QABIILKA IYO QIIMIHIISA. W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

QABIILKA IYO QIIMIHIISA

Qabiil marka laga hadlayo wuxuu Allah u sameeyay in dadku iskaga aqoonsadaan qaybaha kale ee bulshada, si loo kala garto Qofka Xigtada kuu ah iyo qofka aan kuu ahayn, qofka mudan dhaxalkaaga iyo qofka aan mudnayn, qofka marka aad dhib gaysato ama laguu gaysto mudan in uu dhibkaaga qayb ka qaato ama wax ka baxsho, way fara badan yihiin marka laga hadlayo ama la tilmaamayo asbaabaha uu Allah u sameeyay Qabiilka iyo sida uu inaga doonayay in aan u noqono.

Qabiil la’aan ma jirteen Qaraabo iyo Xigto toona , sidoo kale Qabiil la’aan ma jirteen is garasho dhex marta qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyada oo Bulsha ahaan loo wada nool yahay ayaa hadana waxaa jira in si gooni ah la isku kala xigsado, sidaas darteed faa’ido badan ayaa ku jirta ayaa la oran karaa samaynta uu Allah inoo kala sameeyay Qabiil Qabiil.

Wax walba oo dunidan ku sugan waxay leeyihiin xuduud aan la doonayn in la gudbo, wax walba oo xadkooda la dhaafsiiyana waxay keenaaan dhibaato ka timaada xagooda, taas oo sababta bur bur dhinac walba ah ama tiiraanyo uu qofku ka dhaxlo waxaas uu ku xad gudbay.

Qabiilka asbaabaha loo sameeyay waanu soo sheegnay, waxaana moodaa in aan ka bixinay ama dhaafsiinay xadkii loogu tala galay, kadibna natiijada ka dhalatay ayaa waxay noqotay mid sababta in aan maanta ku dullowno Dariiq walba oo Dunida ka mid ah.

Waxaa igu dhalshay in aan qormadan qoro asbaabo ay ka mid tahay heerka  ay ka gaareen cabsanaanta ama aaminsanaanta ay aaminsan yihiin Qabiilka Qoomka aan ka dhashay, marka aan leeyahay Qoomka aan ka dhashay kama wado Qabiilkayga, ee waxaan ka wadaa Qaran ahaan ama Issir ahaan Dadka aan kasoo jeedo ee Soomaalida ah.

Waxaan arkay Dad la dhihi karo Astaan ayay u noqon karaan Bulshada, oo hamuun fiican loo qabay aadna loogu han waynaa, balse, mararka qaar ay kasoo fakato firxumada ay Soomaali oo dhan maanta faraha la wada galeen ee ah saamaynta Qabyaaladda.

Waxaad arkaysaa in dadkaas qaarkood ay  kusoo qoraan baraha Bulshada tilmaamo tilmaamaya haybtooda iyo sida ay ugu qanacsan yihiin qaab Beeleedka maanta loo wada jihaysta ee aan jihada wanaagsan tilmaamayn, jahwareer iyo jahanamo ku hoobasho mooyee, jiscin iyo jano la isku hogaansho midna aan astaan u lahayn.

Dood yar oo kooban ayaa ina dhex martay waana midda igu dhalisay in aan qormadan qoro, doodaas ayaa waxay dhex martay Nin aanan jeclayn in aan Magicisa halkan ku sheego, u jeedadana ma ahan in aan isaga dhaleecaynayo ee waa in hammi sare oo aan ninkaa ku maleenayay iyo heerka uu hankiisa gaaray ay igu noqotay wax aan la qaadan Karin.

Qormooyin gaagaaban oo la dhihi karo qaarkood tix ayaa ka muuqatay, qaarna uu shaqsiyaad beeshooda ah ugu magacaabo shaqsiga Sanadka ee beeshiisa markii aan arkay ayaan ku iri qormo gaaban “noqo Nin Qaran inta aad noqon lahayd Nin Qabiil” jawaabta uu baxshay runtii ma xumayn marka lala miisaan dhigo heerka nololeed ee bulshadeena maanta, si kooban ayuuna iigu yiri “Qaranimo laygama badna, Qabiilna sidoo kale, Siyaasadda Soomaalia maanta Qaranimo maba taalo”.

Waa hadal kooban runtii, xumaana uma arkin, balse, heerka aan ka filayay in uu istaago ninkaas iyo jawaabtiisa marka loo eego heerka ay taagan tahay waxay ku tusayasaa in Dad badan oo umaddeena ka mid ah ay Rajo dhigeen kana raja dhigeen Qaranimo in wax lagu doono, halkii Qaranimo wax laga raadin lahaana ay ka door bideen in Qabiilka xagiisa wax loo raadsho, waana fikir jira oo dad badan oo Soomaali ah ay maanta wada qabaan, in qabiil walba uu isagu isi soo dhiso kadibna la isugu yimaado Qaranimo,  balse, waxaa jirta su’aal aysan Dadku marnaba is waydiin, marka qabiilkaaga aad soo dhisto kaba soo qaad in aad kusoo wada heshiisaan hal wax, kaas oo ah in Danta Beesha mar walba la soo dhacsho oo danta beesha ay tahay biyo kama dhibcaan, sidee barri inta la isugu yimaado loogu wada shaqayn karaa Qaranimo ileen qof walba wuxuu meesha u yimid in uu difaaco Xaqa Beeshiisa.

