Qaahira! W/Q: Maxmed Heebaan

Qaahira!

Aniga iyo wiil aan saaxiib ahayn oo la odhan jiray Cali Abuukar Sheekh oo ay qaraabo ahaayeen wasiirkii Axmed Xabiib Axmed ayaa ka soo degnay garoonka diyaaradaha ee Qaahira, annnagoo u soconnay deeq waxbarasho oo aan ka helnay waddankaas Masar.  Bishu waxay ahayd Febraayo. Wakhtiguna beri samaadkii, uu waddanku nabadgalyada ahaa. Doolarku suuqa madow wuxuu ka ahaa 10 shilin, bangigana 6 shilin.  Aniga iyo Cali mid kaya walba wuxuu  watay $30 sodon doolar oo laga soo sarrifay bangigii Soomaaliya.  Sababta ma garanayo, laakiin waxaa nalooga sii digay tagaasida Masaarida, oo aan shaki weyn ka qabnay. Markii aan xafiiskii baasaboorada ka soo gudubney, ayaan airportkii lug kaga soo baxnay, oo aan usoo lugaynay dhinaca magaalada.

Tagsiile magaalada usoo socday ayaa gadaal naga soo gaadhay, wuxuunna noo soo bandhigay inuu nasii qaado, hase yeeshee qiimihii ayaan ku heshiin waynay.  Waxaan wadnaba, waxaan tagsiilihii ogalaysiinay inuu magaaalada oo aad uga fog airportka uu nagu geeyo shan gini, oo dhigantay shan doolar ku dhowaad. Tagsiilihiina wuxuu na keenay suuqa lagu magacaabo Cataba oo ku yaalla badhtamaha Qaahira. Aniga iyo Cali oo labadayaduba mar-dhoof ayaan ahayn, waxaan billownay inaan ku orodno qof kasta oo madow oo aan aragno, annagoo u haysanay inuu qofkaasi yahay Soomaali.

Hoteel ayaan ku dagnay.  Galabnimadiina magaalada ayaan usoo baxnay.  Annagoo dukaamada daawanayna ayaa waxaa noo yimid nin Masri ah oo nagu yidhi, “Caayiziin Shaqqah?”  oo macnaheedu yahay, Guri aad kiraysataan ma doonaysaan?  Laakiin lah-jadii Masaarida ma aanaan fahmin.  Markaas ayaan ninkii dhinacaas uga boodnay annagoo didsan: waxaan u qaadannay inuu yidhi, “Gabdho aad la tumataan ma rabtaan?!”

Aniga iyo Cali  waxaan la xidhiidhnay  safaaraddii Somaalida iyo xafiiskii deeqda waxbarashada.  Laakiin dhowr maalmood kaddib, waxaa uu xafiiskii deeqda waxbarashadu noo sheegay inaan soo daahnay oo loo baahnaa inaan nimaadno bishii September, haddana sida kaliya ee aan fursad ku heli karnaa ay tahay inaan sugno sanadka dambe, inta ka horraysana ay safaaradayadu nasii dabarto. 

Aniga iyo Cali waxaan tagnay safaaraddii, waxaana u sheegnay go’aankii xafiiska deeqda waxbarashada.  Dabadeedna qunsulkii ayaa noo yeedhay labadayadii, mid walbana wuxuu siiyay 10 gini, wuxuuna yidhi, “Tobankaas gini ayaa idiinku horraysa idiinkuna dambaysa lacag ay safaaraddu idin siiso.  Haddii aad u  baahataan in waraaqo laydiin qoro, waan idiin qori, laakiin wax kale yaynaan isugu imanin, ee is dabara!” 

Isla maalintaas ayuu Cali safaaradda ka helay wiil uu muddaba raadinayay oo lagu soo ballamiyay inuu Cali gacan qabto marka uu Qaahira yimaado.  Wiilkiina wuxuu Cali u sheegay inuu kaligiis  uun sii qaadi karo oo uusan aniga meel ii haynin.  Cali uu runtii ka xun inuu cidla  igaga tago, laakiin aan garanayn wax kale oo uu sameeyo, ayaa tobankii gini ee safaaradda laga siiyay igusoo wareejiyay  wuxuuna ii rajeeyay inuu Illaahay  i garab qabto.  Aniga iyo magaaladii Qaahira ayaa naloo kala tegay. 

