Qaab-aqrinta sheekada ‘Shrinkology’; ISKU-HUNDHURSI! Qaab-aqrin: Ina CUBTAN

Qaab-aqrinta sheekada ‘Shrinkology’; ISKU-HUNDHURSI! Qore Prof Cali Jimcaale Axmad

Qaab-aqrin: Ina CUBTAN

Prof Cali Jimcaale Axmad oo ah; indheergarad, bare, qoraa, sheekodhige, suugaanyahan, maansoole iyo aqoonbaare Soomaaliyeed, sida qoristiisu caan ku tahay, waxaa magag kugu ridaya magaca uu sheekada siiyey ee qotodheerida ay u wehliso werinta sheeko laabeedka aan dareenka dhaafsiinayn, haddana, uu kuugu tebinayo, sidii in uu kula joogo oo kale, may, in uu ku horfadhiyo, ee bal ka koobi; hee, iihi, haye, haayee, haaheey, Wallee! Haah, waa runtaa, dhehe la wad jiibteeda.

Sidoo kale, wuxuu ku billaabayaa isdoodsiintiisii nafeed ama -sida aan qabo- dareengelinta aqristaha uu uga dan leeyahay ee kala doorransiinta, isbarbardhigga ama malogelinta ah, oo magaca Mary caddayn kaaga filan yahay, haddana, Fritla hooyadeed u la baxday, kuna seexin jirtay, iyana jacayl ay u qabtay magacaa ama maqalka codka hooyadeed marka ay u heesayso ama waayeynayso ay biriq iska leedahay inta bogga dhulsariireedka ku qabato hurdo la dhici jirtay; ledi jirtay.

Haddana, wuxuu galaa prof Cali, gabadha asalkeeda, asalka qoyskeeda iyo sida ay u tahay isdhexgalka dhiigga qowmiyadaha dunida, oo dhalyadeedu fir ugu wada leedahay dunidan weyn.

Ka dib wuxuu soo bandhigayaa arrin dhaqankii hore ee Soomaalida ku weynaa, welina raad yar ka dambeeyo, oo ah xiriirka ruuxyada aan muuqan lala leeyahay, siiba halaqyada qaniinyo miciyeed ama sumeed leh, ee DIBQALLOOC ka midka yahay iyo sida loogu tufo, oo Soomaalidu aaminsaneed, in qofka sabtiga dhashay uu ku tufo qaniinyada dibqallooc/hangarale/haarraan.

Qofka mas ku mataansan, qofka mataan dhalay, dumarka dhiigga qaba iqkb waxay Soomaalidu qabtay, in ay qaab daweed aan dadka kale karin leeyihiin, waxaana dheer, abeeso guursadka ama la dhalashadeeda, mas la dhalashada iwm, oo dhammaan qaab dhaqan gaar ah iyo leh habab ay halaqyadaa u maamulaan ama u maareeyaan, oo aan dadka kale aqoon ama awoodin, oo hadda ah aqoon gabaabsi noqotay.

Dhextaalkan anaa aqoon ahaan ugu talogalay, markaa ka dib ayuu prof Cali aqoontiisii falsadeed gudagalayaa, may, gudbinayaa, oo wuxuu qorayaa ISKU-HUNDHURSIGU: “help you get on with your life. They help you to confront your inner demons, demons that are securely lodged and hidden not in your bosom, but in your consciousness. It’s easier to dislodge those in the bosom; not so with those that find a home in your consciousness.” Markaa buu sii qeexayaa, oo qodban qoraa Qalinle ah ku qabbirayaa; “to differentiate between the two. The first confounds your emotions; the second warps your ability to reason. People early on try to discount and demean what’s in the bosom—the seat of motherly feed, they would say—and, if you were a woman acting on bosomy things, they would give you a sobriquet fit for hysterics. I’m sure the old Greeks didn’t associate it with some pejorative meaning. Womb signifies closure, protection.”

Wuxuu na barayaa in ISKU-HUNDHURSIGU kugu saacidayo, in ad hore ugu socoto, (isku koobnaatid) ood la dagaasho SHAYDAAMMAADA nafeed, ee heddeeda iyo ruuxdaada ku lammaansan, ee aan ahayn kuwa dharabtaada dhabtaada deggan(kuwa muuqda iyo kuwa qarsan), oo kuwa hore waxay calwiyaan dareenkaaga, halka kuwa kale ay qasaan awooddaada maanin. Waa aragti aan ka helay, oo runtii aan aad ugu bogay. GARAADNIMO.

Ka dib wuxuu ku dawaafinayaa dunida, oo marar badan loo qaadan karo, in sheekada dhan kaga hadlayso dalkeenna iyo dadkeenna, sida marka uu ku dareeensiinayo, in gabadhuhu nolosha miyiga xor ku ahaayeen, balse, ay xorriyadyari ku dhacday nolosha magaalada ka dib, oo eheed nolol culus, balse, fududeed, haddase noqotay; nolol fudud, balse, culus.

