Qaababka hadalka isku dhex yaacsan Wq A. M. Yusuf (Wayeel)

quotescover-JPG-55

 

 

 

 

 

 

 

 

QAABABKA HADALKA isku YAACSAN

BERYAHAN DAMBE waxa aan aad ugu kuurgalayay idaacado warbaahineed ee Soomaaliyeed, oo laga kala dhegeysan karayo ruuman (abbaaro) kala geddisan oo ka mid ah mareegta (internet-ka). Aad ayaan u kahdaa goor kasta oo ay dhegtaydu maqasho weedha hoose oo kaleeto,
▪ “Ururka Baaqbaaqle oo qeyladhaan ka muujiyay dilkii aqoonyahanka Soomaaliyeed, Mudane Dhintow Macnalaawe….”
Maxaa si ka ah; amase ba ku jaban oraahda kore? Qofkii suugaanta Soomaalida wax yar ka bartay, qacda hore haddii uusan garan, qacda labaad waa in uu gartaa gefka WEYN ee oraahda iyada ah ku dhex lunsan; ogow se waa oraah haddii kale ba ka fayoobaan lahayd: cudurka haatan ku ridan, amaba ku jira. Qoraa kasta, may wariye kasta, haddaba, waa in uu ka feejignaadaa hafyada (ama iinta ama cilladda) loo yaqaanno: Qaababka Hadalka isku Yaacsan.

QAABABKA HADALKA
Qaababka hadalku (afafka maldahan) waa kuwa waxa ay kuu qeexayaan, u ekeysiinaya waxyaabo kale. Afka maldahan na ma ahan in loo qaato ulajeeddadiisa qayaxan. Tusaale ahaan, haddii qof lagu sheego in gurigiisu yahay “qashinqub”: oraahdan, loola ma jeedo in qofkaas gurigiisu uu yahay “qashinqub ay dadku qashinkood (xashiishkooda) wada geyn lahaayeen”. Sida kale, waxa looga jeedaa in “qofkaas gurigiisu mindhaa u wasaq badan yahay, sida dukaafadda”. Ma kastay?

Waa lamahuraan haddaba “afka maldahan” in loo adeegsado si xasilloon iyo labaddaraadle feejignaan ba, ay ku jirto. Haddii oraah wal lagu billaabo “hal is-barbardhig” ee misana loo boodo mid kale — is-barbardhig kale — waxa abuurmaya wax la yidhaahdo: qaabab hadaleed isku yaacsan. Waa shareereyaal misana si aan la ogeyn ugu soo dhex dhuuman kara qoraalladeenna. Hal ceeb ah ayay se iska leeyihin. Isma qarin karaan.

I.  QAABKA QASAN

▪ Hirar waaweyn* ee fulaynimo ayaa laabtiisa ka dhex kacay, kuwaas oo sii engejiyay gebi ahaan dhiirranaantii yareyd ee uu horeyba u soo lahaan jiray.

*  Hirar waaweyn : waa waxyaabo tilmaamaya biyo, kuwaas oo. si na ba, aan wax u qallajin kareyn, mise?

II.  QAABKA QUMAN

▪ Hirar waaweyn* ee fulaynimo ayaa laabtiisa ka dhex kacay, kuwaas oo “sii qaatay/hafiyay/la tegey/la jiitay…” gebi ahaan dhiirranaantii yareyd, uu horeyba u soo lahaan jiray.
Maxaan maanta u soo xusuustay gefkaan qaabka daran?

Furo xiriirkan: Dhulgariirka Hadraawi iyo Mushkiladda Isirsooca. Meel kale adiga oo aan eegin, fiiri qoraalka aan ku qoray farta kaabiyeysan [marginal-ka] ee waaweyn:

▪ “wuxuuna ina soo hordhigay hawraar murtiyeed qalbi dhagaxoobay ka ilmaysiinaysa.

Wax dhagaxoobay, ujeeddadu waa biyo fadhiistay baraf oo kale ama wax aan nugul ahayn: ma la jebiyaa/jejebiyaa, ma la tumaa (sida qorfe iyo heyl), ma la burburiya,  ma la shiidaa, ma la qoraa, ma la dhalaaliyaa…iwm., mise waa uu ooyaa?
Horta ma aragtaa in si fudud qofkeen ba ugu dhici karayo gefka sidaas oo kale u u weyn ee hadalkeennii cakiri kara. Ninka qaladkaas u dhuuntay misana waa qoraa weyn. Hayeeshee, wariyow, waa in aad iska ilaalisaa, intii karaankaaga ah: Qaababka isku Yaacsan ee Hadalka. Af horraan ba aan maldahi lahayn, waa in aan ka jirnaa wixii ujeeddadiisii misana habaabin ama se ba lumin lahaa!
Dhaliil ugma jeedo aan u soo jeedin lahaa cid gaadh ahaaneed. Waa baraarujin. Anigayga haatan wax kuu faahfaahin, ayaa laga yaabaa in ay ii dhuuntaan “warar isku yaacsan”. Haddii aad dib mar kale u akhrisid; waxaad qoraalkii Rashiid ka heli doontaa shareereyaal; may is-barbardhigyo kale, kuwaas oo weliba na, run ahaan, aad u qurux badan. Ninkan, Rashiid oo kale, dhab ahaan, waa dadka loo baahan yahay in laga korosado AQOONTOODA SARE!

LAYLI
Bal isku day markaaga in aad soo tifaftirtid oraahdii Idaacadaha, ee hoos ku dhigan:
▪ “Ururka Baaqbaaqle oo qeyladhaan ka muujiyay dilkii aqoonyahanka Soomaaliyeed, Mudane Dhintow Macnalaawe….”

● Qormo: “Qaababka Hadalka Isku Yaacsan”
●  Wq A. M. Yusuf (Wayeel)

SHEEKOOYIN