Nabsi ma geline nafyahay ha ii darnaan! Q1AAD WQ: Ramla Gobdoon

 

Ramla

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nabsi ma geline naf yahay ha ii darnaan! Q1AAD.

 Waa gabar da’yar. Dabeecaddeedu la ma sinna midda dadka kale, oo waxyaabo badan ayey kaga duwantahay. Waa mid nafteeda ku kalsoon, dadaal badan, si fududna aan u quusan. Waxa ey aad ugu hanweyntahay, in ey ka dhabeyso go’aannadeeda. Iyadu u ma darna dadka, oo waa ey wanaajisaa, u kaalmeysaa, u na naxriisataa. Dhool ka ma hesho dulmiga, beenta, xaasidnimada iyo dhagarta. Waxey mar walba is ka ilaalisaa, in ey sabab u noqoto dhaawaca qof kale iyo dhibgaara, balse, waa ey ku dhiirrataa runta, haba keento niyadjabka qof kale, iyadoon u qasdin niyadjabintiisa. Dabeecadaha ey Dhool ku tahay caan, waxaa ka mid ah hadal adeygga, oo qofkii dhib u geysta waxa ey ciqaab ka ga dhigtaa hadalkeeda kulul, waana mid ka mida qaababka ey ku aargoosato.

Waxyaabaha ugu muhiimsan, ee nolosheeda waa difaaca nafteeda iyo sharafteeda. Xagga dulqaadka ku ma liidato, oo waa qof aad u dadnimo fiican. Haddii ey shey ama qof ey go’aan ka gaarto waa maangal in ey cafiso, laakiin, cafiskaasi ka ma dhigna, in wax walba ey sidii hore ku laabtaan.

Ku ma wacna sameynta xiriir jeceyl. Waxaa is kugu darsamay waqtigii ey qorsheysatay, oo aan la gaarin iyo dhowr saaxibbadeed ah, oo uga sheekeeyay howlihii ka qabsaday arrinkaas. Cudbi waa saaxiibadda Dhool. Faraha ayaa lagu tirin karaa waxa ey labadoodu ku ka la geddisanyihiin. Waa ey dhici kartaa, in aad is tiraahdo ma hal qof baa? Maya, waa labo qof. Dhool iyo Cudbi ayaa la ka la yiraahdaa, waa saaxiibbo is kaga dhow dadka, sheeko wadaag ah, talo iyo fekerna ka la qaata.

Dabayaaqadii 2013-di ayey Cudbi go’aansatay, in dabeecadaha qaar ey baddasho, oo ey noqoto qof jilicsan, is la markaana ey arrimo qaar ka dhigto, kuwo aan ka soo qaad laheyn, si aayar ahna ey uga gudubto, ayadoo aan is raacin, balse, maxaa ka qabsaday Cudbi?

Mooge waa ninka qaba Cudbi eeddadeed. Isaga iyo Cudbi waxaa ka dhaxeeya is xushmeeyn, marmarna waa ey kaftamaan. Eeddadu waa qof maskiin ah, oo daacada, waa eyna jeceshahay Cudbi. Si aad ah waliba. Mooge waa uu soo dhigtay. Baryahan wuxuu u batay dhanka Cudbi. Waa kan nuxnux iyo sheeko aan wanaagsaneyn billaabay, oo is ka illaabay maskiintii daacadda eheyd, ee uu qabay. Alla maxaa waalay ninka? Muxuu Cudbi yar ka soo raadiyay? Balo!

Habbeen ka mida habeennada waxa uu soo galay qolkii Cudbi! Dalaq. Oo muxuu rabaa? Shanqartiisa ayey ku kacday gabadhii yareyd, sidii in ey sheydaan aragtay ayey u acuudu billeysatay! Waxa eyna ka carartay qolkeedii, ayadoo is ku soo xirtay suuliga. Mowjado ku socda xawaare sare ayaa maskaxdeedii yareyd ku furmay. Ma sheydaan buu ahaa, mise, waa Mooge? Muxuu soo doonay? Ma waxbuu kugu sameeyay? Sidee ku dhacday, in uu qolkaaga yimaado? Weliba habeen bar? Meeday eeddo Cibaado? Maya, maya, maya. Waa wax aan dhici kareyn. Marnaba. Maba dhici kartee side ku dhacee?. Horta ka bax suuligan, malaha waa sheydaan kuu yimid, oo gurigiisa ku geeystay. Shaydaanka ayey is ka naartay.

Cudbi waxaa ku dhacay qarracan, Moogane waa kaa is ka daneysanaayo, oo aan moodin, in uu wax sameeyay. Dhool oo socota ayaa u timid saaxiibaddeed Cudbi, iyadoo is leh ka wardoon, oo wixii idiin ka la dambeeyay is dhaafsada. Cudbi xaalkeedu maaha sidii hore, oo waa ey fiigsantahay, qofkii u soo dhawaadana, wey is ka dhowreysaa. Goortey aragtay saaxiibteed Dhool, ayey is ku duubtay, oo ey u sii jiidatay qolkeeda. Billoow ilaa iyo dhammaad ayey uga sheekeysay wixii helay. Dhool laftirkeedu wey is adkeyneysaa maahee, waxbaa gaaray, balse, wey ka daadagi waayeen. Aan hubsanno arrinkan ayey ku soo gunaanadeen hadalkoodii.

Gadaal dambe ayuu ka xisaabtamay ninkii iimaanka beelay, ee Mooge ahaa. Wuxuu mar kale u yimid Cudbi. Kolkan wuxuu is ka dhigay reer magaal, oo jawi deggan ayuu ku socday, wuuna u sheekeeyay Cudbi. Yaraannimadiisii wuxuu ahaa mid gabdhaha aad ugu dhex milma, guur iyo guur la’aanba. Dhacdooyin xilli hore dhacay ayuu u sheegay. Cudbi muuqeeda kore wax laga ma dheehan karo, balse, gudaheeda waxaa ku shidan dab iyo ciil. Wuxuu hadlo, oo uu hadlaba raalligelin iyo dalab cafis ah ayuu ku soo xiray warkii.

Xoogaa culeys ah ayaa ka dagay Cudbi, weyna aamintay hadalkii Mooge. Iyadu waxey aad uga naxeysaa eeddadeed, nafteedana waxey ku wareerineysaa weydiimo ka la daran, oo eysan xamili karin. Waxey isugu sheekeysay, mar haddii uu kii Mooge ahaa qirtay dambigiisa, raalli gellinna uu bixay, in xaalku fududaayay, aysanna habboonayn, in ay sii adkayso, iyadoo sidii hore ka wanaagsan ayeyna u tagtay saaxiibaddeed Dhool, oo ey uga warrantay waxa soo kordhay iyo in qofkii uu yimid habeen barkii uu ahaa Mooge! .

La soco qaybta 2aad.

WQ: Ramla Gobdoon.

 

SHEEKOOYIN