Qaabilaadda Isbeddelka Waayaha. W/Q: Zaki Cali Gurey….

Zakariye Gurey

Qaabilaadda Isbeddelka Waayaha

Qof walba oo inaga mid ah Eebbe wuxuu siiyay 24 saac oo u dhiganta 1440 daqiiqo maalintiiba, waxaana xaqiiq ah in qof walba daqiiqad kastaa uu wax ku qabsado, mana jiro qof loogu daro saacado ama xataa ilbiriqsiyo dheeri ka ah 24ta saac maalintii. Saas oo ay tahay dadka qaar way ku guuleystaan nolosha halka kuwa kale ey ku guuldareystaan , waxaana taas keena sida dadku ay u qaabilaan waayaha, waayo waayuhu qofka wax uma dooro ee wuxuu siiyaa wixii uu qofku doortay .

Haddaba si aad waayaha ugu qaabishid sida ugu haboon waxaa laga maarmaan ah inaad xoogga saarto seddexda kastan ee waayahu leeyahay oo kala ah; Shalay, Maanta iyo Berri, mid kastana aad xaqiisa siisid, qormadaan kooban waxay kuu bidhaaminaysaa sida ugu wacan ee aad kastan kasta xaqiisa u siin laheyd.

Shalay oo ah 24tii saac ee ina soo dhaafatay, waa xilli dhammaaday, oo aan soo noqoneyn, waxa ey uun reebtay waa waayo aragnimo iyo dersi xumaan iyo samaan isku dhafan ah, waxayna mudantahay in laga faa’iideysto waayo aragnimada ka hartay, inta laga murugoon lahaa dhacdooyinkeeda xanuunka badnaa, murugadaas ma soo celin karto shalaydaaas tagtay ee dhimatay , mana ahan inaad shalay murugadeeda aad dusha ku sidatid.

Sidee ugu murugooneysaa dhacdooyinkii shalay? ma waxaad dooneysaa in dunidoo dhan ay dib u gurato, wax kastana ey ku soo noqdaan sidey shalay ahaayeen?. Qofka saas daneynaya waa doqon doonaya inuu shiido burka shiidan, taasina waa mid aan suurta galeynin iyo calaacashoo timo ka soo baxeen, horaana loo yiri “Qofkii u ooynaya wax tagay kama soo saari karo mowtada qubuurahooda” waxaana laga maarmaan ah in wax kastoo oo shalay dhacay aad u garato waayo-aragnimo iyo darsi aad soo qaadatay oo aad kaga faa’iideysato noloshaada, Soomaaliduna waxay tiraa “Wixii tagay tiigsimaad ma leh” iyo “Tagto daayoo timaado qabo”.

Adigu ma tihid sidaad shalay aheyd, amaba sidaad ilbiriqsi ka hor aheyd, ee waxaa kugu dhacay is beddel, garaad ahaan, garasho ahaan iyo gu’ ahaanba, sidaas darteed la jaan qaad isbddelka kana dhig mid kuu adeega, hana isku dayin inaad wax ka badasho isbeddelka laftiisa, waxaa laga wariyay Faylasuuf Gariig ah oo la oran jiray Heraclitus inuu yiri “ Ma jiro adduunka wax aan is baddaleynin , tusaale haddii aad webi ku dhacdo ilbiriqsi ka dib webigii laftiisa kuma dhici kartid mar labaad, maxaa yeelay ilbiriqsigii hore ka dib wabigu wuu isbeddelay oo way gudbeen biyihii hore ee aad ku dhacday, xataa adiga laftaadu waad beddelantay, oo ma tihid sidii aad aheyd ilbiriqsigii hore ee aad wabiga ku dhacday”.

Marka maadaama ay noloshu isbeddel aysan hureyn, waxaa kula gudboon inaad isbeddelka iyo dhacdooyinkiisaba aad la jaan qaaddo, waayo hadday shalay abaar aheyd maanta waxay noqon kartaa aaran, hadday shalay aaran aheydna maanta waxay noqon kartaa abaar, kolka waa inaad la timaado isbeddel ku haboon xaaladda aad markaas aad ku sugantahay, kana baaraan dagtaa sidaad ugu qaabili laheyd si wanaagsan, wuxuu waayuhu na barayaa in liinta dhanaan ee sumeysan laga sameyn karo biyo macaan, oo lagu haraad beelo, dhibkii shalayna loo baddali karo maanta dheef loo aayo.

Haddaan isla garanay in dhacdooyinkii shalay loo argo waayo aragnimo looga faa’iideysto maanta, dhanka kale berrito waa waayo nagu soo food leh oo ay tahay inaan ku soo dhaweyno yadadiilo wanaagsan, oo ku dhisan rajo ka badax banaan quus iyo walaac, waa inaad u sii dagsataa qorshe inta aad ka walwali laheyd siduu xaal noqonayo, ma ahan inaad iska indha tirto waayaha iyo aayatiinka waqtigana aad ku lumiso siduu xaal noqon donaa, oo Maxaad kaga walwaleysaa siduu berri xaalku noqon doono? adigoo weli gaarin, Sow ma habboona inaad maanta qabatid howshaa aad berri qabashadeeda ka walwaleyso.

