Nashada Jimcaha Maad iyo Madadaalo W/Q. Prof Yaxye sheekh Caamir

Cartoon Vector Stock
Cartoon Vector Stock

NASASHADA JIMCAHA

A—Malaay weeyn iyo mid yar ayaa badda ku wada dabaalanayay,kii yaraa ayaa wuxuu arkay hilib yar oo biyaha dhax sabeeynaya,waana ku leexday si uu u soo qabsado. Kii weeynaa ayaa ku yiri: ka joog ha cunin,hilibkan bir yar oo maqaalin la yiraa ayaa ku dhax jirta,haddii aad cunto dhuunta ayeey kuu galee,caawana waxaa kugu casheeynaya kuwa insi la yiraa oo berriga ku nool.

Malaaygii yaraa saaxiibkii ayuu uga mahad celiyay khatarta uu ka badbaadiyay.wa xoogaa markii ay sii dabaasheen ayaa kii yaraay weeydiiyay.maxaad ii badbaadisay oo aad khatarta hilibka iiga celesay? 

Kii weeynaa ayaa ugu jawaabay: haddi berri qaraabku xumaado oo aan cunta waayo ayaan ku cuni doonaa.

(( Ururada caalamiga ah iyo dowladaha waayeen ee noo soo gurmaday,goormeey na cuni doonaan, sideen uga badbaadnaa,Hogaamiyayaasheenu ma is weeydiiyeen)).

B– laba nin oo sakhraansan ayaa isa soo raacay,wadada dhinaceeda ayeey ku arkeen guri saddax dabaq ah,waxa ay isla garteen in dhismuha wadada si khaldan loo soo galiyay,waxa ayna isku raaceen in guriga ay dib u riixaan. Darbigii ayeey isagu geeyeen afartoodii gacmood, wixii ay xoog lahaayeenna kama hagran, Hal saac markii ay riixayeen oo ay dhidideen ayaa mid yiri: shaararka aan la baxno oo sii riixno,howshu waa gabagabee, sidii ayeey yeeleen.

Intii ay sii wadeen guri riixidii, ayaa nin toog ahi soo ag maray oo labadii shaarba ka xaday. saacad kadib ayeey is tusiyeen in ay ku guuleeysteen howshii,gurigiina riieen.

Mid ayaa ku yiri saaxiibkii: war aaween labadeenii shaati. kii kale ayaa ugu jawaabay: dabaal miyaad tahay, labadii shaati waxaan uga soo tagnay halii aan guriga ka soo riixnay ee na soo bixi aan ka doonanee.

((Madaxdeenu sakhraan maba ahne, shacabkii iyo sharftii meel maku sheegaan, darbi federaalna waa riixeene ma dhaqaajiyeen)).

C–laba kale oo sakhraan ah ayaa aadaan ka maqlay masjid. Waxa ay isku qabsadeen waa aadaankii casir iyo waa kii maqrib. waxa ay isku dhigteen sharad in kii khadama bixiyo 100Dollar.

Wax yar kadib waxaa soo maray nin kale oo isna sakhraan ah,
waxa ay u dhigteen gartii. waxa uu yiri: anaa idiin kala gar qaadayo ee ii dhiiba lacagta, jeebka ayuu gashaday 200$. wuxuuna ku yiri: soow balantu ma aheeyn kii khaldamaba 100$ ayaa ka dhimanee, labadiinuba waad khaldanteen lacagtuna waa idinka wada dhimatay, aadaankuna casirna ma ahan maqribna ma ahan, ee waa masaajid cusub oo la tijaabinayo makroofankiisa aadaanka. Waana ka dhaqaaqay.

((Siyaasiyiintu inteey isku heeystaan waa kala go’eeynaa iyo kala go’i meeyno. Armaa.1- Axmaar sakhraan ahii garteena qaadaa?. 2- Saqiir Gaalo oo sakhraanuhu ka taliyaa?. 3- Sawaaxili sakhrad la seexday lala sugaa?)).

Qore: Yahya Amir

SHEEKOOYIN