Qaadka ma beeranee sidee buu dhulkeenna ku yimi?

Warmogeh-540x360

Qaadka ma beeranee sidee buu dhulkeenna ku yimi? 

Waxaad aragtaa dadkaaga oo qayilaya aabbahaa, adeerkaa, walaalkaa, abtigaa, inaadeerkaa ama adiga ayaaba qayila, balse, weli ismaad waydiin su’aashan kor ku xusan. Maadaama oo aanad beeran qaadka sidduu kuugu yimi? Inta aanad raadin bal inta aan aqoonta u leeyahay ama buuggaagta aan ka dheehday aan kula waddaago. Waxa jiray in Soomaalidu laba meelood ay u cilmi doonan jireen. Meeli waxay ahayd dhulka Itoobiya ka kalena waxa uu ahaa Yemen. Labadan dal waxaynu la leenahay xudduud wadaag mid dhuleed iyo mid badeed. labada meeloodna waxa weeye labada meelood ee taariikhda inta badan kaga warramaysey in lagu cuno qaadka ilaa 1200 markay ahayd. Labadaa meelood ayaan xidhiidh isu socod, mid ganacsi, mid dhaqameed, mid cilmiyeed iyo bulsheedba la lahayn, dadkii qaadka ayay ka soo barteen, waxa aannu ugu fiday si xawaare ah.

 

Maxaad ka ogtahay taariikhda Qaadka?

Geedka qaadku waa geed aad u da’a wayn, wakhti dheerna lasoo isticmaalayey. Waxa uu ka baxaa geedkani waddamo badan oo bariga Africa ah sidda Ethiopia, Yemen, Kenya, Ugandha iyo waddamo kale oo farabadan. Dhererkiisu waxa uu gaadha illaa labaatan mitir (20m) laakiin ka dalkeena aadka looga isticmaalo ayaa ah ka dhererkiisu qiyaas ahaan le’eg yahay dhudhunka qofka.

Taariikhda qaadka, gaal iyo muslimba waxbay ka qoreen, inkastoo uu muslimku taariikhdii ugu horraysay uguna badnayd ay ka qoreen. Sidda uu qorayo, qoraa Maxamed Cabdi Daa,uud. Qoraaladii ugu horreeyey raggii wax ka qoray waxa kamid ahaa Ibnu Fadlulaahi Caamiriyi oo noola 1249kii ilaa 1342kii, waxa uu qoray wakhtigaa qoraaggani geedkani inuu yahay geed xabashiyeed, aan midho lahayn, laamihiisa yar yar ee jilicsana la cunno, dadka cunaana waxay rumaysnaayeen inuu fahanka kordhiyo iyo inuu cunada iyo cabitaanka iyo galmaddaba yareeyo. Qoraa muslim ah oo u dhashay waddanka Egypt oo isna wax ka qoray geedka qaadka qarnigii 15aad. Waxa uu leeyahay waxa jiray geed aan midho lahayn oo caleentiisu ay caleenta liinta u eegtahay. Dadkii saylac degenaa ay cuni jireen qarnigii 15aad. Waxa ay rumaysnaayeen inuu fahanka kordhiyo, wixii la ilaawayna in dib loo xasuusto, cunnada, hurdada iyo dumarkaba uu yareeyo.

Intaa kadib reer galbeedka ayaa bilaabay inay wax ka qoraan geedkan qaadka. boqorkii ka tallinjiray Denmark iyo Norway ayaa wuxuu u baahday inuu culimo cilmi baadhis ah u diro dhinaca muslimiinta 1746-1766kii, si ay laba shay uga soo warranto, culuumta botony-ga (cilmiga dhirta) ee wax lagu daaweeyo soo aragta oo war ka keenta, kadib waxa uu diray lix aqoonyahan, laba waxa ay ahaayeen Denmark-yiin, labana Swedish labana waxay ahaayeen Germany, si ay wax uga soo qoraan qaadka. shan kamida way dhinteen ragii, hal nin ayaa ku laabtay, qoraalkiisi ugu horreeyey wuxuu ku sameeyay markii uu gaadhay waddanka turkey-ga. Ninkaasi qoraaladii uu qoray ayaa ugu horreeyey wax reer yurub ay ka qoraan qaadka. Qoraaladda uu qoray waxa kamid ahaa qoraaladdii uu ka tagay nin la odhan jiray Bitar Foshkal, oo botony takhasuskiisu ahaa, swedishna ahaa.

Bitar waa ninkii magaca scientifiga ah ee loo yaqaan u bixiyay ee “Catha edulis Forsk’’ 1792kii. Waxa uu ka dhexbaxaa geedka bunka, caleemihiisa ayaa la cunaa, waxa uu sidoo kale qorayaa in cunista bunka iyo qaadka uu horreeyay cunista qaadku, waxa uu leeyahay waligay ma arag sidda ay yemeniyiintu u cunaan qaadka una jecelyihiin adduunka. Dadka cuna qaadku waxay ii sheegeen buu leeyahay inuu difaaco cudurada la kala qaado. Waxa kale oo ay ii sheegeen inuu dheefshiidka fiicnaysiiyo.

Reer galbeedka wax danbe oo qaadka wax ka qora wax ku soo xigay nin la odhan jiray Bolbota, oo dhakhtar u ahaa boqorkii Masar ka talin jiray ee Maxamed Cali oo faransiis ahaa. Bolbota 1841 ayuu Yemen yimi isagoo cilmi baadhis wada waxa uu ka warramay nooca geedka, waxa uu sheegay inuu ka iib baddan yahay geedka Bunka, siddoo kale wuxuu sheegayaa wakhtigaa Bolbota wixii la saaraaba way dheereeyaan qaadka.

Sidoo kale waxa isna wax ka qoray ninkii la odhan jiray Rijad Botadh oo ahaa nin ingiriis ah, Masar ayuu yimi oo carabiga iyo diinta ku bartay, waxa uu la baxay Sheekh Cabdalla, waxa aannu tagay kacbada, wuxuuna ahaa gaalkii ugu horeeyey ee kacbada wax kasoo qora. Hore ayuu usii socday waxa uu kasoo degey magalada Berbera isagoo sheekh Cabdalla sheeganaya. wuu dhaafay Berbera waxaanu tagay Herrer. Herrer 1854kii mamnuuc ayay ahayd inuu gaal soo galo, laakiin isagu sheekh Cabdalla ayuu ku galay. Waxa uu ku sheegay qoraaladii uu ka qoray qaadka 1856kii inay dadka madaxda ahi cunaan, dadka meesha deganina quutal awliyaa ayay u yaqaneen, waxa ay aamin san yihiin inuu mala awaalka ama khiyaalka kordhiyo, qalbiga inuu farxad galiyo, hurdada inuu yareeyo, cunnada inuu yareeyo, galmadda inuu yareeyo, waxa siddo kale uu leeyahay reer Herer maalin walba qaadka way cunaan, ana Cabdiraxmaan warmooge ahaan waxaan leeyahay shanta Soomaaliyeed maalin kassta qaadka way cunaaan, waxaana kaga baxa qarshi fara badan, balse ma jiro qof kuu qeexi karaya, faa’iidada iyo dheefta uu ka helo.

 

Waxaa qoray:

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

 

SHEEKOOYIN