Waxaan filayaa waa su’aal u baahan jawaab caafimaad qabta, Qabiil dantiisa marka laga hadlayo wax dhamayn kara maba jirto, Qabiil walba wuxuu doonayaa qaybta ugu wanaagsan xil ahaan Qaranimada, haddii uu waayana waxa uu kusoo hadaaqayo ayaa ah Bahdilaad ayaa nalagu sameeyay, xaqeenina waa lagu tuntay, sidaa darteed Dowladda waanu kala laabanay kalsoonida.

Hadaba waxaa wax iska cad ah Nin ku yimid difaaca danta Beeshiisa in uusan marnaba u shaqay Karin danta guud sababtana waxay tahay, maba ahan shaqada uu u yimid ee loo soo doortay in uu u shaqeeyo Danta guud, ee waa difaaca Danaha gaarka ah ee Beeshiisa waana marka sida dhabta ah loo hadlo.

Qofku waa in uu leeyahay Himmad ah in uu Isir ahaan wax kula qaybsado Dunida, marka issir laga hadlayana waa Soomaalinimo, dunidana waxay ku wanaagsantahay oo aad kula tartami kartaa xaqaagana ku heli kartaa iyo waliba sharaftaada marka aad u socoto Danta guud ee dadkaaga dhamaantood ee aadan u socon Danta Qoyskaaga.

Qoyskaaga waa qayb kooban oo Bulshada ka tirsan, ma ahan mid meel ku gaari karta hankeeda Midnimo kasta ay suubiso, mana noqon karto Qaran oo dunidaba kama jiro Qabiil qaran ah, marka qaabka aan u aaminnay Qabyaaladda waa qaab sii bur burinya jirtaankeena dambe ee Qaranimada ee amaa laga fiicnaa lahaa in aan u jeesano qiimaynta qof walba ku waynaan karo ee ah Qaranimada.

Qof walba oo Qabiil lagu xanto ama lagu tilmaamo in uu Qabyaaladaysta yahay waxa uu la soo istaagayo ayaa ah in uusan diidayanyn Qaranimo, waxa uu u dirirayana ay tahay Qaranimada, balse, uu ku doodayo in ay tahay marka hore in hoos laga soo bilaabaa dhisidda Bulshada.

Ma Qabiil la dhiso ayaa Qaranimo lagu gaari karaa?

Qabiilka qiimihiisa wuxuu noqon karaa marka midka kugu beesha ah ee gaajaysan aad Gaajada ka saarto micnaha waxa aad haysato aad wax ka siiso, u dhisto Guri wanaangsan, Waxbarasho haddii aad ugu deeqi kartana aad ugu deeqdo, Diin ahaan aad dhisto, barto sida loola dhaqmo Bulshada kale ee Darriskiisa ah, tustana in dadku ay xurmo wada leeyihiin, in la isku xad gudbaana ay Xaq darro tahay, xaqiisa marka uu raadasanayana uu waddo wanaagsan u maro, balse, marka aad ku tar tariiso in uu iska difaaco Darriskiisa oo aad u tusto in Darriskiisa ay dhulkiisa boob ku yihiin, in daciifnaan aan laga dareemin oo mar walba durbaankiisa uu kor u haystaa, in uu difaaca danaha Beesha ee uusan difaacin danta guud, inaad u tustaa ku xad gudubka Beelaha kale ay in ay tahay Difaaca Sharafta beeshooda si looga cabsado, in aad mar walba ku faaniso Beeshiina Beelaha kale hortooda adiga oo tusaya in aad ayaga wax dheertahay.

ku faanintaanka beeshaada aad ugu dhex faanto Bulsho kala duwan dhexdooda waxay keentaa in ay abuurto Cadaawad kale ama kiciso Qabyaalad kale, maxaa yeelay dadku isku wada mid maahan haddii adiga aad garatay sidaa, waxaa jira kuwa kale oo kugu garaad ah oo sidaada oo kale u faani kara, waxa aad muujinaysa oo kalana muujin karo, marka waxaa wanaagsan in aad mar walba ka fogaataa waxa kicin kara ama u ekeesiin kara in aad tahay Nin beeshiisa ay beelaha kale ka sarayso, ama Sad gooni ah bursanaya,  iyadoo ay jiraan Dad uu kaala dhaxeeyo sadkaas.

