NAQDIGA: Hufidda aragtiyaha‏ W/Q: Naciimo Xasan Xuseen

Unknown

NAQDIGA: Hufidda aragtiyaha

 

Naqdigu waa: in la faaqido hadalka, oo kiisa san laga sooco kiisa xun. Si kale, haddii loo eegana wuxuu noqon kara: in aragtida qumman laga sooco midda khaldan. Sidoo kale waa: in la haadiyo aragti khaldan, lana sheego caddeymo sax ah, oo ku qotoma saldhig huban. Si kale; gudbinta dhambaallo dhaliileed, oo dhihid, dhacdo iyo dhugmo yeelan karto.

Inta badan dadku waxay jecelyihiin, ammaanta, buunbuuninta, iyo in mar kastaa la sheego waxa ay qabteen, gaar ahaan intooda wanaagsan.

Naftu waxay kahataa hufidda, haadinta, iyo dhaliil u soo jeedinta, waliba hadday ka timaaddo cid kaa soo horjeeddo way ka sii xag-jirtaa. Sidoo kale, ma jecla faaqidaadda, falanqaynta iyo faallada ku dhisan duridda iyo daah ka rogidda. Waxaase halbeeg qumman ah, inaynu hufi karno aragtiyaha aan ku saleyseen caddeyma sax ah, oo dhaliili karno afkaarta aan saldhig sax ah ka soo burqan, balse, innaga Soomaali haddaynu nahay, waxaan naga maqan qaabkii aan aragtida khaldan u naqdin laheyn, innagoo laab lakac iyo xamaasad aysan na qaadin, oo aanana ku xad-gudbin qofka aragtida iska leh shakhsiyaddiisa iyo is la aragtida qudheeda.

Naqdiga iyo dhaliil soo jeedinta waa hab ka mid ah hababka lagu saxo afkaarta ka weecsan waddada toosan, ee ma aha wax dhib u keenaya fikirka la naqdiyay qofka is ka leh.

Naqdiga iyo hufiddana waxaa aqbali kara ciddii aqoonteeda heer gaarsiisan tahay, oo aamminsan in nuqsaan geli karto wax kasto oo bini Aadamka ku tallaabsado, ha ahaato aragti, wax soo saar, iwm

Haddaba waxaa jira dhowr tallaabo oo aynu ka baraneyno qaabka wax loo naqdiyo innaga oo aanan weerarin qofka shkhsiyaddiisa, waxaana ka mid ah:

 

  • Marka hore tixgeli, oo qaddari aragtiyaha ay qabaan dadka kaa soo horjeeda, oo ku soo dhawee laab furan, si qoto dheerna u dhuux hadalka aad rabto inaad naqdiso ka hor  inta aadan sheegin dhaliishiisa.
  • Marka aad qof naqdineyso kolka hore waxaa muhiim ah inaad sheegto aragtidiisa dhinacyada ay ku saxan tahay, ka dibna aad u raaciso dhaliilaha ay leedahay, adigoo adeegsanaya ereyo dhowrsan, dabacsan, oo ka maran qallafsanaan iyo ceebeyn.
  • Inta badan qofka la naqdinayo wuxuu galaa difaac, si uu u ilaaliyo sumcaddiisa, iyo aragtiyihiisa, marka ha ku kallifin cidda aad faaqideyso, inay ku adkeysato afkaar khaldan, oo ka weecsan dhabbaha toosan. Dareensii inaad tahay qof u damqanayo oo la doonayo wanaag iyo saxnaan.
  • Waxaa laga ma maarmaan ah, in qofka wax naqdinayo uu ka fogaado guudeynta (tacmiimka), oo waa inuusan wada guud marin aragtiyaha qofka uu naqdinayo oo idil, balse, uu haadiyo hadba aragtida uu is leeyahay way khaldan tahay. Micnaha, in uu qodob qodob, xirmo, xirmo iyo uga hadlo qaybqayb.

 

Dhammaad

 

Ka la haadinta iyo faaqidaadda hadallada xaqiiiqda ka yara fog, waa wax ka mid ah nolosha, oo aan la hureyn marnaba, balse, ay habboontahay, in la raaco habka toosan iyo in la adeegsado caddeymo saxan, oo mar walba ku xiran heerka ilbaxnimo, ee bulshadu markaa ku nooshahay.

Ha weerarin, ha dhaawicin, hana xad-gudbin, ee is ku day haadin, hufan iyo hab dhaqan hagaagsan.

 

W/Q: Naciimo Xasan Xuseen

asmaa891@hotmail.com

SHEEKOOYIN