Caalimkii weynaa ee lo oran jiray Abuu Yuusuf oo xilli ka mida xilliyadii Cabaasiyiinta ahaa madaxa garsoorka iyo caddaaladda (Qaadi al-Qudaat) , ayaa Haaruun Al-Rashiid oo xilligaa ahaa Amiirkii majaraha u hayay xukunka Khilaafada Islaamka, wuxuu Abuu Yuusuf ka codsaday inuu kala taliyo arrimaha maamulka dowladda, codsigaas Abuu Yuusuf wuu aqbalay, wuxuuna kaga fal cliayay kitaab uu ku farayaraystay, kitaabkaas oo la yiraahdo al-Kharaaj, talooyinka dhaxalgalka ah ee ku qornaa hordhaca kitaabkaas waxaa ka mid ahaa:

“shaqada maantay , berri ha u dib dhigin, hadaad sidaas sameysid, hoog iyo khasaaraad ka talisay”

Haaruun Al-Rashid wuu qaatay taladii Sheekh Abuu Yuusuf wuuna ka guul gaaray, wuxuuna muslimiinta gaarsiiyay heer aad u wanaagsan, oo ay aqoonta iyo horumarka ku hogaamiyaan dunida oo dhan.

Dhanka kale Abwaan Thons Carlyl oo British ah waxaa xikmadihiisa waarayka mid ahaa :
“Waxba ha ka walbahaarin yadadiilooyinka fog fog ee sheedda ka muuqda ee aan u hanqal taageyno, waxaase waajibku yahay inaan ku dhaqaaqno waxa gacantanada ku jira markaas, innagoo dhan kasta kaga baaraan dagnay xooggana saareynaa sidaan u fulin laheyn, haddaan saas falno waxaa hubaal ah in arrimaha soo socda xal loo heli doono waqtigooda ”

Sidoo kale Dr.Caaid Al-qarni oo ah qoraaga buuga Laa Taxzan (Ha murugoon) wuxuu yiri “Ukaadi aayatiinka intuu ka imaanayo, hana isku murjin berri, waayo haddaad maalintaada wanaajiso berridaadu waa ay wanaagsanaatay”

Waxaa laga yaabaa markii lagu dhaho “Ukaadi aayatiinka intuu ka imaanayo” inay maskaxdaadu ku soo deg degto, sidee suurta gal ku noqoneysaa inaan laga fekerin layskuna diyaarin aayatiinka, is weydiintaas waa mid gar ah, u ogolow ha kaaga jawaabo weydiintaas William Oslar oo ahaa dhaqtar Mareykan ah oo guula badan ka soo hooyay dhanka caafimaadka, wuxuuna sirta guushiisa ku tilmaamay inay tahay ku noolaashiyaha xuduudda malintaada, wuxuuna yiri “In lagu noolaado xuduudda maalintaada ulama jeedo wahsi iyo inaan laysu diyaarin maamlmaha soo socda, maya taasi waa doqonimo , anigu waxaan u jeedaa in jidka ugu gaaban uguna habboon isu diyaarinta aayatiinku inuu yahay inaad xoogga isugu geyso fulinta howlaha markaas ku hor yaa,l una qabato sida ugu reysa, waxayna ila tahay in habkaasi yahay jidka ugu toosan ee la isugu diyaarin karo berrito”

Markaad subaxdii soo toosto ogow in maalinta cusubi u tahay nolol cusub, qofka garaadka leh, maantana ey tahay berridii aad shalay ka walwalsaneyd, maanta u qeybi saacadaheeda daqiiqado , daqiiqdahaasna ka yeelo sanado, ilbiriqsiyadeedana bilo. ilbiriqsi kasto oo maanta ah ugu noolow inay tahay ilbiriqsigii kuugu danbeeyay nolashaada, kuna noolow farxad, daganaan iyo reynreyn, dibna ha u dhigin howl aad qaban karto maanta, ogowna maanta ayaa ah malinta kaliya ee aad hubtid inaad dunida ku leedahay, waayo balanqaad ma jiro oo ah inaad berri gaaraysid, sidaas darteed waxaa kula gudboon inaad maanta ku noolaatid raali galinta Rabbigaaga ,kasbashada rizqigaaga, kobcinta garaadkaaga, korinta jirkaada iyo kalkaalidda dadka gargaarka u baahn, adigoo Ilbiriqsi ka mida ah maalintaas u ogalaaneyn inuu kaaga dayacmo ka shalaayidda wixii shalay ku dhaafay adigoo og inaadan waxba ka baddeli Karin, ama ka walwalidda waxa barri dhici doona, adigoo ogeyn inaad gaareyso iyo in kale.

Ugu danbeyn waxaan qormadaan gaaban ku soo gunaanadayaa tuducyo ka mida gabay baraarujin ah oo tiriyay Abwaankii iyo Feylasuufkii weynaa Abwaan Xaaji Aadan Axmed -Afqalooc – ( AUN) oo uu bulshada ugu tilmaamayay inay ka faa’iideystaan waqtiga, wuxuuna yiri:

Seben tagay mid weli soo socda, iyo saaka waxa jooga
Seddexdaa waqti baa xaal aduun lagu sifeeyaaye
Soo noqod ma jiro shalay wixii saatifoo tagaye
Waxii saad dambeetiyo berina waa su’aal maqane
Waxay ay taladu kuu suuban tahay subaxaad joogtaaye.

W/Q: Zaki Cali Gurey
E-mail: zakigurey@gmail.com
Facebook: facebook.com/zaki.aligurey
Buug Kaashi:

· Laa Taxzan , Dr. Caaid Al-Qarni

· How to stop and start living, Dale Carnegie

SHEEKOOYIN