Dhowr maalmood gudahood labaatankii  gini way iga dhammaadeen..  Aniga oo aan magaalada cid ka aqoon waxaa iigu isugu darmaday fara madhnaan, dhaxantii qaboobayd ee Qaahira, iyo dhibaatada ugu daran oo ahayd anigoo aan haysanin meel aan seexdo.   Waxaa maskadayda kusoo dhacay halku-dheg aan beri hore maqli jiray oo ahaa, “Nimaan hoy lahayn habeenna u galay, Hargeysa maxay u haysaa!”  Alla Hargeysa ii roonaan lahaydaa, ayaan niyada ka idhi. Marka laga reebo inuu cudur halis ihi kugu dhaco, waxaan u malayn inay yar tahay dhibaato ka adag inaad weydo meel aad seexato.

Fikrado badan ayaa maskaxdayda kusoo dhacay, kuwaas oo aan kaga fakarayay sidii aan u heli lahaa meel aan seexdo.  Ugu dambayntiina go’aan baan  gaadhay.  Waxaan sheegtay jilib ka mid ah qabiil ka mid ah qabiilooyinka waaweyn ee Soomaaliyeed.  Maa daama aan magaalada ku cusbaa oo aan cidi iga aqoonin, fikradaas hirgalinteedu way ila fududaatay, waana ku dhaqaaqay.

Maalin dambe ayaa anigoo safaaradda horteeda taagan ayaa waxaa ii yimid wiil, wuxuuna waydiiyay inaan aqaano wiil la yidhaahdo Maxamed, oo Soomaaliya scholarship looga soo diray?  Intaan  dhoollo cadeeyay ayaan ku idhi, “Ninkaad raadinayso waa aniga!”  Wiilkii ayaa isoo kaxeeyay, wuxuuna I keenay guri ay degan yihiin dhalin yaro reer tolkaygii cusbaa ah, dabadeedna sariir baa lay siiyay waxaana la ii sheegay inaan maanta laga billaabo gurigaas wax ka deganaado.   

Inaad qabiil kale sheegato, dhibaatadeeda ayay wadataa.  Waayo waxaad dooni inaad yarayso waqtiga aad la joogto tolkan cusub ee aad sheeganayso, si aad uga fogaato fursado lagugu waydiiyo su’aalo aadan ka jawaabi karin. Fogaanshaha aad fogaanaysana shaki ayuu abuuri, oo waa laba daran mid dooro. Si kastaba ha ahaatee, aroortii ayaan guriga ka bixi jiray, waxaana soo noqon jiray maqribkii.  Wiilashii aan la deganaa way iga yaabeen, waxay ii bixiyeen “Rooraaye!”  Waxaan ku  andacooday inaan ka daba wareego xafiiskii deeqda waxbarashada. Laba ilaa sedex todobaad kadib, wiilashii shaki ayaa galay, waxayna go’aansadeen inay hubiyaan sheekadayda, waxaana la iigu yeedhay Interview! Nasiib darro, Interview-gii waqti dheer ma qaadanin, oo si xun ayaan ugu dhacay!  Waxaa caddaatay in jilibkii aan sheegtay aana wax sidaasaba ka aqoonin. Dabadeedna gurigii waa la iga caydhiyay.  Ama haddaan si sax ah u dhigo, boorsadaydii ayaan qaatay oo waan iska tagay, illeen Meesha waxba iima yaalee.

