Nidaam xumada Idaacadaha dalka! W/Q: Maxamad Xasan Cali

index

Nidaam xumada Idaacadaha dalka!

Magaalada Muqdisho, waxaa ka howlgala ku dhawaad 30 idacadood, oo ka la duwan, is la markaana maxalli ah. Waxey idaacadahaasi hoostagaan maamullo gaar ah ama hay´ado caalami ah, oo dana gaar ah ka leh waddanka. Waxey qeyb weyn ka yihiin culeyska saaran dadka reer Muqdisho, in kastoo ey dhaxdhaxaadnima shegtaan, haddane, u ma hogaansana dhax dhaxaadnimadooda. Waxaan aad ugu kuur galay dhageysiga idaacadaha ka wada shaqeeya magaalada Muqdisho, mid walbana waxaan siiyey waqti, si aan u dhageysto wararka ama barnaamijyada ey soo gudbiyaan malinki iyo habeenki.

Waxaan u soo joogay tirada idaacadaha, oo aad u yar, is la markaana fara ku tiris ah, balse, maanta ma ahan saan ku ogaa, oo waxa ey u baahan yihiin, in lagu diiwangaliyo qoraal, maxaa yeelay, raadiyaha marka aan shito wuxuu ii soo qabtaa mowjado, mid walbana idaacad ayaa ku dhirirsan, kolkaad wareejisana waa idaacad kale. Waxaad moodaysaa, in moojadaha gaagaban la is ku ciriiriyo, balse, waa mowjado FM ah.

Intaas waxaa kuu sii dheer, oo ay musiiba ka jirtaa malinkaad idaacadahaasi run karaadisid, sababtoo ah, qibrad yarida ka jirta awgeed, waxey dhammaantood ka hadlayaan siyaasad, ayagoo soo bandhiga, warar aan xaqiiqda ku saleysneen. Toban iyo toddobo degmo ayaa magaalada Muqdisho ku taalla, idaacadaha ugu tabinta gaaban, ee ka howlgala degmooyinka magaalada waxa ey isticmaalaan 300W, sidaa darteed, awood u ma heli karaan in si buuxda looga maqlo, magaalooyinka fog, sida Baydhabo, Kismaayo, Baldweyne, Jawhar iyo Balcad ama xitaa magaalada Muqdisho hareereheeda.

Arinka xusidda mudan ayaa ah, in idacadaha loo furan jiray qabiil iyo kooxaysi, balse, maanta inta badan idaacaduhu waxey hoos tagaan hay´ado iyo shaqsiyaad gaar ah, oo dano gooni ahna leh. Waxaa meesha ka baxay waxtarkii iyo mihnaddii ey saxafaddu laheyd, sidoo kale, idaaadihii fara ku tiriska ahaa, ee magaalada ka shaqeyn jiray is la markaana soo gudbin jiray, barnaamijyo xiiso iyo madaddalo u leh bulshada.

Xilligan la joogo idaacadadda ugu waqtiga dheer waxa ey shaqesaa 18 sacadood, midda ugu wararka badan waxa ey sii deysaa warka 4 jeer, oo uu rogaal celis ku jiro, warkiiba waxa uu dhirir ahaan yahay 30 daqiiqo, waxayna u dhigmataa 2 sacadood, oo ka mid ah waqtiga shaqada ey idaacaddu hawada ku jirto. Lix iyo tobanka saacadood, ee soo haray waa micno darro miiran.

Habeenkii markii la gaaro idaacaduhu waa fadhi ku dirir, mid walibana waxa aad ka maqlaysaa wax aan nuxur laheyn, badankood ma soo tabiyaan barnaamijyo hadaf fog leh, oo dhageysi habboon. Marka aad wararkooda dhagesaneysid waxaad ka dhadhansan kartaa, in ilaha ey wararka ka helaan iyo waxyaabaha ey soo xigtaan ey ka wada simanyihiin, oo ey al daraf wax ka tabinayaan.

Runtii arrinkan wuxuu ka mid yahay dib u dhaca dalka ka jira, waxa eyna idaacadahan qeyb ka qaataan, sii habaabinta iyo laablakaca ka dhexjira bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed, waa in laga fekeraa qaabkii loo soo af jari lahaa.

W/Q: Maxamad Xasan Cali

SHEEKOOYIN