Oday Gacal iyo Sheekh Axmed “Wacdiyow” W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Oday Gacal iyo Sheekh Axmed “Wacdiyow”

Oday lagu magacaabo Gacal iyo waxa hadda ka hor is qoonsaday, Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan “Sheekh Axmed Wacdiyow” (AUN).

Bili aadanku waligii ayuu dulmi fale ahaa, ha ku falo Eebbihii abuuray, ama ha ku falo uunka Eebbe’e Oday Gacal oo u quuri waayay taageerada iyo xushmada uu haysto Sheekh Axmed “Wacdiyow” ayaa damcay inuu ku diro Sheekha bulshadii la noolayd berigaas. Si uu dadka u tuso, wadaadkana u ceebeeyo ayuu oday Gacal ku maamiyay inuu Sheekha ka dhigo “SIXIRROOW AMA FALAANFALLOW” dhanka kalena uu dadka u sheego in Sheekhu MASIIXI yahay, Diinta saxdaana haysan.

Si kale uguma aado sheekha dadkuna ka dhagaysan maayaan tororogtiisa ee wuxuu meel fagaare ah Sheekha oo ka wacdinaya oday Gacal ka tiriyey, masafadaan dulmiga ah, wuxuu na yiri:

Sheekh Axmed waa keleb waana kaafiri
Kitaabbadiisana waa ku kaadshaa
Riyaha toomana waa tillaabaa
Dhabartiyaa talalkiisu yeeraa.

Intaan Sheekh Axmed “Wacdiyow” (AUN). U jawaabin ayaa waxa soo dhexgalay Abwaan kale oo magiciisa lagu sheegay, JIMCAALE wuxuuna oday Gacal ku yiri, Masafadaan:

Wirif waneeyada kii kusoo dega
Waraabihi cuna Wayl lo’aad iyo
Wadaan ku wiiftay wayeerka ceel-dheer
Iyo weer xumoo la yiraah wadaadkii
Wirdi aqraayo hiraabya waaberi
Afar walxaad-ba wedaa kusoo duga
Ee Gacal amaa wabku kaa gubtaahoo
Wayeerka ceelu ku deeqi waayaa
Webiga weelal laguugu keenaa
Adaa wadaadki ka aalli waaye?”

Sheekh Axmed “Wacdiyow” oo ahaa Caalim Ilaahay u fududeeyay barashada Diinta Islaamka, degganaanna u dhashay, ayaa Oday Gacal wayddiiyay dhowr Su’aalood oo ku saabsan, dunida iyo Nabiyadii Ilaahay usoo diray iyo xujooyinkii ay la kulmeen. La ye: “Nin xanaaqay laga badi’e” Sheekh Axmed “Wacdiyow” aqoontiisa Diineed ayuu la kala baxay, wuxuuna oday Gacal wayddiiyay su’aalahaan cajiibka leh, wuxuu yiri:

Diba bireed Nabigii ku daalliyay
Dunta sameeyay dadnow ka joogaa
Dabka minow gacantii u deeyana
Diirka holcaayo asaan mug daarayn
Ibliisna duufiyayoo danuub galay
Dibkeedna loo dembi deeyay iisheeg?

Nabiga doonta qoroo ku daalliyey
Dadya dugaagna dibkeed ka buuxiyey
Dacwadiisa kuwiis-ka diidoo
Daad sugay meel u dambeysay ii sheeg?

Nabigaan duunya lahayn difnaan qabin
Marashadow ku dukaaya maahee
Dilina doona Dajaalki waynaa
Duqiyow haatan dalkaan ma joogyee
Melagow soo degan doono iisheeg?

Nabigi duudku usoo dareersaday
Bushigu daa’imayo dullaysnaay
Daawo wuxuu ku gayooday ii sheeg?

Nabigi duulki dhammaay ku duuleen
Dabki lasoo shidaney ku deeyeen
Kuna dangiigsadayonan diir nixin
Dabow ha taabannin daa’imaa yiri
Nabigaas dooran asaan dab taabannin
Duriyaddii ka dambeysay ii sheeg?

Nabiga kii ambiyuu dambeeyoo
Daabbadow fuulo ayaan duqoobayn
Dayax ahaay degebnow u qeelliyey
Dameerkina isugu tuuray ceelduur
Dariiqadiisa ninkiis-ka diidana
Lagu dajaayo daboolki Naareed
Duqiyow meel lagu duugay ii sheeg?

Qaabiiloo daallumahaa walaal dilay
Haabiilna kii dulmihaayo maaheyn
Dadna inyuuga daydeey is dooxeen
Dadka ninki dulmi loo dilaahuna
Qaabiil kollay dimbiyow ka daartaa
Illaa hortii den-dadow madaadane
Qaabiil haddow dilay sow u duugaya
Maha dagaal ka billowday ii sheeg?

Adoogaan daaf qabinoo dullaysnayn
Dadkoodi joogay u dayma roonaay
Anigaa doorki ahaay ninkii yiri
Nabina waa iga sii dambeeyaa
Haddow ku dare candhuufti daa’imay
Dhaayihiinay ayu soo dillaaceen
Duulkii sidaas u dulleeyey ii sheeg?

Dabarradaas kace hoor bal soo gooy
Dalka kan aad ku dalaalacootide
Sidii dubayrradi daaqma loo furay
Amba kacee binjigaaga deebsee
Dariiqiiya laaxib dadkaan u daardaar
Adigaa Diinti Ilaah dib gooyee.

Jimco suubban: W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN