Nasteexo Q2AAD W/Q: Cabdiraxmaan M. Warmooge

Nasteexo Q2AAD

Habeenkii kolka la gaadho saacadaha danbe hawadaan ku kulmi jirnay. Balloodhaan ka jeexan jirnay samadaa dusheeda iyo meelo aan dhoweyn. Taleefankaan ka wada sheekaysan jirnay. Khadkaan ku jiri jirnay illaa midkaayo ka seexanayo isagoo hadlaaya. Naftayday yeellatay, anna teedaan yeeshay. Halkaas ayaan ka wada sheekaysanaa, marmarka qaar codkayagaa is beddela oo taah isu roga. Haddana waanu sii wadnaa, gurxan iyo xashaashaq ayuu noqdaa illaa uu marmarka qaar ka gaadhayo neefsasho qudha, bal se si kastoo ay tahay waanu is fahanaa. Qalbiyadaan iska fahanaa, neefsashadeeda iyo dhawaaqan bilaa erayada ah ayuu qalbigaygu khabiir ku noqday, waxay u ujeeddo ayuu hadal u beddelaa iyanna kaygay sidaa ka yeeshaa. Inaan is horfadhino ayaan niyaystaa. Indhahaygaan kuweeda ku qabtaa, ka dib aan daawadaa.

Dabeecadda waanu shabbahnaa, dhaqanka iskaga mid ayaanu nahay. Kaftankeeda gaagaaban ayaan ka helaa. Su’aalaheeda micnaysan ayaan dhadhansadaa. Dhiirigalinteeda ayaanan daqiiqad ka maarmin. Nolosha daaqaday ka fiiriso ayuun baan anna ka fiiriyaa. Codkeedaa ii dawo ah, habeenka se aan waayo dhul iyo cir ba waan diidaa. Fadhi iyo jiiftoona kuma hakado. Noloshayda oo dhami waa iyada, teeda oo dhamina waa aniga. Galin haddanan arag, codkeeda waa inaan maqlaa. Kolkaan iyada la joogo adduunka oo dhan anigaa u sarreeya. Sanka iyo afka ba anigaa taaga. Kibir oo dhan anigaa layga bartaa. Naxariis idilkeed xaggaygay ku soo hoyataa, anigaa dadka barra oo tusaale u noqda. Roomaansi hadday noqoto iyo beer laxawsi anigaa aabbahood ah. Nasteexo saaxiibkeed anigaa ah, oo ku faana kuna dhaarta.

Maalmaha qaar ayaan is wayddiiyaa iyada ka hor maxaad ahayd? Sidaad u noolayd? Hadda se maxay kaala maqan tahay? Hadday dhimato ama xaniinsato maxaad ugu damqataa? Yaa , oo hadday dhimato bal kawarran sidaad noqon lahayd? Istaaqfurullaah! Afku ku go’, waar maxaad ku haddashay? Dhimato aa? Oo hadda ma anigaa dhiman lahaa? Haye adigu dhimo. Oo haddaan anigu dhinto maxaa iyada u danbaynaya? Oo ma xubin ku taalay ayaad ahayd? Dee sideedaas ayey ahaanaysaa mala. Haddaan maanta dhinto in yarna nolosheeda saameyn ma ku yeelan doonaa? Ma ii ooyidoontaa? Wax inay wayday ma dareemi doontaa? Waxaasi inuu aniga yahay ma oggaan doontaa? Su’aasha iigu daran ee jawaabteeda aanan haynin waa “Maxaan iyada u jeclaaday waxba ma jeclaan jirine?” Mooji. Su’aalahaas oo dhan daboolkaan saaraa, waa amar Eebbe oo waa laygu talagalay ayaan isku dhaafiyaa. Layguma talagaline waa laygu imtixaamay. Oo ma wax kale oo illaahay igu imtixaamo ayuu waayay kolkuu Nasxteexo qalbigayga dhexdhigayay? Allaahu yaclam! Oo Allaahu yaclam maxay ahayd? Dee waa illahay baa og. Kolkaan yaabbo ee isla sheekaysto ayaan Carabina ku hadlaa.

Nasteexo iyo aniga jacayl oo kaliya nagama dhaxeeyo, bal se saaxiibtinimo dhiiga raacday oo lafaha u dhaadhacday ayaa na lammaanaysa. Lafaha iyo dhiiga oo kaliya maahee meel kasta mid naga saarsaran. Dushaan iska ilaashanaa, si gaara iyo si guud ba. Wixii dhacay ayaa se ahaa wax aan la filan karin!

W/Q: Cabdiraxmaan M. Warmooge.

SHEEKOOYIN