Aniga oo wax lacag ihi aysan jeebkayga ku jirin, ayaan maalin dambe safaaraddii soo aaday, waxaana codsaday inaan la kulmo Qunsulka.  Waxaan sugo oon  sugaba, goor ay ahayd: 3:00 PM, ayaan qunsulkii ugu galay xafiiskiisa, waxaana aniga iyo qunsulkii dhex martay doodan: 

ANIGA:  Qunsul, waad la socotaa dhibaatadayda.  Haddana wiilkii aan wada soconayna dad uu la dego ayuu helay.  Marka kaligay ayaa meesha kusoo hadhay ee wax ha la ii qabto. 

QUNSUL:  Horay ayaan kuugu sheegay in wax ka badan waraaqo qoris oo aan idiin qaban karo aysan jirin. 

ANIGA:  Maxaan sameeyaa, shilin lacag ah ma haysto, safaaraddana meel aan uga   baxo ma garanayee? 

QUNSUL:  Wallaahi taasi adigay ku jirtaa. 

ANIGA:  Waad ogtahay aniga dowladda ayaa isoo dirtay, duruuftayda oo dhanna waad la socotaa.  Maxaa dhacay, miyaydaan meesha u fadhiyin inaad wax u qabataan dadka Soomaaliyeed? 

QUNSUL:  Intuu jiiday sigaar uu cabahayay, oo uu qiiqii usoo afuufay dhinacaygii, ayuu yidhi, “Waxaad u hadlaysaa sida baay-hoofka!” 

ANIGA:  Oo baay-hoof maxaan dhaamaa? 

Qunsulkii hadal intaas ka badan ma sugine, intuu kacay ayuu igu yidhi, “Xafiiska waan xidhayaaye kasoo  bax!” 

Aniga oo ay talo igu ciirsan tahay, oo safaaraddii oo laga kala tegay meel aan uga baxo garan la’, ayaa waxay  ishaydu ku dhacday gabadh maxajabad ah oo xafiiska sakratariyadda hor taagan.  Mar labaad ayaan gabadhii jalleecay, waxaana u maleeyay inaan gabadhaas meel ku arki jiray, laakiin ma aanan hubin.  Dabadeedna intaan gabadha xageedii usoo dhaqaaqay ayaan salaamay, waxaana waydiiyay inay dhigan jirtay Dugsida Sare ee Faarax Oomaar ee ku yaalla magaalada Hargeysa.  Gabadhiina waxay ku jawaabtay, “Haa waan dhigan jiray.”  Kolkaas ayaan soo xusuustay inay gabadhani ka mid ahayd gabdhihii ka tirsanaa ururkii la odhan jiray Waxdatu-Shabaabul-Islaam oo  xoog ku lahaa dugsiyada sare ee Hargeysa.  Waxaan waydiiyay magaceeda waxayna u sheegtay in la yidhaahdo Saynab.  Muddo yar kolkii aan wada sheekaysanaynay, ayaan gabadhii u sheegay dhibaatadii I haysatay.

Saynab oo iyada lafteedu ardayad iska ahayd aad iyo  aad ayay uga xumaatay dhibaatadaydii waxayna iga codsatay inaan wax yar sii sugo.  Saynab waxay ii keentay 10 gini oo ay kasoo amaahatay gabadh ay saaxiib ahaayeen oo safaaradda horteeda ku sugaysay, isla markaana waxay Saynab ii  sheegtay inaan berrito aroortii isugu nimaadno safaaradda horteeda.  Aniga oo ay iga ruqday ayaa halkii ka tegay. Aroortii dambe ayaan safaaradii imid.  Muddo yar kadibna waxaa isa soo taagay Saynab iyo gabadh ay saaxiib ahaayeen oo tagsi  wata, waxayna ii qaadeen gurigoodii halkaas casuumad la iigu sameeyay.  Saynab waxay guri la deganayd laba gabdhood oo iyaguna arday ah.  Anigoo oo muddo dheer dalam-baabi ku jiray naftii ayaa igusoo noqotay oo waan nastay, muddo 15 beri oo isku xigtayna waxay ahayd markii iigu horraysay ee aan qabaysto.  Sababtoo ah haddiiba aan helo meel aan seexdo, meelahaasi waxay ahaayeen meelaha Qaahira ugu raqiisan oo aan xataa biyo kulul lahayn, biyo qabowna warkooda daa qabowga jiray dartiis.  (Soomalidu waxay tidhaahdaa Abaal qof gala la arag, qof gudase lama arag.  Intaan qurbaha soo galay Soomaali badan ayaa wax ii qabatay.  Gabadhaasi waxay ka mid tahay kuwa aanan illoobi Karin.)