Waxaa dhanka kale, magag mar kale leh, marka uu Shrinkology ku suntayo in aqoonta ay isu leedahay aysan istuseyn; arag una muuqan, ee markaa ay isku-hundhursadeen, oo uu ku cabbirayo noloshan casriga iyo dunida orodka ku socota, ee qaarado, dalal, bulshooyin iyo qofafba leh, ee aan isku fillayn.

Wuxuu kale mar kugu leexinayaa duni kale, oo tii dibqallooca xuskeeda aan ka xiiso iyo xanuun yarayn, oo ah riyooyinka iyo fasirkooda, oo dhabtii ah aqoon gaarkeeda ah, oon qof walba garan karin, sida; midabbada, da’da, jinsiga, dhimashada, geerida, farxadda, murugada, xanuunka iwm ee riyooyinka ku jiraa u yihiin walxaha gaanjooya qaab fasirka sheekada, ayna dheer tahay dhex-aqrinta dareennadda iyo garashadeeda gaarka ah, oo keliya uu leeyahay qofta aqoonteeda leh. Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa buuggii ‘Diario di un sognatore’ ee Luigi Malerba uu ku ururshay riyooyinkiisii gu’ ku dhawaad.

Riyo-maalineedka indhofuranka ah ka sokow, oo lagu kala horreeyo, hurdo-ledka ayaa lagu dhexriyoodaa, waxaana hurdo dheer oon laga soo kicin ah geerida, ood mar is leedahay ruuxqaadiddeedii oo kale ayaad sheekada ka dhadhansan kartaa, haddana, waa is dariinsiin aniga igu ekaan kara.

Wuxuu haddana galayaa prof Cali, sida qoraagu ugu hamuunqabo caannimada daran, oo qoraa walba wuxuu jecel yahay, in uu ugu yaraan magac ka helo waxa uu qoro, haddii uusan maal ka dhuran. Prof Cali wuxuu tusaale u soo qaadanayaa buuggii Salman Rushdi, isaga oon si cad carrabka ugu dhufaneyn, balse laga dheehan karo doodda gabadha sheekadu ku socoto iyo qof aan la magaabin oo lab ah dhexmareysa. Waxaad dareemaysaa in ninku ku laadayo Rushdi, isaga oo tibaaxaya in qoraagu yahay maal, magac iyo muunya doon.

Wuxuu ku soo gunaanadaa tusaale samaafaraha jidadka ah, in ISKU-HUNDHURSIGU yahay walxaha noloshan joogsi la’aanta ah ay la timid sida samaafarayaasha oo kale ayey (ISKU-HUNDHURSIGU) nafta u badbaashaan, haddana, waa isku-hundhursi aadaneed, dhammaan waa dhaqan aadane leeyahay.

EBYID; Sooyaalka prof Cali Jimcaale Axmad

Cali Jimcaale Axmed waa Borofaysar ama Bare Sare oo wax ka dhiga Queens College, oo ka tirsan Jaamacadda magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waa madaxa qaybta is barbardhigga suugaanta (Comparative Literature); waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Maraykanka, Aasiya iyo tan Caalamka Islaamka. Waxa uu shahadada P.H.D ama doktoornimada ka qaatay Jaamacad Kalifoornia ku taal oo la yiraahdo UCLA. Waxa uu ku takhasusay, buugaag badanna ka qoray halka ay iska qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada, iyo siyaasadda.

Waxa kale uu qoray gabayo iyo sheekooyin ku qoran af Ingiriisi iyo Soomaaliba. Buugaagtiisa waxa ka mid ah:

  1. (The Invention of Somalia)
  2. (Daybreak Is Near) (Fear Is a Cow)
  3. (Diaspora Blues)
  4. (The Road Less Traveled) iyo (When Donkeys Give Birth to calves)
  5. (Gaso, Ganuun iyo Gasiin)

Waxa kale uu Jimcaale ka mid yahay aasaasayaasha iyo tifatirayaasha Journal of Somali Studies (JOSS) oo ka soo baxa dalka Ingiriiska. sidoo kale, wuxuu barnaamijyo ka soo jeedin jirey Warlaliskii Radio Muqdisho halka uu bare ka ahaa Jaamacadda umadda.

F:G: habeen dambe, prof Maxamad Xaaji ‘Ingiriis’ ayaan kulan wadasheekaysi aqooneed ah la yeelandoona prof Cali Jimcaale Axmad, oo Baraarug Library ay noo qabanqaabinayso, hormuudkeeduna yahay Xasan Mudane. Ha moogaanina.

W/D: Ina Cubtan

NAGA LA SOO XARIIR: Admin@laashin.com

SHEEKOOYIN