Qabyaaladda iyo Qalalaasaheeda! W/Q; Hodan Sheikh Cumar

Qabyaalada

Qabyaaladda iyo Qalalaasaheeda!

 

Ummadda Soomaaliyeed  waa dad mid ah. Waa sida geed iyo laamihi.  Soomaalidu waxay ka mideysan yihiin  wax yaaba badan,  sida; diinta, luuqadda, dhaqanka, sinjiga iyo midabka, intaa oo kaliya ma ahan, oo dadka soomaalida ah waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin dad aan sinaba ku kala duwanayn.

Nasiib darro soomaalidu kama faa’iideysan wada dhalashadooda, ee waxay ku mashquuleen baddalkeeda iney isku dilaan ama isku midab takooraan ba  wax ka baxsan diinta Islaamka iyo dhaqankii suubbanaa, ee soomaalida, taasi waxaay hormuud u noqotay burbur ka dhaca gayiga soomaalida iyo kala qaybsanaan fool xun, kumannaan calan ku sheeg iyo kumannaan madaxeeyneyaal ku sheeg ayey soomaalidu leeyihiin yoomka maanta ah, oo kulligood ku salaysan qabyaalad salkana ku haya qabiil la daboolay.

Tan kaliya ee sababtay arrinkaas kala qoqobnaanta ah, ayaa wuxuu yahay uun qabyaaladda oo kaliya, anoo og in wax waliba qaddarta Eebbe weyne ku dhacaan, haddana, runtii ma dhihi karo wax kale ayaa keenay ama keeni lara, maxaa yeelay, qabyaaladdu waa cudur sideedaba, haddana, ani ahaan uma arko cudur fudud.

Runtii waxaan ku matalay ama ay iila mid tahay cudurrada dilaaga ah, oo la sheego ineysan daawo lahayn ama aan lahayn dabargoyn rasmi ah.

Cudurka nuucaas ah qof soomaali ah oo ka nabad qaba waa uun yar yahay, oo waa fara ku tiris, waan isku dilnaa, oo waan isku riixnaa, goob kasta iyo guri kastana waan ku haynnaa.

Fadhi ku diriryada waxaa looga hadlayo haddii aad u fiirsato waa uun qabyaalad! Wwaa reer hebel iyo reer hebel, qurbaha ama dalalka shisheeye waan la tagnay, anagoo ku qiimeynna qofka soomaaliga ah qabiilkiisa ama beesha uu soomaali ka yahay. Waan isku dilnaa oo dhiig ayaan isaga daadinnaa xilliyada qaar, xitaa kuma xisaabtanno meesha aan markaas ku nool nahay iyo wacyiga ka jira, ee waxaan muhiimadda koobaad siinnaa qabiilka.  Toloow haddaan sidaas si lammid  ah ugu fikiri lahayn qaran inaan dhisanno, oo danta guud aan ka wada shaqaynno maxay qurux ahaan lahayd?.

Qabyaaladdu heerka ay na gaarsiisay  ma jiro dunida aan ku nool nahay cid ka gaartay heerkaas. Waxaan u leeyahay arrinkaas xaqiiqa jirta, oo aniguba aan arkay. Tusaale: dadka u kala dhashay waddammada ku yaal dunida dacalladeeda, soomaali haddaan nahay qabiilladooda ama beelahooda ma garanayno runtii umana maleynayo inuu jiro qof garanaya oo soomaaliyeed hal iyo labo haddii aan ka tago, taas baddalkeeda iyago waa ay na garanayaan oo sida aan iskugu abtirinno haddii aysanba nooga badin ayey noogu abtirshaan, oo waxaa ay kala garanayaan beelaha soomaalida dhammaan. Sabbatu waxaa ay tahay anaga ayaa isbarnay, waxaanna isku barnay qaxooti anagoo ah ayaan nin caddaan ah ama madow ah hadduu na weydiiyo sinjigaaga ama dhalashadaada wuxu ku jawaabayaa qofkii soomaaliga ahaa qabiilkiisa, oo wuxuu yiraahdaa waxaan ahay reer hebel, taasi waa tan kaliya ee aan waxba la qabsan waynnay,

Xumaanta qabyaaladdu leedahay aad ayey u fara badan tahay, muhiimadda qoraalkuse wuxuu yahay in qof kasta ee soomaali ah uu ogaado dhibaatada qabyaaladdu leedahay. Ogsoonoow qabiil soomaali kuma tihid, reer hebel soomaali kuma tihid, waxaad soomaali ku tahay qarannimo iyo adoo doon doona danta guud, diintana ugu dhaqma sida ay tahay, dhaqankaaga suubban aan marnaba  ka tagin, sharaf, cisi iyo karaamo waxaan ku leennahay wadajirka, is weheshiga, is kaashiga iyo is walaashiga. Kala qoqobnaanta, qabyaaladda,  is nacaybka, xaasidnimada  iyo xiqdigu waa lala taggeenna iyo lala fogaashaheenna.

Nasab waxaad ku taahay qarannimada. Ogsoonoo qabiilkaagu dowlad inuusan noqon karin, laakiin, anagoo dhan markii aan isku tagno aan dowlad noqon  karno.

 

Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

 

SHEEKOOYIN