Tobankii gini ee gabadhii Saynab I siisay way iga dhammaadeen, dabadeedna talo waxay igula soo noqotay meeshii aan ka billaabay.  

Markan waxaan diiradda saaray nimankii safaaradda ka shaqaynayay. Nin la odhan jiray Cabdiqaadir oo ahaa Sekratariga kowaad ee safaaradda il naxariiseed ayuu igu fiirin jiray, laakin awood ma uusan lahayn.  Qunsulku il-naxariiseed iguma fiirin jirin, oo faylka waan ka saaraay.  Safiirku wuxuu ahaa nin aamusan oo aan hadlin, marka isagana kuma tashanin. Waxaan ku nasiibsaday ninkii safaaradda u qaabilsanaa arrimaha milatariga oo magaciisa la odhan jiray Baasaale, waxaana u malayn inuu ka yimid magaaalada Beled-weyne.  Baasaale wuxuu lahaa wiil dhalin yaro ah oo da’dayda ah oo markaas billaabayay Jaamicadda Qaahira.  Baasaale waxaan u sheegay sheekadayda oo 100% la xaqiijin karo: in deeq waxbarasho la ii soo diray; laakiin aan soo dib dhacnay; oo la yidhi sanadka dambe suga; Wiilkii ila socday inuu dad helay; in aana magaalada cid ka aqaoonin dhibaatada iigu daranna ay tahay inaana haysan meel aan seexdo.

Baasaale wuxuu ahaa nin naxariis badan.  Isla markiiba wuxuu go’aaansaday inuu I caawiyo. Xafiiska milatariga waxaa u kiraysnaa dhowr guri oo loogu tala galay askarta iyo saraakiisha Qaahira u iman jiray ama caafimaad ama taba-bar.  Qol ka mid ah ayuu furihiisii I siiyay, wuxuuna ii sheegay in marka qolkaas loo baahdo aan furaha keeno, isla markiiba. Sidaas ayaan ku heshiinay.  Qolkaas waxaan deganaa hal bil. Kadibna saraakiil ayaa Qaahira yimid, dabadeedna qolkii furihiisii waan celiyay.

Meel kale oo aan aado ma garanaynin, sidaas darteed waxaan tegay gurigii wiilashii uu la deganaa saaxiibkay Cali Abuukar.  Gurigu wuu buuxay oo meel la seexdo ma lahayn, laakiin wiilashii guriga deganaa waxay ii ogolaadeen inaan ku seexdo kursiga qolka fadhiga yiilay. Laba todobaad ka dib, saaxiibkay  Cali Abuukar Somaaliya ayuu ku noqday, marka wiilashii waxay I siiyeen sariirtii uu ku seexan jiray.  Markaan wiilashaas la degay, ayaa iigu dambaysay inaan ka wer-wero cunto iyo meel aan seexdo.  Wiilashaas dhammaantood waxay ahaayeen Habar-gidir, waxayna ahaayeen niman akhyaar ah.  Iyaga dhexdooda way kaftami jireen, oo way is-dacaayadayn jireen had iyo jeer.  Laakiin aniga waxay iila dhaqmi jireen si qadarin iyo ixtiraam leh: toddoba bilood oo aan la deganaa, ma jirin mid iyaga ka mid ah oo xataa si kaftan ah iigu yidhi hadal yar oo aan qoonsado, mid shucuurtayda dhaawaca warkiisa iska dhaaf!  Wiilashaas waxaa ka mid ahaa Cabdinasir Cusmaan Maxamed, ina-Xabeeb, Cabdulqaadir Cilmi, iyo kuwo kale, iyo kuwo kale.

