismoodsiis
  • Kula noqtay adigoo
  • Habeen nabada joogee
  • Armaad hoos u noqotaa
  • Anna libin haleelaa
  • Haa illowdee haa illoobimaa .
  • Inkastoo aad nuugtaa
  • Kuma naaxdid dharigii
  • Nabsiyuu dul yaallee
  • Nabaad guurka adigaa
  • Naxli igu abuuroo
  • Naftaaduun jeclaadee
  • Haa illowdee haa illoobimaa
  • Anigoo nagaadiya
  • Nasashana ku talagalay
  • Naxariisti goysee
  • Haa illowdee Haa illoobimaa
  • Sidi ubixii nuurtaye
  • Nolosha ismoodsiis
  • Kula noqotay adigoo
  • Habeen nabada joogtee
  • Armaad hoos u noqotaa
  • Anna libin haleelaa
  • Haa illowdee Haa illoobimaa
  • Sida nibirigii baad
  • Naaneysta caashaqa
  • Nidarkiiba goysee
  • Halka naaska bidixdiyo
  • Halbowlaha ku nidaney
  • Naanaab imoodee
  • Haa illoowdee Haa illoobi maa
  • Waxaa nadila ila dhacay
  • Neecaawda iga jaray
  • Naxdintiyo xanuunkee
  • Haa illowdee Haa illoobimaa
  • Sidi ubixi nuurtaye
  • Noloshana ismoodsiis
  • Kula noqotay adigoo
  • Habeen nabada joogto
  • Armaad hoos u noqotaa
  • Anna libin haleelaa
  • Haa illowdee haa illoobimaa .

Markuu waagu baryey ee la quraacday ayey ku tiri is diyaari waa baxeynaa hadhoowe Faarax ma oga meesha loo socdo, balse hawraarsan inta uu yiri ayuu diyaargaroow galay waayo, weydiini uma furma! xoogaa ka dib ayey is raaceen waxey tageen suuqyada waa weyn ee laga adeegto qeybta dharka nimanka lagu gado ee carwooyinka loo yaqaan wax ay tiri xulo wixii aad ka hesho Faarax oo fiirfiiriyey ayaa yiri dooqeygu ma fiicnee adigu ii dooq dhowr xabbo oo kala gadisan ayey soo qabatay asaguna wuxuu u sheegay inuu ka helay, kaddib markii ay dhammeysteen adeegii ayay yimaadeen qaybta lacag bixinta waxaanna dhiibay dhammaan waxii lagu yeeshay Faadumo. Ka dibna waxey soo marsiisay timo jare oo garkii iyo madaxi isku baxay ka soo jaray ka dibna loo midabeeyey oo laha madoobeeyey cirada dhafoorada uga buuxday intaa ka dib waxey ku soo laabteen guriga sheeko ma jirto waa uun leysla socdaa. Waxey u sheegtay iney shaqadeedi aadeyso asaguna wuxuu yiri anigaa ilmaha doonaaya waayna ka aqbshay Faarax  waa arkaa weydiimaha dadban ee ay weydiinayso Faadumo iyada oo aan la hadlin, balse, wax uu kaga warceliyo aan aamus ahayn ma hayo, isaga oo aad ugu faraxsan ayuu la dhacay  hawshii guriga dhankiisa ka galay, waa tii murtidu ahayd “ Dani waa seeto.

La soco qaybaha kale

W/Q: Shukri Calasow

SHEEKOOYIN