Nasteexo Q3AAD W/Q: Cabdiraxmaan M. Warmooge

086f7e9b2bde4bd886ff1ba56c9182c7

Nasteexo Q3AAD

Laba billood ka hor se kolkii ay ii sheegtay in la siiyay wiil dibbada ka yimi, waxaan dhici karin ayaan ka soo qaaday, dhag iyo fartoona uma taagin. Kaftankeedi iyo inay aniga I ciilciilayso ayuun baan u haystay. Way se fahantay in aanan rumaysan. Shan jeer ha ii dhaarato, waligeed ba ha dhaarato. Sidii aan ku kala tagno. In yar ka dib se wax baan dareemay kolkii aan hadaladeedii iyo dhaartii ay ku celcelinaysay aan dib u milicsaday. Wax baan isugeeyay, oo iskudhuftay, oo kala jaray haddana isu qeybiyey. Natiijadii soo baxday ayaa dhinac u janjeedhsatay. Judhiiba culays baa i fuulay. Waan jidhidhicooday. Xaadoo dhan baa intay i joogsatay, midiba gaarkeed u tukatay oo u tasbiixsatay. Wadnahaa garaaca yareeyay. “Aabbaa nin I siiyay oo waa lay soo doonayaa wallaahay”, ayaa iga dhaadhici wayday, dhuuntay ii joogsatay, shankoob oo biyo ah cab, haddana waa sidii, lafdhuun gashay ayey igu noqotay. Madaxaa i kala qaybsamay, laba muu noqon ee saddex ayuu u noqday sidii in Faash laygala dhacay. Meel kasta oo ay lafi igaga jirtayna garaac bay samaysay iyo gariir wax aan u kala garan waayay. Kalsoonnidii baa iga luntay. Xasillooni la’aa baan dareemay. Wax aanay maskaxdu fahmayn ayuu qalbigu dareemay. Indhahaa ku dayday oo ilmo joojin waayay. Afkaa inuu jawaab ka celiyo doonaya, qalbigaa se dib-u-celinaya oo leh wixii aad dhici lahayd ba indhahaa dhammeeyay ee adigu u naso.

Inaan cidloon doonno ayaan oggaaday. Nasteexo way guursan, oo qof kalaa guursan. Guri kale ayay yeelan. Nin kalaa iska yeellan, maalintii ay u sheekayn, isna uu iska daawan, marna uu iska dhagaysan. Habeenkii ay la seexan, oo carruur ay u dhali, oo nolosheeda la waddaagi. Anna waan iska joogi, oo arooskaan ka shaqayn, haddaan doonana ka ciyaayi. Maaha wax dhici kara.

Wax kastaaba ha dhaceene siduu ula seexan? Oo haddaanu la seexan siduu yidhaa? Iyadu ha la seexato! Oo sidau ula seexan? Illaahow adigaa weyne soo kala gaadh. Oo wuu ka weyn yahaa la yidhiye, laa’illaaha illallaah wa Maxamadow rasuulullaah! Oo waa maqaadiire, Illaahow dhagax iyo buur uga dhig.

Su’aasha ah “Horta Nasteexo aniga maxay ii ahayd?” jawaabteedu ma dhaafayso “Walaal” iyo “Saaxiib”. Xidhiidhkayagii wanaagsanaa, hadalkayagii joogtada ahaa, dareenkayagii midka ahaa, noloshii aanu isku darsanay iyo sidii aanu u wada noolayn miyaannay u qalmayn inay heerka saddexaad gaadhno, oo jacayl u diga-roggato? Xaaskayga inay noqoto miyaanay u qalmin? Saygeeda anigu miyaanan ku habboonahay? Kolley haa baan qabaa anigu. Waan isku kalsoonahay, iyadana waan aaminsanahay, bal se maxay odhan doontaa tollow?

Go’aan waxaan ku gaadhay inaan subaxa gurigooda u gu tago, si aan arrinkan uga dhaadhiciyo u gu na qanciyo xidhiidhkii walaaltinnimo iyo kii saaxiibtinnima ba inaan jacayl u beddelno.Gurigaan galay, Nasteexaan raadiyay, hooyadeed baan arkay, “Meeday caruusaddii?”, ayaan ku yidhi. Qolkeedaa laygu yidhi. Horraan u galay. Wajigeeda murugaa ka muuqatay, iilamay muuqan qof ku faraxsan guurkan. “Maxaad u socotay?”, ayay I tidhi. Inaan iyada u socday ayaan u sheegay. Hadal dheer ayaan billaabay, ma xasuusto meel aan ka billaabay iyo meelo aan ku dhammeeyay, waxa se aan miirsaday anigoo laabta Nasteexo ku jira, garabkeeda ku ilmaynaya. Riyo run isu beddeshay ayay noqotay, oo waan ku jeclahay iyo anaa kaa daran ku soo idlaatay.

W/Q: Cabdiraxmaan  M. Warmooge

SHEEKOOYIN