Markuu iga hadhay fekerkii cunto iyo meel aan seexdo, waxaan billaabay inaan barto luqada carabiga.  Markii hore waxaan galay iskuul dadka ajnabiga ahi ay luqada ka bartaan oo la odhan jiray ‘Orman’, waxaan isku fasal noqonay gabadh ka timid Japan, wiil ka yimid Turkey, fasalka intiisa kale waxay ka yimaadeen Afrikada Galbeed, sida Ghana, Nigeria IWM.  Markaan fasalkii kasoo baxnay, ayaa waxaan meel ka aragnay dhowr gabdhood oo Somaali ah oo fasal kasoo baxay.  Markaas ayuu wiil ka yimid Ghana yidhi, “Uxib-bus-Somaaliyaat!” oo ah Gabdhaha Somaaliyeed waan Jeclahay.  Waxaan ku nidhi, “’maxaad ku jeclaatay?’ Wuxuu yidhi, “Li-anna-hunna Jamiilaat!” Quruxda ayaan ku jeclaaday.  Waxaa iga yaabiyay siduu u yaqaano naxwaha Carabiga.

Laba maalmood kadib, iskuulkii waan iskaga baxay, maadaama aan luqada aasaaskeeda ka dhisnaa, waxa aan aad ugu baahnaana uu ahaa kalmadaha macnahooda (vocabulary), waxaan go’aan saday inaan iskay u barto. Maalin walba waxaan soo iibsan jiray wargayska Al-Akhbaar oo aan ku jeclaaday maqaal yar oo lagu magacaabo ‘Fikrah’ oo uu qori jiray Mustafa Amiin oo ka mid aha kuwa ugu caansan suxufiyiinta Masaarida, isaga iyo walaalkii ayaa aasaasay daarta akhbaar-el-yowm ee soo saarta wargeyska al-khbaar.  Dabadeedna waxaan tegi jiray waddada loogu magac daray Jaamicadda Carabta, oo ahayd waddada ugu weyn, uguna qurux-badan Qaahira waqtigaas, oo lahayd doog indhaha u roon, iyo geedo hadh-qabow. Dabadeedna wargayska ayaan akhriyaa, kalmad kasta oo aan macnaheeda garan waayana hoosta ayaan ka xarriiqaa. Dabadeedna kalmadhihii aan hoosta ka xarriiqay oo dhan ayaan waraaq kusoo qortaa, kolkaas ayaan habeenkii la iman jiray Naadiga Ardayda Soomaliyeed, markaas ayaan weydiin jiray qof kasta oo aan u maleeyo inuu iga caawin karo.

Berigii dambe waxaan helay nin dhallinyaro ah oo aan u malayn inuu shahaado sare dhiganayay ama dhammaystay oo luqada Caragiga siduu yaqaanay ayna caadi ahayn. Si ay kalmaddu maskaxdaada ugu dhagto wuxuu kuu galin tusaale.  Maalin ayaa kalmadaha aan keenay waxaa ka mid ahayd kalmadda Al-wisaadah.  Wuxuu yidhi “Al-wisaadah, waxaa weeye Barkin.  Ixsaan Cabdul-quduus wuxuu leeyahay ama qoray sheeko Cinwaankeedu yahay, Al-Wisaadah Al-khaaliyah, ama barkintii bannaanayd ama aan cidi ku jiifin. Waxaan gadaal ka ogaaday in Ixsaan Cabdul-quduus uusan ahayn qoraa caan ah kaliya, balse uu ka dhashay qoys qorayaal ah, waayo hooyadiis waxay ahayd Rose al-yusuf, haweenaydii aasaastay Majallad cusub sanadkii 1925, ee siisay magaceeeda, Rose-Al-Yusuf.  Waxaa kale oo aan ogaaday in haweenaydaas magaceedii asalka ahaa uusan ahayn Rose, balse uu ahaa Fatima.  Laakiin way badashay magaceedii Muslimk ahaa, waxayna qaadatay Rose, sababtuna waxay ahayd reer-galbeedayntii xoogga lahayd ee waqtigaas ka socotay Masar iyo dunida Islaamka oo dhan. 