Dadkeena waxaad mooddaa in xoogaa faham darro ah ay ka jirto qaabka la iskula fahmo Danta guud iyo danta gaar ahaaneed iyadoo Dadka qaar ay u fahamsan yihiin in marka la dhiso danta gaar ahaaneed la heli karo danta guud, laga yaabee in aad igula yaabtaan qeexidda qaabkan aan u qeexay, balse, tusaala yar haddaan ku siiyo bal eeg Ninka ku oranaya danta gaarka ah ee beesha waa in la wada gartaa lagana wada shaqeeyaa markaasna loo gudbaa danta guud .

Qofka sidaa oranaya wuxuusan ogayn in Danta gaarka ah ee Beesha ay ka qiimo badan tahay danta guud, danta gaar ahaaneed ee beeshiisuna ay tahay wax iska kooban oo ku kooban danaha beeshooda, balse, marka danta beesha lala simo danaha Qaranka, oo la yiraahdo iyada oo danta beesha aan la hirgalin danta qaranka ma soconayso, markaas waxaa la cadeeyay in Qarannimo ay ka qiimo badantahay Qabiilnimo.

Qof walba oo Soomaali ah waxaa saaran Mas’uuliyad ah, in maanta waxa uu u nasab sheeganayo ay tahay Soomaalinimada, waxaana wanaagsan in mar walba muhiimadda la siiyo Sawirka wayn ee muuqda, maanta meel walba oo aad Caalamka ka marto marka lagu soo qabto waxa laguugu yeerayo ayaa ah Soomaalinimo, ma jirto cid garanaysa Beeshaada ama kuugu yeeraysa, marka haddiiba sidaa ay tahay miyaysan wanaagsanay waxa aad dhab ahaan u tahay in aad u dhimato, taas oo ah Soomaalinimada una dadaasho sidii ay meel sare ku gaari lahayd.

Dadka qaar ayaa ku andaconayaa in la kala tagay, la kala aamin baxay, waxa kaliya ee ay maanta Soomaali iskugu imaan kartana ay tahay in Qabiil walba isi soo dhiso taas oo aan u arko aniga Qabiilnimadii shalay aan Hubka iskugu qaadanay oo aan maanta sii casriyaynayno, micnuhuna uu yahay aan marka isku dagaalno si ka duwan sidii hore Qallinka aan isku taagno, dhaqaalaha aan isku adeegsano, jug jug meeshaada joog waaye, shalay haddii Qabiil mutaxan aad u dhimanaysay maanta waxaad u dhimanaysaa isla qabiilkii oo aad shaarka ka badashay, adiga oo marka ku andacoonayo in aad deegaankaaga iyo dadkaaga aad soo nabadeesay horumarna gaarsiisay, mana jirto runtii qof sidaa gaarsiin karo beeshiisa dariiq walba ha u maro.

Wax walba waxaa jira Qariirad uu Allah u jeexay, haddi laga weecdana waxaa hubaal ah in Khasaaro mooyee qayb wanaagsan aan la kala dhaxlayn, bal is waydii adiga maanta sidaas dariiqyada Yurub iyo America la taagan danta beeshayda, ka waran haddaad ku dhex sugnaa lahayd Muqdisho ama Balad wayne, ama Baydhabo, meel aad saaka wax kasoo heshana aysan jirin, Nabad in aad kusoo laabanayso iyo in kalana ay su’aal ka taagan tahay, ma oran lahayd Danta beeshayda? jawaabta waa maya, maxaa yeelay Duruufaha aad ku sugantahay ayaana marnaba kuu ogolaanayn, waxa kaliya ee aad markaa ka fakaraysa ayaa noqonaya, sidee ku heshaa Quudkaaga, iyo sidee nabad ku heshaa? marka Jawiga aad ku sugantahay ee waliba shaqo la’aanta ah ama firaaqada aad wax aad ku qabato waysay ayaa la oran karaa waa midka sababay in aad sidaa u fakarto.

Magac haddii la doonayo in la helo waxaa wanaagsan in lagu helo Dariiqa wanaagsan ee uu Allah jeexay, inta aad Siyaasadayn lahayd Danta Beeshaada, soo kama wanaagsana in aad Bani aadamyso oo dadkaaga ama Qaraabadaada waliba inta  kuu sii dhow, inta baahan ee aan Caawa ama Maanta Dabka shidan Karin aad Dabka u shiddo, ama kan xanuunsan ee aan dhaqaalo uu dhaqaatiir ku aado aanan haysan aad dhaqtar geyso oo dawayso.

Kulamada Soomaalida dhexdeeda ka dhaca marka la isugu yimaado kulan Beeleed ayaa sida badan u badan mid saldhig looga dhigo Siyaasad, ama dullan la dulmayo Beelo kale, ama hub aruursi lagu doonayo in la isaga difaaco Beel kale oo markaa la is tusaaleeyay in ay Qatar ku yihiin Degaanka beesha iyo danahooda gaarka ah, balse, wax su’aal aan la iska waydiin Dadka masaakiinta ah ee labada dhinac uga waxyeeloobi doono, ama beelaha kale ee aan shaqada ku lahayn ee uu gaari doono waxyeelada dagaalkaas Xoolo iyo Dad iyo degaanba.

Hadaba ma xuma in Beel ahaan loo shiro, balse, shirkaas wanaagiisa ayuu yeelan karaa, haddii uu yahay mid aan waxba loogu dhimayn Addoomada Allah dhinac walbaba, xumaana waa yeelan karaa, marka uu noqdo mid looga hadlayo Munkar (Xumaan) markaasna ciqaabtiisa ayuu yeeshaa.

Nolosha sideedaba waa Cashar, in wax laga bartaa ayayna ku wanaagsan tahay, haddii aadan waxba ka barana waxyeelada ay kuu gaysanayso ayaa noqon doona kuwa aadan kasoo waaqsan, Cashar inagu filan qaabka Qabyaaladda ama Qabyaaladda siyaasadaysan waan wada ognahay in uu Rubac Qarni Jiillal badan uu inaga lunshay, Dad badan oo ehelkeena ahna maanta ay Darxumo adduunyo ku haysato Daafaha dunida, kuwa kalana ay God u galeen, waliba ayaga oo Dariiqa ay ku dhinteen aan la mahdin oo la oran Karin Dariiq wanaagsan oo Janno lagu galayo ayuu ahaa.

Qabiilka wuxuu qiima leeyahay marka uu istaakulaynayo, iskuna taakulaynayo waxa uu Allah raali ka yahay  nuuca ay doonaan ha ahaadaan, sidoo kale wuxuu qiima ku leeyahay marka dadka taagta daran ee Qaraabanimada Xaqa u leh la taakulaynayo, kan jirana la dabiibayo, kan gaajoona la gaaja tirayo, kan Cayrta ah ee wax uu xirta aana haysana la arrad tirayo, qiimaha Qabiil ee wanaagsan waa midkaa, sidoo kale kama marna Qabiilka in uu sharaftiisa difaacdo marka lagu soo xad gudbo, balse qaabka loo qeexayo ku xad gudbiddaas iyo is difaaciddaas waxaa ka imaan kara su’aalo badan, runtii jawaabta aan kusoo koobi lahaana waxay tahay in dariiq wanaagsan la isku difaaco Diinta inta ay na fartay ee kuu banaynayso in aad difaacato Xaqaaga, taas ayaa dariiqa toosan ah.

Fahamka Dadka mar walba wuu kala duwanaan karaa, oo mar walba oo afka kalimad laga yiraa, adiga dhahay macna ayay kuu leedahay ama aad ugu tala gashay, kan kaa maqlayna macno ayuu u yeelanayaa, ama sida uu u fahmay ayuu u dabaqayaa wanaag iyo xumaanba, sidaa darteed, aniga Qoraha ah ee qoraalkan ma oronayo gabi ahaanba fikirka aan meeshan ku qeexay ayaa wada saxan,  balse, waa sida wanaaga iila muuqatay ee aan u qeexi lahaa qiimaha Qabiilka, si looga fogaado wax yeelada sharta ah ee ku salaysan Caddaalad darrada iyo dulliga aan maanta dhex joogno,  balse adiga aqrinaya qoraalkan waad u arki kartaa si ka duwan sida aan ula jeeday eedna kuma lihid haddaad eed iigu soo jeediso, maxaa yeelay waa wax aan filayay, mar walba oo aan kalimad iraahdana ma filayo in dadka oo dhan ay u fahmaan, ama u dhadhansadaan sida aan aniga u qeexay, ama aan la rabay macna ahaan.

Hadaba Caqliga ha shaqeeyo, oo qofka marka uu abaabulayo Shirar ama uu shirinayo Dadka xigtadiisa ah ha siiyo muhiimadda koowaad ee camalkaas uu qabanayo in ay noqoto camal uu Allah raali ka yahay, iyo sidoo kale in uu noqdaaa camalkaas camal wax u wada tari kara Bulshada guud ee aan diiradda kaliya saareen bulshada uu markaa ka dhashay.

Waan ka cudur daaranayaa xar xariiqan yar, haddii aan ku isticmaalay erayo aanan haboonayn, wanaag ayay iga ahayd xumaana ulama dan lahayn, wixii aan saxay Allah xagiisa ayay ka ahaadeen, wixii aan qaldayna daciifnimadayda iyo Shaydaan ayay ka ahaadeen, aad ayaad idinkugu mahad cleinayaa aqriska aad iqriseen Qoraalkan.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.