Naftu Orod Beey Kugu Aamintaa W/Q:Ibraahiim Cismaan Afrax

Naftu Orod Beey Kugu Aamintaa.

Waa fiid. Dayax ma jiro oo waa gudcur. Korontadii dabka ee bixin laheyd leyrarka ayaan wali la hirgalin. Jawigu waa aamusnaan. Shanqar iyo jabaq yeereysaa ma jirto. Waxa  aad mooddaa inay magaaladu aaf tahay. Cabsidu waxay billaabatay kaddib markii nin reer miyi ah dil loogu geystay gudaha deegaanka xilli galab-gaab ah. Wiilal ka careysan dilkaas ayaa is hubeeyay. Waxay damacsanaayeen inay weeraraan saldhigga ciidamada ammaanka maadaama falkii dhacay lagu tuhunsanaa inuu ka dambeeyey mid ka mid ah askarta.
Nin ku hubeysan qoriga AK-47 ayaa luuq jaquur (ciriiri) ah inoogu soo galay. Wuu neef tuurayaa. Malaha Faruuryo-qaniinsi ayaa u dheeraa. Mid inala socday oo geesi lagu tilmaami jirey nagana tun weynaa ayaa garabka ka qabtay oo dheh maagay “hebeloow xaggee wax idiin marayaan?”.
Dib ayuu u booday. qorigii ayuu ammaanka ka jartay wuuna koobgareystay oo wuu nagu soo foorariyey. Kii su’aalay, aniga iyo tiro wiilal ahiba waxay naga gaartay “abooto xaawooy na furo!”. Naftu orod bey kugu aamintaaye nin waliba cagaha ayuu wax ka dayey. Meesha oo ciriiri aheyd aawadeed waanu is dardarnay. Mid kufa iyo mid kacaba si dirqi ah ayaanu kaga firxannay goobtii.
Muddo dhowr daqiiqo ah ayaanu carareynay. Waxan dareennay in leynaga haray. Orodkii xawliga ahaa ayaa kushlo (aayar) isku beddelay. Sidii Ido wirwir jooga innagoo u haraahireyna ayaan ku hakannay meel qashin-qub ah. Waa leys eegay. Waa leysku qoslay. Ninkii hanadka lagu sheegi jiray baa yiri “war kabteydii ma aragteen? hal kab baa iga maqane”.
Waa lagu orriyey, mid baase ku daandaansaday “dib u laabo, kabtu luuqii ayey kaaga siibataye ka soo qaado”. Mid baa u sii raaciyey “war heedhe fulaynimadan laguguma ogeyne waa ku sidee? Ninka aad kasoo baqatayna sow saaxiibkaa ma aheyn?”. Muggaasuu isagoo dhoola caddeynaya yiri “ninka kama cararine qoriga ayaan kasoo baqday, ina adeer kaas leyskuma aamino dadkana kalama yaqaanno”.

Ibraahiim Cismaan Afrax

SHEEKOOYIN