Waa reer-galbeedayn ay jiilalkii dambe ee Islaamiyiintu cagta-mariyeen, oo ay ka tirtireen dunida Islaamka.  Sida uu dhaqanku isu badalay waxaad ka garan in, Maxamed Cabdul-quduus oo ah wiilkii uu dhalay Ixsaan, oo ay Rose ayeeyda u ahayd uu ka mid ahaa Islaamiyiintii Reer-galbeedaynta kafanka u tolay, ee qabriga ku hubsaday!

Maalin ayaa waxaan tagay magaalada Al-askandariya. Galabnimadii ayaan soo fadhiistay makhaayad laga buuxo oo kubad laga daawanayo.  Dadka Masaaridu kubadda cagta aad ayay u jecelyihiin, laakiin waxay  taageeraan oo kaliya laba kooxood: Al-Ahli oo dadka badankoodu taageeraan, inta soo hadhayna waxay taageeraan Zemaalik. Marka inaad kubbad la fiirsato xiiso ma leh sababtoo ah  dadka Meesha jooga oo dhan hal koox ayay taageerayaan. Maalintaas iyada ah waxaa ciyaarayay  Al-Ahli iyo koox yar oo magaalo yar ka socotay oo layidhaa Koroom. Maadaama dadka makhaayadda jooga oo dhan ay Al-Ahli taageerayeen, waxaan jeclaystay inaan kooxdii kale iska taageero. Mid ka mid ah ciyaartoydii Koroom ayaa kubaddii si fiican u ciyaaray oo darbad fiican ku laaday goolkii Al-Ahli.  Markaas ayaan si fiican ugu sacbiyay!  Dadkii makhaayadda joogay oo dhan ayaa hal mar wada aamusay, oo isoo wada fiiriyay, sidii anigoo dambi weyn galay! 

Nin dhallinyaro ah oo agtayda fadhiyay ayaa dadkii oo dhan u hadlay oo I waydiiyay, “Xad-ratak min eeyn?”  wadankeed ka timid?  Waxaan ku idhi waxaan ka imid Somaaliya. Intuu qoslay oo uu kor u dhawaaqay ayuu yidhi, “War Bal ninkan fiiriya!!  wuxuu Somaaliya uga yimid inuu kooxda Koroom sacabka u tumo!” Dadkii makhaayadda joogay oo dhan ayaa qosol u daatay!

Hooyooyinka Soomaaliyeed gabdhahooda magacyo kala duwan ayay u bixiyaan.  Maraka qaarkood waxay u bixiyaan magac lacageed sida Isterliin.  Maraka qaarkood waxay u bixiyaan magac magaalo sida Baarlin. Maraka qaarkood waxay u bixiyaan magac wadan sida Iglan(England).  Maraka qaarna waxay u bixiyaan magac ay maqleen, balse aysan macnihiisa garanaynin.  Gabadh Somaliyeed ayaa Qaahira timid. Gabadhii xafiis ayay wax uga baahatay, marka waxaa raacay nin aan saaxiib ahayn oo uga turjumayay.  Ninkii masriga ahaa ayaa gabadhii waydiiyay magaceeda, gabadhiina waxay tidhi “Safiiha”.  Ninkii Masriga ahaa intuu labada gacmood madaxa saartay ayuu yidhi, “Yaa Saaaaaaaaaaaaaaaatir!!” Masaaridu magaca ilaahay(swt) ee Saatir waxay isticmaalaan markay  maqlaan wax dhakafaar ku rida.  Safiiha macnaheedu waxaa weeye “way waalan tahay!”

Qormada dambe waa…Khartoum, la soco inshaa’Allah.

W/Q: Maxamed Heebaan   

<mohamed18456@gmail.com>

NAGA LA SOO XIRIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN