Nolasha qoyska wanaagsan W/Q: Luul Abdi Hassan

14800725_1162551197168421_1571598823_n

Nolasha qoyska wanaagsan

 

Noolasha qoyska wanaagsan, waxaa ay u baahan tahay is fahan, si loo helo qoys wanaagsan, oo ubad wanaagsan soo saara. Waxaa aad u badan isfahandarrada ka dhaxdhacda qoysaska qaar, keentana burburka qoyskaas. Si la mid ah, waxaa jira qoysas badan oo ku guulaystay noolashooda, si aad u noqoto ama aad u hesho qoys wanaagsan, waxyaaba badan ayaa la iskaga baahan yahay, waxaa ka mid ah;

Qodobka 1aad waxa dhacda inta badan guurka billowgiisa, in ay billaabato noolashii dhabta ahayd, qof walbana uu la soo baxo runtiisii iyo dabeecaddiisi dhabta ahayd, waxaana dhici karta in la ka la boodo ama laysku dhaco. Markaana waxaa aad loogu baahanyahay, in la wada hadlo laysuguna yimaado meeldhexe, qof walbana oggolaado inuu ka tago qeybo ka mid ah, waxyaabihii uu jeclaa ama uu rabay si loo adkeeyo jiritaanka qoyska.

Qodobka 2aad ee muhiim ka ahi waa runta in lagu wada noolaado, beenta waa halis ma jirto nolol qoys oo ka maran dhibaatooyin la xiriira isfaham la’aan ama is eedayn, balse, khatarta ugu xumi waa beenta hadal isdaba marinta runta oo yaraata iwm. Taasinaa waxay keenaysaa, inay kalsoonidii yaraato shakiganu bato wax la ka la maqli waayo, halkaana waxaa ka billaaban kara khatar ku timaadda jiritaankii qoyska, haddaba, beentu waa xaraan, waaxayna keentaa shaki iyo kalsooni dhumid, waana billowga xumaan oo dhan, runtuna waa raaxo, kalsooni, xasilooni iyo raalligelin Rabi. Alle carrabkeena ha ku sugo runta

3- Qodobka 3aad iscaawinta; guryaha dhismay waxay ku caan baxeen cadaalad ku dhaqanka iyo mucaamalo wanaag. Waxyaabaha jaceylka iyo kalsoonida qoyska abuurana waxaa ka mid ah, inuu ninkii la wadaago xaaskiisa shaqada guriga sida ilmo haynta, cunta karinta, nadaafadda guriga iwm, gaar ahaan maalmaha uusan shaqo lahayn ama uu siiyaba maalin ay iyadu nasato, isagu shaqada guriga qabto, taasina waxay abuuraysaa hawlwadaag, kalsooni lays dhaafsado, ilmihii oo farxa markay arkaan aabbihii oo hooyo la shaqaynaya iyo gurigii oo salka dhigta.

4- Qodobka 4aad in mar kaste lammaanaha ay adeegsadaan luqadda jacaylka, sida waan ku jeclahay iyo ereyo badan oo tusinayo jacaylka. Dhaqan ahaan soomaalida ku ma fiicno dhaqankaas, waana uu na dhibaa, laakiin, waa in aad is ku daydaa si qoyskaaga iyo noolashaadaba ay u najaxaan.

 

W/Q: Luul Abdi Hassan

SHEEKOOYIN